Xildhibaanada golaha shacabka BJFS oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya dhismaha hay’adaha madaxa bannaan ee aan miisaaniyadda lahayn.

Kulanka oo uu shirgudooominaya guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe), ayaa sidoo kale, waxaa looga hadlayaa  hindise-sharciyeedyada kala ah maalgashiga iyo shaqada Soomaaliyeed.

Tababar Muqdisho uga furmay madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa furay tababarkan oo ay ka qeyb galayaan 35 xubnood oo ka mid ah Madax qeybaha Warbaahinta Qaranka, Waaxyaha Wasaaradda iyo hawlwadeeno.

Aqoon isweydaarsigani waxaa uu diiradda saarayaa la qabsiga Warbaahinta Qaranka ee casriyaynta warbaahinta iyo Horumarinta hannaanka Tafaftirka iyo Hoggaaminta wadashaqeynta kooxo hawleedyada shaqada.

Tababarka waxaa uu soconayaa muddo saddax maalmood ah, waxaana macalimiinta bixinaya ka mid ah Danjire Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ah siyaasi iyo saxafi rug caddaa ah iyo Macalimiin oo ay wasaaradda u soo xushay.

Furitaanka tababarka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada iyo Agaasimaha Istiraatiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda oo wadajir u soo qaban qaabiyay aqoon isweydaarsigan.

Agaasime Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa  sheegay in ujeedka tababarkani yahay xoojinta aqoonta iyo xirfadda madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada la soo xulay oo qibrad u leh shaqada Wasaaradda iyo qeybaha Warbaahinta, waxaana uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan  qabiirada iyo Macalimiinta ay Wasaaradda u soo xushay fududeynta aqoon isweydaarsigaan.

            

DF oo Ceel-biyood iyo adeegyo kale oo Bulsho ka hirgelisay deegaan laga xoreeyay Khawaarijta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ceel biyood iyo adeegyada kale ee bulshada ah ka hirgelisay deegaanka Waab-weyn ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah goobihii laga xoreeyay Khawaarijta.
Waab-weyn haddii ay beri ahaan jirtay Biyo la’aan hadda waa-cusub ayaa u baryay ka dib markii ay dowladda ka hirgelisay ceel biyo nadiif ah, goobo waxbarasho iyo caafimaad, maddaama kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay nolosha u diideen dadka shacabka ah ee deegaankaas ku dhaqan, waxayna dadka deegaanka markii hore biyaha u doonan jireen meel 70-km u jirta deegaanka ay ku dhaqan yihiin.
Waxgaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka Waab-weyn ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay halgankii ka dib, horumarada waa weyn ee hirgalay iyo taariikhda deegaanka.
” Halgankii ka dib, waxaan helnay wax badan oo Ilaahey nagu maneystay ayaa helnay, waxaa ka mid ah Ceelka biyaha ee hadda aad arkeysiin, waxaa kale, oo aan helnay waxbarasho iyo xarun caafimaad, inshallahu tacaalaa wax badan oo kalena waa rejeyneynaa, baahida tii ugu weyneyd waa biyaha, meeshan Waab-weyn ayaa la yiraah oonleyn ayay ahaan jirtay,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka dadka deegaanka oo warbaahinta Qaranka la hadlay.
Ugu dambeyn, dadka deegaanka Waab-weyn ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si deg deg ah uga jawaabtay baahidii bulsho ee ay qabeen labo sano ka dib markii laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab. Deegaanka Waab-weyn waa deegaan dadkiisu kaalin weyn ay ka qaateen dagaalka lagu jabiyay kooxda Khawaarijta ee bariga gobolka Hiiraan labo sano ka hor.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka warbixiyay Kalluumeysiga Sharci darrada ah

