Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Khawaarijta ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Howlgalka waxaa qeyb ka ahaa maamulka Degmada oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda Degmada.

‘Itoobiya meeshay ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah’ (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waayahaan waxaa dhex yaallay xurguf ka dhex dhalatay kadib markii Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland ay bishii Janaayo Kowdeedii ee sanadkan ay isla gaareen wax loogu yeereen Is-af-garad lagu bixinayo dhul-badeed 20km ah, taasi ayaa ka dhigtay in cirka isku shareertay, waxaana la isku dayay dhowr mar in arrinta la qaboojiyo, balse waa suurtogali weysay, waxaana ugu dambeeyay kii lagu qabtay Magaalada Ankara ee dalka Turkiye, kaasi oo ay gar-wadeen ka aheyd Dowladda aannu Walaalaha nahay ee Turkiye.

“Anigoo cuskanayo Qaraarkii Barlamaanka Fedraalka Soomaaliyaee ilaalinta gobanimada, midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan aniga, xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan Gole kasta iyo goob kasta u tagnay, si aan u muujinno mowqifkeenna cad ee ku aadan qaddiyaddeenna”, ayuu yiri:- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud mar uu Khudbadda dhinacyo badan taabanayay ka jeedinayay furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamka, maantana iyadaa wali diidan. Itoobiya waligeed inta si darisnimo ah noogu timid marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiib darro iyadaa wareegaaleysaneysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. Soomaaliya ma aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis. Xaalka dowladda Etoobiya waa HASHA IYADAA CUNEYSA OO CABAADEYSA” ayuu si kulul u sheegay Xildhibaanaddi goobta fadhiyay.

Hadalkaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh waxa uu ku soo aadaya hadallo uu dhawaan Raiisul-wasaaraha Itoobiya uu u jeediyay Baarlamaanka Dalkaasi, isagoo sheegay in dowladdiisu aysan su’aal galinaynin midnimada Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in aysan diyaar u aheyn kala-qeybinta dalka Soomaaliya. Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku haaya codsi ay ku doonayaan in si sharci ah loogu ogolaado gaaritaanka badda.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta Addis Standard oo soo tarjuntay khudbadda Abiy ayaa waxaa uu yiri “codsigan [gaarista badda] waxa aan u gudbinay dhammaan dalalka deriska nala ah, mana helin wax jawaab ah. Waan tuugtannay waana dalbanay. Taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya”. Hadalkaasi ayaa u eg mid aad uga luuqad duwan kuwii hore looga bartay Abiy iyo mas’uuliyiinta kale ee Itoobiya oo hore u sheegay in ay aqoonsan doonaan Somaliland, wuxuuna sii raaciyay “Soomaaliya yaysan kharash badan iyo waqti badan uga bixin safarrada badan ee ay nooga dacweynayaan Caalamka”.

Abey Axmed xog badan ayuu bixiyay, sidaasi awgeed dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka aaminsan qoobadaan:-

1- Wuxuu qiray in damaciisa dhul boobka ah uu u soo bandhigay Dawladda Soomaaliya kana diiday ka dibna uu aaday Soomaliland, taasi oo muujinaysa in MOU-ga beenta ah oo fahamsanaa in uusan xalaal aheyn, dawladdii sharcigaas laheydna ka diiday.

2- Wuxuu sheegay oo uu muujiyay in fahamsan yahay in aysan meel maraynin Riyadiisu, Dowladda Soomaliya haddii aanay aqbalin, taasi oo ah wax aan dhici karin.

3- kadib waji gabaxa uu kala kulmay damaciisa kala goynta Soomaaliya, wuxuuna af-gobaadsi ahaan u muujiyay in uusan duullaan ku ahayn Midnimada Soomaaliya, si uu indhaha caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed isaga leexiyo.

4- Wuxuu mujiyay sida ay u dhibtay in Dowladda Soomaaliya uga adkaatay faagaarayaasha Caalamka isaga oo ku calaacalay annaga nala hadla hanna dacwayninee.

5- Abeey wuxuu kaloo sheegay in dhammaan Dowladaha Dariska la ah ay diideen damaciisa, taasi oo muujinysa heerka go’doonka ah ee uu ku jiro

Haddaba falanqeeyayaashu ayaa xusay in Fahamka saxda ah ee hadalkiisu uu khuseeyay.

1- Maamulka Muuse biixi oo uu caddeeyay in aanay jirin beentii ay Shacabka Waqooyi u sheegeen ee aheyd waa nala aqoonsanayaa.

2- Wuxuu markale beeniyay dicaayaddii Muuse ee aheyd Soomaliya iyadaa rabta in ay heshiiska saxiixdo, isaga oo caddeeyay Abeey in Dowladda Soomaaliya diiday codsigiisa ka dibna uu ku xumayn ahaan uga galay Is-af-garad beenaadka MOU-ga.

