Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo uu wehliyo Wasiir-dowlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan wax ku ool ah maanta la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeeya Wasaardda iyo Hey’ada UNDP Soomaaliya, iyo horumarinta warbixinta Tusaha Saboolnimada ee qeybaheeda kala Duwan Multidimensional Poverty Index (MPI), Sido kale kor u qaadista xog ururinta, beegsiga dadaallada dhimista faqriga, iyo horumarinta mustaqbal waara.

Kulanka waxa uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa kooxda khawaarijta kala wareegay deegaan istiraatiiji ah

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa galabta kooxda Khawaarijta ah kala wareegay deegaan istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfile, kaas oo dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sina dhowaan laga xoreeyey Khawaraijta.

Saraakiisha ciidanka howlgalka sameeyey ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in deegaankaas uu khawaarijta u ahaa meel ay xoolaha baadda ah uga qaadaan dadka shacabka ah, isla markaana ay ka gaysteen dhibaatooyin badan.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga ka dhanka ah Khawaarijta.

Khudbadda Madaxweynaha ee furitaanka Kalfadhiga 5-aad BFS

Khudbadda Madaxweynaha ee furitaanka Kalfadhiga 5-aad BFS

BISMILAAHI

Guddoonka Labada Aqaal ee BFS

Xubnaha Labada Aqal ee BFS

Madaxda qaybaha kala duwan ee dowladda,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Waxaa Sharaf iyo karaamo ii ah inaan furo kalfadhigan 5-aad ee BFS oo muhimmad weyn u leh geeddisocodka dowlad dhiska Soomaaliya ee aan ku matalayno shacabkeenna.

Ugu horreyntii Waxaan halkan tacsi uga dirayaa xubnahii ka geeriyooday BFS muddadii ka dambaysay furitaanka kalfadhiga afraad, ee kala ahaa:

1- AUN Xildh. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo

2- AUN Senator Abdirisaaq Maxamed Xareed

Waxa aan sidoo kale uga tacsiyeynayaa Barlamaanka Somaaliyeed, anigoo horaanba ugu tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, geeridii waayeelkii Soomaaliyeed, AUN Maxamaed Sh. Cismaan Jawaari, Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka BFS. Waxuu ahaa qof ummadda Soomaaliyeed ay tabi doonto aqoontiisii, kartidiisii, xikmaddiisii iyo wadaninimadiisii. Dhammaanteen Sammir Allaha naga siiyo

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan halkan ka bogaadinayaa howlaha baaxadda leh ee uu qabtay Barlamaanka afartii kalfadhi ee la soo dhaafay guuud ahaan, gaar ahaan kalfadhigii afaraad ee uu Barlamaanka 11-aad ku guulaystay ansaxinta afarta cutub ee ugu horreysa Dastuurkeenna KMG ah. Waa howl ina sugaysay in ka badan 12 sano, oo ay u suurtagali waysay Baarlamaanadii 9-aad iyo 10-aad ee aannu lahayn.

Howsha dhammaystirka dastuurka waxay dabarka ka furaysaa in bulshadeennu u dhaqaaqdo dowlad dhiska ku saleysan dimuqraadiyaynta, sarreynta sharciga iyo in muwaadinka uu helo xuquuqdiisadastuuriga ah ee in la doorto iyo inuu wax doorto.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa howlahii kale ee BFS uu soo qabtay kalfadhigii la soo dhaafay oo ay ka mid ahaayeen:

Meelmarinta shuruucdii muhimka ahayd ee sababay inaan gaarnoo in badan oo ka mid ah guulaha aan ku naalooneyno maanta, Korjoogteynta xukuumadda iyo guud ahaan mataaladda shacbka.

Waxaan si gaar ah u xusayaa qaraarkii Barlaamaanka ee ilaalinta gobnimada, midnimada iyo wadajirka dalka, oo jawaab u ahaa xadgudubkii ay dowladda Itoobiya ku samaysay qarannimadaiyo midnimada dadeed iyo dhuleedba ee dalkeenna.

Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA.

Degaannadii la xoreeyay qaarkood waxaa maanta ka socda barnaamijka xalinta oo ah dib u soo nooleynta iyo dib u dhiska adeegyada bulshada.

