Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku soo dhiggeen xubno khawaarijta ka tirsanaa

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgallo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gobolka Shabeellada hoose.

waxa ay ku soo qabteen xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo soo badbaadiyay gaadiid ay madax furasho u haysteen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed, oo shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidanku qaflad laba jiho ah kaga yimaaddeen khawaarijta xilli ay ku guda jireen dhaca gaadiidka isticmaala waddada xiriirisa Afgooye iyo Walaweyn, gaar ahaan halka loo yaqaan Doonka.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa intaa raaciyay in ay khawaarijta kasoo badbaadiyeen 20 gaari oo dad shacab ah u rarnaa, kuwaas oo ay u haysteen in ay bixiyaan lacag baad ah.

“Howlgalka barakeysan waxaa sidaas oo kale lagu qabtay dhagar qabayaal, kuwaas oo ay Ciidanka Xoogga dalka ku raad joogeen”

Khawaarijta ayuu sheegay in ay qaarkood ku baxsadeen Gaadiidka Homy-da loo yaqaan kuwaas oo ay Ciidanka sooma jeestayaashu ku raad joogaan.

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay markii labaad inay qaadanayso 3,000 oo Macallimiin ah

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in mar kale ay bilowday qaadashada 3,000 oo Macallimiin ah. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa bulshada la wadaagtay qorshaha dowladdu ku qaadanayso macalimiinta cusub.

Wasiir dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka hadashay qaadashada barayaasha Soomaaliyeed, ayaa la wadaagtay bulshada Soomaaliyeed inay tahay qaadashada Macallimiinta mid u furan dhammaan, Dadka danaynaya inay kamid noqdaan barayaasha U-badkan Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha ” waxaa sigaar ah fursada loo siin doon dumar Soomaaliyeed,Waana inay ka faa’iideestaan,Haweeynka Soomaaliyeed,Qeybna ka noqdaan soo saarista jiil cusub oo waxbartay”.

Habraaca wuu furan yahay wayna is sisoo diwaan galinkaraan,Waa muhiim barayaasha Soomaaliyeed, waa mustaqbalka ubadka dalka larabo inay u ayaan kuwii soo saari lahaaa Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayada oo kaa shanayso,Wasaaradaha Xubnaha ka’ah Mida fadaraalka waxay qaadan doontaa markii labaad 3,000 (sadex kun) oo barayaal Soomaaliyeed ah.

 

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa martigelisay xaflad lagu xusayey sanadguurada 64-aad ee madax-bannaanida Soomaaliya. Munaasabaddan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 diblomaasi oo ka socday dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillo ka socday ururro caalami ah oo kala duwan.

Waxaa xusid mudan in xafladdan lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay madax-bannaanida Soomaaliya iyo horumarka ay dalka ka gaaray tan iyo markii ay madax-bannaanida qaadatay. Diblomaasiyiinta iyo wakiillada ururrada ayaa dhamaantood ku bogaadiyay Soomaaliya guulaha ay gaartay isla markaana ku dhiirrigeliyay inay sii wado dadaallada horumarineed.

Intii lagu guda jiray xafladda, waxaa la jeediyay khudbado kala duwan oo ku saabsan taariikhda iyo muhiimadda ay leedahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd fursad ay diblomaasiyiinta iyo wakiillada ururradu isku dhaafsadaan fikrado iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale. Xafladda ayaa ku dhammaatay jawi farxadeed iyo niyad wanaagsan, iyadoo dadkii ka soo qaybgalay ay ka muuqatay rajada wanaagsan ee ay u hayaan mustaqbalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxay sii wadaa inay ka shaqeyso sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, taasoo muhiim u ah horumarka iyo nabadda dalka. Xafladan ayaa ka mid ah dadaallada lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay kaalin muuqata ka qaadato arrimaha caalamka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo hadal ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay diblomaasiyiinta iyo martida kale ee ka soo qeyb gashay xafladda loogu dabaaldegayay 64 guurada madax-banaanida Soomaaliya.

