Shirka hoggaaminta bahda cadaaladda oo maalintii labaad ka socda kismaayo

Waxaa maalintii labaad galay aqoon isweydaarsiga ku saabsan hoggaaminta wax ku oolka ah ee hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo.

Dhammaan madaxda sare ee bahda cadaaladda ee shalay ka qeyb galay furitaankii aqoon-isweydaarsiga, oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleynaan Maxamed Maxamuud iyo masuuliyiinta Cadaaladda iyo Garsoorka ee dowlad goboleedyada dalka ayaa ku sugan hoolka uu aqoon-isweydaarsigu ka socdo.

Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ayaa hoggaanka sare ee bahda cadaaladdu waxay ku kororsanayaan aqoon la xariirta fahamka guud ee hoggaaminta wax ku oolka ah, xirfadaha lagama maarkaanka u ah hoggaaminta iyo wada-shaqeynta hey’adaha.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Waa in si deg deg ah warbixin looga keenaa wixii ka dhacay xabsiga dhexe”

-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed faray in looga baahan yahay in ay warbixin dhameystiran ka keenaan waxii shalay ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ee Hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo Kismaayo ka furmay shalay ayaa intaa ku daray in wixii xabsiga dhexe ka dhacay ay ahayd arrin aan la fileyn halisteedana leh, isagoo ku boorriyay saraakiisha jeelka in ay si deg deg ah arrintaasi uga keenaan warbixin dhamaystiran.

“Waa in si deg deg ah warbixin looga keenaa wixii ka dhacay xabsiga dhexe, si ciddii dhacdadaasi mas’uulka ka ahayd loola xisaabtamo, si hay’adaheenna aysan u noqon kuwo mar kasta u taagan jileec”.

Hadalka Xeer ilaaliyaha ayaa imanaya iyadoo shalay ay qaar ka tirsan maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar gaar ahaan xubnihii ku xukunnaa dilka ee khawaarijta ay shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac ka geysteen gudaha jeelka.

Madaxda dunida oo cambaareeyay isku day dil oo lala beegsaday Donald Trump

Hogaamiyayaasha dunida ayaa taageero u muujiyay madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Mr.Donald Trump, ka dib markii la isku dayey in lagu khaarajiyo isu soo bax ka dhacay Pennsylvania.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in ay dileen Thomas Matthew Crooks oo 20 sano jir ah,kadib kolkii uu isku dayey in uu dilo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Mr Trump ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac ku yimid qaybta sare ee dhegtiisa midig waxaana toogashadaas loo geystay ku dhintay hal qof halka labo kalana ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen.

Qoyska madaxweynihii hore ayaa uga mahadceliyay ciidanka iyo dhammaan saraakiisha kale ee fulinta sharciga sida degdegga ah ee ay u qaadeen tallaabada falcelinta ah.

Laga soo bilaabo Yurub , Koonfurta Ameerika iyo Aasiya, hoggaamiyeyaasha adduunka ayaa ka hadlay rabshadaha siyaasadeed ee ka dhashay toogasho lagu dhaawacay madaxweynihii hore ee Mareykanka.

Madaxda dalalka taageerada muujiyay waxaa kamid ahaa Raiisel wasaaraha Britain Keir Starmer , Raiisel wasaaraha Kanada Justin Trudeau, Josep Borrell, oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Raiisulwasaaraha Hindiya  Narendra Modi ,Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida.

Sidoo kale waxaa taageeray madaxda dalalka Hungary, Talyaaniga,Australia, Argentina,Brazil,Chile,Taiwan,New Zealand iyo Israa’iil

Ciidanka Xoogga oo fashiliyay miinooyin khawaarijtu ku aastay wadada isku xirta Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan Khawaarijta ka wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen wadada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.

Kooxaha Khawaarijta ah ayaa doonayey in miinooyinkaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safra wadadaas, balse Ciidanka Qaranka ayaa ka hortegay, iyagoo soo bandhigay miinooyinkii ay ka soo saareen wadada xiriirisa Mesegawaay iyo tuulada Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

 

  

Boliiska Soomaaliya oo soo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo ku kacday falal anshax-darro ah

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in caawa lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan).

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas oo maxkamadeyntoodu socoto.

Madasha hoggaaminta ee Hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo Kismaayo ka furmay

Kismaayo- Hoggaanka sare ee bahda cadaaladda Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Suleynaan Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, iyo madaxweynaha jubalanad Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka Aqoon isweydaarsiga ku saabsan hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee Hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya

Ugu horreyn waxaa munaasabadda si kooban uga hadlay oo hadafka madasha la wadaagay mas’uuliyiin Xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Faysal Aadan oo yiri, “Ujeedooyinka shirkaan weyn ee aan isugu nimid waxaa ugu weyn inaan aqoon iyo xirfado cusub kororsanno si aan u horumarinno shaqadeenna iyo hey’adaha cadaaladeed ee dowladda heerarkeeda kala duwan iyo inaan ka tashano oo aan iska wareysanno qorahaha cadaaladeed ee mustaqbalka si aan isku aragti uga noqonno hadafyada waaweyn ee udub dhexaadka ah u ah horumarinta hannaanka cadaaladeed ee dalka”

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud oo muhiimadda shirkaan ku sheegay kalimad kooban oo uu ka jeediyay munaasabadda furitaanka ayaa yiri, “Waxaan rajeynayaa inaan ka faa’iideyan doono aqoon is-weydaarsigaan, annaguna aan kala faa’iideysanno inta aan wada joogno, maamaada ay hey’adaha Cadaaldda dalku u baahanyihiin hoggaan wax bedeli kara, hogaan xaalad ka gudbi kara iyo hoggaan suuban oo loo aayo”.

Taliye ku-xigeenka asluubta Soomaaliyeed, Gen. Cilmi Waasuge, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Suleynaan Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, iyo madaxweynaha jubalanad Axmed Maxamed Islaam oo isagu si rasmi ah u furay munaasabadda ayaa dhammaantood ka hadlay kaalinta hoggaaminta suuban ay ku leedahay horumarinta hanaanka cadaaladed ee dalka, waxeyna ka qeyb galayaasha ku dhiirri geliyeen inay ka faa’iideystaan aqoon-isweydaarsiga.

Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ayaa hoggaanka sare ee bahda caddaaladdu waxay ku korosaayaan aqoon la xariirta fahamka guud ee hoggaaminta wax ku oolka ah, xirfadaha lagama maarkaanka u ah hoggaaminta, iyo wada-shaqeynta.

              

Taliska Ciidanka Asluubta oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdadii xabsiga Dhexe ee Xamar

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warfidiyeennada la hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaaqaddii maanta ka dhacay gudaha xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo ay ku lug lahaayeen xubno kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga.

Afhayeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray askarta iyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Waxaana uu sheegay in ciidamaddu ay ku guuleysteen inay ka hortaagan in dagaalku uu gaaro qeybaha kale ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran.

“Waa la soo afjaray howlgalka 11:00 AM, waxaa ku geeriyooday 5 kamid ah maxaabiista, halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha askarta soo gaaray uu yahay 3 dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ciidanka asluubta ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu sameynayo sida qaar kamid ah Maxaabiista ay ku heleen hubka, asagoo sheegay inaysan jirin wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxsaday.

“Ma jiraan wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxday, baaris ayaana lagu sameynayaa sababihii waxaani u dhaceen, dib ayaana la idin kala wadaagi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf.

10 ka tirsan Khawaarijta oo hawlgal Hiiraan ka dhacay lagu dilay

Baladweyne: Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday koox Khawaarij ah oo si dhuumaaleysi ah ku soo gashay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 10 dhagarqabe ayaa Khawaarijta looga dilay dagaalkii maanta ka dhacay Beerayabaal, waxaana la soo werinayaa in khasaaraha gaaray argagixisada uu intaas ka sii badan yahay.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in deegaankaas ay ka saareen Khawaarij ka soo gudubtay Wabiga, kadib markii dadka deegaanka oo helay xogta dhagarqabayaasha oo ka yimid galbeedka Wabiga ay lasoo xiriireen Taliska qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Faahfaahinta hawlgalkaas oo dhameystiran kala soco warbaahinta Qaranka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo ah Sabti, kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo xilalka Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha ka soo kala qabtay Dawladihii milatariga iyo kuwii ku-meel-gaarka ee dalka, isagoo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia, Talaadadii 9-kii bishan July 2024.

Kulanka ducada ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Xamse Aadan Xaadow, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Aamin Sheekh, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Cali Axmed Jaamac Jangali, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow, mas’uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo ay ku jireen kuwo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ehellada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adaha Dawladda.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay taariikhda Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud  oo muddo 39 sanno ah u adeegayay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo Xildhibaan Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad),Cali Jangali, Cabdullaahi Qaloocow iyo mas’uuliyiin kale oo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ku sifeeyeen adeegge dhab ah oo qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed si howlkarnimo leh ugu soo shaqeeyay.

Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ku hadlay afka Qoyska Marxuum wasiir hore Maxamed Cali Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo ka soo qaybgalayaasha isku imaatinkooda ducada iyo tacsida.

Wasiirka Gaashaandhigga,  Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa tacsi u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Qoyska Marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu dambeyntii ka sheegay munaasabadda ducada iyo tacsida ah inay waqti murago leh u tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo markaa uga tacsiyeeyay ehellada, qaraabada iyo guud ahaan qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed geerida Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo uu ku sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii dawladeed ee muddada ugu dheer xilal ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuu Alle uga baryay inuu u naxariisto, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, isagoo sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u leedahay sooyaal lagu dhigo xuska, xasuusta iyo tacsida mas’uuliyiinta ka geeriyoota.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale si gaar ah ula kulmay qoyska iyo ehellada Marxuum Maxamed Cali Xaamud ee ku sugnaa munaasabadda tacsida iyo ducada ah, isagoo markaa la wadaagay dareenkiisa tacsida.

  

Ciidanka Ammaanka oo soo gabagabeeyey howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeyay howlgalka maxabiis ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana la toogtay 5 nin oo isku dayey inay dagaalamaan.

Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay meydadka dhagarqabayaashii ka dambeeyay inay qal-qal geliyaan amniga Xabsiga.

Dhagar-qabayaashan la toogtey ayuu Talisku sheegay inay markii horaba ahaayeen Khawaarij ku xukuman dil toogasho ah oo halkaas ku xirnaa.

Goordhow faahfaahin dheeraad ah kala soco halkan haduu Alle idmo.