Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Khamiis

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Khamiis, 4-ta July 2024

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan xuska maalinta xornimada iyo midnimada dalka u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaana dhaxalka awooweyaashood.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee qaranka ayaa ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo toddobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey wareegto lagu dhisayo Sanduuqa Qaran ee Cimilada, waxaana madaxa xafiiskaasi loo magacaabey Liibaan Daahir Obsiiye.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar kala qeyb-galay xuska sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegatay maalintii xornimada dalka.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ambabaxay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq,kadib casuumad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur.

14- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamnka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Alle ha u naxariistee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

15- Kalfadhiga shannaad ee Baarlamaanka 11-aad oo furmi doona 6-da Bisha Luulyo 2024.

16- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, iyagoo wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad 1869kii.

19- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Haji Adam ayaa soo xirey munaasabadda daahfurka Shirka Guddiga heer Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Caruurta Soomaaliyeed.

20- Wasiiru-Dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.

21- Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wada-hadlo muranka ka dhashay is afgarad beenaadkii ay Ethiopia la gashay maamulka gobollada waqooyiga.

22- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

23- Ciidanka Nabadsugidda ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

 

==============DHAMMAAD==============

Howlgallo Qorshaysan oo laga fuliyay deegaanno hoosta Buuloburde

Ciidanka XDS gaar ahaan Ururka 291aad Guutada 29-aad ee daljir ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno hoostaga degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiran, halkaas oo la sheegay iney isku uruursanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta.

Howlgalkaas oo hogaaminaayey abaanduulaha ururka291-aad Taliye Mahdi ayaa waxay ciidamadu tageen deegaanno ay kamid yihiin Beer yabal Ari leys,Lafoole iyo Cag bashiir oo dhamaantoda hoostaga Degmada Buuloburde.

Deegaannada Hirshabeelle ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda gabalkooda sii dhacaaya ee Al-shabaab, waxaana ciidanka xoogga ay qaadeen howlgallo dhowr ah oo intooda badan lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha Hay’adaha isgaarsiinta adduunka (GSR-2024),

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-2024), kaas oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU). Shirkan oo lagu qabtay Magaalada Kambaala ee dalka Yugandha, ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Mudadii uu socday shirku waxa uu maareeyuhu ka qeybgalay dhowr dood-cilmiyeed oo looga hadlay hababka sameynta xeer-nidaamiyaal waxtar leh oo suurtogelinaya nidaam isgaarsiin oo dijitaal ah oo ammaan ah islamarkaana loo dhanyahay iyo xalalka caqabadaha⁠ nidaaminta isgaarsiinta ee sahlaya kobaca dhaqan-dhaqaale ee dalalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddida Joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku qabsoomay xarunta guddoonka Iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay safaro mudadii uu goluhu xirnaa ku tagay dalka Turkiga halkaas oo uga qeyb galay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayay isaga oo sheegay in shirkaasi Soomaaliya ay ka cadeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyada Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa faahfaahin ka bixiyay safar isaga Iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu kulamo mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti iyo madaxda kale ee wadankaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya halkaas oo uu uga qeyb galay kulankii 17-Aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), kaasoo looga hadlayay xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta ajendayaasha ururka, waxaana Guddoomiyaha uu shirkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay ku biirista ururka gaar ahaan kaalinta kaga aadan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xulo xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday furitaanka kalfadhiga shanaad ka dib ajendayaasha horutabinta u leh fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, waxaana Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay xooga saaraan howlaha baaxada leh ee Golaha horyaala kalfadhiga shanaad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi oo hoggaaminayo oo safar ugu baxay Dalka Ciraaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baqdaad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.

Madaxweynaha Mareykanka oo hambalyo ku aaddan maalmaha xoriyadda la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh

Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa, ”Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.”

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska.

“Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha,” ayuu yirri Madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal.

“ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono, maadaama Soomaaliya qaadan doonto masuuliyadda amniga wadanka, kadib bixitaanka ATMIS. Waxaan idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adinkoo maamuusaya maalinta qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii 2-aad ku sugan furimaha dagaalka Khawaarijta

Wargaadhi: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin argagixisadu, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

   

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in Qorshaha Xukuumadda uu yahay in kala bar miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah qaban-qaabada shirka, ayaa  xusay in Xukuumadda DanQaran ay  ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre : Cid laga aqbalaayo malahan Kalluumaysi sharci daro ah

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inaan cidna laga aqbalayn Kalluumeysi sharci darro ah dowlado badanna lagu dacweeyay jiriifka ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda Todobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa ku daray in ay jiraan dowlado iyo shirkado ku jooga badda heshiis, kuwaas oo qaarkood uu waqtigu ka dhamaaday dib u eegisna lagu samayn doono.

Mudane Xamse ayaa xusay in Soomaaliya oo ku taalla goob muhiim ah, lehna kheyraad fara badan ay suurto gal tahay in lasoo damaaciyo, wuxuuna sheegay in aysan gorgortan geli karin dhulka iyo biyaha Soomaaliya, dowladduna uu xil gaar ah ka saaran yahay ilaalinta hantideenna.

“Maadaama aan ku naalo meeshaas istiraatiijiga ah, maadaama aan haysanno kheyraad badan oo gaar ah, maadaama aanan si dhameystiran uga faa’iisan kheyraadkaas, waxaa suuragal ah in ay yimaadaan damac shisheeye oo kheyraadkaas ku foogan, sidaa darteed waa inaan u istaagnaa sidii aan kheyraadkaas u ilaashan lahayn, badeenna iyo dhulkeennu midna gorgortan ma gali karo mana galayo, dowladda Soomaaliyeedna waxay u taagan tahay ilaalinta badda, dhulka iyo kheyraadkiisa”.

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in haatan uu Adduunku tartan ugu jiro maalgashiga dalkeenna gaar ahaan badaheenna, maaddaama uu uu ku jiro kheyraad aad u fara badan oo ay tahay in la ilaashado laguna fara adeygo.

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa martigelisay xaflad lagu xusayey sanadguurada 64-aad ee kasoo wareegatay madax-bannaanida Soomaaliya.

Munaasabaddan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 diblomaasi oo ka socday dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillo ka socday ururro caalami ah oo kala duwan.

Diblomaasiyiinta iyo wakiillada ururrada ayaa dhamaantood ku bogaadiyay Soomaaliya guulaha ay gaartay kuna dhiirri geliyay inay sii waddo dedaallada horumarineed.

Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd fursad ay diblomaasiyiinta iyo wakiillada ururradu isku dhaafsadeen fikrado iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay diblomaasiyiinta iyo martida kale ee ka qeyb gashay xafladda loogu dabaaldegayay 64 guurada madax-banaanida dalkeenna.