BEERASHADA CUDBIGA IYO BARIISKA AYAA DOOR WACAN KA QAADAN KARA DALKA

Dalka Soomaaliyeed waa dal hodon ku ah kheyraad badan uu Alle ku maneystay waa dal ku wanaagsan hirgalinta mashaariicyo horumarineed sidaTacbashada beeraha oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee dhibanaha u noqday raashinka warshadeysan oo aan taya ahaantooda la isku haleen karin.

Tacbashada beeraha dalka aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaheena sababtoo dal walba waxa uu ku tiirsan yahay Tacbashada beeraha oo wixii Ka soo baxa ayaa la warshadeeyaa islamarkaana ayaga oo la ka kontroolay tayadooda, tariikhdooda iyo dhadhankooda oo ay muhiim tahay in bulshada laga kontoroolo taasina waxa ay yareeneysaa xanuunada dilaaga ah sida Cancerka iyo wixii la mid ah.

Jaamacadaha dalka ku yaala ayaa bilaabay bixinta culuumta beeraha oo ah culuum muhiim u ah bulshadeena Soomaaliyeed jiritaankooda waxaana ay sidoo kale culuumta beeraha bulshada wax badan Ka badashay hab fikirkooda beeraha ayaga oo ku dabaqaayo barashada ay soo barteen culuumta beeraha taasina waxa laga dareemayaa guud ahaan dalka.

Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka waxaa aad ugu soo badanaayo dhalinyarada aqoon yahannada bartay kuna taqasusay cilmiga beeraha hirgalinta beero casri ah oo aan horay dalka looga aqoon ayaga oo sidoo kale dalka keenay dalagyo aan dalka Ka bixi jirin in ay dalka keenaan oo ay ku beeraan taasina waxa ay keentay in aqoonyahanadii ku taqasuusay beeraha ay dadka Soomaaliyeed ay jecleysiiyaan beeraha oo aad u soo badanaayo hirgalinta beero waa weyn.

Beerashada Bariiska oo inta badan lagu yaqaanay in uu Ka baxo Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan magaalada jowhar oo aad looga tacbado bariiska ayaa door weyn Ka qaato in sicir bararka uu yaraado magaaladaas taasina waxa ay keentay In magaalada muqdisho laga hirgaliyo in lagu beero bariis.

Mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada muqdisho( Jaamacadda Jzeera ) Ayaa bilaabay    tijaabo inay kusameyso Bariis loo yaqaano (“NERICA”) kaas oo ku bixi karo  biyo yar sida Galleyda iyo Massagada oo loogu beero dhul roobaadka.

Tijaabadan waxay horseed u noqon doontaa meel kasta oo Gallay iyo Masaggo lagu tacbo in bariiska NERICA lagu tacbi karo marka laga eego dhanka biya yarida.

Hirgalinta mashruuca tijaabada beerista bariiska ee magaalada muqdisho waxa ay kaalin buuxda ka qaadan doontaa  horumarinta isku filnaansho cunto ee Soomaaliya.

Sidoo kale Hirgalinta beerista bariiska waxa ay kaalin weyn Ka qaadan doonaan yareenta sicir barar xooggan ee yimaada, isbadal dhaqaale, isku filnaasho dhankasta ah iyo shaqo la’aanta xooggan ee dalka Ka jirto ee ay heesto dhalinyarada Soomaaliyeed in ay meesha Ka baxdo.

Ugu danbeyn dalka keena Soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay isku filnaasho dhaqaale taasina waxaa looga bixi karaa in lagu dhiirado in hirgalinta mashaariicyo waaweyn oo dhanka waxsoosaarka ah oo dalkeena dhaqaalihiisa wax weyn Ka badali karo dowladduna looga baahan yahay garab istaag iyo in ay Ka qeyb qaadato hirgalinta iyo kamiro dhalinta hormarinta dhaqaale ee dalka.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

ISLAAMKU WAA CADDAALAD IYO SINAAN

Islaamku waa diin dhexdhexaad ah aan lahayn wax dhayalsasho iyo gabood fal ah ama ad-adkaan iyo xag jirnimo, wuxuuna arrinkaasi ka muuqdaa dhammaan astaamaha diinta iyo cibaadooyinka naloo jideeyey.

