Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Kawaan cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray kawaan cusub oo casri ah, kaasi oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan Iskaashatada Kalluunka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Kawaankaan cusub uu qeyb ka qaadanaayo dhiiragelinta iyo casriyeynta Suuqa Ganacsiga Kalluunka ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax Saalax Xaashi, Guddiga iskaashatada Kaluunka iyo Bulshada qeybaheeda kala geddisan.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamul-Wanaagga Maaliyadda, casriyeynta hannaanka iibka qaranka iyo xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammantoodba la isla gartay in ay u socdaan habkii ugu wanaagsanaa iyo dhabbihii guusha.

Wasiirka Maaliyadda DFS Md Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda #FGC ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka, waxa uu sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo Dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirada Sacuudiga oo cambaareeyay xasuuqa Israel ay ku heyso shacabka Falastiin

Golaha Wasiirada Dalka Sacuudi Carabiya ayaa cambaareeyay sii socoshada xasuuqa Israel ay ku heyso shacabka reer Falastiin ee ku sugan Deegaanada Gaza.

Kalfadhigga Golaha oo uu shirguddoominaayey Dhaxal sugaha ahna Ra’iisul Wasaare Maxamed Bin Salmaan ayaa mar kale ku celiyay dalabkooda ku aaddan in la helo xabbad-joojin degdeg ah oo noqota mid joogto ah iyo in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan hubaysnayn,kuna nool dhulka la haysto ee Falastiin.

Goluhu waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhaqaajiyo hababka isla xisaabtanka caalamiga ah ee xadgudubyada joogtada ah ee Israel ,kuwaas oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, bini’aadanimada iyo qaraarada Qaramada Midoobay.

Hadaladaan ka soo yeeray Sacuudi Carabiya ayaa yimid xilli ugu yaraan 48 qof oo Falastiin ah lagu dilay saddex weerar oo cirka ah,kuwaas oo Israa’iil ay fulisay wax ka yar hal saac Talaadadii.

25 qof ayaa lagu dilay iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku yaal bartamaha aagga Nuseirat ee Gaza, halka 18 kale lagu dilay koonfurta Khan Younis,waxaana sidoo kale shan qof lagu dilay Beit Lahiya ee waqooyiga Gaza, sida ay wararku sheegayaan.

Ugu yaraan 38,713 qof ayaa la dilay ,89,166 waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo bogaadiyay howlgalladii ka dhacay Galgaduud

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidaha hore ee lagula dagaallamayo khawaarijta ayaa Ciidanka xoogga ku amaanay dhabar adeyga iyo ka mira dhalinta hadafka naf hurnimada leh ee lagu naafeeyay cadowga.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay ciidanka Xogga iyo kuwa deegaanka shaqada culus ee ay shalay ka qabteen koxda canaasirta ah ee khawaarijta, waxa uuna taliyuhu faray saraakiisha iyo ciidanka in la xoojiyo shaqada qaran ee loo idmaday.

Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xogga iyo madaalayaasha deegaanka, wuxuuna ciidanka  naf hurnimada sameeyay ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda iyo kartida ay muujiiyen oo ah dabar goynta argagixisada.

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan Galgaduud oo uu ka socdo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ceeldheer: Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Somaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa galabta gaarey aaga deegaanada Waniile iyo Dhagaxyaale oo uu ka soconayo hawlgal balaaran oo Khawaarijta jab xoog leh lagu gaarsiiyay.

Jeneraal Dayax taliyaha ciidanka dhulka  ayaa ciidamada iyo saraakiisha ku sugan deegaanadan lagu baacsanayo cadawga ee hoostaga Ceeldheer ku dhiiri-geliyay guulaha ay soo hooyeen iyo jabka baaxadda leh ee ay ku naafeeyeen khawaarijta isku aruursaneysay dhulka howdka ah, oo wali meydadkooda haaddu cuneyso.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray xerada tababarrada Ciidanka ee Jeneraal Dhega badan

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku tegey xerada tababbarka ciidanka ee Jen. Dhegabadan, halkaas oo uu ku la kulmay horin ka mid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qadanaya tababbar sare loogu qaadayo xirfadooda ciidan.

