Ciidanka Xooga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 20 khawaarij ah

Ruunirgood : Ciidanka Xooga Dalka ayaa Saaka aroortii howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa degmooyinka Ruunirgood iyo Mesagawaa oo ka ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo Khawaarijta lagu gaarisiiyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay howlgalkan lagu naafeeyay cadowga, isaga oo sheegay in lagu bartilmaameedsaday 3-fariisin oo ku yaala aagaas.

In ka badan 20 dhagar-qabe ah ayaa lagu dilay howlgalkaas oo uu ku jiro mid ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada, waxaana laga furtay hub aad u badan sida uu sheegay afhayeenku.

Cali Guudlaawe “Waxaan bulshada Cadalle kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan amniga”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe oo maanta la hadlay dadka ku dhaqan Degmada Cadalle ayaa ku baaqay in laga dhowrsado fidnada,isla markaana loo istaago Deris wanaag iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa yiri “dalku ma hormaraayo ,dadkuna nabad kuma seexanayo haddii aan la qaban cid kasta oo dooneysa in ay danahooda ka hormariyaan danta guud.

Cali Guudlaawe ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay wax u qabashada bulshada Degmada ,isagoo dhinaca kalena dalbaday in laga dhowrsado daadinta dhiigga dadka walaalaha ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe waxa uu u mahadceliyay mas’uuliyiintii ka shaqeeyay daminta colaad dhowaan ka dhacday deegaano kulaala degmadaasi,wuxuuna si gaar ah u codsaday in dadku ay is gacanqabtaan oo ay ku wada noolaadaan walaalnimo iyo derisnimo.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlayey xakameynta iyo maareynta hubka dalka soo gala.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirka Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigayey caqabadaha beeraleyda dalkeenna haysta iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso kor u qaadidda wax-soosaarka iyo dalagyada beeraha dalka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay.

5- Wasiirka Cadaaladda ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo furay aqoon is-weydaarsi ku saabsan hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee bahda cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.

6- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaga Dibedda ee Soomaaliya oo dhowaan geeriyooday.

7- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay fulineyso mashruuc lagu tageerayo1 milyan oo barakacayaal ku nool gobolada dalka.

8- Wasiirka Gaashandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga, iyagii ka wadahadley xoojinta wada shaqaynta iyo tageerada mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaddib bixitaanka Ciidamada ATMIS.

9- Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka ee Soomaaliya ayaa qabatay shirka Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliya iyo Horumarintooda, iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka casriga ee la jaanqaadeya wax soo saarka dalagyadda beeraha.

10- Madaxweyna Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona magaalada Qaahira ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

11- Booliska oo ka warbixiyay qarax ay Khawaarijta ka geysteen maqaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho oo lagu beegsadey dhalinyaro aan waxba galabsan oo daawanayey ciyaar kubadda cagta ah.

12- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsaneed Khawaarijta, kuwaas oo kooxda aragagaxisadda u qaabilsaneed dilalka qorshaysan.

13- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheeekh Muxyadiin ayaa isbitaalka ku booqday geesiyaasha ciidanka ee ku soo dhaawacmey dagaalka khawaarijtu dalka looga sifeynaayo.

14- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud ku lagu laayay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta.

15- Ciidamada degaabka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku joogay deegaankaasi.

16- Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan Khawaarijta ka wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen waddada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.

Ingiriiska oo dib u bilaabaya kaalmada ku socota dadka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska David Lammy ayaa u sheegay baarlamaanka inuu ku kalsoon yahay in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ay qaadday tallaabooyin ay ku hubinayso heerarka ugu sarreeya ee dhexdhexaadnimada.

Wasiirka ayaa wuxuu xaqiijiyay in dowladda Ingiriiska ay siin doonto hey’adda garghaarka Falastiin ee Qaramada Midoobay (UNRWA) 21 milyan oo ginni oo u dhigma ($27m).

Hadaladaan ayaa imaanayaxilli ay weli soo socdaan duqeymaha Israel ee Gaza,iyadoo weeraradii ugu dambeeyay lagu dilay15 ruux oo ku sugnaa dugsiyo ay maamulaan Qaramada Midoobay oo ku yaalla Gaza,gaar ahaan laba kaam oo ay ku jireen dad barakacayaal ah.

Dhinaca kale diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Magalada Tel Aviv,waxaana maamulka Israel ay ku goodiyeen in ay qaadi doonaan tallaabo aargoosi ah.

Milateriga Israa’iil ayaa rumeysan in diyaaradda Droniska ah ay ka soo duushay Yemen,iyagoo sheegay in nuuca diyaaraddaasi ay ahayd mid la hagaajiyay oo ah diyaaradda Samad-3 ee ay Iiraan nashqadeysay.

Wasiir Maareeye “Dal kasta oo aan ka helno badeeco waxaa lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda ee ay mamulaan ganacsatada.

Maareeye ayaa xusay in lacago aad u badan oo kaash ah loo daabulo dibadda,halkii ayuu yiri ay habboonaan laheyd in la helo isdhaafsi dhanka ganacsiga ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalka kale.

Wasiirka ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan dhiirigalinta wax soo saarka gudaha dalka si looga maarmo soo dejinta badeecooyinka laga heli karo dalka,isagoo dhinaca kale tilmaamay in dowladda u soo jeesatay qiimeynta waxa dalku soo saari karo iyo waxa uusan soo saari Karin.

“Dalka waxa soo gala badeecooyin laga heli karo soomaaliya sida hilibka iyo nuucyada miraha khudaarta,sidaa daraadeed waxaa dalalka kale lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”ayuu yiri Maareeye.

Ciidanka Xoogga oo toogtay dhagarqabe,isla markaana qabtay sahay ku socotay khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay dhagar qabe ka tirsan Argagixisada kaas oo lagu qabtay koontaroolka magaaladaasi.

Ninka la toogtay ayaa ku hubeysnaa qori AK-47 ah,sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka ee ku sugan halkaasi.

Dhinaca kale ciidamada ayaa deegaanka Xuseen cagey ku qabtay 3 gaari oo nuucoodu yahay layla Calaawi,kuwaas oo sidday shidaal.

Saraakiisha ayaa sheegay in gawaaridaasi ay qabteen ay saarnaayeen dumar u socday kooxaha Argagaxisada ,isla markaana haatan ay gacanta ku hayaan.

Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Luulyo 2024.

Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaano ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug. Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo ku aaddan dhacdadan iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo hore ugu soo baxday (Digreetada Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3. Goluhu wuxuu isku raacay dhameystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiiradda.

4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda weyn ee ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay R/wasaaraha Xukumadda Mudane Xamza Cabdi Barre, R/wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

 

  

 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan hordhac ah la qaatay bulshada Caabudwaaq

Caabudwaaq= Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray degmada Caabudwaaq, ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa tilmaamay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isla markaana aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada.

Kulankaan waxaa Wasiir Fartaag ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee BFS, Agaasimayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca sedaxaad ee kalfadhiga shanaad, waxaana kulanka inta uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli doono kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda iyo sida ay u kala horeeyaan.
Sidoo kale Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada Goluhu uu siinayo in shuruucda Golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan.
Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee Golaha toodbaadka soo socda.
  

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag Dhaqidda oo cunaqabateyn ku soo rogay shakhsiyaad gacan saar la leh Khawaarijta

Guddiga Qaran Ee Ka-hortagga Lacag Dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (GQKLDH/LMA) ayaa soo saaray liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee qaran, oo lagu beegsanayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Guddigu wuxuu ugu gol-leeyahay in uu la dagaallamo maalgelinta argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka.

Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo isla markaana la cuna qabateeyo shakhsiyaadka & hay’addaha taageera argagixisada si sare loogu qaado nabadgalyada dalka.

Tan iyo markii la ansixiyay sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman 2023, Guddigu wuxuu soo saaray laba liis oo lagu beegsanayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Halkan ka daalaco Liiska: https://namlc.gov.so/wp-content/uploads/2024/07/Liiska-Cunaqabataynta-Somali-Version.pdf