Waxaan soo booqday maalmo ka hor mid ka mid ah goobahii la xoreeyay sannad ka hor, iyadoo uu isbeddel ka muuqdo dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah. In ka badan dhowr iyo toban sano ka dib, waxaa imtixaankii dugsiyada sare laga galay degmooyin ay mid yihiin Xaradheere iyo Ceel dheer. Ilaahey mahadi ha ka gaartee, waxaan gaarnay guulo waaweyn. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo. Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya.

Laga soo billaabo furitaanka kalfadhigii afraad oo ku beegnaa 24-kii Nofeember 2023; waxaa inoo rumoobay riyooyin ay muddo dheer Soomaaliya ku taamaysay. Maanta Soomaaliya waxay ku guuleysatay:

1. Iney ka mid noqoto iskaashiga dowaldaha Bariga Afrika ee (EAC).

2. Iney dhammaystirto Geeddi socodka dayn cafinta. Lagana cafiyey balaayiin doollar

3. In laga qaado cunaqabateyntii hubka, taasoo saarnayd muddo ka badan 30 sano.

4. In loo doorto xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

Guulahaas waxa ay astaan u yihiin inaan ka gudubnay marxalado adag oo ka dhashay dagaalladii sokeeye iyo geeddisocodka dowladnimadeenna oo gaabis ahaa sannad badan. Waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo wax badan u soo huray si ay ugu noolaadan siyaabaha bulshooyinka kale ee caalamka u nool yihiin. Guulahaas waxay ina saarayaan waajib kale oo ah inaan diiradda saarno sidii aan uga faa’iidaysan lahayn ama aan u xajisan lahayn si aanan dib ugu noqon halkii aan ka soo hayaannay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo cuskanayo qaraarkii Barlamaanka ee ilaalinta gobanimada, midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan aniga, xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan Gole kasta iyo goob kasta u tagnay, si aan u muujinno mowqifkeenna cad ee ku aadan qaddiyaddeenna.

Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamkamaantana iyadaa wali diidan. Itoobiya waligeed inta si darisnimo ah noogu timid marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiib darro iyadaa wareegaaleysaneysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. Soomaaliya ma aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis. Xaalka dowladda Etoobiya waa HASHA IYADAA CUNEYSA OO CABAADEYSA. Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag. Laakin sida dowladda Itoobiya wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo wax Cadaawad ah uma qabno Shacabka Etoobiya. Waxaana la jecelnahahy nabad deggenaansho iyo iney ka gudbaan caqabadaha haysta maanta.

Toddobaadkii la soo dhaafay walalaheen Turkida ayaa noogu yeeray inaan aqbalno Gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedii waxba iska badalin. Waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo, annagoo aanan kulmin. Annagu ma madlin gogosha ee Itoobiya ayaa sidaas codsatay. Waxay horay u codsatay in dib loo dhigo gogol billaw ahayd oo Nairobi ka furantay dibna uguma soo noqon. Waxaan rajeyneynaa tanne in aaney sidii tii hore oo kale ka baxin ballanta aan la soo galnay walaalaheen TURKIYE.

Waxaan sidoo kale baaqayga mar kale u dirayaa walaalaha Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan, una noqdaan jidkii aan isla jeexnay laba maalmood ka hor, saxiixa is afgarad ku sheegga lala saxiixday Itoobiya. Jidkasi waa kii walaaltinimada iyo garawshiyaha oo wali inoofuran, aanna aaminsanahay inuu badbaado u yahay jiritaankeenna ummadnimo, iyo soocelinta karaamadeenna iyo sharafteenna. Haddii aan wadajireyno iyo haddii kala tageyno waa howl u gaar ah oo quseysa dadka Soomaaliyeed oo kaliya.

Guddoonka sharafta leh,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan la socdaa in ajandayaal muhim ah ay horyaallaan kalfadhigan. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin sharciyada la xiriira dimuqraadiyaynta dalka sida kuwa xisbiyada iyo kuwa doorashooyinka. Sidoo kale hay’adaha maamulka doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo kuwa garsoorka.

Walaalyaal, muddooyinkii la soo dhaafaydalkeennu waxuu soo maray xaalado muujinayo soo kabasho dhanka maamul dhiska iyo dimoqraadiyadda, waxaan ku sii siqaynaa in muwaadinka Soomaaliyeed helo fursad uu wax ku doorto iyo mid lagu doorto intaba. Waxaan filayaadoorashooyinkii dadbanaa in aaney ahayn kuwo loo xiiso qabo maanta.

Waxaan wada xusuusannaa, in 2012kii barlamaankeenna ay soo xuleen odayaal dhaqameed (135) ah oo badankood degganaa hoteello ku yaal caasimadda, halka 2016 kii aan u daadejinnay in lagu soo doorto dowlad gobolledyada. Tiro ka badan 14 kun ay codeeysay. Arrinkaas wuxuu u muuqday isbeddel weyn. 2022kiina in ku dhaw 30kun ayaa codeysay. Manta waxaa nalaga sugayaa inaan dalka u horseedno doorasho toos ah oo guud ahaan shacabka qeybahiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyagoo xor ah. Waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas insha Allah.

Waxaa kale oo iyadana ahmiyad weyn leh, sii wadidda cutubyada ka dhiman dhammaystirka dastuurka si dalku uga baxo hubanti la’aanta DASTUURIGA AH.

Mudanayaal iyo Marwooyin.

Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka KHAWAARIJTA.

DFS iyo DG waxay sammeeyeen daallo lagu kala dhexgalayo laguna nabadeynayo degaannada colaadduhu ka jiraan. Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa hadal-jeedinteydakalfadhiga 5aad ee BFS, in anagoo Alle kaashaneyno oo aan ka mshquuleyn inaan wada aragno, Soomaaliya oo ku guuleysatay xoreynta deegaanada wali ku jira gacanta Khawaarijta, dejinta shuruucda aan ku horumarinayno dalka, dhameystirka hey’adaha Qaran ee muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo balaarinta adeegyada bulshada sida ballaarinta waxabarashada ubadka Soomaaliyeed ee gaaray da’da waxbarashada.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xubnaha labada Golle ee sharafta leh Kalfadhiga 5aad ee BFS waa inoo furan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay xeerarka caalamiga ah”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Khudbad madaxweynuhu uu jeediyay mudaneyaasha labada Gole ayaa uu uga warbixiyay xaaladda dalka, isaga oo ka dalbaday in howlaha horyaalla uu Baarlamaanku u guto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Gole ee Baarlamaanka JFS ku bogaadiyay dardargelinta qodobada qabyada u ah sida qabyo-tirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalka oo cutub kamid ah lagu dhammeystiray kalfadhigii 4-aad ee kan ka horreeyay.

“Howsha dhammaystirka dastuurka waxay dabarka ka furaysaa in bulshadeennu u dhaqaaqdo dowlad dhiska ku saleysan dimuqraadiyaynta, sarreynta sharciga iyo in muwaadinka uu helo xuquuqdiisadastuuriga ah ee in la doorto iyo inuu wax doorto” ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah kooxda khawaarijta ayaa tilmaamay in deegaannaddi laga xorreeyay argagixisada ee uu dhawaan  uu booqday inay ka muuqdaan isbeddel dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah.

“Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA”.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka been abuurka ah ee tibaaxaya in dowladdu wadahadalo la fureyso kooxda khawaarijta ee shabaab, waxaana uu yiri “Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo”.

Dhan kale mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wadahadalka ay garwadeenka ka tahay dowladda Turkigu ee ay isugu yeertay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay inuu yahay codsi ka yimid dowladda Itoobiya balse Itoobiya aysan beddelin mowqifkeedii ku xad-gudubka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya taasina ay keentay in gogosha la madlo mar kale iyada oo aanan ka wada hadal.

“Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka JFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay kalfadhigii afaraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda kalfadhiga shanaad ee maanta furmay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliyeed kalfadhigii lasoo dhaafay uu ka shaqeeyay shuruuc muhiim u ah horumarka dowladnimo ee dalka, waxaana uu tilmaamay in shuruucdaas dhamaantood ay ahaayeen kuwo shacabka Soomaaliyeed indhaha ku haayeen maadaamaa ay dowladnimadeena muhiim u ahaayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha Golaha Shacabka u qorsheysan kalfadhiga shanaad ay ka mid yihiin xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka ku amaanay garab istaaga ay u muujiyeen ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo dadka oo iska kaashanaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Baarlamaanka labadiisa aqal kula dardaarmay in ay kalfadhigan xooga saaraan ka shaqeynta shuruucda muhiimkau ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani

Baqdaad:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, ayaa Labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Kalfadhiga Baarlamaanka JFS oo Furmay

waxaa maanta xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmay kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Kalfadhigan ayaa waxa Khudbad dhinacyo badan ka jeedinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa khudbadiiss uga hadlay Damaca Gurracan ee Itoobiya isagoo madaxweynuhu Caddeeyey in Itoobiya adduunka ka tuugayso Soomaaliya nala heshiisiiya,Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay Dagaal qabiileedyada soo noqnoqday iyadoo Madacweynuhu xusay in ay ka mid yihiin qorsheyaasha Cadowgu soo maleegay.

Khudbada Madaxweynaha oo dhamaystiran la soco SONNA.

Xarunta Tubsan waa Habka La-dagaalanka Argagaxisada ee Bulshada oo dhan’ (WARBIXIN)

In ka badan 15 sano oo ay al-Shabaab la dagaalamayeen, hoggaamiyayaasha Soomaalidu waxay ogaadeen in aan looga adkaan karin kooxda Argagixsada qaab ciidan oo keliya. Wax yar ka dib markii loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya May 15-keedii sanadkii 2022-kii, Dr: Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu daaha ka qaaday qorshihiisa “dagaalka guud” ee ka dhanka ah Argagixisanimada: guluf militari oo ay iska kaashadeen Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isla mar ahaantaana weerar lagu qaaday dhaqaalaha badan ee al-Shabaab. shabakad, iyo qorshe lagaga hortagayo fikirka xagjirka ah ee kooxda.

“Siyaasaddihii hore waxay ahaayeen siyaasado militari… weerar, burburin,” Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku yiri khudbad si heer qaran ah loo sii daayay bishii Luulyo 2022-kii. “Laakin dhibaatada Al-Shabaab way ka badan tahay militariga.” Waxa uu qiray in “ay jiraan doodo adag” oo ku saabsan in lala xaajoodo kooxaha ka soo horjeeda, kuwaas oo la ogaaday in ay yihiin kuwo aad u adag oo si fiican loo maalgeliyo, oo gacanta ku haya dhul ku yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. “Laakin hadda ma joogno xilli aan kula xaajoono Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Waxaan sameyn doonaa, waqtiga saxda ah.”

Haddaba Si loo gaaro yoolalkaasi, dowladda Soomaaliya waxay dhistay Xarunta Qaranka ee Tubsan ee  Ka-hortagga Xag-jirnimada Rabshadaha bishii Juun sanadkii 2023-kii “si loo hubiyo in si dheellitiran loo hirgeliyo istiraatijiyadda qaranka ee ka hortagga Xagjirnimada rabshadaha wata iyo Argagixisada”, Iyadoo Hadafka xaruntu yahay isku-duwidda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, hay’adaha amniga ee badan, Ururada bulshada rayidka ah iyo saaxiibada kale.

Ilaa 30 ka mid ah shaqaalaha xarunta ayaa la shaqeeya Culimada, kooxaha Dhalinyarada, Ururada Haweenka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha gaarka loo leeyahay. Xiriirkeeda istaraatiijiyadeed ujeeddadeedu waa ‘in ay ka hortagto war-faafinta xagjirka ah iyo dacaayadda ka jirta dhammaan goobaha warbaahinta iyo golayaasha bulshada’, iyadoo Xaruntu wajaheysaa caqabado badan marxaladaha hore ee horumarka, oo ay ku jiraan hanjabaadaha ka dhanka ah shaqaalaheeda. Laakiin cilmi-baaraha Isel Ras ayaa sheegay in shaqada ugu weyn ee Tubsan ay tahay wax ka qabashada arrimaha asalka u ah argagixisada.

“Xeeladaha ka baxsan tallaabooyinka amniga… waa in diiradda la saaraa dhaqancelinta, dib-u-dhexgalka iyo ka-hortagga xagjirnimada rabshadaha leh,” ayay ku qortay falanqeyn 25-kii Maarso ee Machadka Daraasaadka Amniga, oo ah xarun fakar oo fadhigeedu yahay Koonfur Afrika. “Soomaaliya waa inay la tacaashaa caqabadaha ku aaddan qoritaanka iyo xagjirnimada Al-Shabaab, iyo rajada laga qabo in dagaalyahannada qaarkood ay ka goostaan.”

Maareeye ku xigeenka Tubsan Ibraahim Nadaara ayaa leh khibrad gaar ah, isagoo kooxda ka goostay isagoo taliye sare ah sanadkii 2016-kii, wuxuuna horay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre kula taliyay wacyigelinta ka dhanka ah Al-Shabaab. Agaasime C/llaahi Maxamed Nuur ayaa xaruntan ku tilmaamay mid astaan ​​u ah rajo iyo adkeysi la doonayo in lagu mideeyo dadka iska diida fikradaha qalafsan ee xagjirka ah.

“Waxaan qaadaneynaa hab ‘dowlad-dhan’ iyo ‘dhammaan-bulsheed’, sameynta xeeladaheenna kuwo loo dhan yahay oo waxtar leh,” ayuu ku qoray bogga Tubsan. “Waxaan hormuud ka nahay oo isku dubbaridnaa dadaallada hay’adaha kala duwan iyo heerarka dowladda, annagoo diiradda saareyna hab howleed jilicsan oo xoogga saaraya wada-hadalka iyo isfahamka, halkii xoog laga saari lahaa. Hadafkayagu wuxuu dhaafsiisan yahay ka hortagga khataraha hadda jira, si aan uga hortagno kuwa cusub.”

Sida aan la soconno Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda ayaa guulo ka gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Weerarkii ugu dambeeyay ee Ciidanka ayaa diiradda lagu saarayaa maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, halkaasi oo maleeshiyada ay weli meelo ka mid ah ku dhuumaaleysanayan oo ay dhibaato ku hayaan dadka rayidka ah.

Ammaanka guud ee Soomaaliya ayaa ku jira isbedel muuqda, iyadoo ciidamada ATMIS uu galayo Wejigii saddexaad ee qorshaha ka bixitaanka. Wajigii hore ayaa la sheegay in howlgalka laga saaray 5,000 oo askari, waxaana lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliyeed 17 saldhig oo horay uga howlgali jireen kuwa ATMIS. Wejiga labaad wuxuu amray in howlgalku uu soo saaro 4,000 oo kale oo ciidan ah dhamaadka bisha June. Waxaa la filayaa in ay dhamaystirto bixitaankeeda dhammaadka 2024-ka.

Ras waxay sheegtay in Xarunta Tubsan ay door muhiim ah ka ciyaari karto caawinta horumarinta habka la dagaalanka Argagixisada Soomaaliya. “Rabitaanka siyaasadeed waa in uu ahaado mid ku adkeysta wax ka qabashada sheekooyinka la xariira xagjirnimada, oo ku fidsan meelo ka baxsan magaalooyinka, si loo koobo dalka oo dhan,” ayay qortay. “Si run ahaantii loo yareeyo wadayaasha xagjirnimada rabshadaha wata, waajibka Tubsan wuxuu ugu dambeyntii u baahan doonaa inuu ballaariyo, si wax looga qabto horumar-la’aanta, dhaqan-dhaqaale-dhaqaale iyo xad-gudubyada xuquuqda Aadanaha ee ciidamada ammaanka.”, sida ay qortay African Defense Forum ADF.

Sawirkan waa Agaasimaha Xarunta Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur, Bidix iyo Ku Xigeenka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Thomas Kieler ayaa furay maktabadda xarunta ee Muqdisho, Soomaaliya, Noofambar 22, 2023-kii. TUBSAN CENTER.

