Ciidanka Xoogga oo fashilay weerar ay khawaarijtu Ku dooneysay in ay ku qaadaan deegaan hoostaga Afmadoow

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka fashiliyay weerar fuleynimo ah oo ay Khawaarijtu ku dooneysay in ay ku qaadaan deegaanka Harboole ee degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose. Khawaarijta ayaa halkaas lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh welina geesiyaasha Qaranka ay sii baacsanaya firxadka howdka ku cararay.

Deegaanka Harboole oo ah meesha uu weerarka ka dhacay ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo maalmo kahor laga fara maroojiyay khawaarijta

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Degmada Cali-Gaduud

Hirshabeelle:- Maamulka, dhaqanka, wax-garadka, haweenka, kooxaha hiddaha iyo dhaqanka, iyo bulshada degmada Cali Gaduud ayaa galabta si wadajir ah u soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Arrintan ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku dardargelinayay Madaxweynaha Hirshabeelle mashaariicda sii dhammaaneyso iyo kuwa cusub ee laga wado degmooyinka qaar.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale kulan bulsho la qaatay shacabka degmada Cali Gaduud.

“Waan ka mahadcelinayaa soo dhaweynta aan lagu kala maqneyn. Farxad weyn ayay ii tahay xorreyntii kaddib inaan imaado Cali Gaduud oo degmo ah.”

Degmada Cali Gaduud ayaa ka mid ah degmooyinka awoodda looga saaray Khawaarijta haddana waxa ay cagta saartay waddada horumarka.

 

     

Wasiirka shaqada XFS oo kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socotay hey’adda UNICEF

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimana Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshey Mas’uuliyiin sare oo ka socday xafiiska UNICEF Soomaaliya oo ay hoggaaminaysay wakiilka hey’ada, Marwo Wafaa saeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Hey’ada UNICEF iyo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee ilaalinta bulshada, iyo sida ugu wanaagsan loo gaarsin karo taageerada dadka aadka u nugul.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa ka go’an dardargelinta iyo horumarinta adeegga bulshada iyo sidii wax looga qaban lahaa bulshada qeybaheeda kale duwan gaar ahaan dadka nugul.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda waxaa kasoo qeybagley Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yussuf Wadani iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha wasaaradda.

     

Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dalka Qatar kaga qeybgali doona shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uuna hal kaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sido kale kulamo muhiim ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan hoggaanka dalka Qadar.

Wasiirka Cadaaladda oo furay shirka wadatashiga Qorshaha Istiraatiijiyadda Asluubta Soomaaliyeed

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay shirka Wadatashiga Qorshaha Istiraatijiyadda Asluubta Soomaaliyeed.

Shirkaan waxa ka soo qeybgalay Xeerilaaliyaha Guud ee qaranka iyo safiirka dowladda Mareykanka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Cadaaladda, sakaariil ka tirsan Garsoorka, Xafiiska Raysalwasaaraha, Wasaaradda Amniga iyo xubno bulshada rayidka ah.

Wasiir Xasan Macallin ayaa ka dhawaajiyay in nidaamka asluubta dalka uu wajahaayo culeys badan oo ay ugu horreyso xabsiyada oo tiro yar, ciriirina ah. Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in aan muddo dheer awoodda la saarin horumarinta Asluubta sidaas darteed ajandahiisa koobaad uu yahay horumarinta iyo tayenta Asluubta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal weyn ugu jirta horumarinta guud ahaan caddaaladda, gaar ahaanna xabsiyadda dalkeena.

Duqa Muqdisho oo kormeeray Xarunta Ololaha “Hooyo u Hiili Qarankaaga”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray Ololaha “Hooyo u Hiili Qarankaaga” kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Haweenka Soomaaliyeed si ay u garab istaagaan Ciidanka Xoogga dalka ee ku jira howlgallada dalka lagaga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka haweenka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadanayaan halganka dalka looga xoreynayo Kooxaha Khawarijta ah, islamarkaana ay isku xilqaameen sidii cunnooyinka qalalan loo gaarsiin lahaa geesiyaasha dalka, waxa uuna balan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono taageeridda iyo garab istaagga Ciidamada Qaranka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan hoostaga Buurhakaba

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku fuliyeen deegaanka Jameecada ee gobolka Bay ka saaray halkaasi.

