Wasiirka Waxbarashada oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Cabdulqaadir Maxamed Xasan ayaa u gudbiyay Wasiirka tallooyin lagu horumarinaayo waxbarashada hoose ee Gobolka Banaadir, isaga oo bogaadiyay dedaallada Wasaaradda Waxbarashada ee horumarinta iyo baahinta waxbarashada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay guushii uu kusoo idlaaday imtixaankii dugsiyada sare ee dalka, kaas oo dhawaan ay dalka ka qabatay Wasaaradda Waxbarashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay madaxda wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka coogga Dalka kulamo kula qaatay hoggaanka wasaaradda iyo ciidanka xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinadii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

   

Wasiirka amniga gudaha oo la kulmay safiirka Qatar

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa la kulmay danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr Cabdullahi Bin Saalim Al Nucaymi.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka amniga oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah, iyada oo ay muhiim tahay in wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga wasaaradda.

Howlwadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo tababar uga furmay Shiinaha

Beijing:- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay furitaanka munaasabad lagu daah-furayay tababar ku saabsan hannaanka kobcinta kalluumeysiga Soomaaliya.

Tababarkan oo loo qabtay howl-wadeeno ka tirsan wasaaradda Kalluumeuysiga Soomaaliya ayaa ujeeddiisu waxay tahay in sare loogu qaado xirfadda  kalluumeysiga Soomaaliya, iyadoo mudadda ay dalka Shiinaha ku sugan yihiin booqan doono goobo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.Munaasabaddan ayaa ka qabsoontay xarunta iskaashiga dhaqaalaha dibadda (FECC),ee wasaaradda Beeraha iyo arrimaha Miyiga (MARA) ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaga ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Kullane.

Danjiraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay muhiimadda uu kalluumeysiga u leeyahay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay taageerada Dowladda Shiinaha ay mar waliba la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo,Ikraan Maxamed Cabdullaahi oo ah agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tababarkan qiimaha badan,islamarkaana ka faa’ideysan doonaan qibradda iyo waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee xagga Kheyraadka biyaha.

Ms. Lin Huifang, ku xigeenka agaasimaha guud ee FECC, oo sharaxday ujeedooyinka tababarkan ayaa hoosta ka xariiqay inuu daaran yahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa ka faa’ideysiga Kheyraadka Badda sida Kalluumeysiga, wuxuuna howlwadeenadda tababarka loo furay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan tababarkan,islamarkaana wixii wanaagsan ay ka u gudbiyaan shacabka ay wakiilka ka yihiin.

Ugu dambeyn, Safiirka JFS ee dalka Shiinaha Danjie Cali Cawaale Kullane ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee kalluumeysiga Soomaaliya iyo suurtagalnimada in la wanaajiyo iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya, waxaana tababarkan uu socon doonaa 10-ka Luulyo ilaa 30-ka Luulyo.

    

In ka badan Toddoba xubnood oo khawaarijta looga laayay deegaanka Ceel-cadde ee galbeedka gobolka Hiiraan

Baladweyne- Ugu yaraan Toddoba xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo ay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka fuliyeen Tuulada Ceel-cadde ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Hiiraan G/sare Isaaq Cali Cabdille oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay howlgal saacado badan socday in khawaarijta looga dilay malleeshiyaad ka badan toddoba, halkaas oo looga furtay xoolo ay ka dhaceen dadka deegaanka.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay si dhammaystiran khawaarijta ugu saari doonaan galbeedka gobolka Hiiraan haatanna ay billowdeen howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee degmada Luuq

Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shirar hor dhac u ah nabadaynta beelihii dirirtu dhexmartay waxa ay laqaateen odayaaha dhaqanka degmada Luuq .

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamud Sayid Aadan iyo wafdigiisa oo  ay qayb ka yihiin wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka Iyo Isbeddalka Cimillada XFS Axmed Cumar Maxamed, Wasiir ku xigeenka wasaradda shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismaan Libaax, xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaalo ah oo dirir dhex martay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka degmada Luuq.

Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soo celin lahaa nabad kuwada noolaashiyaha bulshada degmada luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo nabadda islamarkaana lasii ambaqaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha walaalaha ah.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi.

Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka Amniga oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah, iyada oo ay muhiim tahay in Wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga Wasaaradda.

‘Kaamka Soomaalida ee GASA’ (WARBIXIN)

Shacabka Soomaaliyeed ayaa markaan u istaagay inay taageero u muujiyaan Walaalahooda Reer Falastiin gaar ahaan kuwa ku dulman Maarinka Gasa, waxayna Yuhuuddu ku hayaan dagaalo ba’an ooay kaga barakiciyeen Dadka Shacbaka ahaa, iyagoo la dhacay Madaafiic aan loo meel dayeen, intii socday dagaalka lagu haya Dadkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa inay ku dhinteen in ka badan 40 kun, halka dhaawacana lagu yeeshay in ka badan 10 kun oo Ruux oo u badan Caruur iyo Haween, waxaana waliba u sii dheer in la hareereeyay oo ay u diiday in loo furo Marin la marsiiyo gargaarka uu Caalamka ugu talagalay in la gaarsiiyo Dadkaasi tabaaleysan.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa caddeeyay mowqifka dowladda federaalka ee dagaalka ay Yuhuuddu ku hayso Dadka Reer Falstiin Gaar ahaa Marinka GSA, ayaa shaaca ka qaaday in Xamaas aysan aheyn Argagaxiso, ayna garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed. “Xamaas Argagixiso ma ahan waa urur xoreynayo dalkooda, waana inaan si buuxda u garab istaagno” ayuu yiri Ra’iisul-wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu su’aallo ka keenay sababaha ay dowladaha waaweyn iyo kuwa u doodi jiray xuquuqda aadana ay uga aamusan yihiin illaa iyo hadda dhibaatada Falastiin. “Aaway dadkii xuquuqda bani’aadamka ilaalin jiray?, aaway kuwii u dagaalami jiray carruurta? aaway kuwii haweenka u dagaalami jiray? aaway xaggee aadeen? ayuu yiri. Waxaa kale oo uu yiri “Falastiiniga muslimka ah wuu dhintay, midka Yahuudiga ah ee muctadiga ah ee ku soo duulay ee gurigooda fadhiya waa la dilay miskiinkaas ayaa la leeyahay. Maanta inkastoo xanuun badan ina hayo annaga, haddana waxaa waajib ah inaanan hilmaamin waxa ka jira Falastiin”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliyeed ay weligeed Qudus u aqoonsanaan doonto caasimada Falastiin, ayna kasoo horjeedo boobka Israel. “Ma aqbaleyno, kamana tanaasuleyno dowladda Falastiin oo caasimadeedu tahay Qudus, weligeyn kama tanaasuleyno, waa inay dadka muslimiinta u duceeyaan walaaladaas” ayuu yiri.

“Xal u helis la’aanta Qaddiyadda Falastiin waxay sii ahaan doontaa mid waji gabax ku ah damiirka dunida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse. Wuxuu Ra’iisul wasaaruhu intaa ku daray isagoo af carabi ku khudbaynayey in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Falastiiniyiinta “Waxaan hoosta ka xariiqayaa in Soomaaliya ay sii wadi doonto difaacista xaquuqda aysan ka tanaasuli karin shacabka Falastiinyiinta ee aynu walaalaha nahay, iyo jaangoynta masiirkooda,” ayuu yiri.

Haddaba Shacabka Soomaaliyeed oo ku fiican taakuleysta Dadka Muslimka ayaa bishii la soo dhaafay abaabulay bal sidii ay Dadkaasi Reer Falastiin gaara ahaan GASA ee hadba meel u qaxaaya loo gaarsiin karo wixii taakuleyn ah ee ay Dadka Soomaaliyeed ugu talagalaan, waxaase xusid mudan in Dalka Turkiye uu u baqoolay Shiikh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Culumo kale oo istaagay Taakuleynta Walaalahooda Reer Falastiin, iyagoo halkaasi kula kulmay qaar ka mid ah Culimada Reer Falastiin, waxaana la isla meel dhigay sidii loo gaarsiin karo ama loo kaalmeyn karo Dadkaasi Rafaadsan, waxayna Culimada Soomaaliyeed gudbiyeen lacag gaaraysay 70 Kun oo Dollarka Maraykanka ah oo ay ka soo aruuriyaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkiina waxaana la diyaariyay dhulkii laga dhigi lahaa Kaamka, iyadoo Kaamkaasi loo bixiyay ‘Kaamka Soomaalida ee GASA’, (مخيم الصومال في غزة )

