Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay shacabka degmada Al-kowsar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in ay mashaariic kala duwan ka hirgelinayaan degmada Al-Koowsar ee gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan uu xalay la qaatay dad weynaha degmada Al-koowsar ayaa shacabka ku ammaanay kaalinta weyn ee ay ka qaateen halganka lagu cirib tirayo khawaarijta, wuxuuna xusay in mashaariicda halkaasi laga fulinayo ay diyaar yihiin.

“Dadka degmadan iyaga ayaa muddo difaac u ahaa amniga degmada oo aan caawa ku kala warqaadaneyno, waxaa miiska idiin saaran caawa Leyrarka cadceedda ku shaqeeya iyo Dugsi hoose dhexe.”

Ujeeddada kulankan madaxda dowlad goboleedka u sarreysa iyo dadweynaha ayaa ah sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada ee laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha weli ka jira deegaanada ku xeeran Al-Koowsar.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayo kalsooni dhiska shacabka iyo hay’addaha dowladda.

Waxa kale oo laysla soo qaaday siyaasadda iyo istaraatiijiyadda ay dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada, xoojinta iyo horumarinta arrimaha caafimaadka, waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Shacabka Soomaaliyeed oo bogaadiyey xasuuqii khawaarijta loogu geystay Jubbada hoose

Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey xasuuqii khawaarijta shalay loogu geystay deegaannada kala ah Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada hoose.

Axmed Macallin Caydiid oo kamid ah dadka ku Dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay xasuuqa khawaarijta iyo sida looga hortagay qorshahe bogaadin xoogan mudan, meesha ka saareyso weerarada fuleynimo ee khawaarijta isticmaalaan kuna soo qaadaan fariisimaha  Ciidanka Xogga iyo kuwa deegaanka.

Dhankiisa Cali Axmed Faarax oo ku nool magaalada Baladweyne ayaa isna sheegay in uu xalay ay ula mid aheyd markii xorriyadda laga qaatay gumeystayaashii 1960-ka, waxaana ku seexday farxad, anigoo marba eegaya muuqaallada laga soo duubay xasuuqa khawaarijta.

Xabiibo Cali Maxamed oo ku dhaqan dallka Mareykanka oo la hadashay SONNA ayaa ku sheegtay xasuuqa khawaarijta mid bogaadin xoogan mudan, iyadoo geesiyaasha Xoogga kula talisay hanaankii loo maareeyay weerarkii khawaarijta looga faa’ideysto meel kasta oo Ciidanka Qaranka joogaan, si meesha looga saaro weerrada fuleynimo ee khawaarijta.

In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland shalay ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada hoose.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey ciidankii maanta jabka gaarsiiyey Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida nafhornimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen argagixisada soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboolle, isagoo tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland ugu hambalyeeyey guushan taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa argagixisada.

“Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyey deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujinaysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in wadashaqeynta ciidamada iyo bulshada ay aasaas u tahay xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhagarta argagixisada, sidaas awgeed waxa uu adkeeyey in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

Wasiirka xanaannada xoolaha oo shir caalami ah uga qayb galay dalkaTalyaaniga

Roma: Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka 27-aad ee guddiga Keymaha iyo asbuuca Keymaha adduunka oo lagu qabtay magaalada Rom ee dalka Talyaaniga.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiinta shirka lagu casuumay sanadkan ayaa khudbad uu jeediyay, waxaa uu kaga hadlay xaaladda keymaha Soomaaliya iyo sidii wax looga qaba laha caqabadaha heysta.

Shirka 27-aad ee guddiga keymaha oo lagu qabtay xarunta Hey’adda FAO, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Dhirta iyo Keymaha u qaabilsan qaar ka mid ah wadamada adduunka, iyo ururro caalami ah.

   

Wasiirka Cadaaladda oo daah furay kulan looga hadlayo maqaamka caasimadda

Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa si qota dheer looga hadlayaa maqaamka caasimadda iyo xulashooyinka caasimadeed ee miiska saaran ee loo kala doorayo si loogu xulo nuuca ugu haboon,ka qeyb galayaasha ayaa doodo ka yeelanaya dhammaan noocyada xulasho, si ay isugu raacaan hal xulasho oo ay uga taliyaan inuu noqdo maqaamka caasimadda.

Furitaanka kulanka waxaa ka qeyb galay wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Marwo Muumino Sheekh Cumar, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Feysal Aadan Xasan, guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dastuurka, Dr, Xuseen Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha bulshada rayidka ah, Cusmaan Muxidiin Macallim (Shaatax), iyo mas’uuliyiin kale.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay dadaalka ay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ay hormuudka u tahay ee lagu karaarinayo in dastuurka dalka lagu cadeeyo maqaamka caasimadda Muqdisho oo arrintiisu xilli dheer soo taagneyd.

