Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qayb galay aaska Qaran ee Guddoomiye Jawaari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.

Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukun ku riday xubno loo haystay Burcad-badeednimo

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo ka Jawaabeysa Xaashida Eedda ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u soo gudbiyey, ayna Eedeysaneyaal ka yihiin:
1. C/kariin Saalax Maxamed Maxamuud (Awkoombe).
2. Maxamed Cali Cismaan
3. Axmed Cali Yaasiin
4. Abshir Maxamed Jaamac
5. Maxamed Cumar Jaamac

Kuwaas oo dhammaantood ku wada Eedeysan falal burcad-badeednimo, ayaa Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda horteed ku soo badhigay cadeymo kala duwan oo dhammaantood cadeynaya in Eedeysanayaasha sare ku xusan yihiin dembiilayaal galay dembiga lagu soo Eedeeye.

Sidaas darted Maxkamaddu markii ay aragtay oo ay dhegaysatay dhammaan Eedda iyo Caddeymaha uu soo Bandhigay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay Eedeysaneyaasha sare ku heshay Eedaha lagu soo Eedeeyey waxayna ku xukuntyay 5 sano, 3 bilood iyo 10 maalmood oo xadhig ah.

Ra”iisul wasaare Xamse oo daahfuray Shirka Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tallaalka iyo ciribtirka cudurrada halista ah sida dabaysha, si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan arrintan iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha iyo kor u qaadidda barnaamijka tallaalka, si loo badbaadiyo carruurta Soomaaliyeed.

Ra”iisul wasaare Xamse oo magacaabay Guddida qaban qaabada Aaska Guddoomiye Jawaari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. – Guddoomiye
2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag – Xubin
3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin
4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Xubin
5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Xubin
6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani– Xubin
7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala – Xubin
8. Taliyaha Ciidanka Booliiska – General Sulub Axmed Firin – Xubin
9. Taliyaha Ciidanka Asluubta – General Mahad Cabdiraxmaan Aadan – Xubin
10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux – Xubin
11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Xubin.
12. Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq oo waraaqaha aqoonsiga laga gudoomay

Baqdaad:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah la sii xoojin doono.

Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta XF Soomaaliya.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 26-ka June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka iyo Dowladda Djibouti munaasabadda 27-ka June oo ah markii Djibouti ay xornimadeeda qaadatey.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey siyaasiyiin ka tirsan goleyaasha federaalka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo furay shir looga hadlayey xoojinta iskaashiga Urur Goboleedka Bariga Afrika.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay u fadhisteen in ka badan 37,000 oo arday.

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, ciribtirka Khawaarijta, arrimaha bani’aadminimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya Danjire Camaar Axmed Baabakar Cali, waxeyna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

11- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qayb galay shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha, kaas oo looga hadlay sida loo xoojin lahaa iskaashiga, hormarinta garsoorka Afrika iyo Shiinaha.

12- Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal ka billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii looga hadlayo mustaqbalka hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

13- Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan ayaa khudbad uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya ka jeediyay magaalada New York.

14- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa booqday degaanka Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta Shabaab.

15- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sannadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo Karen Johanson.

17- Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjirha Mareykanka ayaa kulan ay wada yeesheen waxay ka wadahadleen dadaalada loogu jiro sidii dalka looga xorayn lahaa Khawaarijta.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern.

19- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa qaabilay Ku-Xiigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadminimada Mudane George Conway.

20- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qatar Red Crescent iyo Health+ ayaa daah-furay mashruuc ku saaban qaliinka wadnaha ee carruurta.

21- Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ) Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 29-aad ee Ururka Isgaarsiinta Bariga Afrika (EACO) oo ka dhacay dalka Kenya.

22- Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe oo degmada Dayniile ku dilay Hooyadii dhashay iyo abti hooyadiisa la dhashay.

23- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa ka qeyb galay munaasabadaxXuska Sanad guurada 47-aad ee Ciidanka Boliiska dalka Jabuuti oo ka dhacday Akadeemiyada Boliiska ee Idiris Faarax Caabane ee magaalada Djibouti.

24- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tirsan Khawaarijta, kaas oo doonayay inuu doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg.

25- Isxaaq Sheekh Cali Cabdullahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Baydhabo.

26- Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal looga ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyey Deegaano hoos yimaada Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay.

===DHAMMAAD====

Ra”iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyeey Geerida Guddoomiye Jawaari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay Allaha u naxariistee, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed. Waxa u uku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka uga baryay Allaah (SWT) in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka Tacsiyeey geerida Guddoomiye Jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed muddo aad u badanna Qaranka usoo adeegay.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun illaahey ha u naxariisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Shacabka Soomaaliyeed ku dhex lahaa taariikh aan la iloobi doonin.

“Allaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa u ahaa siyaasi odaytinimadiisa Iyo aqoontiisaba inta badan cimrigiisa ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, waxa uu ummada Soomaaliyeed dhexdeeda ku lahaa taariikh mug weyn, Naftiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan waxa uu u huray dib u dhiska dalka, waxa uu gacan weyn ka gaystay dib u qorida dastuurka dalka” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Alle uga baryay in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo,dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu samir Iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Tacsiyeeyey geerida Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen.

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay madaxda gargaarka ee Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabislan arrimaha gargaarka Soomaaliya Md.George Conway.

Kulankaasi ayaa looga hadlay adkeynta wada-shaqeynta labada xafiis iyo hormarinta adeegyada bani’aadannimo ee ay dhinacyadaasi u qabtaan sida wadajirka ah.

Labada mas’uul waxa ay isla-meel-dhigeen qodobbo muhiim ah, sida in la xoojiyo ama la mideeyo xogta arimaha bini’aadannimada, in la bilaabo cilmi baaris ku saleysan wax-ka-beddelka hannaanka gargaar gaarsiinta.

Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay  sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha iyo in SODMA ay goob joog ka ahaato miisaka ay kooxda Qaramada Midoobay & kuwa ka shaqeeya bani’aadannimada ay ku gorfeeynayaan xaaladaha ka jira dalka

Waxaa gabagabadii la isku raacay in hay’adaha SODMA & OACHA ay ka wada hadlaan isku-duwidda iyo nidaaminta kooxaha ay wada shaqeyntoodu muhiimka tahay (Clusters) iyo sidii loo tayayn lahaa Wasaaradaha DXDF ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada si awood loogu yeesho ka hortagga iyo ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah iyo in sidoo kale kulamada nuucan ahi ay dhacaan bishii hal mar si loo wadaago qorshayaasha muhiimka u ah kaalmeynta.