Dhinaca kale dood u saabsanaa ASWAN FORUM EE NABADDA IYO HORUMARKA SUGAN 2024 | Falanqaynta Mawduuca ah & Dhacdada Daah-furka – Kor u kaca Xag-jirnimada u horseedaya Argagaxisada: Soo Bandhigidda Daah-furka Shabakadda Afrika ee Ka-hortagga & La-dagaalanka Xag-jirnimada u horseeda Argagaxisada.

Inkastoo dunidu ay dadaal ugu jirto sidii loo dhimi lahaa saameynta Argagixisanimada, haddana qaaradda ayaa weli si aan qiyaas lahayn u saameeya fiditaanka iyo ballaarinteeda. Doodani waxay iftiimisay ku filnaansho la’aanta jawaabaha amniga diirada saaraya, iyada oo xoogga saaraysa baahida muhiimka ah ee loo qabo habab isku dhafan oo wax ka qabta sababaha asaasiga ah.

Waxa udub dhexaad u ahaa kalfadhiga daah-furka Shabakadda Afrika ee Ka-hortagga Xag-jirnimadda Rabshadaha leh ee u horseedaya Argagaxisada, hindise ay hormuud ka tahay Madasha Aswan. Shabakaddan ayaa isu keeni doonta daneeyayaasha muhiimka ah oo ay ku jiraan dawladaha, xarumaha qaranka ee ka shaqeeya ka hortagga iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, wakiilada bulshada rayidka ah iyo bulshooyinka maxalliga ah, iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado lana isku duwo dadaallada iyo in la yareeyo farqiga u dhexeeya siyaasadda iyo dhaqanka, iyada oo la waafajinayo Axdiga Midowga Afrika. ku saabsan La-dagaalanka Argagaxisada iyo Qorshaha Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Argagaxisada.

Waxaa halkaas ka hadlay Mahamadou Oumar Kone, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Maali, iyo sidoo kale Abdullahi M. Nor oo ah La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Soomaaliya ee ka hortagga xagjirnimada, ahna Agaasimaha Xarunta Qaranka ee Tubsan ee ka hortagga rabshadaha. Xag-jirnimada (TNC-PCVE); Alhadji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka, Arrimaha Siyaasadda, Waaxda Nabadda iyo Amniga, Guddiga Midowga Afrika; Ghada Wali, Agaasimaha Fulinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada; iyo Fatima Akilu, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Neem Foundation, guddigu waxay ka wadahadleen dabeecadda isbeddelaysa ee argagixisanimada iyada oo ay jiraan iskahorimaadyo ka socda Afrika, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida muhiimka ah ee loo qabo habab dhammaystiran iyo dadaallada la isku dubariday ee ka hortagga iyo la dagaallanka Argagixisada, warbixntaanina waxaa lagu daabacay Bogga TUBSAN ee bartooda Facebook-ga.

By. C/lahi Ruush

Masoud Pezeshkian oo ku guuleystay xilka madaxtinimo ee Iran

Masoud Pezeshkian ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee loo dareeray maalinimadii shalay sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Iran.

Pezeshkian ayaa helay 53.7 boqolkiiba codadka oo u dhigma 16.3m, halka Saciid Jalili oo la tartamaayey uu helay 44.3 boqolkiiba oo u dhigma 13.5m.

Madaxweynaha cusub oo doorashadiisa kadib ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa yiri “Waxaan u fidin doonnaa gacan saaxiibtinimo qof walba,waxaan nahay dhammaan dadka dalkaan,waa inaan qof walba u adeegsanaa horumarka dalka”.

Tartanka doorashada ayaa ahaa mid aad u adag oo u dhexeeyay Pezeshkian oo aaminsanaa in Iran uu u  furfuro caalamka,halka ninkii laga adkaaday ee Jaliil uu qabay in la xoojiyo xidhiidhka Iran. Ruushka iyo Shiinaha.

Taageerayaasha Pezeshkian ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tehraan iyo magaalooyinka kale ka hor waaberigii saaka si ay u dabaaldegaan.

NIYAD SAMIDA GANACSIGA FURFURAN AYAA GUUL KEENA

Soomaaliya waa dal Qani ku ah Kheyraad badan balse aan laga faa’iideysanin goor hore, Nimcadda ALLAH SWT dalkani ku maneystay lama soo koobi karro laakiin u baahan daraasad dheeri ah ee ka Faaii’deysiga kheyraadkaasi dalka ceegaago.

Ganacsigu ma ahan keliya in la beegsado wax aan sidaa u sii ridneen oo lacag laga soo saaro balse danta guud tahay ganacsi tayo wacan leh xalaal ah sicir macquul ah dadka lagaga iibiyo. Ganacsigu marka ugu horeysaa waa in la yeesha la socod baahida Dalka iyo waxyaabaha ku xeeran, ayadoo maanka lagu haayo waxa markaasi laga heli karo dalka ama laga soo saari karo.

Galleyda, masaggada ama haruurka, Digirta,salbukada ama digirta cagaaran, khu daarta, furatada, saliidda macsarada iyo tan cadeyda oo laga soo saari karo Gabaldayaha’waa in laga maarma ka keenista waxyaabaha daruuriga ah ee wadan laga helo ama laga soo saari karo, waa in laga soo dejiyaa dekedda keliyo baahida dhabta ah ee bulshadu daneyso ama aan laga helin waddanka.

Muuska Soomaaliya oo ahaa kan ugu suuqa wacan dunida N.1aad kaga jirey Caalamka ayaa haatan ku yimid hoos u dhac weyn ee dhinaca tayada, soo saarkiisa iyo ka ganacsiga muuska intaba ee dibadda loo dhoofin jirey.

Haddii si fiican loo adeegsado labada webi ee shabeelle iyo jubba waxa markaasi laga jibba keeni laha soo saarka muus tayo leh.

Ganacsigii basasha iyo baradhada ayaa aad moodaa in soo saarkooda laga door biday in deriska laga keeno waa damiir la’an wax dalka laga heli karo in laga keeno meel kale.

Waxa dalka laga dhoofiyo ayaa waxa dhammaan qudaarta ay ka mid yihiin muuska, liinta, sisinta, kuwaasoo loo iibgeyn jirey qaar ka mida dalalka Yurub iyo Carabta, sidoo kalena Sonkorta oo laga soo saari jirey warshaddii Sonkorta ee jowhar iyo tii Mareerey.

Haddaba, ugu yaraan haddii dib loo soo celiyo Warshadihii dalka Qaarkood waxa soo muuqan lahaa kor u kaca dhaqaalaha dalka.

Markasta waa in ahmiyadda la saara waxa dibadda loo dhoofiyo oo markaasi baahida waddanka ka badan sida xoolaha nool, hargaha iyo saamaha,Muuska ,Xabagta, beeyada iyo Fooxaha.

dhoofinta dhuxusha iyo ka ganacsigeedu marna dan uguma jirto dalka xaalufka ku dhow, waa in markaasi ganacsiga dalku ku saleysnaada danta guud ee dalka iyo dadka oo laga baxaa waxa la soo marey sii socoshadeeda.

Ganacsigu waa in uu lahaada hab la socod wacan kontrool waxa dalka soo galayo sicirka lagu iibiyo iyo tayada alaabada ama badeecadahaasi lana canshuuraa taaso ah mid dal walba tariifo gaar ah u leh.

Rugta Ganacsigu waa mid kaalin kaga jirta soo bandhigidda iyo suuq-geynta ganacsiga waddanka inkastoo carwadii sanadlaha ahayd ay meesha ka baxday sidaaso oo ay tahay haddana waa mid u taal in guntiga dhiisha isaga dhignaa sidii kor loogu qaadi laha ganacsiga dalka ayagoo ka shidaal qaadanaya Wasaaradda Ganacsiga Dalka.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxa loo baahan yahay qorshe cad oo leys barbardhigayo waxa dibadda aan u iib geyno ganacsi ahaan iyo waxaa aan ka keeno waana mid muhiim ah si dalka u yeesho miisaan dhanka ganacsiga gobolka.

WQ: Ibrahim Abuukar Fanax