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Qaranka ku sheegay in ay Dowladda Federaalku qaaday dagaal xoog leh oo ka dhan ah kalluumeysigii sharci darrada ahaa ee badeenna ka socday.
Wuxuu hoosta ka xariiqay wasiirku, in Dowlado badan laga saaray Baddeena, qaarna hadda lagu talo jiro, maadaama ay ku xad gudbeen nidaamka kalluumeysiga baddaha.
” Maaddaama ciidankeenu Badda uusan jirin ama awood badan uusan horey u lahayn, dalkana soo korayay, waxaa iska dayacnaa runtii Baddeenu oo aad u balaaran,marka waxaa batay dad badan oo si sharci daro ah uga kalluumeysto, waayahan dambe waxaan ku qaadnay dagaal xoog badan mid sharci oo aan dacweyneyno dadka ku lug leh waxaa, dignoono oo aynu soo saarnay iyo dowladda Soomaaliya oo awood u yeelatay Tiknooloji ahaan in ay Badda ilaaliso oo aan ogaan karno maraakiibta Baddeenu soo marto nooca ay yihiin, meesha laga leeyahay, inta ay yihiin iyo meesha ay u socdaan, taas oo sahashay in cidii aan ku dhaho markabkaada Baddeenu ayuu ku jiraa haddii aysan noo bareerin kala baxdo ama ay sharci na weydiistaan ama aan ku dacweyno oo ay ciqaab iyo cambaareyn kala kulanto, marka hadda Dowladda waxay awood u leedahay in ay koontaroosho Baddeeda,” ayuu yiri wasiirka.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda awood buuxda u leh in ay maamusho Baddeeda, waxaanna meesha laga saaray kalluumeysi sharci-daro ah oo muddo badan ka socday Baddeena.

Saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray dalka Masar

Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa lagu soo gebagebeeyay tababar lagu baranayay la dagaalanka Khawaarijta oo loo qabtay Saraakiil ka socotay Booliiska 36 dal oo Afrika ah oo Soomaaliya ay ku jirto.
Koorsadaan oo socotay ku dhawaad laba bilood waxaa kaalinta 1-aad ka galay Mustaf Salaad Yarow oo ka socda Booliska Soomaaliya, isagoo khudbad ka jeediyey xiritaankii koorsadaan.
” Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo kan saaxiibadeyda qeybta ka ah Koorsadan numbarkeedu yahay 360, kana socda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, anigoo xushmad weyn iyo mahadnaq aan la soo koobi karin u soo jeedinaayo Akadeemiyada Booliska ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar, wakaaladda horumarinta ee Masar, wasaaradda arrimaha dibadda iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kuwaas oo na siiyay fursad aan uga qeyb qaadaneyno koorsadan tababarka ah ee la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri Mustaf Salaad Yarow.
Sidoo kale, Mustaf Salaad Yarow, oo hadalkiis sii wata ayaa intaas ku daray in muddada uu socday tababarkan ay fursad u heleen aqoon iyo waayo aragnimo qoto dheer oo ku quseeya qibrad wax ku ool ah ku saabsan tababarka la dagaalanka Khawaarijta, sidoo kale, is-dhaafsiga aragtida iyo habab kala duwan oo ku saabsan tababarka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Akadeemiyada Booliska Masar, ku-xigeenka xoghayaha guud ee wakaaladda horumarinta Masar, maamulaha xarunta cilmi-baarista ee Booliska iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood ku ammaanay saraakiisha ka faa’ideystay tababarkan muhiimka ah sida ay u dhabar adeygeen muddadii uu socday.

Warbixinta waxqabadka todobaadlaha ah ee dowladda

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Asmara kulan kula soo yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaisas Afwerki. Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtey dalka markii uu soo dhameystay booqashadiisa labada maalmood ahayd

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya magaalada Asmara.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho lagu qabtey.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefonka kula xiriiray Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi , iyagop ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalka Ciraaq.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo intii uu joogay Ciraaq kulamo mira dhal ah kula soo yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Jamhuuriyadda Ciraaq.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaa ku darey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadda degmada Luuq.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarmalanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay Kalfadhigii Afraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Mudane Maxamed Cali Xaamud oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Australia.

12- Shirkadda Diyaaradaha Masar oo bilowday duulimaadyo ay isaga gooshayso Muqdisho iyo Qaahira.

13- Wasirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah furay Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed ee 2024-ka, isagoo xusay muhiimadda ay leeyihiin hal-abuurka, maalgashiga, iyo taageerada sharciga.