Lacagtaasi ayaa waxaa lagu iibiyay 100 Teendho oo kaafi karta Boqol Qoys ay middiiba gali karaan hal Qoys, waxaana loo bixiyay ‘Kaamka Soomaalida ee Gasa’, marka Soomaalidu way awoodii karaan inay Dadkaasi caawiyaan oo aan tari karno, durbadiina waa la degay Kaamkii, waxaana laga sameeyay Goobo ay ka mid ahaayeen Masaajid, meel ay Carruurtu ku ciyaaraan iyo Dugsiyo Quraan, waxaa kaloo farxad leh in Teendho ka mid aheyd Teendhooyin uu ka dhacay Guur cusub, waxaana u duceeyay Dadkii la baxay Sadaqadaasi Shiikh Cabdi Xayi, “ Ajar Allah aka siiyo intii la baxday Sadaqadaasi loo fidiyay Walaalaha Reewr Falstiin, waxaana aad u xusayaa Gabdhaha Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay howshaasi, Owlaadood Ilaaheey Baari uga dhigo iyo intii kale la baxday sadaqadaasi”, ayuu yiri Shiikh Cabdi Xayi.

“Nolosha uu qof bini’aadam ahi ku noolaan karo ayaa ka bilaabatay Kaamkaasi, waxaa la degan yahay Teendhooyinkii, Carruurtii oo cayaaraya, iyagoo wax loo qeybinaayo ilaa aad arkeyso sida meelaha kale oo kale ay tahay, biyihii ay dhansanayaan, Timaha ay jarayaan, xitaa Guur uu ka dhacayo mid ka mid ah Teendhooyinka, runtii nolol ayaa ka jirta meeshaasi, runtii Dadka Fatastiiniyiinta ah waa Dad aan is dhiibeyn una adkeydsanaya Qadar Alle”,ayuu yiri Shiikh Cabdi Xayi oo ah Horjoogaha Kooxda u aruurinta Kaalmada Dadka Reer Falastiin gaar ahaan GASA.

Sheekha oo ka jawaabayay su’aal aheyd sida ay howshu u socoto, maadaama ay Dadkii degay Kaamkaasi ay Shacabka Soomaaliyeed ay wax ka sugayaan sidee ayay u socotaa soo Ururinta Lacagaha? Ayaa yiri:- “ aad baan ugu diyaargaroobayna anagoo kaashaneyna Shacabkeenna Soomaaliyeed, waxaana naloo soo sheegay ama aan u qorsheynay 100-kaasi Qoys, 30 Kun oo Doolar, macnaa Qoyskiiba waxaa ka gaaraya 300 Dollar, waana loo qeybiyay bishii dhammaatay ee Juun, bishan hadda socotana waan u heynaa, waana qeybineyna haddii ay bishan dhammaato, bilaha ku sii xigana diyaar ayaan u nahay inaan u soo aruurinno, waxaana hadda sii diyaarineynaa Bisha Agoosto iyo kuwa kaloo ku sii xigaba, dadaalka Shacabka Soomaaliyeed waa uu badan yahay”.

By. C/llaahi Ruush

Ra’iisul wasaare Xamse oo booqday Masjidka Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad

Baqdaad: Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haya, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, iyadoo lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan, Waxa uu sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah.

Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar.        

 

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada hoose

Kismaayo: Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Kaam-Jaroon ee gobolka Jubbada hoose waxay ku dileen maleeshiyaad badan iyo horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Howlgalkaan jabka xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta sidoo kale waxaa looga soo furtay hub iyo saanad ciidan, iyadoo lagu burburiyey goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.