Shirka Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS ayaa markii ugu horreysay ku qabatay magaalada Muqdisho Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliya iyo Horumarintooda, iyadoo la adeegsanayo farsamo casriya iyo xal waara.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo bandhiggan ku csuumay daneeyayaasha, saamileeyda beeraha, Bankiyada iyo shirkadaha ganacsiga ayaa sheegay in dulucda bandhiggu uu yahay horumarinta beeraha iyadoo la adeegsanayo Teknolojiyadda casriga ah, hal abuur iyo xal waara, taas oo lagu dhiirri gelinayo beeraleyda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in Bandhiggan ay Wasaaradda Beeraha XFS sameysay uu tusaale wanaagsan u yahay in dalkeennu horumar gaaray.

Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliyeed oo markiisii ugu horaysay dalka lagu qabtay sanaddan 2022 ayaa lagu wadaa in berrito lasoo gabagabeeyo.

Dowladda Soomaaliya oo War saxaafadeed kasoo saartay howlgal lagu laayay khawaarij badan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed kasoo saartay howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu laayay khawaarij ka badan 50 xubnood.

Howlgalkan ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Ciidanka Qaranka, geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaalla inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo malleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaasi.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo weli lagu raad joogo malleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya in ay naftooda la baxsadaan.

MUHIIMADDA GANACSIGU WAA FAQRIGA OO LAGA BAXO.

Ganacsigu waxuu hagaajiyaa tayada nolosha, waxuu dadka ufidiyaa fursado shaqo oo ay dakhli ku abuuri karaan isla markaana ay ku horumarinkaraan tayada noloshooda.

Ganacsigu waxuu abuuraa faa’ido sidokle waxuu caawiyaa qancinta Baahiyaha aadanaha,waxuuna saameyn ku leeyahay nolol maalmeedka dadka oo dhan, marka aad sameysato goob ganacsi oo aad shaqeyso waxaad heleysaa qarashaad, oo aad ku maalgashan karto goobo ganacsi oo kale.

Ganacsigu saameyn kuma laha oo kaliya nolosha ibnu’aadanka balse sidokle waxuu saameeyn ku leeyahay deegaanka, waxuuna qeyb ka qaataa hurumarinta deegaanka iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Ganacsigu waxuu kaloo gacan ka geystaa aqoonsiga Bulshada dhaxdeeda ah markaad tahay ganacsade caan ah waxaad saameyn ku yeelaneysaa Bulshada dhaxdeeda, magc iyo qeymo ayaana ku dhexyeelaneysaa Bulshada.

Hadaba maxey tahay muhiimadda ugu weyn ee uu ganacsigu leeyahay.

Muhiimadda ganacsiga ma ahan mid la soo koobi karo balse qormadaan waxaan idinku soo gudbineynaa qaar ka mid ah muhiimadda ganacsiga, waxaana ka mid ah.

1 horumarinta dhaqaalaha.

Horumarka dhaqaalaha, ganacsigu waxuu ka ciyaaraa door mihiim ah fikradaha ganacsiga waxaa loo isticmaalaa  wax soo saarka warshadaha, warshadaha waxey ku tiirsanyihiin ganacsatada waayoo waxey warshaduhu soo saaraan waxaa iibnsado ganacsatada sidaasi darteed ganacsigu waxuu caawiyaa horumarka dhaqaalaha.

2 Ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Dalwaliba waxuu leeyahay qeyraad dabiici ah oo nuucyo kala duwan leh ganacsigu door muhiim ah ayuu ka ciyaaraa iibinta iyo Suuqgeynta kheyraadka dabiiciga ah.

3 Shaqada.

Markasto oo ay badato fikradda iyo hal abuurka ganacsiga waxaa badanaayo ama si sahal ah lagu helayaa shaqada waxaana yaraanaya shaqo la’aaanta.

4 Faqriga oo yaraada.

Ganacsiga waxuu yareeyaa faqriga sababtoo ah haddii uu bato ganacsigu waxaa badanaayo dakhliga soo galo wadanka sidaas daraadeedna waxaa meesha ka baxaayo faqriga.