 

 

Shir ku saabsan taageerada QM in lagu saleeyo qorshaha Qaranka oo Muqdisho lagu qabtay

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabtay shirka sanadlaha ah ee Guddiga Wadajirka ah ee Wadajirka ah (JSC) ee looga hadlo horumarka laga gaaray qaab-dhismeedka Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (UNSDCF) ee Soomaaliya (2021-2025). Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Soomaaliya ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Banii’aadamnimada, Mudane George Conway, waxaana diiradda lagu saaray doodo istiraatijiyadeed iyo waafajinta taageerada QM ee qorshayaasha mudnaanta u leh dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka. Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa soo bandhigida iyo ansixinta Warbixinta Natiijooyinka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2023 iyo qorshaha istiraatijiyadeed ee 2024-ka, waxaana dib u eegis lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay 2023 waxayna soo bandhigeen qorshaha istaraatiijiyadeed ee sanadka soo socda.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leeyahay iskaashigan, waxa uuna yiri, “ Qaab-dhismeedka Iskaashiga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2021-2025)waxa uu daliil cad u yahay wada shaqaynta xooggan ee Dowladda Soomaaliya la leenahay hay’adaha Qaramada Midoobay, oo si wadajir ah kor u qaadeysa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka horumarineed ee joogtada ah (SDGs). Waxaa naga go’an inaan xaqiijinno in horumarkan uu wax ka bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (2021-2025) waa qorshaha istaraatiijiyadeed ee hagaya taageerada wadajirka ah ee hay’adaha ee lagu xaqiijinayo Ajendaha 2030 ee Horumarinta Joogtada ah iyo Yoolalka Horumarka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale u ambabaxay furimaha dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ka dhagaystay qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaannada haray.

Madaxweynaha ayaa sidan oo kale sanaddii aynu kasoo gudubnay in muddo ah ku sugnaa furimaha dagaalka ee dalka lagaga xoreynayo khawaarijta, markaas oo ay ciidamadu ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada guulo fara badan.

Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay Safiirkadowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil-Fartaag, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane, Pier Mario Daccò Coppi.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo sidii loo sii labo jibbaari lahaa taageerada ay dowladda Talyaanigu siiso Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askari horay u dhaawacay taliyahiisa

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Shan sano oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Ex- Dable Xoogga, Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsanaa guutada Cali binu Abii Daalib ka dib markii uu si bareer ah xabbad Afka uga dhuftay taliyahiisa 11-kii Janaayo ee sanadkan.

Eedeysanaha la xukumay oo xilligii uu falka geysanayay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa loo dhaadhiciyay xabsi ku yaalla degmada Guriceel halkaas oo uu ka baxsaday isagoo si dhuumaalaysi ah ku joogay Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa baadi goob dheer kadib gacanta kusoo dhigay eedeysanaha 14-kii April ee sanadkan xilli uu ku sugnaa xeebta Liido ee gobolka Banaadir.

Kiiska eedeysanaha oo heerar kala duwan soo maray ayay Maxkamaddu ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Shan sano oo xabsi Ciidan ah, magta dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay taliyaha, iyadoo laga saaray xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra”iisulwasaare Xamse oo Saxeexay Buugga Tacsida Guddoomiye Jawaari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booqday hoyga ay ka daggan yihiin magaalada Muqdisho qoyska Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, si uu ula qeybsado geerida, una saxiixo buugga tacsida marxuumka oo halkaas ka furan.

“Prof. Jawaari waxuu ka baxay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed, halgankiisii dheeraa ee uu u soo maray dowlad dhiska Soomaaliya waa mid lama ilaawaan ah, Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoyska marxuumka la wadaagay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay si siman u dareemeen geerida marxuumka, taas oo muujinaysa kaalintii uu ugu fadhiyey intii uu noolaa Prof. Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay dhaqar qabe ka tirsanaa khawaarijta

Jowhar- Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

Dhagarqabe Cabdullaahi Macallin Cusmaan (Ilyaas) oo ka tirsanaa khawaarijta ku dhawaad laba sano ayey Ciidamadu gacanta ku dhigeen , xili uu ku dhuumaaleysanayay deegaanno hoos taga degmada Ruunnirgood.

Madaxweynaha: kama cabsanayno kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ka cabsan doonin kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha “kama cabsanayno kuwa isku dayaya inay afka ku duminayaan Dowlanimada, ee horseed ayaan u noqonaynaa in bulshada ay naga helaan waxay rabaan”

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 64 guuradii kasoo wareegatay maalinta Xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa raaciyay in ay horseed noqonaynaan ka dowlad ahaan in bulshada ay helaan waxa ay doonayaan.

Qudbadda Madaxweynaha oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa wuxuu si gaar ah diiradda u saaray dowlad wanaagga iyo sida ay beesha caalamka ula dhacsan tahay horumarrada la gaaray.

Wuxuu madaxweynuhu ka digay in aan lagu kadsoomin kuwa sawirrada qaldan ka bixinaya horumarrada la taaban karo ee ay gaadhay dowladdu, wuxuuna sheegay inaanan layska indha tiri karin guulaha is-daba joogga ah ee lagu tallaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, haatanna uu rajeynayo in horay loogu socdo.