Dawladda Turkiga oo magaalada Ankara ku casuuntay wafdiyo kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia

Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay wafdiyo kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan.

Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dawladda soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga.

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabangaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024.

Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan.

Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa Dawladda Walaalaha ah ee Turkiga kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika.

Waddamada Carabta qaarkood oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey maalinta xorriyadda iyo midowga

Waxaa iska soo daba dhacaya hambalyada ku aaddan xuska munaasabadda 1-da luulyo oo ku beegan sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ee dalku ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waqooyi.
Halkaan waxaan idinkula wadaageyna qaar ka mid ah hambalyadii ka timid dowladaha Carabta

Qatar

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada xorriyadda dalka usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo.

Bahrain

Dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegy in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
Boqorka ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo xasillooni.

Cummaan

Suldaanka Cummaan, Suldaan Haitham bin Tariq ayaa ka mid ah madaxda Carbeed ee maalmaha xoriyadda la qaybsanaya madaxda iyo shacabka Somaaliyeed.

Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa kuxigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax bannaan.

Yemen

Madaxa Golaha Sare ee dalka Yemen Rashaad Maxamed Calami ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda carbeed ee madaxweynaha Soomaaliya lasoo wadaagay hambalyada munaasabadda qaran ee kowada Luulyo.
Bayaan kasoo baxay dowladda Yemen oo lagu faafiyay wakaaladda Waraka dalkaas ayaa lagu yiri; “ Madaxa Golaha Sare isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xubnaha Golaha, Xukuumadda iyo Shacbiga Yemen, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u rajeynaya shacabka Soomaaliya amni, xasilooni iyo barwaaqo”.

Kuwait

Amiirka dalka Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmed ayaa sidoo kale usoo diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin hambalyo ah, oo ku aaddan munaasabadda kowada Luulyo.

Sacuudi Carabiya

War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed
Dhambaalka ayaa lagu muujiiyay in Hoggaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal degga maalinta kowda Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed xoroobeen lana midoobeen goballada Waqooyi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galay Dhoolla-tuska Ciidanka Qalabka Sida ee 1-da luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaana dhaxalka awooweyaashood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo gaardis ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo ubax dhigay Taalada Daljirka si loo maamuuso halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada Soomaaliya.

Dabbaal degga munaasabaddan waxaa ka qeyb galay diyaaradaha qumaatika u kaco ee Ciidamada Cirka, dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka, iyo Booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca qarankeenna, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna.

 

 

              

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Shacabka ku dhaqan dalka Masar kala qeyb-galay xuska 1-da luuliyo

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar kala qeyb-galay xuska sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegatay maalintii ay xoroobayn gobollada Koofureed iyo isku biiridii labada gobol.

    

QM oo Soomaaliya ugu hambalyeeysay Munaasabadda 1-da luuliyo

Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay sannadguurada 64-aad ee ka soo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

“Hambalyo! Dabaaldegga maanta waxay fursad u tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay ku faanaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md. Swan. “Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dib u xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay inay si dhow ula shaqeyso dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda si ay u dhisaan Soomaaliya oo nabad ah, xasilloon, loo dhan yahay oo barwaaqo ah.”

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshada.

Maalmaha xorriyadda waxay mudnaantaan goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto ,kadib kolkii maalmahaasi loo huray naf iyo maal, gaar ahaan kuwa qiimaha badan sida maalmaha qarannimada.

Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magac weyna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga afrika.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystigii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku riday ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta
Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir iyo dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo sidoo kale kuwo kale oo ka socday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka qeybgalay kifaaxii goballada waqooyi ee dalka
1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5-ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayna gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol, lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).

4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur,waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee Soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Gabagabadii,dadka Soomaaliyeed waxa ay manta u dareereen xuska sanadguurada 64-aad ee ka soo waregatay dhalashadii xornimada,sidaa aawadeed, waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii ay ku mataanobeen dadka soomaaliyeed,kaas oo abwaanada soomaaliyeed ay ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo harraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

W/D:- Abuukar Gob-doon

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Munaasabadda 1-da luuliyo

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda sannad-guurada 64-aad ee kasoo wareegtay maalinta xorriyada iyo midnimada Umadda Soomaliyeed ee 1-da Luulyo.

“Allaha u naxariisto gobonimo doonkii Soomaaliyeed ee Naftooda u huray halgankii  loogu jiray xoriyadda aan maanta harsaneyno iyo waliba geesiyaasha Soomaaliyeed ee wali naftooda u huraya in ay difaacaan Diinta, Dalka iyo in Dadkeena oo xornimo ku noolaadaan,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca XFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyadda 1-da luuliyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur.

“Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa xornimada iyo midnimada dalkeena oo 64-sano ay kasoo wareegatay,waxaana maalmahan xorriyadda ay naga mudanyihiin inaan xusno maadaamaa ay ka turjumayaan qiimaha qarankeena Iyo midnimadeena“ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed midnimo si loo adkeeyo dowladnimadeena, waxaana uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya hada ay sameyneyso horumar dhinac walba ah muhiimna ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiyaan dowladooda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa sheegay in dowladda ay horumar weyn ka sameysay dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta islamarkaana halgankaas uu soconayo ilaa inta dhulka Soomaaliyeed oo dhan uu ka noqonayo meel ka caagan argagixisada.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna, iyadoo dhanka kale la riday Buula-layr loogu dabaal-dagayay munaasabadda qiimaha wayn ku leh dadka Soomaaliyeed

1-da Luuliyo ayaa ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo maanta lagu wado inay dalka ka dhacaan munaasabado lagu wayneynayo maalintan qiimaha leh.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta xornimada iyo qarannimada

1 Luulyo, 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin gaar ah oo xusuus iyo sharaf u leh dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalintii dalkeenna uu ka xoroobay gumeysiga isla markaana gobannimada iyo dowladnimada ay ka hanaqaadday dhammaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka in ay sii xoojiyaan isku duubnida iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda kala dhaxaysa, si loo gaaro horumar iyo nabad waarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda, midnimada iyo madax bannaanida dalkeenna, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Mudane Xamsa wuxuu shacabka ugu baaqay in ay u dabaal degaan maalintaan qiimaha badan si nabad ah oo muujinaysa qiimaha iyo qadarinta weyn ee ay leedahay xornimadu.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay horumarka iyo isbeddelada waaweyn ee dalka ka socda, isagoo rajo weyn ka muujiyey in Soomaaliya ay gaari doonto mustaqbal ifaya oo ka tarjumaya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.