Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo gunanadday imtixaanka dugsiyada sare

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Nuuro Mustaf Mukhtaar ayaa maanta oo Jimco ah soo gabagabeysay Imtixaanka fasalada dugsiyada sare ee Dalka.

Xaflad loo sameeyay xiritaankii intixaanka dugsiyada sare oo ka kala dhacay 69 xarumood oo dalka ah,waxaa maanta xafladdii xiritaanka goobjoogayaal ka ahaa xubno ka socday madaxda wasaaradda waxbarashada,kan Gobolka Banaadir iyo Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo kamid ahaa xubnihii ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan ardayda dooneysa in ay ku soo biiraan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

In ka badan 37 kun oo arday oo ka kala socda gobolada dalka ayaa sanadkaan ka qeybgashay intixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Wasiir Fiqi “iyadoo lagu jiro maalmaha Xorriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya waa ayaan darro”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xoriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya,wuxuuna arrimahaasi ku tilmaamay xaalad aan la fileyn iyo ayaan darro”.

Wasiirka ayaa muujiyay in uu aad uga xun yahay in dhallinyarada Somaliyeed lagu marin habaabiyay hees ka hadleysa damaca qowmiyad kamid ah kuwa dega Dalka Itoobiya.

“Dadla Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raaligelinayo dal kale oo damac leh laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeed”ayuu tiri wasiir Fiqi

Wasiirka Arrimaha Dibadda CFS ayaa xusay waxa ka dhalan kara arrimahaasi,isagoo dhinaca kale Dadka Soomaaliland ku ammaanay diidmada ay ka muujiyeen damaca Itoobiya iyo falalka ay caadeysteen kuwa haya hoggaanka halkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SODMA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa shir-guddoomiyay kulan xog isweydaarsi ah oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda oo ay ka qeybgaleen Guddomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin, howlwadeenno iyo lataliyaal ka socday hay’addaasi iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa kulanka ka sheegay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka uu marayo, arrimaha hortabinta u leh hay’adda sida dhisidda awoodda iyo aqoonta howlwadeennada, kahortagga musiibooyinka ka dhaca dalka iyo yaraynta khatarta ay ku leeyihiin muwaadinka iyo hantida Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa u ballanqaaday Hay’adda SoDMA in ay u noqon doonaan wakiil buuxa ee masraxyada caalamka ka iibiya waxqabadka iyo qorshayaasha hortabinta u leh hay’adda maaraynta musiibooyinka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY SHACABKA IYO DOWLADDA AAN WALAALAHA NAHAY EE JABUUTI MAALINTA XORRIYADDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Bjfs oo hambalyo u diray u diray Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hambalyo ku aadan 47-sano guuradii kasoo waraagatay markii wadanka Jabuuti uu ka xorroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacabka aynu walaalaha nahay ee jamhuuriyadda Jabuuti iyo dowladooda.

Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xorrnimada maanta ay ku naaloonayaan walaalaha Jabuuti ay usoo mareen dadaal badan iyo halgan dheer loona baahanyahay in ay ilaashadaan horumarka iyo dowladnimada ay maanta heystaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku amaanay horumarka ay heystaan iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka Geeska Afrika iyo kan gobolka.
Bishii Juun 27-keedii sanadkii 1977-dii ayay markii wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda uu xorrnimada ka qaatay dalka faransiiska oo xiligaas gumeysanayay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyay barwaaqo iyo hormar dowladnimo oo kan kasii balaaran.

Shirka Golaha wasiiradda oo lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka.

Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1. Argagixisada;
2. Aragtida Gooni-goosadka;
3. Dowlad-nugeylka;
4. Xuduudaha Beylahda;
5. Faragelinta Shisheeye;
6. Isbeddelka Cimilada;
7. Khatarta Tiknoolajiyadda;
8. Khataraha Bulshada;

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Safaaradda JFS ee Dalka Ethiopia oo Addis Ababa ku Qabatay Munaasabadda Xuska 26-ka June

Safaaradda JFS ee Dalka Ethiopia oo Addis Ababa ku Qabatay Munaasabadda Xuska 26-ka June.

