Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta oo abaalmarin guddoonsiisay warbaahinta Qaranka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa Shahaado Sharaf ku abaal marisay Warbaahinta Qaranka oo shaqo wanaagsan ka qabatay soo gudbinta xogta rasmiga ah ee xujeyda Soomaaliyeed sanadkaan.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranku ay bulshada usoo bandhigtay hormarka la taaban karo ee dowladdu ka sameysay adeegga xujeyda Soomaaliyeed oo meel wanaagsan soo gaaray isagoo guddoonsiiyey abaal marin Shahaado sharaf.

Wasaaradda Owqaafta ayaa sanadkaan wax badan oo is badal muuqda ah ku sameysay adeegga xajka waxaana hadda socda dadaal sanadka dambe laga sii hormarinayo halka uu hadda soo gaaray.

Wasiirka waxbarashada oo kulan la qaatay kormeerayaash imtixaanka dugsiga sare

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda FS ayaa maanta kulan la qaatay kormeerayaasha imtixaanka shahaadiga ee ka hawl galaya gobolka Banaadir.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in wasiirka uu ka dhageysto kormeerayaasha caqabadaha ay la kulmeen Afartii maalmood ee uu imtixaanka socday iyo talooyinka ay u soo jeedinayaan wasaaradda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Agaasimayaasha guuud, Agaasimaha waaxda imtixaanaadka iyo shahaadooyinka iyo guddoomiyaha guddiga imtixaanka.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay guddiga imtixaanka iyo dhammaan kormeerayaasha sida ay waqtigooda ugu soo hureen u adeegidda Qaranka iyadoo lagu jiro maalin fasax ah oo loo dabbaal dagayo maalmaha xorriyadda dalkeenna.

    

Soomaaliya iyo ururka sanduuqa horumarinta Caalamiga ah ee OPEC oo heshiis kala saxiixday.

Vienna: Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Vienna ee xarunta Wadanka Austria, ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday agaasimaha guud ee sanduuqa horumarinta Caalamiga ah ee Ururka OPEC Dr. Abdulxamid Alkhalifa,waxaana heshiiska labada dhinac goob joog ka ahaa Dr.Maxamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda dowladda Sucuudiga oo Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36-malyan oo aheyd deyntii Sanduuqa OPEC uu kulahaa dalkeena, waxaana lacagtaan ay Dowladda Sucuudigu ka bixisay Soomaaliya loo yaqaana (Bridge Loan).

Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen waxaa kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada hadalka xalka looga gaaray deynta iyo wadadii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagneyd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa yiri “Waxaan heshiis ka gaarnay Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan,waxaan sidoo kale ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sucuudiga oo fududeysay dhabbaha loo maray xalinta deyntaan, Tanina waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada deyn cafinta Soomaaliya.”

Heshiiskaan maanta magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo heerar kala duwan soo maray ayaa Soomaaaliya uga dhigan inay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw ka qeybgalka deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.

  

Safiirka cusub Soomaaliya u magacawday Cumaan oo shaqada la wareegay

Masqad : Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Cumaan oo maanta u dabaal-degtay munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sannad guurrada 64-aad ee ka soo wareegtey markii calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah ayaa soo dhaweysay Safiirka cusub ee JFS u fadhin doona dalkaas danjire Bashiir Xasan Xaaji oo si rasmi ah shaqada ula wareegay.

Danjire Bashiir, ayaa ugu horrayntii kormeeray xafiisyada iyo qaybaha ay ka kooban tahay safaaradda , isagoo markaa warbixin la xiriira howlaha shaqa ee safaaradda ay ugu adeegto qaranka iyo jaaliyadda ka dhageystay diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada safaaradda.

Safiirka ayaa u uga mahadceliyey diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen, wuxuu sheegay maalintan qaran ee muhiimka ah oo shaqada u la wareegay inay u noqonayso safaaradda iyo adeegyada ay u hayso qaranka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cumaan waqti isbeddel oo sare loo qaadi doono howlaha shaqo ee safaaradda.