Sidaa daraadeed, baa waxaa soo arooray ku adkeynta uu Ilaahay Kor ahaaye ku adkeeyey Rasuulkeena NNKH iyo asxaabtiisa iyo mu’miniinta inay isku dheella tirnaadaan, arrinkaasina wuxuu ahaanayaa markii la eego labo arrimood:

Wuxuu Allaah kor ahaaye yiri:

“Ee hay dhabbaha toosan  sida lagu amrayba, (adiga) iyo  sidoo kale kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Ilaahay), oo ha xadgudbina. Hubaal, Wuu arkaa Waxa aad camal fashaan”. (Huud: 112)

Macnaha waa haka leexan jidka toosan oo ku sugnow oo ku dadaal arrinkaasi adigoon ku talax tegin oo xadka kaga bixin la imaansho wax dheeri ah (ziyaado) ama is kallifin oo is yeelyeelin.

Mar uu Rasuulkii Allah S.W.T barayey asxaabtiisa wax ka mid ah acmaasha xajka wuxuu kaga digay xagjirnimada iyo wax ka badbadinta  wuxuuna ku baraarujiyey inuu yahay arrinkaa sababta keentay halaaggii ku dhacay ummadahii hore, wuxuuna yiri:” Iska jira inaad  xadka kaga baxdaan  diinta, waayo waxaa halaagay dadkii idinka horreeyey xad kaga baxa diinta”. (Ibnu Maajah 3029).

Sidaas awgeed buu Nabigeenna NNKH wuxuu yiri: “La imaada camallada waxa aad kartaan”. (Al-Bukhaari 1100)

Wuxuu caddeeyey  Rasuulkii Alle NNKH xaqiiqda dhambaalka lala soo diray  iyo inaysan u imaan Risaaladu  inay dul saarto dadka wax dhaafsiisan waxa ay karaan, balse waxay la timid tacliin iyo xikmad iyo wax sahlid, sidaas awgeed buu wuxuu yiri: “ Allaah iima soo dirin inaan ahaado mid wax adkeeya ama isagu madax adag, laakiinse wuxuu Ii soo diray inaan ahaado macallin wax sahla ee fududeeya”. (Muslim 1478)

 

Tixraaca Fudud ee Muslimka

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

IIMAANKA IYO WAXYAABAHA KOBCIYA

Kow: Quraanka, Aqri Quraanka, Baro macnihiisa, fahan Xikmadaha Alle SWT uu inoogu sheegayo, fuli wax kasta oo Alle ina farayo ee Quraanka ku xusan. Hubi in 24 saac aysan ku dhaafin adigoon Kutubka kala furin oo Quraanka aqrin

Labo Salaada: Tuko Shanta salaadood si joogta ah. Ilaali waqtiga Salaadaha. Baro Axkaamta Salaada

Saddex Xuska Alle: Bar carabkaaga Dikriga Alle, kuna celceli mar kasta kelmadahan; Subxaan Allaah, Alxamdulilaah, Allaahu Akbar, Laa ilaaha Illa Allaah, Laa Xawla walaa Quwata ilaa Billaah-hil Caliyil Cadiim

Afar: Tawbada, Bini’aadanka waxaa ka dhaca dambiyo & qaladaad sababtoo ah ma nihn kuwa dhameystiran. Haddaba waa in aad mar kasta Alle dambi dhaaf weydiisataa, si dhab ahna ugu toobad keentaa. Kana fogaataa in aad dambi sameyso

Shan: Alle oo la talo saarto, Eebe waa naxariis badane, sidaa darteed waa in aad talo saarataa mar kasta, naxariistiisa aadan ka quusan. Mar kastana aad Kheyr ka rejayso

Lix: Ducada, Alle SWT oo aad barido waa mid ka mid ah siyaabaha loo xoojiyo Iimaanka. Alle waa ka jawaabaa duco kasta oo adoonkiisa ka timaada

Todoba: Cilmiga Diinta oo la barto, Guud ahaan Cilmigu waa nuur, waa fure. Diinta Islaamka oo aad barataa, Quraanka kariimka, Siirada Nabiga iyo Kutubta kale waxay qofka ka saarayaan Jahliga, waxay xoojinayaan qalbigiisa, waxayna ku hogaminayaan in uu kala fahmo xaqa iyo baadilka, iyo in aan la qaldi karin, wadada Allena laga leexin karin

Sideed: Soonka Sunada ah, Fadli badan ayaa ku sugan soonka sunada ah, qofki awooda in uu soomo Maalmaha Isniinta iyo Khamiista wuxuu ka helayaa faa’iidooyin badan. Rasuulka SCW waxa la waydiiyey Soonka Maalinta Isniinta wuxuu yidhi: waa Maalintii aan dhashay, waxyigana la igu soo dejiyey” “Nebigu SCW wuxuu ahaa mid sooma Isniinta & Khamiista.

