Maxkamadda sare ee ciidamada oo markale xukuntay Qoslaaye iyo kooxdiisii

Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa Ex-dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisii oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay 22-dii bishii February ee sanadkaan 2024.

Maxkamadda ayaa Ex-dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Ex-Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

Waxaana Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka Maxamed Cadaawe Cali, Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa hore xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan 6dii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

Shirka Golaha Wasiirada XFS oo looga hadlay Amniga iyo Arrimaha Xajka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada.

  

Waxgaradka degmada Luuq oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Luuq: Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Luuq ayaa Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay dhowr-neef oo geel ah, kuwaa oo qayb ka ah Geel badan oo waxgaradku deegaanka ugu talagaley in lagu dhiirigaliyo guusha ay ciidanku ka keeneen howlgalkii wadada Luuq iyo Doolow oo looga saaray Khawaarijta.

Geelan waxaa la wareegay saraakiil ay ka mid yihiin abaandulaha qeybta 43aad ee Xoogga dalka, Taliyaha qeybta Booliska ee Gobalka Gedo iyo taliyaha Guutadda 10aad ee qeybta 43aad Gobalka Gedo.

Isra’el oo Gaza ku dishay 81 qof 24-kii saac ee u dambeeyay

Wararka ka imaanaya Gaza ayaa sheegaya in ugu yaraan 81 ruux lagu dilay weerarro Israel ay ku bartilmaameedsatay guryo la degan yahay iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee ku yaalla Gaza.

“Dhammaan shuruucdii dagaalka waa la jebiyey”, iyadoo ugu yaraan siddeed dugsi oo ay degganaayeen  Falastiiniyiin barakacayaal ah la weerartay 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, ayuu yiri Philippe Lazzarini  oo ah Madaxa Qaramada Midoobay u xilsaaran gargaarka dadka Falastiin (UNRWA).

Dhinaca kale,Riyad Mansour ergeyga Falastiin ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dagaalka Israa’iil ee Gaza uu yahay xasuuqa ku diiwaangashan taariikhda.

Sidoo kale,Ergayga Washington ee UNSC ayaa sheegay in wax xoogaa horumar ah laga laga gaaray wadahadallada lagu raadinaayo xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhaqangasha Gaza, ka dib markii goluhu dalbaday arrintaasi ​​afar bilood kahor.

Ugu yaraan 38,794 qof ayaa la dilay, 89,364 kalana waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Ciidamada XDS oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Gedo

Luuq: Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka sameeyay inta u dhexeeysa degaanka Shaataloow iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Howlgalka inta uu socday ayay ciidanka waxeey jab xoogan gaarsiiyeen maleeshiyaadki Khawaarijta ee dhuumaaleeysanayay.

Ciidamadda ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Xooga Dalka, G/sare Cabdirashiid Maxamed Cismaan, Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Gobolka Gedo, Gashaanle dhaxe Aadan Siyaad Cabdi, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gobolka, G/le sare Xuseen Cali Xaashi Giif.

Sidookale Ciidamadda ayaa hormar balaaran ka sameeyay dagaalka ay la galeen Khawaarijta  waxayna cagtamariyeen fariisimo ay lahayeen kooxda argagixisada ee halkaasi ku dhuumaaleeysanayay oo uu gaaray  gaaray khasaaro xoogan.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo dhisaysa xarun qaabilsan dhaawacyada gurmadka u baahan

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha xarunta cusub ee daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg-dega ah oo haatan dhismaheedu marayo heer gabagabo ah, taas oo lagu dhisayo dhaqaale ay iska aruuriyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Xaruntaan oo ay hirgalinayso SoDMA ayaa laga dhex dhisayaa gudaha isbitaalka weyn ee Madiina, waxana guddoomiyuhu uu kormeeray qaybaha kala duwan ee dhismaha xaruntan, isagoo shahaado sharaf guddoonsiiyay agaasimaha Isbitaalka Dr Maxamed Cabdiraxmaan iyo shaqaalaha isbitaalka, taasoo ay ku muteysteen sida ay ugu adeegaan bulshada.

Guddoomiyaha ha’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in wada-shaqeyn dhaw ay ka dhaxeyso SoDMA iyo maamulka Isbitaal Madiina, marka ay timaaddo xaaladaha gurmadka deg degga ah, isagoo ku aammanay sida ay marwalba ugu adeegaan ummada Soomaaliyeed.     

