Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Buula -Mareer ee gobolka Shabeellada hoose.

Horjooge Cabdi Maxamed Caraaye oo Magaciisa Afgarashada Khawaarijta uu yahay (C/rashiid) ayaa ka mid ahaa dhagar qabayaasha ugu halista badan ee ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose.

Horjoogahan oo muddo 14 sano ah ka mid ahaa khawaarijta ayaa kooxda u qaabbilsanaa dhaca Shacabka ku nool Gobolka Shabeellada hoose, isagoo ugu dambeyn fahmay in la-joogo gunaanadka Khawaarijta.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi kaga qayb galay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka daah-furay shir maqaamkiisu sarreeyo oo lugu falanqeynayay dhammeeystirka iyo fulinta geeddi socodka hindisaha sidii bulshada looga haqabtiri lahaa digniinaha halis-wadareedka (EW4ALL) kana kooban afar tiir oo muhiim ah.

Ajandaha shirka labada maalmood ah lugu falanqeyay ayaa ah, sidii loo dhammeeystiri lahaa loona buuxin lahaa gaabiska iyo dul-duleellada ka jira nidaamka qaran ee bixiya digniinaha halis-wadareedka (NMHEWC) si loo gaaro yoolka la dajiyay ee badbaadinta nolosha iyadoo loo marayo nidaamka digniinta ugu horrayso ee khatarta badan leh ee Soomaaliya kaas oo ay hay’adda SoDMA dowladda mas’uul uga tahay taaba-gelinta geedi-socodka iyo dhameeystirka hindisahan (EW4ALL).

Shirkan wadatashiga ah waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda UNDRR, sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeyb galay hay’addaha kala ah UNDP, UNDRR, FAO, WMO,UNFPA, UNHCR, World bank, CIMA Research Foundation iyo saraakiil ka kala socday Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Nidaamkan digniinta hore ee khatarta ee Soomaaliya ayaa u horseedaya dalka dariiq hore loogu soconayo oo lagu gaari doono nidaam bixiya digniinta halis-wadareedka oo wax ku ool ah iyada oo loo marayo hoggaanka SoDMA taas oo looga gol-leeyahay in khatarta halista la saadaaliyay ee soo socota digniinteeda looga haqab-tiri lahaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Dastuurka oo soo xiray kulan ku saabsanaa maqaamka Caasimadda

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa soo xiray Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, oo shalay iyo maanta Muqdisho ka socday.

Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, ayaa labadii maalin ee uu socday waxaa looga dooday xulashooyinka miiska saaran ee maqaamka caasimaddu yeelaneyso oo kala ah: A) gobal Caasimad ah oo hoosyimaada dowladda Federaalka ah, B) Caasimad dowlad gobaleed ah iyo C) Caasimad ku dhex taal dowad gobaleed, waxaana ka qeyb galayaashu ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo qeyb ka noqda talooyinka bulshada laga aruurinayo.

Wasiiru-dowladda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dowladda FS, Marwo Muumino Sheekh Cumar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha joogta ah ee wasaaradda, Feysal Aadan Xasan ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda xiritaanka kulan howleedka Maqaamka Caasimadda Muqdisho ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka.

Duqa Muqdisho oo kalimad ka jeediyay xiritaanka kulan howleedka ayaa wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowmadda FS ku boogaadiyay dadaalka uu ugu jiro iyo qabsoomidda kulan howleedkaan diirada lagu saarayay hanaanka Maqaamka Caasimadda, waxuuna adkeeyay baahida shacabka Caasimadda iyo gobolka Banaadir ay u qabaan dhameystirka Dastuurka, maqaamka caasimadda iyo metelaad siyaasi ah.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka mudane Xasan Macalin oo sheegay in xukuumadda Dan-qaran iyo Madaxda ugu sareysa dalka ay ka go’an tahay dhameystiri lahaa Dastuurka, oo ay qeyb ka tahay asteynta maqaamka caasimadda, ayaa yiri, “Waxaa jira ka go’naasho siyaasadeed, waxaana xukuumadda iyo guud ahaan madaxda sare ee dalka ka go’an in Dastuurka la dhammeystiro, dastuurkuna ma dhammeystirmayo iyadoo maqaamkii Muqdisho iyo metelaadiisa aan meel la saarin, maadaama Caasimadda, Maqaamkeeda iyo meesha la dhigi doono ay kamid tahay arrimaha masiiriga ah ee la doonayo in go’aan laga gaaro”.

Kulan howleedka ayaa qeyb ah kulamada joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurku ay bulshada kala yeelaneyso cutubyada dasuurka ee dib-u-eegistu ku socoto, waxaana jiri doono kulamo kale oo muhiim u ah geeddi socodka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

        

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga oo Kismaayo gaaray

Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda  ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji Cabdi, oo iskugu jira Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug iyo SSC Khaatumo oo ay sidoo kale la socdeen guddoomiyeyaasha Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dawlad goballeed, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda dawladda Jubaland halkaas oo lagu daahfuri doono dawlad goballeedkii ugu horreeyey ee Wasaaraddu gaarsiiso hanaanka diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo noqday dawladda Jubaland.

Weftiga oo si heer sarre ah looggu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo, ayaa waxa halkaas ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Jubaland, Xildhibaanada iyo Ganacsatada Jubaland, waxaana sidoo kale weftiga qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Mohamed Saney Dalmar, iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug, SSC Khaatumo, iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka.

