Dowladda FS iyo Maamulka Jubbaland oo soo saaray qodobbo muhiim ah oo khuseeyay colaadihii ka dhacay Luuq

Mas;uuliyiin ka tirsan Dowladda Fedweraalka ,maamulka Jubbalanad iyo waxfarad kale oo maalmahaan ku sugnaa Degmada Luuq ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsanaa xal u helidda colaadihii sokeeye ee dhexmaray bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Warsaxaafadeedkaan ayaa dhigaya in loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay,in laga wada qeybqaato nabadda , in dadku ay ku soo laabtaan guryahooda iyo in loo diyaargaroobo wadaxaajood ay ka qeybgalaan dhinacyadii ku dagaalamay halaasi

Wafdigii ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan Degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland.

Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay dadka walaalaha ah ee ku dhaqan Degmada Luuq waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka Degmada Luuq,saraakiisha ciidamada,oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee ka hortagga Maalgelinta Argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ku qabsoomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada.

Guddiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada, iyaga oo soo bandhigay Shaqsiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Khawaarijta iyo nabad kusoo dabaalidda dalka, isaga oo faray mas’ulliyinta ku mideysan guddigan in la dar dar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda.

     

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka dooday ajandayaasha horutabinta u leh

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux waxaa looga hadlay dejinta ajandayaasha hortabinta u leh kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka, waxaana xubnaha guddiga ay ka doodeen shuruucda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa in laga shaqeeyo u baahan kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmay.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo qaabilay Danjire James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mudane James Swan oo uu wehliyo kuxigeenkiisa.

Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka, gaar ahaan shuruucda hortabinta u leh iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana Ergayga dhankiisa Guddoomiyaha uga warbixiyay shaqooyinka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeyta xafiiska Qaramada Midoobay iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa uga mahadceliyay Ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya taageeradooda Soomaaliya, waxaa uuna tilmaamay in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

      

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo lagu soo dhaweeyay Canada

Toronto – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo gaartay Magaaladda Toronto ee wadanka Canada ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda Toronto.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo booqashadeeda maalmo qaadan doonta ayaa muddada ay halkaasi joogto waxa ay kulamo la qaadan doontaa qeybaha kala duwan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda Toronto ee wadanka Canada.

 

       

Masuuliyiin ka trsan Galmudug iyo Puntland oo ka qeybgalay dhiirigelin loo sameeyey Arday

Gaalkacyo- Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Dugsiga Sare ee Waabari ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka kala tirsan Dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug Waalidiin Waxgarad Aqoonyahanno iyo Xubno ka socday Ururada haweenka iyo Dhallinyarada

Maamulaha Guud ee Dugsiga Sare ee Waabari Maxamed Sheekh Saciid ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Dadaalka Waxbarasho ee ay muujiyeen Ardayda dhiiri galinta loo sameeynayay iyo doorka ardayda Dugsiga sare ee Mudug ay ka qaateen Nabadda Gobalka Maadaama iskuulka ay wax ka bartaan Arday ka kala yimaada labada daraf ee magaalada oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug.

Munaasabadda ayaa intii ay socatay waxaa ka hadlay Waalidiin waxgarad Xubno ka socday ururada Haweenka iyo dhallinyarada kuwaa oo dhamaantood uga mahad celiyay maamulka Dugsiga Sare ee Mudug dadaalka waxbarasho ee suurta galiyay in tiro aad u badan ay sanad walba ka baxaan iskuulkaasi sidoo kalana Ardayda iskuulkaasi wax ka barta ay u suura gasho in sanad walba ay ka mid noqdaan Ardayda Kaalimaha hore ka gasha Imtixaanka ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.

Ugu danbeyna Aqoon yanadii iyo Masuuliyiintii ka qeyb fashay Munaasabada ayaa u mahadceliyay Ardayda iyagoo dhanka kalana kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda Waxbarasho

Warbaahinnada Qaranka Soomaaliya iyo Jabuuti oo iskaashi wadashaqeyn iyo mataaneyn ah ku kala saxiixday Jabuuti

Jabuuti: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa Iskaashiga, wadashaqeynta iyo mataaneynta Warbaahinnada Qaranka ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada Wasiir ayadoo ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo Warbaahinta Qaranka labada Dowladood, isla markaana ay iskaashi wada shaqeyneed rasmi u yeelan doonaan.

Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wadashaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uga mahad celiyey wada shaqeyntiisa.

Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti Warbaahinnada Qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti uu u saxiixay Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac. Munaasabadda waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle, iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Rashiid.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti ee RTD halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo  Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada.

 

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo ka qayb galay kulan looga hadlay la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah

Tuunis: Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caasimadda Tuniisiya ee Tuunis uga qayb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee wadamadada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray ka hortagga dukumentiyada safarka ee been abuurka ah iyo la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah (Tahriibka), iyadoo gabagabadii lagasoo jeediyay talooyin ku habboon sida looga hortagi karo socdaalka sharci darada ah.

Shirka ayaa oggolaaday in la abuuro guddi farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta hab Digital ah oo lagu wadaago xogta la xirriirta safarka iyo dhaqdhaaaqa muwaadiniita wadamada ku jira Jaamacadda Carabta.

 

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo Khawaarijta kala wareegay deegaano dhaca gobolka Hiiraan

Jalalaqsi: Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay Deegaannada kala ah Buurweyn iyo Show oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah Saraakiisha iyo masuuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey qabashada labadaan deegaan ee hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.