5 Horumarka Dalka.

Horumarinta warshadaha waxey gacan ka geysanaysaa ka fa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah iyo abuurista ganacsiyo waaweyn waxeyna gacan ka geysataa soo saarista dakhliga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

La imow fikrad ganacsi si aad u horumariso,noloshaada, Dalkaaga, iyo Deegaankaaga.

WQ: Osman Dhiblaawe.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shan ka mid ahaa khawaarijta oo lagu toogtay Kismaayo

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa  kooxda Argagixisada, kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xili ay qeyb ka ahaayeen waxa Khawaarijta ay ugu yeeraan madax jabiska.

Gacan kudhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Abuukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay AUN marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xasan ay iyaguna si wadajir ah u fuliyeen dilkii ANU Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geeddi oo horay Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay, kaas oo magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda ka gaystay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali oo warbaahinta faah-faahin ka siiyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa sheegay in cid kasta oo macna darro ku disha qof kale caddaaladda la hor geyn doono.

KA GANACSIGA QAADKA OO NOQDAY HOWL MAALMEED

Maalin kasta waxaa u shaqo taga  howlaha qaadka dumar iyo rag dhalinyaro ah oo ku howlaha arrimaha jaadka ama qaadka.

Mootooyin Bajaaj badan ayaa ka macaasha soo qaadista qaadka oo keena goobaha karada lagu iibiyo, halka kuwo kale ka shaqeystaan sidaasi oo kale qeybinta jaadka, sidaasi oo ay tahay ayaa haweenku ku badan yihiin ka ganacsiga qaadka hareeriga ah taasoo haatan ka duwan kuwii hore loo yiqiinay ee hareerigii awadeedee, kii caadiga ahaa, dabo musmaar, iyo qode.

Waa howl ay u go’doomeen dad gaar ah oo qabatimay ka ganacsiga qaadka in ay ka soo saaraan howlmaameedkooda.

Qofba waa tabartiiyee qaar baa aad uga sareeya oo soo qaataa saami badan ayagoo leh macaamiil bile ah oo ay u qadimaan, halka qaarna aysan awoodi karin in ay sii siiyaan macaamiisha inta ay iibiyaanba reerka ku dabaraan.

Qaadka miirowga ayaa lagu arkaaa meelaha lagu gado qaadka hareeeiga ah balse haataan kuwa qayila ayaa la qabsaday nooca hareeriga oo ay ku barjeeyaan ku qayilaan

Inkastoo qaadku leeyahay dhibaato dhaqaale iyo mid caafimaad marka loo eego isticmaalkiisa.

Kuwa qayila ayaa waxay isku dhaafiyaan waqtiga ayagoo ku maaragoow isku madadaaliya oo ka dhigtay balwad qaar baa sigaar ku caba, halka qaarna kaliya ay ku qayilaan shaax iyo sharaab.

Gobolada dalka ayaa si weyn  looga ganacsadaa qaadka, gobolada waqooyin, puntland, koonfur galbeed, galmudug, jubaland,  hirshabeelle iyo gobolka banaadir.

Waaa ganacsi ay ku baxdo lacag adag oo badan hadana waana howl maalmeed dad badani ay la qabsadeen.

Arintu si kastaba ha ahaatee joojinta jaadka ayaa hore oga daalay maamulkii kacaanka oo xitaa la baabi’iyey beerihii qaadka ee tow wajaale waqooyiga soomaaliya hadana dib loo furay.

Waa dhaqan naga soo galay kolkii hore dalka yaman ku sii fidiyey waqooyiga soomaaliya hadana kol dambe soo gaaray koonfurta soomaaliya.

Dhinaca kale galbeedka soomaaliya ayaa la mid ah meelaha sida aadka looga isticmaalo qaadka.

Sidoo kale waqooyi bari kenya Nfd soomaalida degta iyo jabuuti ayaa si weyn looga isticmaalaa qaadka.

WQ: Ibraahin Fanax

HANNAANKAN SAAMILEYDA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

Tan iyo markii dalka ay ka dhaceen dagaaladu dalka somaaliya ee ay burburtay dowladdii dhexe waxaa dalka aad uga hirgalay ganacasi ku dhisan iskaaashi iyo in ay dadku koox koox wax isugu darsadaan taas oo suurtagalisay in ay soo baxaan ganacsoyo iyo shirkado qaarkood aad u koreen oo aflaxay.

Ganacsigan oo ah nooca saamileyda oo qofku saami ku darsanayo ganacsi ama shirkad ayaa sidoo kale suurtagaliyey in qofku marka uu xoogaa lacag ah dad ku darsado loogu shaqeyn karo isagana uu ka helo biil bil walba u soo dhaca taas oo qoysas badan ka furatay dhibaatada shaqo la’aantii jirtay.

Ganacasigan iskaashi oo aad dalka ugu baahay ayaa inta badan waxaa lagu tiriyaa in uu ka soo banbaxay markii ugu horreysay shirkado yar yar oo badankoodu ku yaallay suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya .

Shirkado fara badan oo sidaas ku sameysmay itaalkooduna aad u yaraa ayaa maanta gaaray heer wanaagsan oo ay dalka wax badan ku soo kordhin karaan.

Haatan dadka soomaalida ah ha joogeen dalka gudihiisa iyo dibediida waxay awood u yeesheen in ay wax ku darsan karaan saamiyada shirkadaha waaweyn oo dalka ka jira taas oo aad u xoojisay niyadda iyo rajada dadka soomaaliyeed ee qaarkood laga yaabo in ay ku adkaan laheyd in ay sameystaan ganacasiyo ay keligood wadaan.

Tani waxay ka soo jeedaa oo saldhig u ah soomaalida oo aad u taqaana hannaanka wax isku darsiga siiba dhaqaalaha oo weli la heli karo hannaan kan saamiga ka yara sahlan oo loo yaqaano hagbadda ama ayuutada kaas oo inta ku wada jirtaa ay sameystaan shuruuc ay ku wada dhaqmaan oo ay wax isugu darsadaan .

Hannaankan oo qof waliba mar uu qaatao ayaa in go’an oo dhaqaale ah uu qof waliba bixiyaa haddii ay tahay bi lama toddobaad wuxuuna qofku lacagahaa kaga faa;ideysan karaa baahiyaha degdega ah ee soo wajaha iyo culeysyada soo foodsaara.

Hannaankan saamileyda iyo wax ku darsiga ganacsiyada iyo shirkadaha ayaa kor u qaaday dhaqaalaha guud ahaan iyo kan qoysaska iyadoo ay soo baxeen ganacsiyo iyo shirkado waxgal ah oo sidaas ku sameysmay.

WQ: Mohamed Hassan

SIDEED U DHISI KARTAA MUSTAQBAL-KAAGA?

Qorshaha waa kii Allaah waayo adigu waxaa tahay qof aadami  ah adigu ma qorsheyn kartid laakiin waxaa lagaaga baahan yahay dadaal aad la timaado.

Dad kku ma aha kuwo maco la’aan ugu abuuran  caalamka korkiisa , ficilkaada maanta ayaana qaabeeya mustaqbalka carruurta ku dhaxlaysa mustaqbalka . Waa in aad qirataa ama garataa kaalintaada aadna isku daydaa in aad ka tagto taariikh iyo wax dhaxal ama xasuus kaa harta.

Waxaa loo baahan yahay in aad la timaado feker iyo wax curin si aad uga hortagto isbedelada adag iyo  dhibaatooyinka ku soo wajahaya oo ay ku jiraan dhaqaale yarida iyo sinnaansho la’aanta .

Waa in aad abuurtaa miraha aqoonta  kuna dhistaa mustaqbalkaaga aqoonta oo aad kordhiso siina raaciso in aad la timaado hal abuur si aad qeyb uga qaadato in mustaqbal wanaagsan oo ifaya oo dadka wada gaara.

Sidoo kale noqo qof wanaagga ku dheggan oo aad u neceb xumaanta hana noqon qof dantiisa oo keliya wax walba ka dhex arka laaiin u hiili danta guud iyo wanaagga .

Iska ilaali in aad noqoto qof darbi isku heydaaba oo ka go’an dadka intiisa kale , macnaha isla weyn  , kana fog is dhexgalka .

Ku faan dhaqankaaga kana fogow faquuqa ama wax faquuqidda waayo adigu kama badnid ama kama weynid in aad tahay qof aadami ah uun oo weliba daciif ah oo dhoobo laga sameeyey.

Dadka waxaad la wadaagtaa shar iyo kheyr waana iin aad iriir fiican la sameysaa oo dadka xiriirisaa siiba inta riximka ah waana dadka in aad u cadaalad fashaa.

Waxa aad sameyneso maanta waxay u gogol xaarayaan qaabka berry aad ku wajahayso maustaqbalkaaga ama waxay qaabayneysaa sida uu mustaqbalkaaga noqonayo laakiin mustaqbal la sameysto waxaa u u wanaagsan yii aakhiro.

Muhiimadda ayaa ah in aad rajo leedahay waxaana qaabeeya doonisteenna iyo qaabka ay nala tahay waana in aad leedahay fogaan arag ama aragti dheer oo aad wax ku odorosi karto.

Waa in aad qaadi kartaa tallaabooyin waaweun oo aad ku gaari karto mustaqbal wanaagsan waayo xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan waana in aad tallaabo qaado si Eebbe kuugula garab galo dadaalkaada.

Niyad wanaagga iyo dhiiranaanta ayaa ah waxa sababa horumarka aad gaari karto mustaqbalka ee ifaya waana in aad ledahay rajo iyo qalbi wanaagsan.

Ma aha in aad degdegsato ama sugi weydo waayo waxa soo daaha ayaa kheyr badan waana n aad iska ilaalisaa welwelka iyo tiiraanyada.

Culiinta nafsigu waxay tilmaamaysaa in ay tahay in aad dadaalka nolosha waqti badan ku bixisaa ka hor inta aadan guran miraha aad ku taamayso in aad gurato ama guusha aad dooneyso in aad gaarto.

Si kastaba ha ahaatee si aad u gaarto yoolka mustaqbal ifaya waa in aad ku xirnaataa Allahaaga isla markaana aad dhistaa heerta aqoontaada iyo waayo aragnimadaada taas haddii aad ku guuleysana waxaad ku filnaan doontaa ebyidda nolosha mustaqbalkaada iyo tan carruurtaada .

WQ: Maxamed Shiil

 

In ka badan 50 Khawaarij ah oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud

Hawlgal qorshaysan oo ay galabta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay in ka badan 50-Kawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanku ay heleen xogo sirdoon, taas oo u suuragalisay inay dhabarka ka jabiyaan maleeshiyaadka is aruursanayey.

Dagaalka galabta ayaa maleeshiyaadka lagu dilay waxaa ka mid ahaa horjooge Xuseen Cali oo hoggaaminayey qayb ka mid ah khawaarijta.

Taliye Dayax ayaa sheegay inay ciidanku haatan ku suganyihiin goobihii lagu dagaalamay, islamarkaana ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan maydadka ay ka carareen Khawaarijtu iyo hubka laga furtay.

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey xadka Baay iyo Bakool

Baydhabo: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed gaar ahaan guutada 8-aad ee qaybta 60-aad ayaa hawlgal sieyn ah waxay ka sameyeen deegaanada dhaca buuraleyda iyo dhulka hawdka ah ee kala qaybiya gobolada Baay Iyo Bokool, waxaana hawlgalkan hogaaminayey taliyaha guutada 8-aad ee qaybta 60-aad dhamme Ahmed Sheekh Cabdiraxmaan.

Hawlgalla waxaa lagu burburiyay goobo maleeshiyadka Khawaarijta u ahaa maktabka diiwaan gelinta malesehiyadka cusub iyo xarun ay ku qaadayeen Lacago baad ah oo ay ka aruurin jireen dadka Soomaaliyed ee isticmaala wadooyinka Baay, Bokool iyo Gedo.

Taliyaha guutada 8-aad ee qaybta 60-aad CXDS Dhamme Axmed Sheeh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta  Qaranka u xaqiijiyey in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ay wali ku sugan yihiin goobaha ay Khawaarijta ka eryeen, iyagoo xaqiijinaya amniga dhulkaas.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Sheegay in jid dheer loo soo maray dib-ucasriyeynta hannaanka maaliyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo.

“Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda Wasaaradda Maaliyadda iyo khubaradii ka soo shaqeeyey geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013 – 2023), taas oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u jeediyey hey’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay.