Safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan oo gaaray caasimadda dalkaas ee Masqad

Masqad: Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Saldanada Cumaan dannjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa gaaray magaalada Masqad ee caasimadda dalkaas, iyadoo qaybta gaarka ah (VIP) garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay agaasimaha hab-maamuuska wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan, hormuudka safiirrada caalamka u jooga Cumaan iyo diblomaasiyiinta safaaradda JFS ee Cumaan.

Danjire Bashiir ayaa ka mahadceliyey hab-maamuska sare ee loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Masqad, isagoo ballanqaaday inuu horumarin doono iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Cumaan, wuxuu intaa ku daray inuu dardargelin doono sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsi ee labada dal ka dhaxeeya, muwaadiniinta Soomaaliyeedna ay u heli lahaayeen adeegyo gacan ka siinaya inay sare u qaadaan wadaaga ganacsi ee labada dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Cumaan, Danjire Bashiir Hassan Hajji ayaa si weyn ay usoo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Cumaan.

     

Taliska Booliska oo ka digay in xabado la rido waqtiga dabaaldegga xorriyadda

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga digay ciidamada qalabka sida iyo bulshada inay xabado ridaan waqtiga calan saarka maalmaha xorriyadda.

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Wuxuu Ku wargilinayaa in Dhamaan ciidanka qalabka sida iyo bulshada Soomaliyeed goob kasta oo ay Joogaan inta Lagu guda Jiro Dabaaldega 26 Juun iyo 1 luulyo Marka Lagaaro Saacada Calan saarka aan Wax Rasaas ah la ridi karin marka laga reebo Buleerka ay loogu Tala galay Dabaaldega

Maamaada ay horey uga dhasheen daawacyo soo gaarey qaar ka mid ah bulshada Soomalaiyeed

Dhamaan lamaha amniga waxaa lafarayaa inay u hogaansamaan Amarkaan. Ayna talaabo ka qaadaan cidii ku xad gudubta.

Wasiir Fiqi oo Xafiiskiisa ku qaabilay Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, oo uu kala hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo ee labada dhinac ay muujiyeen iyo samaynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si loo unko xafiis Q.M ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horukac barwaaqo leh, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Garsoorka Shiinaha iyo Afrika

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qayb galay shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha, kaas oo looga hadlay sida loo xoojin lahaa iskaashiga, hormarinta garsoorka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Shirkan ayaa waxa looga wada hadlay sidii loo kobcin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada garsoorka iyo sharciga.

Dowladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in ay iska kaashadaan horumarinta caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

Shirweynaha Urur Goballeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo maalintii labaad ka soconaya Muqdisho

Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha Urur Goballeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaas oo  maanta lagu lafagurayo dood cilmiyeedyo ku saabsan in Soomaaliya ay diyaarsato sharciga ay qeybta kaga noqoneyso xubin fircoon oo ka shaqeysa urur Gobolleedka iskaasshiga dhaqaalaha ee bariga Afrika.

Shirka oo uu shalay furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa maanta ka qeyb galaya wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka dalka, sidoo kale, waxaa lagu casuumay oo xiritaanka ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Sidoo kale, khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaysa ayaa Soomaaliya ka caawinaya saameynta ka dhalata isbeddelka Cimilada gaar ahaan dhinacyada hawada, waxaa shirka sidoo kale, maanta uu daaran yahay in ay Soomaaliya ka shaqeyso sidii wada-shaqeyn dhow ula yeelan lahayd dalalka ku bahoobay Urur Goballeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Qaar ka mid ah Khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaya ayaa sheegay in Urur Gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika uu abuurayo iskaashi weyn in laga yeesho wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Ciidanka Israel oo weerar ku dilay10 ruux oo mucaawino doon ahaa

Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan ilaalada baabuurta gargaarka ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday dad mucaawino doon ah oo ku sugnaa deegaanka Khan Younis.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay kamid aheyd haweeneey la dhalatay madaxa Ururka Xamas Ismaaciil Haniyah,taasoo lagu dilay weerar ka dhacay xerada al-Shati.

“xaalad macaluul ah ayaa weli ka jirta Gaza,iyadoo in ka badan 495,000 Falastiiniyiin ah ay soo food saartay cunto yari iyo masiibo,sida uu ku waramay Madaxa Hey’adda UNRWA ee dadka Falastiin u qaabilsan gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay.

Warar ayaa sheegaya in Gaza xilligaan ay tahay deegaan la xaalufiyey,carruurta Falastiinna waxay u dhimanayaan nafaqo-xumo iyo fuuqbax,iyadoo cunto iyo biyo nadiif ah laga sugayo gawaarida hey’adaha samafalka ee tagaya halkaasi.

Dhinaca kale,r/wasaaraha Israel ayaa sheegay in dagaalku sii socon doono xitaa haddii heshiis xabad joojin ah lala gaaro Xamaas.

Kooxda falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadaladiisa ay muujinayaan in uu diiday hindise xabbad-joojin ah oo uu soo bandhigay madaxweyne Biden.

Ugu yaraan 37,626 qof ayaa la dilay, 86098 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Todobaadka Xorriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka

Waxaan ku guda jirnaa todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya,sidaa daraadeed,waxaan soo qaadan doonaa qeyb kamid ah halgasnkii dadka Soomaaliyeed ay u galeen raadinta xoriyadda iyo madaxbanaanida dadka iyo dalka.

Haddaba,dal kasta oo dunida ka jira wuxuu leeyahay maalmo la maamuuso kuna astaysan sooyaalka taariikhda dalalkaasi.Dadka Soomaaliyeed waxay Kifaax taxane ah u soo galeen difaacidda iyo xoreynta dalkooda kaasi oo soo bilaawday qarnigii 15aad, markaasi oo uu gumaystuhu bilaabay inuu soo damaaciyo ciidda Soomaaliyeed.

Maalmahaas qiimaha badan ee ku xusan taariikhda Halganka Gobanimadoonka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah 11 Jannaayo 1948dii oo ah maalin ka mid  ah maalmaha qiimaha badan ee ku xardhan quluubta dadka Soomaalida.

Dadaaalkii iyo kartidii Xisbiga S.Y.L ay ku  Maamulaayeen qadiyaddii gobanimo doonka ee dalka waxay keentay in arinta Soomaalida dhowr jeer la dhaxdhigo  Umadaha midoobay.

Subixnimadii 11kii Jannaayo 1948kii xubnihii SYL ayaa ku dhaqaaqay sameynta bannaanbaxyo iyo dhoollatus lagu muujinaayo rabitaanka dowladnimo ee Soomaaliya,kadib markii Qaramada Midoobay ay dalka u soo dirtay guddi u xilsaaran arrimaha Soomaaliya.

Guddigasi waa ay ahaayeen dawladihii afarta ahaa ee ku guulaystay Dagaal weynihii 2aad ee dunida sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Midawgii Soofiyeeti,waxayna ujeedadoodu aheyd Ineey hubiyaan waxa dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.

Xisbiga gobannimadoonka S.Y.L wuxuu  wada tashi uu la yeeshay shacbiga Soomaaliyeed ka dib  uu go`aansaday  afar aragtiyood oo  kala ahaa :-

  1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo aan mar labaad loo dhiibi karin dalka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay Taliyaanigu inuu  xilligaasi ahaa  dal fashiste ah iyo inuu ummadda Soomaaliyeed uu u geystay dhibaatooyin farabadan dhanka nolosha ah iyo habka dhaqan dhaqaale.
  2. Midda labaadna waxaa la is tusay in Ingiriiskuna aan la aamini karin maaddaama uu yahay dawlad gumeysi oo gun ah, Inkasta oo uu sheegayay inuu doonayo in Soomaalida oo idil uu meel isugu keenayo, loona riyaaqay oo haddana aanan la aamini Karin.

3- in Soomaaliya la siiyo muddo cayiman oo Xornimo gaarsiin ah korna ay ka ilaalinayaan Afarta dowladood ee waaweyn.

4- In mudadaas la diyaariyo nidaamka maamulka iyo dastuurka, si dhamaadka waqtigaas dalka la gaarsiiyo xornimo buuxda iyo madax bannaani.

Dadku waxay iyagoo taageeraya xisbiga ka qeybgaleen abaabulka iyo munasabadda bannaanbaxa, waxaana xaruntii Leegada lagu reebay dad kooban oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan.

Isla xilligaasi uu socday bannaanbaxa waxaa taageerayaashii SYL oo ka maqan xaruntoodii soo gaartay qaylodhaan ah in la soo weeraray xarutii SYL oo ay soo weerareen kooxihii Soomaalida ee Talyaaniga taageersanaa si ay uga hortagaan una  carqaladeeyaan bannaanbaxaas.

Intaa ka dib, taageerayaashii SYL waxay isu qaybiyeen qaar difaac ka gala xarunta xisbiga iyo qaar ka hortaga Ciidamadii Talyaaniga. Waxaa maalintaas weerarka lagu dilay 54 Talyaani ah, waxaana lagu dhaawacay 55 kale. Dagaalkaasna wuxuu la magacbaxay HANNOOLATO, waxaa dhanka Soomaalida kaga dhintay maalintaas dad dhowr ah oo ay ka mid ahayd gabadhii caanka ahayd Xaawo Cissmaan Taako. Allaha u Naxariistee.

Inkastoo si guud loo xuso maalmaha xoriyadda haddana,11ka Jannaayo ee 1948-dii,waxa ay leedahay ahmiya gaar ah oo aan la iloobi Karin,isla markaana ku qoran taariikhda halganka Soomaalida,sidaa aawadeed,waa waajib in mar kasta loo istaago xuska maalmaha xoriyadda maxaa yeelay qof aan taariikhdii hore wax ka baran, tan soo socotana ma ogaan karo.

Abuukar Gob-doon

Guddiga Qaran ee maalmaha Xoriyadda oo Muqdisho ku shiray

Quddiga Qaran ee Qabanqaabada Dabaaldagayada Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo Caawa Kulan ku Yeeshay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen xubnaha guddiga ee wasiirrada ah, hey’adaha amniga iyo gobolka Banaadir ayaa la iskula meeldhigay qabanqaabada, bandhigyada iyo guud ahaan howlaha xuska maalmaha qaran ee Xoriyadda in ay noqdaan kuwo si weyn loogu diyaar garoobay si gaar ahna awooda loo saaro dabaal degyada ka dhacaya Deegaanadii laga xorreeyey khawaarijta.

         

Danjiraha Soomaaliya ee QM oo khudbad ka jeediyey kulanka golaha ammaanka

New York: Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan oo maanta khudbad ka jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyey horumarka laga gaaray hannaanka dowladnimada iyo arrimaha amniga ee dalka.

Danjire Abuukar waxa uu carrabka ku dhuftay inuu billaawday dadaal u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo la xiriira sidii loosoo gabagabeyn lahaa hawlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Danjiraha ayaa u sheegay golaha ammaanka in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay in ay bilaabeen wada tashiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah, iyada oo ujeedadu tahay in la hagaajiyo isuduwidda iyo hannaanka taageeridda Soomaaliya.

Nidaamkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo qaab-dhismeedka iyo dadaallada horumarineed Soomaaliya.

Danjire Abuukar oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay dib u habeynta lagu hirgelinayo nidaamka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod.

Tillabadan ayaa muujinaysa in laga guurayo habkii ku dhisnaa awood qaybsiga qabiilka, waxeyna daliil u tahay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la helo maamul loo dhan yahay oo meteli kara shacabka.

“Doorashooyinka soo socda ee dalka, waxaa loo qorsheeyay in la xoojiyo awoodda shacabaka” ayuu yiri danjire Abuukar.

Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay hawlgallada ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-shabaab ee ay fulinayan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo taageero ka helaya saaxibada caalamaka.

Hawlgalladaas waxaa ka dhashay in la xoreeyo deegaano muhiim ah oo ay hore uga talinaysay argagixisadu. Guulahaas ay soo hoyeen ciidanku waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xasilloonida, waxeyna albaabada u furayaan dadaallo dheeraad ah oo isagu jira dib u dhis iyo horumarin.

Danjire Abuukar waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay sii xoojiso taageerada Soomaaliya, iyaga oo bixinaya agabka iyo kaalmada farsamo ee loo baahan yahay si loo dhaqan geliyo isbedelada la qorsheeyay iyo tillaabooyinka la xiriira arrimaha amniga.

Isla falgalka dowladda iyo Qaramada Midoobay waxay astaan u tahay tillaabo muhiim ah oo loo qaaday in dalku gaaro isk filanaansho . Xafiiska UNSOM waxa uu ka qaybqaatay hirgelinta doorashooyiin iyo guulaha laga gaaray kooxda Al-shabaab, waana arrin ka marqaati kaceysa horumarka iyo adkeysiga Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wanaagsan uga riyaaqay warbixinta Danjire Abuukar Cusmaan, waxeyna xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan hiigsiga Soomaaliya ee nabadda iyo horumar mustaqbalka.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka oo la kulmay safiirka Imaaraatka Carabta

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay safiirka dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Imaaraadku ay SoDMA uga taageeri laheded mashaariicda u adkaysiga aafooyinka, soo kabashada waxyeelladii ay geeysteen fatahaadihii hore ee El-nino iyo in laga shaqeeyo mashaariicda soo kabashada xalalka waara.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qorshaha soo socda ee dhawaan Dolwadda Imaaraadka ka saacideeyso hay’adda SoDMA u diyaar garowga waxyaabaha dhici kara xiliyada soo socda ee laga cabsi qabo inay roob yari dhacdo taas oo sababi doonta abaar iyo In loo diyaar garoobo lana helo kayd dhammeystiran si deg deg looga jawaabo.