Howlgalkan qorsheysan ee khawaarijta ka dhanka ah ee ka dhacay deegaanka Jameecada oo 25 KM u jira degmada Buurhakaba ayaa waxaa hadda ku sugan Xoogga Dalka, waxaana meesha isaga cararay khawaarijta baxsadka ka ah Cadaaladda kana been-shaagay Diinta Islaamka.

Xoogga dalka ayaa howlgallo qorshahan iyo mid toos ah kawada guud ahaan deegaannada ay khawaarijta kaga suganyihiin dalka, waxaana laga khaarajiyay khawaarijta horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, iyadoo kuwa badanna ay isku soo dhiibeen laamaha amniga si loo horgeeyo Cadaaladda.

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan Raashin dhacay oo 7-bishii Maarso ee sanadkaan lagu qabtay dekadda magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo suuq geeyo suuqyada dalka.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay in uu yahay mid dhacay, kaas oo gaarayay 7 kunteenar, iyadoo la wadaagtay hay’adaha baarista dalka.

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa hay’adda taya-dhoorka kala wareegay Kiiskaan, isagoo tan iyo bishii 3-aad baaritaan ku hayay, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay inuu yahay burka mid dhacay, taas oo keentay in maanta oo Axad ah dalkii laga keenay dib loogu celiyo.

Xeer ilaaliye Mustaf oo dekedda Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga magdhawna laga qaaday shirkadii laheyd raashiinka dhacay.

“Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay, todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaaliyay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in warbixin baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.

“Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, oo lala wadaagaayo safaaradda Turkiga”.

Dhanka kale hay’adda Taya-dhowrka ayaa digniin culus u diray shirkadaha iyo ganacsatada soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono cid kasata oo rashiin dhacay dalka soo galiso.

 

Israel oo duqeysay Gaza, Yemen iyo Lubnaan

Israel ayaa dishay 12 qof, kadib markii ay  saddex weerar oo kala duwan ku qaadey  xerada qaxootiga ee Nuseirat, sida ay sheegeen shaqaalaha difaaca madaniga ah.

Sidoo kale Israel ayaa Dalka Yemen ku dishay ugu yaraan saddex qof, 87 kalena ku  dhaawacday weerar xagga cirka oo lala beegsaday xarunta kaydka saliidda iyo warshadda korontada ee magaalada dekedda ah ee Xudeyda.

Weeraro Israel qaaday ayaa sidoo kale waxay ka dhaceen koonfurta Lubnaan kuwaasoo sababay dhaawacyo sida ay sheeheen saraakiil la hadlay wakaaladaha wararka.

Weerarada Israel ee Yemen iyo Lubnaan ayaa imaanaya xilli maalmihii tagay gudaha Israel  lala beegsaday duqeymo ay fuliyeen diyaradaha aan duuliyaha laheyn.

Sidoo kale Weerarada Israa’iil ayaa ku soo beegmay iyadoo caalamku ay ku baaqeen in la soo afjaro qabsashada Israa’iil ee dhulka falastiiniyiinta, ka dib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan dadweyne Su’aalo lagu weydiiyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa  fursad u siiyay dadweynaha degmada Cadalle inay weydiiyaan su’aallo toos ah.

Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaanada Degmada Cadalle, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayo kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha Dowladda Hirshabeelle.

Waxa kale oo la isla soo qaadey siyaasadda iyo istaraatiijiyadda dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka dalkeena iyo waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Kasoo qayb-galayaasha Kulnaka Dowladda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo talooyin la wadaagay Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Naamulka Gobolka Shabeellada Dhexe.
“Tani waa isla xisaabtan dhab ah oo Dowladda iyo shacabka ah, mana jirto cid aniga iyo bulshada inoo dhaxeyso.”

Degmada Cadalle waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu khadiimisan Gobalka Shabeellada Dhexe.