“ Dhammaanteen waxaan nasiib u yeelanay inan u adeegno qaranka iyo bulshadeenna Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan jaaliyadda halkan ee Cumaan, maanta waxay noo noqonaysa maalin astaan u noqonaysa horumarinta iyo sidii loo labo jibbaari lahaa shaqada ka socota safaaradda.” ayuu yiri danjire Bashiir oo hadal u jeediyay diblomaasiyiinta iyo howladeennada safaaradda ,isagoo sidoo kale diblomaasiyiinta, jaaliyadda Cumaan iyo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 June.

Danjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa ugu dambeyntii ballanqaaday inuu dardargelin doono sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Cumaan iyo fududeynta adeegyada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u hayso safaaradda JFS ee Cumaan.       

Dadka Gaza oo wajahaya xaaladihii ugu darnaa ee dhanka nolosha

Duqeymo ay fuliyeen ciidanka Israa’iil ayaa lala beegsaday xarun ama goob gabbaad ah oo ku taal magaalada Gaza iyo xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal Khan Younis.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerar ay Israa’iil ku qaadday waqooyiga Gaza ee Beit Lahiya,kadib kolkii ay gantaal la heleen guri ay deganaayeen dad rayid ah.

“Dadka Gaza ku nool waxaa soo foodsaaray xaalado bini’aadanimo oo aad u  hooseysa, saddex meelood meel dadka waxay soo guranayaan qashinka si ay gabbaad uga dhigtaan kulaylka xagaaga”,sidaa waxaa tiri tiri kooxda gargaarka ee Mercy Corps.

Xilligaan waxaa aad u yar ama gabaabsi ku dhow gargaarka bini’aadanimo ee ay Gaza ka wadaan hey’adaha samofalka ,halkaasi oo ay dadku safaf dhaadheer ku qaataan sugidda raashinka iyo daawada lagama maarmaanka ah.

Dhinaca kale Mareykanka waxa uu si degdeg ah u raadinayaa heshiis diblumaasiyadeed si loo soo afjaro iskahorimaadka rabshadaha wata ee ka socda xadka Israel iyo Lubnaan, madaxa Pentagon-ka Mareykanka Lloyd Austin ayaa yiri.

Ugu yaraan 37,658 qof ayaa la dilay 86,237 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay taallada dhagax-tuur

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Ciidanka Xoogga oo dilay 7 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa

Galgaduud:-Howlgal afjar ah oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay toddoba (7) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana lagu soo furtay hub iyo saanad ciidan.

Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka ay fuliyeen howlgalkaas afjarka ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka.

Wasiir Roobow” Waxaan soo marnay iyadoo xujeydeenu Buundooyinka hoos daadsan tahay maanta meel fiican ayaan soo gaarnay”.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa Magaalada Makkah ee Boqortooyada Sacuudiga uga qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo lagu soo gebagabeynayay mowsimkii Xajka 1445 oo shaqadiisu soo socoto laga soo bilaabo Bishii September ee sanadkii hore ee 2023.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay Magaalada Jiddah, madaxda qaar ka mid ah shirkadaha arrimaha xajka Sacuudiga, madaxda shirkadaha iyo xamlooyinka adeegga xajka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay warbixinta dadaalkii bilaha badan qaatay ee xajka iyo guulaha laga gaaray sanadkaan adeegga xajka Soomaaliya,iyadoo casharo badan laga bartay dhacdooyinkii sanadkii tagay ee 2023.

Dr Khadar Xaaji Daahir Suleymaan Madaxa Arrimaha Xajka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey Dadaalkii loo soo galay in xujeyda Soomaaliyeed Sanadkaan Helaan Adeeg xaj oo sarreeya.”Shaqada xajka aan maanta gebagebaynay waxaa ka horeysay 9 bilood ooo shaqo ah, oo wasaaradad Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo shirkadaha oo maalinkasta, bilkas shaqo ay qabanayeen ayaa maanta inoo soo dhamaatay,26dii september ayaa wasiir Awqaafta waxaa uu iclaamiyay mowsimka Xajka, xiligaasi oo loo arkaayay in ay ahayd waqti hore, bishii Octo iyo Novermber waxaa dhacay tartamadii adeegga Xajka, 72 shirkadood ayaana ku guuleystay adeegga Xajka,shirkadda Daallo-arilines na waxay ku guuleysatay daabulidda xujeyda,xujeyda Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin wacyigelin xoogan, inta ay dalkooda joogaan, taasina waa in la iska kaashadaa”.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha iyo dhamaan dadkii kale kalintooda uga qaateen dhiirogelinta adeegyada loo qabanayo xujeyda Soomaaliyeed,isagoo soo hadal qaaday isbedeladii sanadkan jiray.