 

 

      

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BJF oo soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka dalka ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka  Bulshada Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Habdhowraha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa xubnaha wafdiga ee ka socday baarlamaanka urur goboleedka bulshada bariga Afrika kusoo dhoweysay Magaaladda Muqdisho.

Intaasi ka dib guddoomiyaha baarlamaanka ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa,mudada uu joogana uu kulamo la qaadan doono guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanadda labada Aqal.

Guddoomiye kuxigeeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay dalka ayaa sheegay in ay casuumad rasmi ah ka heleen guddoonka baarlamaanka dalka.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa sheegey in baarlamaanka Soomaaliya uu ku guda jiro xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Bulshada Bariga  Joseph NTAKIRUTIMANA waxaa safarkiisa ku wehliya Xildhibaan Iman Falhada Dekow,John N. Mutega oo ah habdhowre kuxigeenka Baarlamaanka bulshada Bariga Afrika iyo Nicodemus Ajak oo ka tirsan qeybta xiriirka dadweynana.

 

    

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar ka daah-furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 250 qofood.

Halkudhigga Shirweynahan ee sanadkaan ayaa ah “Jihaynta awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo halkasi ka hadlay ayaa sheegay horumarka dalka, iyo midnimada Qurba-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin dowladnimada Soomaaliya.

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa xooga lagu saarayaa kaalinta muhiimka ah Qurba-joogta iyo jiheynta awoodooda maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarka dalka.

 

      

Ciidanka Qalabka sida oo jab xooggan khawaarijta ugu geystay jubbada Hoose

In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ah ay weerar nafla caari ah ku soo qaadeen fariisimo geesiyaasha Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaan, laakiin ciidanka oo u diyaarsanaa dhagarta cadowga ayaa ku guulaystay inay cagta mariyaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Ciidamadda ayaa hawlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen cadowga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Jubbaland ayaa hadda ku jira uruurinta meydadka cadowga ee daadsan goobaha lagu dagaalamay, iyadoo dhanka kale wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.

 

 

Wasiir Cali Balcad :Shirweynahan waxaa looga hadlayaa sidii loo mideyn lahaa awooda Qurbajoogta Soomaaliyeed

Doha:-Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Cali Balcad ayaa faah faahin ka bixiyay shirka Qurba-jooga Soomaaliyeed oo maanta Doha uu ka furay Ra’iisula wasaaraha XFS.

Wasiir Cali Balcada ayaa sheegay in shirka oo socon doono mudda seddax cisha ah looga hadli doono sidii loo mideen lahaa Qurba-joogta leyskuna xiri lahaa iyaga iyo dowladda.

Wasiir Cali Balcad “ Shirweynahan waxaa looga hadlayaa sidii loo mideyn lahaa awooda Qurbajoogta Soomaaliyeed”.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo oo kaashaneysa dhigeeda Qatar inta u socda lagu soo bandhigi doono barnaamijya kala duwan oo ka hadlaya caqabadaha heysta Qurba-joogta iyo sidii looga gudbi lahaa,ka faa’ideysaga hormarada kala duwan ee dalka ka socda.

Waxaa shirka ka qeyb galayo wasiirka Arrimaha dibadda, wasiirka Waxbarashada iyo Qurba joog ka kala timid meela kala duwan oo caalamka ah

Khawaarijta oo lagu xasuuqay Jubbada Hoose Hub badanna looga furtay

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa saakay afka ciida u daray khawaarijtii soo weerartay deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubada hoose, iyadoo halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in khawaarijtii soo weerartay deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee Jubbaland lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

“Khawaarijtii saaka soo weerartay goobihii laga xoreeyay ee Jubbada Hoose waxeey la kulantay guul-darro aad u waawayn, Ciidanka Qaranka ee Xoogga iyo Jubbaland waa mahadsanyihiin, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Meydadka khawaarijta oo tiro beel ah aya daadsan dhulka, waxaana halkaas loogu furtay hub fara badan, sida ka muuqato muuqaallada iyo sawirrada hordhaca ah ee laga soo qaaday halkaas ayaa muujinaya Meydad daadsan halkaas oo aan xisaab lahayn, sidoo kale hub farabadan ayaa iyana qeyb ah.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhawaan deegaanno farabadan khawaarijta kaga saaray halkaas, iyadoo dhawaan la furay wadada isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.