Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga dooday xeerka shaqada

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ahaa kalfadhiga shanaad kulankiisa shanaad waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 145-Xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya oo uu soo diyaariyay Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana xildhibaanadda ay qodob qodob uga doodeen hindise sharciyeedkan.

Dhinaca kale waxaa jiray xildhibaano ka tirsan golaha oo guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan Hubka sharci darada ah, dagaalada sokeeye iyo dhowrista xasaanada xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18-xildhibaan, waxaana soo jeedintan Golaha ka akhriyay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid.

Intaasi ka dib, xildhibaanadda Golaha oo cod u qaaday soo jeedintan ay qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha saxiixeen ayaa ogolaaday in ajendaha kulanka maanta lagu daro dooda la xiriirta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya markii ay soo gaba gabowday ka dib ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray waxa uu sheegay in hindise sharciyeedka xeerka shaqada ee maanta xildhibaanada ka doodeen dib loogu celinayo Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha, si uu ugu soo daro dooda iyo fikradaha xildhibaanada islamarkaana uu usoo diyaariyo akhrinta sedaxaad dibna Golaha ugu soo celiyo.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

              

Ra”iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay Geerida Sh Cismaan Xiddig

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, ardeydii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee, Caalimkii weynaa Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daauud (Cismaan Xiddig) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Shiikh Cismaan Xiddig inuu ahaa caalim wayn oo soo saaray mashaa’iikh badan oo dadka Soomaaliyeed wax taray, wakhtigiisana u huray sidii kor loogu qaadi lahaa barashada Diinteenna Suubban.

Mudane Xamsa ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyska, ardayda uu diinta bari jiray iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan naga wada siiyo.

 

Biden oo ku adkeystay inuu ku sii jiro tartanka doorashada madaxtinimo

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday inuu ku sii jirayo tartanka madaxtinimada isla markaana uu ka adkaan doono ninka ka soo horjeeda inkasta oo ay sii kordhayaan baaqyada ka imanaya xubnaha Dimuqraadiga oo codsanaya inuu  tanaasulo Biden.

12 ka mid ah siyaasiyiinta Dimuqraadiga oo ay ku jiraan laba senatar iyo koox xubno ka ah Congress-ka ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu ka haro tartaka maadaama uu xilligaan go’doon ku yahay gurigiisa xeebta ku yaal ee Delaware tan iyo markii laga helay cudurka ‘Covid-19’.

“Si wada jir ah xisbi ahaan iyo dal ahaan waan guuleysan karnaa, waanna ku adkaan doonaa sanduuqa codbixinta” ayuu yidhi Biden.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa sheegay in uu todobaadka soo socda  ku laabanaayo ololaha tartanka doorashada ,kadib kolkii maalinimadii shalay la soo gabagabeeyay Shirweynihii Qaran ee xisbiga Jamhuuriga.

Ragga sida weyn uga soo horjeeda Biden waxaa kamid ah Senetarka laga soo doorto Ohio Sherrod Brown iyo Senetarka laga soo doorto New Mexico Martin Heinrich .kuwaas oo la tilmaamay in ay u ololeynayaan in madaxweynugu uu ka haro tartanka doorashada.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka tacsiyadeeyay Geerida Sheekh Cismaan Xiddig

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig) oo Magaaladda Muqdisho ku geeriyooday.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa,qaraabadiisa,eheladiisa xertiisa iyo culimada Soomaaliyeed kaga tacsiyadeeyay geeridda ku timid illaahey ha u naxriistee caalimkeennii weynaa, Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig).

Allaha ha u naxriistee Sheekh Cismaan Xidig ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waa weyn waxa uuna intii uu noolaa wakhtigiisa ugu badan geliyay fidinta cilmiga iyo faafinta diinta islaamka ,waxaana uu aqoon durugsan u lahaa tafsiirka Qu’aanka, cilmiga xadiiska, iyo fahamka fiqiga, isaga oo allifay kutubo marjic u ah culimada iyo ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha SODMA iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo safar ugu baxay Xuddur

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Goordhaw u ambabaxay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Ujeedka wafdigaan ayaa ku saabsan u kuur-galida xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta gobolka iyo booqashada Xerooyinka barakacyaasha, iyagoo halkaas gargaar ugu qeybin doona qoysaska barakacyaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool duleedka magaalada Xuddur.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH CUSMAAN XIDDIG

Muqdisho, Luuliyo 20, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

DHAMMAAD

Soomaaliya oo Ka qayb gashay shirweynaha 6-aad golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana kaga qayb galay shirweynaha 6-aad ee bartamaha sanadka ee isu duwidda hawlaha qorshaysan ee hor-yaalla guddiyada kala duwan ee AU iyo sidoo kale Kalfadhiga 45-aad ee guddiga fulinta ururka Midowga Afrika, kaas oo socon doona ilaa 21 July ee sanadkan.

