Guddoomiyaha SODMA oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Cunnada Adduunka ee (WFP)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee QM, oo uu horkacayay madaxa WFP Soomaaliya El-Khidir Daloum.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada hay’adood, sidii loo xaqiijin lahaa in lala dagaalamo leexsashada gargaarka bini’aadannimo iyo in la hubiyo in gargaarku si hufan u gaaro dadkii mudnaa ee loogu talagalay.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay hay’adda WFP wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeeysa SoDMA, dadaalka aan hagarta lahayn ee ay dalka ka waddo iyo guulihii taariikhiga ahaa ee labada dhinac wada gareen.

 

   

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay.

 

   

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhaweeyay dalka Finland

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) oo howla shaqo u socda ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) ayaa wax halkaa kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki ee dalka Finland, iyagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin soo dhaweynta Wasiirka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa dhankiisa ugu mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaas sida diiran u soo dhaweeysay, isagoo inta halkaas jooga kulammo la qaadan doono madax katirsan Finland iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Howlgallo lagu khaarajiyay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacay G/Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta kawada maalintii 3-aad deegaanno hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo laga saaray maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalladan oo ay horkacayaan taliyaasha ururka 291-aad ee guutada 29-aad ee Daljir Cali Xasan Axmed (Cali Cadde) iyo guutada 26-aad Cali Binu-daalib Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Khawaarijta ayaa Gabi ahaanba faarujiyay dhamaan deegaannada ay ka socdaan howlgallada, iyadoo halkaas lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan halka kuwa intaas ba badan lagu dhaawacay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka wada guud ahaan goobaha ay ku dhuumaalysanayaan khawaarijta gabalkooda dhacay, waxaana laga khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah.

Wasiir Beenebeene “Dowladda waxa ay wadaa mashruuc lagu taageerayo 1 milyan oo barakacayaal”

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo ka hadlay Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo mashruuc lagu tageerayo
1 milyan oo barakacayaal ku nool gobolada dalka.

Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa inta ku daray in wasaaradda ay wakiil ka tahay dajinta qorshaha Qaran ee ay kuwada shaqeynayaan wasaaradaha Qorsheynta ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada, waxa uu sheegay in hadda uu soo dhamaaday qorshihii sagalaad ee mudda 5-sano ah soo socday, hadana ay ka sheqeynayaan kii badali lahaa shanta sano ee soo socoto.

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta dowladda ayaa lasoo gaba gabeeyay waxan ka qeyb galay Wasiirrada Qorshaynta ee maamul gobolleedyada dalka.

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo lagi qabtay Muqdisho

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka (National Development Council) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene). Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Nuur Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta, iyo la taliye-yaal sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha Horumarinta Qaranka uu hayo iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada horumarineed ee dalka oo dhan.

Qodobada Muhiimka ee Kulanka

1. Joogteynta Kulamada:

Golaha Horumarinta Qaranka ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada Golaha si loo xoojiyo ka wada-shaqeynta dhammaan howlaha shaqo ee ka dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2. Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 -2029):

Goluhu waxa uu si wadajir ah diiradda u saaray dar-dar gellinta diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran kaas oo bedelaya Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee gebo-gebada ah. Dowlad Goboleedyada waxaa laga taageeri doonaa diyaarinta iyo dib-u-eegista qorsheyaasha horumarineed si loo waafajiyo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

3. Xalka Barakacayaasha

Goluhu waxa uu isku raacay in xal waara loo helo barakacayaasha dalka ku sugan iyo in la dar-dar geliyo dhameystirka diyaarinta Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara. Qorshahan waxaa loogu talogalay in hal milyuun oo barakacayaal ah looga saaro xaaladaha barakac ee ay ku sugan yihiin sida waafaqsan Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara.

4. Dhiirigelinta Maalgashiga:

Goluhu waxa uu isku raacay xoojinta dadaallada dhiirigelinta maalgashiga caalamiga ah si looga wareego gar-gaarka bini’aadminimo loona wareego horumarinta dalka. Waxa uu ku baaqay in la dhameystiro dhammaan shuruucda qabyada ah (heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed), gaar ahaan kuwa hor yaalla Golaha Baarlamaanka sida Sharciga Maalgashiga Soomaaliya.

5. Kormeerka iyo Qiimeynta:

Goluhu waxa uu isku raacay in la xoojiyo nidaamka Kormeerka iyo Qiimeynta dalka si loo xaqiijiyo in dhammaan mashaariicda dalka ka socdaa waafaqsanyihiin Qorshaha Horumarinta Qaranka. Waxa uu soo dhaweeyay ansixinta Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimaynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada XFS, iyo xoojinta fulinta iyo dhaqangelinta siyaasadda.