Iyadoo lagu guda jiro toddobaadka maalmaha xoriyadda Qaranka ayaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo kaashanaysa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, waxay magaalada Addis Ababa ku qabatay munaasabad lagu xusayey 26-ka June oo ku beegan 64-sano guuradii kasoo wareegtay dharaartii geyiga Soomaaliyeed laga taagay calanka Qaranka isla markaana ay gobolada waqooyi ee dalkeenu iska xorrooyeen heeryadii gumaystihii Ingiriiska.

Munaasabadan waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis Ababa, masuuliyiinta Jaaliyadda iyo Diplomaasiyiinta kala duwan ee safaaradda oo uu hogaaminayo Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee soo xaadiray munaasabadda xuska 26-ka June ee Addis Ababa lagu qabtay, ayaa dhamaantood sheegay in ay goor walba diyaar u yihiin kobcinta, ka qayb-galka iyo kor u qaadista maalmaha xoriyadda Qaranka.

“Maanta oo kale 64-sano kahor, waa maalinkii laga gun gaaray dedaalkii iyo dagaalkii ay umaddeenu u gashay sidii ay isaga xorayn lahayd gumays tayaashii kala duwanaa ee dalkeena ku habsaday” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, waxa ay si mug weyn uga shaqaysay xiriirka kala dhexeeya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, waxayna u diyaarsan tahay fulinta hawlaha Qaranka.

Israel oo duqeysay goobo ay deggan yihiin dadka rayidka ah ee Gaz

24-kii saac ee la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa madaafiic  waxay ku garaaceen dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Gaza, iyagoo dilay tiro dad ah oo aad u badan.

Ciidamada dhulka Israa’iil  ayaa la sheegay in madaafiic ay ku dumiyeen guryaha la deggan yahay ee koonfurta magaalada Rafah,sida au ku waramay Wariyaha Al Jazeera ee Gaza.

“Meydadka dad badan oo ay ku jiraan  carruur ayaa la la’yahay .iyagoo weli ku aasan burburka hoostiisa,sidaa waxaa  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay ku xigeenka madaxa UNICEF.

Wasiirka Difaaca Israel Yoav Gallant ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray wadahadaladii ka dhacay Washington,isla markaana la xoojiyay taageerada Mareykanka ee xagga sahayda hubka la siinayo Israel .

“Waa wax aan loo dulqaadan Karin waxa dhacay , ayuu yiri Khaled Shakshir oo kamid ah shaqaalaha Isbitaalka Al-Aqsa ee Deir el-Balah,isagoo intaa raaciyay in ay burbureen qalabkii cisbitaalkaasi oo ay ku jiraan mashiinnada suuxinta.

Ugu yaraan 37,718 qof ayaa la dilay, 86,377 waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Xuska 27-ka June ee Maalinta Xorriyadda Jabuuti

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

Taariikhda Halgankii Jabuuti

Sanadki 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland.

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadkii 1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa Madaxweyne ku xigeen ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynihii Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Xuskaan oo ah kii 47-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu qaatay xorriyaddiisa,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen gudaha Dalka Jabuuti, Soomaaliya iyo dalal kale.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuskaan waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

Askar loo soo xiray xabado sharci darro ah oo ay xalay rideen

Hawlgal ay fuliyeen Ciidanka Booliska gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’adaha kale ee ammaanka caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9-Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Qalabka sida.

Askarta lagu soo qabtay hawlgalkaas ayaa lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii laga soo saaray inaan la ridi karin rasaas loogu dabaal-degayo todobaadka xorriyadda.

War kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri “Waxaa socota baaris, maadaama uu jiro khasaare ka dhashay rasaastii sharci darada aheyd ee xalay la riday, sidoo kale hey’adaha ammaanka waxay baadi goob ugu jiraan tiro kale oo askar ah iyo gaadiidka xabado laga dul riday.”