Sagaal:Xusuusta Dhimashada iyo Aakhirada, Hadii qofku xusuusan yahay dhimashada iyo Aakhirada wuxuu ogaanayaa macnaha dhabta ah ee Aduunkan loo joogo, wuxuuna ku dedaalayaa raali ahaanshaha Alle iyo in uu u shaqeysto Daarta dambe ee lagu waarayo

Toban: Camal Wanaagsan, Ku dedaal in aad joogtayso sameynta camalo iyo ficilo wanaagsan, ilaa ay dabeecad kuu noqoto. Hal camal oo wanaagsan wuxuu kugu hogaamiyaa mid kale oo wanaagsan.

WD: Ibrahim Warsame

 

 

CABSIDA ALLE AYAA IF IYO AAKHIRABA LAGU BADBAADAA (QEYBTA 1-AAD)

Allaah ka cabsigu waa darajo aad u sareysa oo aanu gaari karin qofka ku dheehan xumaanta kana fog wanaaga, sidaa daraadeed, Ruuxa Muslimka ahi waa inuu laazimaa oo uu ku toosnaadaa inta uu kari karo wixii uu Alle sw faray, kana fogaada wuxuu ka reebay, Alle ka cabsiguna waa midaas ee ma ahan inaad waxaad rabto oo xumaan ah sameyso wixii Allah ku amrayna aad ka tagto hadana aad tiraahdo Alle ayan ka baqayaa.
Hadduu qofku ogaado sharafta taqwada iyo heerka ay gaarsiisan tahay waxa la gudboon inuu is weydiiyo, sidee ban ku gaari karaa darajada taqwada? Imaam Al-Qazali oo ah Imaamka tarbiyadda Quluubta.
Arrinkaasi waxa uga jawaabay oo uu yiri: Waxa uu ku jiraa wanaaga Naftu inaad isu taagto una diiddo macsiyo kasta, kana ilaaliso waxaan faa’iido ugu jirin haddaad sidaa sameyso Allaah waad ka cabsatay, Ishaada, dhegtaada, carabkaaga, qalbigaaga, calooshaada, xubintaada taranka, iyo xubnahaaga kaleba waad dhawrtey waxaadna ku xakameysey taqwada alle.
Sidaa awgeed, baabkanu waa mid dheer sharaxiisu, waxaana lagama maarmaan ah Ninkii doonaya inuu Allaah ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo ah seeskiisa, waana ( Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo caloosha) Haddii la ilaaliyo xubnahan waxa xaqiiqo ah in intooda kalena toosayaan, ruuxii intaa sameeya wuxuu gudanayaa taqwada iyo Allaah ka cabsiga dhammaantii. (Manhajka caabudayaasha ee Sheekh Qasaali/ 76-77.)
Hadalkan Sheekha Qasaali (R.C) waxa ka imaneysa su’aal kale oo oraneysa; sidaan xubnahaygan shanta ah uga dhawraa macsiyada “Danbiga”uguna hogaamiyaa daacada Allaah?.
Mawduuca dhuuxiisu waa halkan oo ah xubnahan qofka siduu u hoggaamin lahaa oo haddey hagaagaan uu qofka gaari karo liibaantiisa ifkan iyo aakhiraba, kuwaas oo ka kooban shantaasi xubnood, waana kuwaa xukuma xubnaha qofka intooda kale, waxaynu si kooban ugaga jawaabi doonnaa shan qodob oo Ruuxii raacaa uu kaga magan galayo xubnahan sharkooda, khayrkoodana helayo, cibaadadoodana gudanayo;-
1- Inuu qofku ilaahay jeclaado.
2- Inuu qofku qalbigiisa dareensiiyo inuu allaah daalacanayo kana xishoodo Alle xishood dhab ah.
3- Inuu ogaado ama is dareensiiyo dhibaatada ay leedahay macaasidu iyo danbigu.
4- Inuu barto iskuna dayo siduu qofku hawadiisa uga xoog badin lahaa, naftiisana uga guulaysan lahaa.
5- iyo inaad ogaatid meelaha shaydaanku inaga soo galayo, sidoo kalana ka digtoonaatid tashwiishkiisa.
LA SOCO QEYBTA 2-AAD
WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed.

“Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna ka mid noqoshada CXDS. Waxaad hibeyseen wixii ugu qaalisanaa ee aad haysateen oo ah naftiina, waxaana la idinka sugayaa in aad dadkiina ka kor qaaddaan argagixisada nolosha u diidan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

   

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay leyli saraakiil oo ka qallinjabiyay dugsiga turksom

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamud ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday dugsiga turksom oo lagu maamuusaayey qalin-jabinta leyli saraakiil oo ku soo biiray hoggaanka ciidanka.