Golaha Horumarinta Qaranka waxa uu ka kooban yahay Wasaaradaha Qorsheynta ee labada heer ee Dowladda (Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada dalka), taas oo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo horumarinta qorsheyaasha dalka.

Taliska Booliska oo Faahfaahin hordhac ah ka bixiyay qaraxii ka dhacay Boondheere

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gaari ay waxyaabaha qarxa khawaarijta ka soo buuxisay uu ku qarxay maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaas oo la dhigay banaanka maqaayadda.

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbixinta hordhaca ah ee khasaaraha qaraxa geystay ku sheegay dhimashada 5-qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, waxuuna tilmaamay inay socdaan qiimeynta rasmiga ah ee khasaarihii ka dhashay qaraxaasi.

Madaxweynaha Masar oo warqadaha Aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Cairo- Madaxweyne dowladda Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta oo axad ah warqadaha Aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Masar mudane Cali Cabdi Awaare ayaan uga mahadceliyay dowladda Masar sida wanagsan ee loo soo dhaweeyay iyo sida dowladda Masar uga shaqeynayso xariirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana uu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xariirka labada dowladood ee arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinacyadda kale ay iska kaaashadaan labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maalmo ka hor ku soo dhoweeyay Muqdisho dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, si loo daah-furo si rasmi ah khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, taasi oo tilmaan u ah bilashada waa cusub oo isgaarsiineed iyo iskaashi oo labada dal ee walaalaha ah yeeshaan.

Daahfurka khadka duulimaadka tooska ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxa ayna ka tarjumaysaa aragtida ballaaran ee labada dowladood ee ah inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda dhinacyada kala duwan, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, gaadiidka, duulista hawada, ganacsiga, dhaqanka, tacliinta sare, caafimaadka iyo tababbaro dhinacyo badan leh.

Soomaaliya ayaa la leh dowladda Masar xiriiri iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah, waxa ayna u aragtaa saaxiib istiraatiiji ah.

 

Xildhibaan Maxamed Islow: “Waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada”

Wasiirkii hore amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado fariimaha dhiirri gelinta u ah kooxaha Khawaarijta oo hadda ku jira waqti gabo-gabo ah.

“Walaalayaalow waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada, micnaha adigoo Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ku xumeynaya, yeysan mucaaradnimadu kula gelin in aad caddowga Khawaarijta la safato adigoo is leh dowladda joogta ku ceebeey,  Qaranadimada ha dhaafsan inuu dal caddow ah qorshihiisa kuu soo dhiibo” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Factbook-ga.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula taliyay dadka farriimaha dhiiri gelinta u ah khawaarijta in ay jiraan waddooyin kale oo qofka ku sheegi karo aragtidiisa.

“Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn in aan cadowga umaddan isu dhiibno, Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa in aan ku dhex shaqeynayno sharciyadda Baarlamaanka, dowladnimada ayaa ka weyn dan kasta oo gaar ah” ayuu Mudane Ducaale ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaqeysa shacabka Soomaaliyeed ayaa khawaarijta ku qaaday dagaal dhan kasta ah, taas oo keentay in awooddii ay lahaan jireen meesha ka baxday kuna jiraan hadda heer gabo-gabo ah.

Shirka Qiimeynta mashariicda dalka ka socota oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka hadlay furitaanka shirka qiimeynta mashaariicda dalka ka socota ayaa sheegay inay muhiim tahay helidda hab lagula xisaabtamo halka ay maraan lacagaha loo qorsheeyey mashaariicda dalka ka socota.

“Waa in la helaa isla xisaabta dhab ah oo ku saabsan halka ay maraan lacagaha waaweyn ee ku baxa mashaariicda dalka laga fuliyo” ayuu yiri wasiir Beenebeene.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta XFS Maxamed Shire ayaa isna warbaahinta Qaranka uga warbixiyay shirka maanta ka furmay Muqdisho ee ku saabsan habkii ay hay’adaha dowladda u qiimeyn lahaayeen mashaariicda dalka ka socota,

Mudane Maxamed Shire ayaa sheegay in shirka mudda uu socda ay dhinacyo kaga doodi doonaan habkii loo maamuli lahaa mashaariicda kala duwan ee dalka soo gasho oo ay ugu horeyaan kuwa kasoo gala dhanka arrimaha bani’adanimo iyo hormarinta bulsha oo sida uu tilmaamay sanadkiiba loo qorsheeyey lacag dhan 1-bilyan oo Dollar ama ka badanba.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowaldda iyo xubno ka socda xafiiska QM ee Soomaaliya, iyo deeq bixiyaasha, kaas oo laga soo saari doono manhaj lagu qiimeyn doono habka dhaqan galka ee mashariicda dhammaan hay’adaha dowladda.