Wasiirkka warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare ee Agaasimayaasha, la taliyayaasha

Kulanka Aqoon Isweydaarsiga heerka Sare ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka waxaa uu ujeedkiisu ahaa dardar galinta hawlaha shaqo ee Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, waxaa uu diiradda saaray khibrad wadaagga qeybaha ee xalinta caqabadaha shaqada, hagaajinta xiriirka hawlwadeenada iyo wada shaqeynta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in muhiimadda aqoon isweydaarsigani ahaa dardar galinta hawlaha shaqada Wasaaradda iyo u diyaar garowga Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

“Aqoon isweydaarsigan maanta waxaa ugu talo galnay hoggaanka maamulka Wasaaradda sida Agaasimayaasha, lataliyayaasha iyo saraakiisha sare, waxaa ka sii horeeyay aqoon isweydaarsi socday 13 ilaa 15 bisha oo loo qabtay madaxda qeybaha ee Wasaaradda oo diiradda saaray hagaajinta hannaanka tafaftirka iyo hoggaaminta kooxo hawleedyada shaqada., ujeedkeenu waa in ay hagaajiyaan hannaanka wada shaqeynta, hawl gudashada iyo in aan u diyaar garowno hawlaha waa weyn ee Qaran ahaan inna horyaala sidii aan kaalin fiican uga qaadan laheyn”

Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda ahna Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in waxa laga bartay aqoon isweydaarsigani lagu dabaqo shaqada loona diyaar garoobo barnaamijyada waa weyn ee dowladda horyaala iyo xoojinta bandhgiga wanaagsan ee Soomaaliya.

Waxaa aqoon isweydaarsigani ay Wasaaraddu ku casuumtay Danjire Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda si ay uga faa’iidaystaan khibraddiisa dowlad dhiska iyo Warbaahinta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ka duwanaa ku wii hore ee ay Wasaaraddu qaban jirtay.

“Aqoon isweydaarsiyadani oo ka duwan kuwii hore waxaan ugu talo galnay in hoggaanka maamulka Wasaaradda ay fursad isugu helaan meel ka baxsan shaqada si ay u uga doodaan caqabadaha la soo gudboonaada iyo in ay helaan fikrad, aqoon iyo khibrad wadaag”

Aqoon isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso hab sami u socodka Wasaaradda iyo tayada maamulka iiyo Howlwadeennada.

    

Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka maalgashiga Soomaaliya

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa Afaraad ,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed oo uu soo diyaariyay guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo dood kulul ka yeeshay hindise sharciyeedkan ayaa diiradda saaray muhiimada uu wadanka u leeyahay iyo haddii uu miisaaniyad leeyahay, waxaana kulanka ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warashadaha ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Nuur Cusman ayaa sheegay inuu hindisahani miisaaniyadiisa wato maaddaamaa dooda xildhibaanadda ay ku qotontay miisaaniyadda hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in  guddoonka golaha uu deg-deg u magacaabi doono guddi kasoo shaqeyn doona doodii xildhibaanadda kulankii kan ka horreeyay ay ka yeesheen dhismaha hay’adaha madaxa bannaan ee aan miisaaniyadda lahayn, si ay warbixintooda goloha ugu soo celiyaan isla markaana qaraar arintaasi ku saabsan goluhu soo saaro.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degmada Raagge-ceelle

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gaaray degmada Raage-ceelle ee gobalka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha ayaa safar shaqo ku mari doono qaar ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle, wuxuuna inta uu halkaasi ku sugan yahay xarigga ka jari doonaa isla markaana uu dhagax-dhigi doonaa mashaariicda kala duwan ee horumarinta degmooyinka.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Raagge-Ceelle oo cadowga xor ka ah soo booqdo, waxaan halkan u imid sidii la idin kugu dhammeystiri lahaa heykalka Dowladnimada oo ay u horreeyaan dhismaha xarumaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sidoo kale wuxuu dardargelin doonaa wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta looga xorreynayo dhulka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta oo furay Aqoon isweydaarsi ku saabsan dardar gelinta shaqada wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay Aqoon isweydaarsi uu heerkiisu sarreeyo kana qayb galeen waaxaha maamulka wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saarayo dardar gelinta shaqada wasaaradda.

Wasiir Daa’uud oo is dul taagay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta qaybaha ayaa sheegay in Wasaaraddu ay leedahay siyaasad ay ku shaqayso, loogana baahan yahay in ay yeelato sumaddii Qaranka, war ka kasta oo baxayana uu noqdaa mid saamayn ku yeelanaya dalka guud ahaantiis ama uu ahaado mid wax ku kordhinaya shacabka.

Wuxuu sidoo kale ku dheeraaday Wasiirku ahmiyadda hal-abuurenimo ee laga doonayo wariyaha, dhiraan-dhirinta sugnaashaha xogta, habka wax qorista iyo doorka uu ku leeyahay tifaftirka, si uu u qaato mas’uuliyadda.

“Marka ugu horreyso waa inaad maskaxda ku haysaa warka aad soo dhigeyso Meesha in ay tahay warbaahintii Qaranka, waa inay ahaataa warbixin ama war si wanaagsan loo soo tifaftiray, laga soo billaabo qorista luqadda, habka loo qoro iyo inuu tifaftirku u dhamaystiran yahay”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu dambayn sheegay in caqabadaha jira ee dhinaca warbaahinta ay tahay in looga bixi karo dhabar adayg iyo hufnaan, maaddaama aynu ku jirno soo kabasho.