“Qaar ka mid ah ciidanka uu tabbarku u socdo ayaa ii ga warbixiyey casharrada ay qaadanayaan iyo sida ay waxgal u gu noqon doonaan u-diyaarsanaantooda hawlgalladooda iyo guud ahaan amniga iyo xasiloonida dalka” ayuu yiri mudane Saalax.

Dowladda FS ayaa sare u qaaday tababarka ciidanka, kuwaas oo lagu tabanarayo dalka iyo dibadaba, si ay awood ugu yeeshaan hanashada amniga dalka maadaama dhowaan la soo gabangabaynayo hawlgalka ATMIS.

Gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo la kulmay agaasimaha Hay’adda FCDO

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta safaaradda UK ee Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Hay’adda FCDO (Foreign Commonwealth and Development Office) Md. Christopher Pycroft.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada hay’adood, in la iska kaashado badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, si gaar ah digniinaha iyo xogaha quseeya, abaaraha, saameynta isbedelka cimilada iyo garab istaagga caruurta iyo haweenka si looga baaqsado xaalad adag.

Taliyaha Ciidanka XDS oo Isbitaalka ku booqday Askartii ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka u laabay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan shacabka Magaalada waniille ee Gobalka Galgaduud.

Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa shalay cashar aysan hilmaami doonin u dhigay kooxaha Argagixisada ah, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan.

Taliyaha XDS ayaa caafimaad qab buuxda u rajeeyay askarta geesiyaasha ah ee shalay awoodooda u muujiyay cadawga arxanka daran, waxuuna dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, sidoo kale waxaa uu  alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday Howlgalkaas.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay hub si sharci darro ah lagu soo geliyay dalka

Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud.

Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas.

Ka ganacsiga hubka sharcidarrada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah

sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas.

Ugu danbayn Dawladdu waxa ay ka tacsiyaynaysaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jid-gooyada ah ee ay gaysteen Maleeshiyaadka hubaysan.

Maalgashato ka socoto Dalka Ciraaq oo Muqdisho dhawaan ku soo wajahan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay Bandhigga Tiknoolajiyadda Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in ganacsato ka socota dalka Ciraaq ay bisha nagu soo aaddan ee Agoosto soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ah maalgashato casuumaad ka helay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dhawaan waxaa dalka imaan doona Wafuud kala duwan oo aan la geli doonno heshiisyo ku saabsan dhoofinta wax soo saarka Beeraha oo dalkan ku maalgashan laha bilyanis”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay socdaalka madaxda Qaran ee dalka dibadiisa lagu iib geeyo wax-soosaarka dalka oo ay Beeraha, xoolaha iyo Kalluumeysiga ugu horreeyaan, isagoo dhankakale tilmaamay qiimaha dunida ku leeyihiin Liinta iyo Mooska (Muuska) laga qaato Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalgashatada ka socota dalka Ciraaq ay la socdaan dhaqaatiir caafimaad oo baaraya Caafimaadka xoolaha Soomaaliya oo hadda inta badan loo iib geeyo dalalka khaliijka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in dalka Masar uu kamid yahay dalalka hadda daneynaya in ay dhoofsadaan xoolaha Soomaaliya, kuwaas oo kamid ah kuwa Adduunka loogu jecelyahay.

Soomaaliya ayaa hadda ah meel ay soo wada-eegayaan indhaha maalgashatada caalamiga ah, kuwaas oo xiligan u arka in uu muhiim u yahay maadaama Alle ku maneystay khayraad fara badan sida Xoolaha, Kalluunka, Beeraha iyo qeybaha kale ee khayraadka dhulka hoose ku jira oo aan weli laga faa’ideysan.