Madaxweynaha ayaa saraakiishaasi kala hadlay xaaladda dalka ee lagu jiro iyo howlaha muhiimka ah ee sugaya,isagoo kula dardaarmay in ay si daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo u gutaan howlaha culus ee horyaalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “Qofku haddiyadda uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa waxaadna dalkiina iyo dadkiina u hurteen noloshiina, sidaa daraadeed ogaada cadow aad u caqli liita ayaan dagaal kula jirnaa”.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamud waxa uu u mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo madaxweynaheeda,isagoo ku ammaanay in ay gacan weyn ka geysteen yagleelidda dhismaha Dowlad Soomaaliyeed.

Munaasabaddaan waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Gaashaabdhigga C/Qaadir Maxamed Nuur,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil kale.

Leyli Saraakiishaan oo ah dufcaddii 6-aad ee maanta qallinjabisay waxa ay muddo 3 sano ah ay qaateen tababar aqoon kororsi ah,iyadoo la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaal marrinno kale oo qaali ah.

Saraakiisha ciidanka ee maanta qallinjabiyay ayaa isugu jira kuwo ka yimid ciidanka badda,dhulka iyo cirka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka FS oo ka hadlay qodobbo muhiim ah oo horyaalla golaha

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in kalfadhiyada soo socda lagu dhameystiri doono qodobbo muhiim ah oo ay ku jiraan arrimaha dastuurka.

Guddooiyaha Golaha Baarlamaanka  oo ka qeybgalay Kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in xilliyada soo socda ay xubnaha mudanayaashu ka doodi doonaan  hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya 14 .

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xusay in kalfadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen La dagaalanka argagixisada,kuwo khuseeyay arrimaha bulshada , dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu ugu dambeyntii faray shacbiga Soomaaliyeed in ay u midoobaan cadowgooda,isla markaana ay gacan ka geystaan horumarka dalka.

Meydadka 89 muhaajiriin ah oo laga helay badda Atlantik

Ilaalada xeebaha dalka Mauritania ayaa soo saaray meydadka 89 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni Isniintii  ku degtay badweynta Atlaantik.

Sagaal qof oo ay ku jirto gabar shan jir ah ayaa la soo badbaadiyay, balse tobannaan kale ayaa la la’yahay.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in markabka yar ee ay la socdeen uu ahaa doon kalluumeysi oo todobaadkii hore ka soo shiraactay xadka u dhexeeya Senegal iyo Gambia.

Doobtaasi waxaa saarnaa 170 qof ,iyadoo ku qallibantay xeebta koonfur-galbeed ee Mauritania.

Mauritania ayaa ah marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee isku dayaya in ay Yurub uga safraan Galbeedka Afrika, iyadoo kumanaan doon ay ka dhoofaan dalkaasi sanadkii hore.

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​40,000 oo qof ay sanadkii hore halkaasi gaareen laba jibaar tiradii sanadkii hore.

In ka badan 5,000 oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay iyaga oo isku dayaya in ay badda ku gaaraan Spain shantii bilood ee ugu horreysay sanadka 2024-ka, sida ay qiyaastay hay’adda samafalka ee Ca-minando Fronteras.

Bishii Abriil, Midowga Yurub wuxuu siiyay Mauritania $ 225m) oo gargaar ah. ku dhawaad ​​€ 60m oo ka mid ah lacagahaasi  ayaa lagu maalgelin doonaa dagaalka ka dhanka ah socdaalka sharci-darrada ah ee Yurub.

Dood la xiriirtay maareynta cudurka Macaanka oo Muqdisho lagu qabtay

Qaar kamid ah dhaqaatiir iyo xeel-dheerayaal caafimaad ayaa xalay Magalada Muqdisho ku qabtay dood wadaag ku saabsaneyd maaraynta dhibaatooyinka ka dhasha cudurka macaqanka ee loo yaqaanno Sonkorta.

Dood wadaagaan oo ay ka qeybgaleen aqoonyahanno iyo marti sharaf kale waxaa looga hadlay qaabka loo maareyn karo cudurka iyo Kor u  qaadidda mooralka bukaanada ,iyadoo la adeegsanaayo daawooyin casri ah.

Dood cilmiyeedkaan oo ay soo qabanqaabisay xarunta farma Solution,waxaa la isku tusay daaweynta cudurka macaanka iyo saameynta uu ku yeesho xubno muhiim u ah jirka aadanaha sida wadnaha ,kelyaha,indhaha,maskaxda iyo kuwo kale.

Dood cilmiyeedkaan waxaa mudadii uu socday ka hadlay Dr.C/Rashiid Fadal , Dr.C/Raxmaan Dhiblaawe iyo Agaasimaha Farma Solution Shaafici C/Lla.

 

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO DHIGGIISA DALKA MASAR OO KA WADA HADLAY XAALADDA GOBOLKA

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni.