Guddoomiyaha hey’adda SoDMA oo gaaray magalada baraawe si uu ugu kuurgalo xaaladda Bani’aadannimo ee ka taagan Baraawe

BARAAWE- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya wafti ballaaran oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose iyo madax ka tirsan SoDMA ayaa gaaray magaalada Baraawe, halkaasoo uu ka dillaacay xanuunka halista ah ee shuban biyoodka.

Xanuunkaan oo ka dhashay saameyntii fatahaadaha ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 ruux, halka shantii maalin ee la soo dhaafay ku dhawaad 100 qof loo dhigay goobaha caafimaadka, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ka sii darto, haddii aan wadajir loogu istaagin sidii lagu joojin lahaa faafidda cudurka, isla-markaana laga jawaabin waxyeellada ilaa hadda ka dhalatay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin oo ay waftigiisa qeyb ka ahaayeen dhaqaatiir loo qorsheeyay in ay si gaar ah ula tacaalaan dadka cudurku saameeyo ayaa Isbitaalka magaalada gaarsiiyay daawo iyo agab caafimaad, halka uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in xaalad adag ay ka jirto Baraawe loona baahanyahay gurmad degdeg ah oo ballaaran, si nolosha dadka loo badbaadiyo.

         

default

    

default

Wasiirka Warfaafinta ee XFS oo magaalada Baqdaad uga qayb galay xuska maalinta warbaahinta dalka Ciraaq

Bagdaad- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad sannadka markii uu ahaa 1869.

Wasiirka oo qeyb ka ah wufuudda Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Jaamacadda Carabta ee ka qeybgelaya xuskan ayaa tagay goobaha loogu dabaaldayay oo lagu soo bandhigay waxqabadka saxaafadda Ciraaq oo gobol walba si gaar ah u soo bandhigayay.

Xuska 155 guuradii maalinta Saxaafadda Ciraaq ayaa munaasabad heer qaran ah oo maanta la dhigay, ayaa waxaa horkacayey Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Mudane Eng. Maxamed Shuyaac Al- Suudaani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Xeer Madaxweyne ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyay in maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 6-da Bisha Luulyo 2024 uu furmi doono kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad.

Kalfadhiga shanaad ee maalinta sabtiga ah furmi doono ayaa sida dastuurka KMG uu qabo waxaa daah furi doono Madaxweynaha JFS oo khudbad ka hor jeedin doono xildhibaanada laba gole

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay Buuga tacsida AUN Prof jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta furay buuga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana buuga tacsida mudo sedax maalmood ah ka furnaan doonaa gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa guud ahaan qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)

Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuquraadiyadda Qaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalindoonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee si nabad ah oo dimuquraadi ahxukunka ku wareejiyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta caqabadaha gobolka

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada  joogtada ah iyo garab-istaaggeeda, dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa si qotodheer loogu falanqeeyay iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeya, iyadoo si firfircoon looga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Masar ballaarinta iskaashi wadaagga

Qaahira- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah, kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, caafimaadka, duulimaadka iyo bankiyada, waxaa sidoo kale lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

   

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha ee XFS oo ka qeybgalay shirka Urur Gobaleedka Badaha

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay Horumarinta Iskaashiga Hawlaha Maraakiibta, Tababarada Xirfadaha Badda iyo Amniga Badaha.

Gunaanadkii shirka ayaa waxaa la daahfuray magaca cusub ee badalaya ISCOS kaas oo noqonaya (MOESNA), Urur Gobaleedka Badaha ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Afrika.

     

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah sii xoojin doono.

Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horray u soo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta XF Soomaaliya.