Wuxuu sheegay in shirkadihii qaabilsanaa adeegga xujeyda ay fuliyeen balantii, sida shirkadihii basaska, iyo kuwii qaabilsanaa cunooyinka xujeyda Soomaaliyeed.
“sanadkan xoogaa meel fiican baa la soo gaaray dhaliil ma dhamaanayso,sanadkii hore waqtigan oo kale qeyladu way badnayd, sanadkan waan ka roonahay intii,inta dhiman sanadka dambe meeshaas aan ka sii qaadno, meel fiican bay joogtaa, hadda waxaa inoo yaala xujeydu in ay safraan oo nabad ku tagaan dalka, Daallo waxaan ka codsanaynaa dadka waayeelada ah iyo dadka xanuunsan in ay mudnaanta siiyaan, si deegaankooda ugu laabtaan,iyadoo aan qofna la dulminaynin”.

      

Turkiga oo ballaariyay awooddii diyaaradaha Droniska ee Bayraktar

Diyaarada Bayraktar TB3 ee aan duuliyaha lahayn (UCAV) ee ay sameyso shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar ayaa gaadhay joog dhan 36,310 feet oo u dhigma 11 kilomitir,sida ay maalinimadii shalay ka dhawaajiyeen madaxda shirkaddaasi.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in la gaaray guul cusub ,taas oo qayb ka ah aqoonsiga nidaamka sare iyo tijaabinta waxqabadka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo isticmaalo hawada sare.

Bayraktar TB3 waxaa ku rakiban matoorka PD-170 ee ay dalka gudihiisa ku sameyso shirkadda Turkish aerospace engine,iyadoo waxqabadka diyaaraddu uu ku sii dhowaanayo rikoodhka sare ee joogga 45,118 feet oo u dhigma 13.7 kiiloomitir) .

Ilaa hadda, TB3 waxa ay gashay 445 saacadood iyo 3 daqiiqo wakhtiga duulimaadka inta lagu jiray tijaabadaan.

Qaab dhismeedkeeda Bayraktar TB3 waxa ay noqon doontaa UCAV-tii ugu horreeyay ee awood u leh in ay ka kacdo kana soo dagto maraakiibta,waxaana shirkaddu ay qorsheyneysaa inay bilawdo tijaabada bilaha sanadkaan.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee uu soo saaro Baykar ayaa kaalin mug leh ka qaatay colaado kala duwan oo caalamka ka dhacay, sida Ukraine iyo Asarbayjaan, kuwaasoo loo adeegsaday sahanno iyo duqeymo sax ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu tiriyaa inay beddeleen dhaqdhaqaaqyada dagaalka, gaar ahaan  hawlgallada khuseeya hawada

Dec. 20, 2023, waxaa lagu guuleystay in la  dhamaystiray duulimaad qaatay 32 saacadood oo diyaaradda Bayraktar ay ku duushay 3,541 miles  oo u dhigma 5,700 kilomitir.

26-ka june “Curashadii Maandeeq”

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar  halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensiiyay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed)  iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii tabasho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeenna,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfureed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan soo dhoweynta iyo xuska maalmaha qaran ee ku weyn dadka iyo dalka,isla markaana loo qumo hagaajinta muuqaalada ama bilicda deegaanka,iyadoo calanka Soomaaliyeed laga dultaagayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka waaweyn.

Xuska iyo Weyneynta Maalmaha Qaranimada waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

Abuukar Gob-doon