Shirarkan ayaa looga arrinsanayaa arimmo ay kamid yihiin Nidaaminta Musharixiinta Afrikaanka ah ee Ururada Caalamka, Horumarinta Dhaqaalaha Afrika, meel-marinta miisaaniyadda Midowga Afrika ee 2025, Xaaladaha Nabad-gelyada iyo waxbarashada ee qaaradda, Ka Qayb-galka Midowga Afrika ee G20, Arrimaha Bini’aadan-nimada Afrika” iyo arrimo kale oo muhiim ah oo loogu tala galay horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo daryeelka dalalka iyo dadweynaha Afrika.

Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar Balcad ayaa si gaar ah u shir guddoomiyay kulanka guddiga nidaaminta musharixiinta Afrikaanka ah ee loolanka ugu jira kuraasta kala geddisan ee ka bannaan ururada caalamka sida AU, UN iyo kuwo kale, iyadoo ay guddigu go’aanno rasmi ah ka gaari doonaan arrimahan.

“Guddigu waxay soo gudbiyeen warbixinno la xiriira dariiqa loo marayo iyo qorshaha loo diyaariyay hanaanka nidaaminta musharixiinta Afrikaanka ah ee ururada caalamka, iyadoo gunaanadka kulankan guddiga lagu shaacin doono go’aano dhaxal gal ah” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa ku wehliya Shirarka ka socda magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana danjiraha JFS ee Midowga Afrika Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo mas’uuliyiin kamid ah golayaasha DFS.

W/D:- Zakariye Khalif Farah, Uqaybsanaha wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Safaaradda JFS ee Ethiopia – Addis Ababa.

Dagaal Khawaarijta looga dilay 15-xubnood oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Beled weyn: Ciidanka Xooga Dalka gaar ahaan Ururka 39aad guutada 5aad qeybta 27aad iyo ururka 10aad ee Gorgor iyo dadka degaanka ayaa cadawga Khawaarijta Al-Shabaab kula dagalamay howdka degaano hoosyimaada Murcudka ee gobolka Hiiraan

Ciidanka oo guulo waaweyn ka gaaray cadwga ayaa ka dilay ilaa 15 ka mid ah Khawaarijta ayaga oo kasoo furtay hub iyo saanad kale.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Belgium

Nairobi: Danjiraha Boqortooyada Belgium ee Kenya, Mudane Peter Maddens, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jabril Ibrahim Abdulle.

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Belgium iyo Soomaaliya, waxayna labada Danjire ka wada hadlaeen arrimo kala duwan oo dan guud ah labada dal, sida amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, si loo gaaro horumar waara oo dhexmara Soomaaliya iyo Belgium.

Madaxweynaha Kenya oo magacaabay Golihiisa Wasiirrada

Kenya's President William Ruto addresses the nation to announce new Cabinet Secretaries in his government, in the wake of nationwide protests over new taxes, at State House in Nairobi, Kenya July 19, 2024. REUTERS/Thomas Mukoya

Nairobi: Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta soo dhisay xukuumad cusub, isagoo dib u soo magacaabay dhowr xubnood oo ka tirsanaa golihii wasiirrada ee uu todobaadkii hore xilka ka qaaday.

Ruto oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa ku dhawaaqay inuu magacaabay xukuumad midnimo oo sal ballaaran kana kooban 11-wasiir.

Wasiirada cusub ayaa ka soo dhex muuqday Aadan Barre Ducaale oo ٍSomali-Kenyan ah, kaas oo loo magacaabay jagada uu hore u hayay ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Talaabadan ayaa timid kadib dibadbaxyo dhawaan dalkaasi ka dhacay, kaasoo sababay in laga laabto sharci canshuur ah.