14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

15- Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Mudane Faaraxa Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga KMG ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyagoo ka wada hadley xaaladda waxbarashada dalka iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada Midoobay ee horumarinta waxbarashada.

16- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens.

17- Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan amniga garoomada.

18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceel Jeedow, Ceel Tuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka horumarinta iyo waxqabad wadaagga ee dalka Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay shirweynihii labaad ee madasha horumarinta iyo waxqabad wadaagga caalamiga ah ee ( Shared Development). shirkan ayaa socon doona inta u dhaxaysa 11-13 Luulyo, 2024.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah (CIDCA)  ee Shiinaha ayaa ujeedkiisu tahay in la kobciyo iskaashiga caalamiga ah si loo helo horumar waara.

Wakiilo ka kala socda in ka badan 110-waddan iyo 30 hay’adood oo caalami ah ayaa isugu yimid shirka, wuxuuna shirka intiisa badan daarnaa in la sahamiyo lana qorsheeyo waxqabadka iyo horumar waara ee guud ahaan caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay xafladda furitaanka 12-kii July, isagoo ku nuux nuuxsaday guulaha laga gaaray hindisaha horumarinta Caalamiga ah (GDI) tan iyo soo jeedintii 2021-ka, iyada oo loo marayo is af-garad iyo iskaashi, sida maalgelinta, shaqo abuurka, yaraynta saboolnimada, cusboonaysiinta warshadaha, iyo yaraynta isbedelka cimillada.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Kullane, ayaa shirka ka sheegay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalka Shiinaha, wuxuuna carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga caalamiga ah, isagoo dhanka kale, tilmaamay in Soomaaliya ay daneyneyso ka faa’ideysiga fursadaha ay ay GDI-du bixiso si aan u joogteyno hadafkeena horumarineed.

  

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badr Cabdulcaadi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasir Fiqi oo Shir-Jaraa’id qabtay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga talaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madaxbanaanida dalka.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kaddib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Duulimaadka Tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daahfuray ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

  

Share this Article

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Diyaaradda Egypt Air oo lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka dhacday munaasabad lagu soo dhaweynayay diyaaradda Egypt Air oo markii ugu horeysay bilowday duulimaadkeeda Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Maxamed Cigaal, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka JFS iyo wufuud ka socotay dalka Masar.

Mas’uuliyiintii iyo wefdigii ka qeyb galay munaasabada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo rajo ka muujiyay in duulimaadka diyaaradda Egypt Air uu gundhig u noqon doono ballaarinta iskaashiga ka wada dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

   

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay abaalmarinta saraakiil ciidan iyo howlwadeenada waxbarashada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasbad loogu talagalay abaal-marinta Saraakiisha Ciidamada Ammaanka iyo Howl-wadeenada kale ee Wasaaradda Waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa wasaaradda waxbarashada iyo ciidanka ammaanka ku bogaadiyay doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen qabsoomidda Imxitaanka Qaran ee dugsiyada sare ee dalka.

Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda ay ku guuleysatay wax badan oo horumar ah ,gaar ahaan dib u soo nooeynta tacliinta dalka oo lagama maarmaan u ah isku xirka howlaha dowladda iyo kuwa shacabka Soomaaliyeed.

“Wax badan ayaan qabsannay,waxa dhimanna waa la gaari donna,sidaa aawadeed farriinta howsha aan u taagan nahay waa mid ku timid wadajir”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mahadceliyay dadaalka loo galay qabsoomidda imtixaanka dugsiyada sare.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in deegaanno badan oo laga saaray kooxaha nabad-diidka ah ay haatan ka jiraan nolol caadi ah iyo waxbarasho,wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay in la qiimeeyo guulaha la gaaray gaar ahaan dagaalada lagu sifeynayo argagixisada

Madaxweymaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay shacabka in ay ka fogaadaan gacansiinta kooxaha khawaarijta,isagoo tusaale u soo qaatay in la hayo liiska kuwa taakuleeya argagixisada,halka lagu raadjoogo ama dabagal lagu hayo kuwa kale oo weli gacanta u fidiya kooxaha khawaarijta nabad-diidka ah.