Taliyaasha Booliska iyo Militariga oo ka qayb galay furitaanka tababar ku saabsan Isgaarsiinta

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Axmed Firiin ayaa maanta si wadajir ah u furay tababar ku saabsan Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Tababarkaan oo ay ka qeyb gelayaan Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamadda XDS iyo Booliiska ayaa mudada uu socdo waxaa lagu baran doonaa Isgaarsiinta casriga ah iyo Teknoolojiyadda.

Aqoon kororsigaan maanta ka furmay xeradda ciidamadda ee Xalane waxaa gacan ka geeysanaya xafiiska Qaramadda Midoobey u qaabilsan taageerada Soomaaliya ee UNSOS.

    

Madaxweynaha Jubaland oo bogaadin ugu tagay ciidankii dhowaan Khawaariijta ku laayey Buulo-xaaji

Kismaayo: Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho dhiiri galin ah ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland gaar ahaan guutada Birjeex ee fadhigoodu yahay deegaanka Buuloxaaji, halkaas oo maalinkii isniinta ahayd ee 22-Luulyo-2024 ay ka fuliyeen hawlgal tariikhda galay oo lagu dilay in ka badan 135 Khawaariij ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Ciidamada geesiyada ah guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalkaas isagoo xusay in guushaas ay tahay mid ay ku faanayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in cadowgu uu tabar yaryahay loona baahan yahay in la is raaciyo iyadoo wax badan laga bartay dhagartiisa hada kadibna Soomaali oo dhan ay aragtay in laga adkaan karo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in geesinimada iyo halyeeynimada ay muujiyeen guutada Birjeex ay tahay mid ka farxisay qof walba oo la daala dhacayay dhibaatada Khawaariijtu ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in loo baahan yahay dadaal kii hore ka badan iyo naf hurnimo si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa Khawaariijta.

Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo halyeeyada ku shihiiday dagaalka isagoo Caafimaad taam ah u rajeeyay kuwa dhaawaca ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha ayaa bilad geesinimo gudoonsiiyay Gaashanle Sare Cabdi Kaafi Dayib Axmed Taliyaha guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland Gaashanle Sare Bashiir guhaad Xasan abaanduulaha guutada Birjeex iyo Gaashanle dhexe Axmed Cabdi Shafeec.

Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa mid hal darajo dalacsiiyay dhammaan Ciidamada guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ee dhagta dhiiga u daray Khawaariijta banaysatay dhiiga ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa booqashadan Tariikhiga ah ku wehelinayay Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda iyo Sheekh Cabdiqani Qorane oo Ciidamada ku dhiirigalinayay dagaalka xaqa ah ee ay ku jiraan kuna boorinayay inay Alle ugu dhawaadan sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa khawaariijta hororka ah.

    

Wasiirka xanaanada xoolaha oo Rome kula kulmay madax ka tirsan hay’adda FAO

Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa dowladda FS mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo safar shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa la kulmay madaxa horumarinta xoolaha iyo Wax-soosaarkooda ee hay’adda FAO waxeyna ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa caafimaadka Xoolaha, hagaajinta Calafka iyo cuntadooda.

Sidoo kale waxey ka wada Hadleen labada dhinac hagaajinta caafimaadka mideysan ( One Health) iyo sidii loo dardar-galin lahaa wax ka qabashada waxyeelada Cimilada saameynta ku leh Xoolaha iyo wax soo-saarkooda.

   

Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka oo qaabilay mas’uuliyiinta ururka Baraarugga Bulshada Banaadir

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS Mudane 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiinta Ururka Baraarugga Bulshada Banaadir (BBB) oo u ololeeya xuquuqda muwaadiniinta gobolka.

Mas’uuliyiinta oo Wasiirka uga warbixiyay aragtidooda dib-u-eegista iyo dhamaystirka dastuurka, ayaa ku bogaadiyay dardar-gelinta dadaallada asteynaya Caasimadda iyo xaquuqda dadka ku nool, waxeyna si gaar ah ugu amaaneen qabashada kulan howleedkii maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka ee shalay lasoo gebegebeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 ayaa bogaadiyay shaqada is-xilqaanka ay ku wadaan xubnaha ururka iyo sida ay ugu heellanyihiin in ay qeyb ka noqdaan dhismaha Qaranka.

  

Shir looga hadlayo hergelinta hanaanka diiwaangelinta ganacsiga oo Kismaayo ka furmay

Munaasibad ballaaran oo ku saabsan daahfurka hanaanka diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen wasiirka wasaaradda ganacsiga dowladda FS iyo wasiirada ganacsiga dowlad goboleedyada ayaa lagu shaaciyey in Jubaland ay noqotay dowlad goballeedkii ugu horreeyey ee hirgaliya hanaankan casriga ah ee diiwaangelinta ganacsiga.

Munaasibadda oo uu daahfuray Madaxweyne ku xigeenka labaad dadawd goboleedka Jubaland mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, waxaana daahfurkan oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS uu daba socday fulinta heshiis hore ay si wada jir ah magaalada Dhuusamareeb ugu gaareen dawlad goballeedyada dalka kaas oo dhigayey in dawladda Jubaland ay noqoto maamulka ugu horreeya ee la gaarsiiyo hanaankan.