3- Micnaha kale ee hadalkiisu wuxuu ahaa in uu ku qanacsan yahay in uusan xoog ku qaadan Karin, Muusana siin karin Dhul iyo Bad Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay hadallada Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa yiri:- “Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag. Laakin sida dowladda Itoobiya wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo wax Cadaawad ah uma qabno Shacabka Etoobiya. Waxaana la jecelnahahy nabad, deggenaansho iyo inay ka gudbaan caqabadaha heysta maanta”.

“Toddobaadkii la soo dhaafay walalaheen Turkida ayaa noogu yeeray inaan aqbalno Gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedii waxba iska badalin. Waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo, annagoo aanan kulmin. Annagu ma madlin gogosha ee Itoobiya ayaa sidaas codsatay. Waxay horay u codsatay in dib loo dhigo gogol billaw ahayd oo Nairobi ka furantay dibna uguma soo noqon. Waxaan rajeyneynaa tanne in aaney sidii tii hore oo kale ka baxin ballanta aan la soo galnay walaalaheen TURKIYE”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“Itoobiya iyadaa wareegeysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamka, maantana iyadaa wali diidan”, sidaadi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la hadlaayay Shacabka iyo Maamulka gobolda Waqooyi ee Soomaaliya “Waxaan sidoo kale baaqeyga mar kale u dirayaa walaalaha Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan, una noqdaan jidkii aan isla jeexnay laba maalmood ka hor, saxiixa is afgarad ku sheegga lala saxiixday Itoobiya. Jidkaasi waa kii walaaltinimada iyo garawshiyaha oo wali inoo furan, aanna aaminsan nahay inuu badbaado u yahay jiritaankeenna Ummadnimo, iyo soo celinta karaamadeenna iyo sharafteenna. Haddii aan wadajireyno iyo haddii kala tageyno waa howl u gaar ah oo khuseysa dadka Soomaaliyeed oo kaliya”.

By. C/lahi Ruush

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq

Baqdaad:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq, Sheekh Cammaar Al-Xakiim.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaamiye Al-cammaar ayaa ka wada hadlay xiriirka taariilkhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo mudnaanta la siinayo iskaashiga heer Carbeed ee arrimaha masiiriga ah.

Sheekh Cammaar Al-Xakiim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey dhaqdhaqaaqa Al-Xikma ee hormuudka u yahay, kaas oo door wanaagsan ka qaata siyaasadda dalka Ciraaq, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in dib loo cusboonaysiiyo xiriirka labada dal.

 

   

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada ka socda qeyba kamid ah gobolada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah oo uu ugu danbeeyay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq, si la mid ahna la farayo Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo fursad u ah in Khawaarijtu ay ku sii dhuumaaleystaan deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka.

“Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo kusimaha Taliyaha hey’adda NISA Mudane Muhiyadiin Warbac ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho..

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho ayaa warbixin la xariirta dhinaca Amniga waxaa looga dhageystay Hey’addaha kala duwan ee Amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku amaanay Saraakiisha laamaha Amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir

 

     

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka Ciraaq Nuuri Al-Maaliki

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga Dacwa ee dalka Ciraaq, Mudane Nuuri Al-Maaliki.

Mudane Xamsa iyo Mudane Nuuri oo horey Ciraaq uga soo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamse uu mudnaanta siinayey isdhaafsiga khibradda dagaalka ka dhanka argagixisada iyo qaabkii dowladda Ciraaq uga adkaatay, ugana xoreysay dalka Ciraaq kooxihii argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida ee AUN guddoomiye Prof. Jawaari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 28-kii bishii luuliyo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho, waxaana aas qaran oo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda loogu sameeyay isla magaalada Mqudisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaana Muqdisho ka furay buugga tacsida ee AUN guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

  

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq

Baghdad- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Baqdaad, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Ciraaq, Mudane Muxsin Al-Mandalawi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo guddoomiyaha ayaa si guud uga wada hadlay xoojinta cilaaqaadka u dhaxeeya labada waddan iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay u cusbooneysiin lahaayeen iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeyn jiray labada dowladood iyo shacab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyay guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo dagaalka Khawaarijta, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo diblomaasiyadda.

     

Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS oo kala hadlay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya xoojinta taageerada dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada Maraykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada.

Dhankiisa, Danjire Richard ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda.

    

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka qeyb galay Munaasabad lagu sagootinayay Taliyahii hore ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Taliska Ciidanka xoogga Dalka ayaa xalay Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu sagootinayay Taliyahii hore ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) Gen, Fulvio Poli kaas oo dhawaan xilkii uu ka idlaaday.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa u Mahad-celiyay Gen, Fulvio Poli waxuuna ku amaanay xil gudashadiisa muddadii uu ku sugnaa Soomaaliya, waxuuna u rajeeyay Mustaqbal wanaagsan.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa dhawaan loo soo magacaabay Giuseppe Zizzari xilka ayuuna kala wareegay Gen, Fulvio oo sagootiin qiima sara leh loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Saraakiil  sare oo ka tirsan DFS, Turkiga, Mareykanka iyo Howlgalka ATMIS ayaana goobjoog ahaa Munaasabadda sagootinta Taliyahii hore ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.