Taliyaha xoogga dalka oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka Militariga

Iyadoo laga duulayo xoojinta amarkii Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha ciidanka XDS sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed faray in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo Rasmi ah.

“Waxaan Taliska ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo Hoggaana cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan Dagaalka Argagixisada, Dhismaha Ciidanka, Taakuleynta iyo sare u qaadista tayada Ciidanka xoogga Dalka ayuu yiri Taliyaha Ciidanka XDS”.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya dalka Eretrea

Asmara- Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo  katirsan  ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya  xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka, isagoo u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuuna warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo qorshaynaya in ay yeeshaan xiriir xagga duullimaadyada tooska ah

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa maanta la kulmay mas’uuliyiin ka socota hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan Amniga Garoomada.

Kulanka oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta hay’adaha amniga garoonka, hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo madaxda ka socota hey’adda TSA.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo 3 maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde.

Kulamada ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka.

Kulanka ayaa lagu qorshaynayaa sidii lagu gaari lahaa in Diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo wafdi u diray beelaha ku dagaallamaya degmada Luuq

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Muqdisho ka sagootiyey wafdi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Wafdigan oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayuu qorshahoodu yahay daminta dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa horay baaq nabadeed ugu soo saaray colaadda ka aloosan degmada Luuq si loo qaboojiyo xiisadda halkaasi ka aloosan.

Shir weynihii Baarlamaanka Afrika ugu socday Koofur Afrika oo lasoo gaba gabeeyay

Johannesburg- Kalfadhigii saddexaad ee Baarlamaanka Afrika oo socday intii u dhaxaysay 24-kii Juun illaa 5-tii Luulyo,2024 ayaa lagu soo gaba gabeeyay xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika ee Magaaladda Johannesburg dalka Koonfur Africa,waxaana Soomaaliya shirkaasi ku mataleysay Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka BJFS.

Shirka sanadkan oo mowduuciisu ahaa nidaaminta Iyo kordhinta helitaanka waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay Qaaradda Afrika ayaa muddadii uu socday waxa ay ka qeyb galayaasha shirka ka doodeen warbixinno ka kooban 12-qodob oo ay soo bandhigeen guddiyo loo xilsaaray, waxaana qodobbada aadka looga dooday ka mid ahaa in Baarlamaanka Afrika uu noqdo sharci dejiye rasmi ah iyo ansixinta xeerarka qabyada ah ee la xiriira nidaamyada mideeyay wadamada Midowga Afrika.

Go,aannada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah.

1-Qaraarka Mawduuc sanadeedka Midowga Afrika ee 2024 oo ku saleysnaa Nidaaminta iyo Kordhinta Helitaanka Waxbrasho tayo leh oo loo dhan yahay Afrika.

2-Go’aanka Ansixinta Sharciga Xeerka Iskaashatooyinka Afrika.

3-Go’aanka caqabadaha hortaagan fulinta wax ku oolka ah ee go’aamada maamulka Midowga Afrika iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

4- Go’aanka baabi’inta ciqaabta dilka ee Afrika.

5- Qaraarka Tixgelinta Warbixinta Waxqabad ee Baarlamaanka Pan-Afrika.

6- Go’aanka Horumarinta Dhaqdhaqaaqa isku socodka xorta ah ee Afrika.

7- Go’aanka maalgelinta guddiyada gobolka ee Baarlamaanka Pan-Afrika.

8- Go’aanka ku saabsan daroogada oo caqabad ku ah Waxbarashada loo dhan yahay tayo sarena leh ee la xiriirta Afrika.

9- Qaraarka Natiijadii ka soo baxday Shirweynihii 14-aad ee Baarlamaanka Afrika ee Xuquuqda Haweenka.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Ciraaq

Baqdaad: Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Ciraaq Mudane Dr. Fu’aad Xuseen.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ciraaq, guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasillinta dalka, dib-u-dhiska hey’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

    

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka oo kormeer hawleed ku jooga Shabeelaha dhexe

Al-kowtahar: Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneral Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta gaaray degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobalka Shabeelaha dhexe, waxaana halkaa taliyaha ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo qaar ka mida hoggaanka ciidanka degaanka macawiisleyda.

Taliyaha ayaa khudbad dhiiri gelin iyo dar daaran isugu jirta u jeediyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma.

Sidoo kale taliyaha ayaa balamo uu ka wado madaxda sare ee dalka waxa uu ka horsheegay ciidanka u taagan difaaca Qaranka, waxaana cid kasta oo keenta madax Khawaarij la siinayaa ( 5 kun oo Dollar ) iyo agabka uu ka soo qaniimeysto oo loo qiimeeynayo.

Muhiimadda safarkan taliyaha uu ku tegay difaacyada hore ee ciidamada Qaranka iyo xoogaga deeganku ay kaga sugan yihiin Shabeelaha dhexe ayaa ahaa dhiiri gelin iyo dar dar gelinta howlgalada dalka looga saarayo meleshiyadka taagta daran ee Khawaarijta.

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Madaxweynaha dalka Ciraaq

Baqdaad: Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid.

Ra’iisul wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Ciraaq mudane Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan, dagaalka ka dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.

   

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo daahfuray Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed 2024.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qaab-sharciyeed adag si loo kobciyo nidaamka deegaanka ganacsi ee kobcaya, isagoo muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay cadaaladda iyo dastuurka. Wasiirka ayaa ka hadlay isgoysyada muhiimka ah ee hal-abuurka, maalgashiga, iyo taageerada sharciga ee Shir madaxeedka Hal-abuurka Ganacsiga Soomaaliyeed 2024.