Hirgelinta hanaanka casriga ah ee diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo soo maray marxalado kala duwan, ayaa hada maraya heer gebo-gabo ah, waxaana daahfurka barnaamijkan uu daba socdaa iyada oo la fulinayo heshiiskii Dhuusamareeb 11-15kii Maarj, 2023 ay ku soo galeen Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha heer Federaal iyo heer Dawlad goballeedda oo ujeedkiisu ahaa in dawladda Jubaland ay noqoto dawladd goballeedka ugu horreysa ee la gaarsiiyo hanaankan casriga ah.

Hanaankan casriga ah, ayaa ganacsatada u suurtogelinaya inay Shirkadahooda Ganacsi ku diiwaangashan karaan hab casri ah oo onlayn ah iyaga oo jooga xafiisyaddooda taas oo kor u qaaday horumarkii iyo fududeyntii ganacsiga wadanka, dakhli abuurka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka.

             

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sare oo guddoomiyey kulan uu ka qayb galay gudoomiyaha Baarlamanka EAC

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah oo uu marti ku ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ururka Bulshada Bariga Afrika muudane Jodeph Ntakirutimana iyo xubno kale oo la socday.

Ugu horayn guddoomiye Timacadde oo fadhiga golaha ku soo dhoweeyay mudane Jodeph Ntakirutimana iyo xubnaha kale ee la socday, ayaa sheegay baahida ay Jamhuuriyadda Soomaaliya u qabtay ku biirista ururka Bulshada Bariga Afrika wuxuuna faahfaahiyay noocyada khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena iyo sida ay Soomaaliya horumarka Bulshada bariga Afrika gacan uga gaysan karto, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya xiriir shaqo oo mira-dhal ah la yeelan doono golaha sharci dejinta Bariga Afrika.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Jodeph Ntakirutimana oo dhankiisa jeediyay Khubad dheer ayaa faah faahiyay ujeedada safarkiisa, qaab dhismeedka uu u dhisan yahay Baarlamaanka ururka Bulshada Bariga Afrika, hawlaha uu Baarlamaanku u xilsaaran yahay iyo in safarkiisa Soomaaliya uu ku doonayo xubnaha Soomaaliya uga midka noqon lahaa Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo gaaraya Sagaal Mudane oo ka kooban labada gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Ugu danbayn guddoomiye Timacadde oo kulanka gaarka ah soo xiray ayaa sheegay in ay dadajin doonaan soo magacaabista xubnaha Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, wuxuuna guddoomiye Timacadde guddoonsiiyay guddoomiyaha Baarlamaanka ururka Bulshada Bariga Afrika iyo xubnaha kale ee la socday billad sharaf iyo hadiyado kala oo ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda FS oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro ku xirnayd Liibiya

Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta ee JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay 7 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo saaray Xabsiyada dalka Liibiya.

Dhallinyarada oo muddo badan Magafe ku heystay Liibaya ayaa soo celintooda waxaa iska kaashaday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS, Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibaya, iyo Hay’adda IOM.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo maanta codeeyay doorashada golaha deegaanka ee degmada Garoowe

Garoowe- Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta codkiisa dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Garoowe, isagoo ka codeeyay goobta codbixinta ee Iskuulka Ilays.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in ay maanta ay tahay maalin taariikhi u ah Bulshada Garoowe oo markii u horeysay qof iyo cod ku dooranaya Golaha Deegaanka, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la wadaagay dareenkiisa bulshada in uu ku faraxsanyhay in uu codkiisa dhiibtay maanta.

Doorashada Goleyaasha deegaanka ayaa maanta ka socota degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan oo ay kumanaan Dadweyne ah safaf dhaadheer saaka u istaageen in ay codeeyaan.

Kulan looga hadlayay maqaamka Caasimadda iyo dhammaystirka Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda cadaaladda iyo Arrimaha dastuurka ee XFS, kaas oo muddo laba cisho ah ka socday Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Wasaaradda iyo madaxda ugu sarreysa dalka ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Dastuurka uusan dhameystirmeynin illaa meel la saaro Maqaamka Caasimadda iyo Matalaadda gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shirka qayb ka ahaa ayaa boogaadiyay kulan howleedkaan diiradda lagu saarayay hannaanka Maqaamka Caasimadda, asigoo xusay in shacabka Caasimadda iyo kuwa gobolka Banaadir ay baahi weyn u qabaan dhameystirka Dastuurka iyo in ay helaan Matalaaddooda.

Madashan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, La-taliyeyaal ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda iyo Maamulka gobolka Banaadir, Ururka Haweenka, Madaxda Bulshada Rayidka iyo mas’uuliyiin kale.

Bashiir Maxamed Jaamac oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Gen. Bashiir Maxamed Jaamac Keenadiid ayaa maanta loo doortay mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Janaraal Keenadiid ayaa kusoo baxay Kursiga #HOP 18 oo doorashadiisu ay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb kaas oo horay u bannaanaa.

Dowladda FS oo heshiis hor dhac ah kala dhex dhigtay beelihii ku dagaallamay degmada Luuq

Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Uurdoox oo ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in heshiis hor dhac ah ay dhex dhigeen beelo walaalo ah oo uu dagaal dhexmaray.

Xildhibaanka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa tagay goobihii dagaalladu ay  ka dhaceen, iyagoo ku guulaystay in ay nabad dhex dhigaan labada dhinac.

Shirweyne xal looga gaarayo colaadda ayuu sheegay in si-deg deg ah loo qaban doono, kaasoo qeyb ay ka yihiin dhamaan Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.