Munaasibaddan, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan BFS, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawlad goballeedyada dalka, Xildhibbaanada dawladda Jubaland, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer Dawlad goballeed, ganacsatada Jubaland, bulshada rayid ah iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Hanaankan, ayaa wax weyn ka taraya fududeynta ganacsiga dalka, waxaana uu qofka ganacsadaha ah u fududeynayaa in isaga oo xafiiskiisa jooga uu si onlayn ah ku diiwaangashan karo ganacsigiisa. Sidoo kale, hanaankan oo markii hore ku koobnaa heer Federaal, ayaa wuxu Jubaland siin doonaa fursad kale oo iyagu na ay ka qaataan doorkooda diiwaangelinta ganacsiyada.

                

Safiirka Soomaaliya u jooga Turkiga oo booqday Jaamacadda Cilmiga Badaha Turkiga ee Çanakkale 18 Mart

Ankara- Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Turkiga Danjire Fatxudiin Cali Maxamed ayaa booqasho ku tagay Jaamacada Çanakkale 18 Mart, qaybta cilmiga badaha iyo kalluumaysiga ee dalka Turkiga.

Sidoo kale wuxuu Danjiraha booqday Warshadda ugu weyn ee qasacadeysa ee dalka Turkiga laguna magacaabo Dardanel.

Booqashadaan ayaa qayb ka ah dardar gelinta mashaariicda la xiriira kalluumaysiga ee dhawaan la damacsan yahay in ay Soomaaliya iyo Türkiye iska kaalmaystaan.

Ciidanka Xoogga dalka oo xubno ka tirsanaa Khawaarijta ku laayay Bakool

Xuddur- Ciidanka Xoogga dalka ayaa Sagaal ka tirsan khawaarijta ku dilay degaanka Abag-Beeddey oo 20 km dhanka Bari kaga beegan magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Sarkaal ka tirsan qaybta Lixdanaad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo faah-faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in khawaarijta halkaasi looga furtay 3 Qori oo Ak47 ah iyo hal BKM.

Khawaarijta ayaa muddooyinkan dambe wajahaya jab xooggan oo kaga imaanaya Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Daraawiishta dowlad goboleedyada iyo Shacabka.

Dhawaan ayay ahayd markii howlgal ka dhacay Jubbada hoose khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir ku saabsan sare u qaadidda Dakhliga Dowladda hoose

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo loogu hadlay sare u qaadidda Dakhliga Dowladda hoose iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa waaxyaha Dakhliga, Maamulada Degmooyinka iyo Hey’addaha Amniga.

Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha Amniga iyo Agaasimayaasha Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sidoo kale loogu hadlay sare u qaadida adeegyada aas-aasiga ah si bulshada dib loogu celiyo canshuurta.

Golaha Shacabka BJFS oo maanta Muqdisho ku yeelanaya kulan aan caadi aheyn

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulan aan caadi ahayn, kulankaas oo uu ka qayb geli doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, Joseph Ntakirutimana.

Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka maanta uu ku saabsan yahay sidii loo dardar gelin lahaa tallaabooyinka loo marayo matalaadda ay Soomaaliya ku yeelan doonto Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo ay dhowaan ku biirtay.

Xoghayaha ayaa sheegay in soo xulista 9-ka xubnood loo mari doono habraac gaar ah, kuwaas oo ka iman doonaan bulshada lana marsiin doono shuruucda u degsan Ururka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, Joseph Ntakirutimana ayaa shalay kulan la qaatay Aqalka saree e Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo sheegtay in ay korortay tirada dhimashada khawaarijta lagu laayay Jubbaland

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Labo X/le Sheekh Abuukar Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay sii korortay tirada dhimashada iyo maxaabiista laga qabtay Khawaarijta soo weerartay fariisimaha Ciidanka Qaranka ee deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada hoose.

“Marka la isku dara dhaawaca iyo dhimashada waxay hadda kor u dhaaftay 200 oo dhagarqabe oo katirsan khawaarijta, halkaas waxaa lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxaana loo dhigay cashar lama ilaawaan ah, taasna waxay ku tuseeysaa sida ciidanka Qaranka diyaar ugu yihiin difaaca dalka” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga  Labo X/le Sheekh Abuukar.

Labo X/le Sheekh Abuukar ayaa dhanka kale sheegay in Ciidanka Xogga iyo kuwa Jubbaland ay ku guuleysteen furista waddada xiriirisa Kismaayo iyo Afmadow oo muhiim u ah isku socodka iyo dhaqaalaha dadka ku dhaqan halkaas.

Howgalkan oo dhacay July 22, 2024 ee lagu khaarajiyay horjoogeyaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta wuxuu tusaale u ahaa sida Ciidanka Xogga dalka ugu diyaarsanyihiin ka jawaabista weerarrada fuleynimo ee khawaarijta ku soo qaadaan xarunaha Ciidanka.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta naf la caariga ah ee duullaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.