Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda shirka iskaashiga dhaqaalaha Blshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha wadatashiga ee Dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay daris-wanaagga iyo in la xoojiyo iskaashiga heer gobol, si waafaqsan danaha wadajirka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta maalgashiga iyo in dowladuhu si sharci ku wadaagaan fursadaha jira, isaga oo hoosta ka xariiqay in damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya uu yahay mid meesha ka saaraya iskaashiga iyo wax isdhaafsiga dowladaha, isla markaana wiiqaya Nabadda iyo Xasilloonida gobolka.

“Waxaan Ummadda soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaa, Itoobiya waxaan isku haysanaa qaabka sharci-daarada ah ee ay dooneyso in ay Baddeen kusoo gaarto, waxaan dooneynaa in ay Baddeenna ku timaado hab sharci ah, sida Yugaandha ay ku gaarto Badda Kenya iyo sidoo kale sida Itoobiya qudheedu ay ku gaarto Badda Jabuuti”.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, khubarada dhaqaalaha, safiirro iyo wakiillo ka socday jaamacadaha dalka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan fursadaha ugu jira ganacsatada iyo bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, khubarada ayaa si qoto dheer u falanqeynaya hanaanka loo horumarinayo xiriirka ganacsi iyo midka bulshada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku bahoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi iyo wadajir si loo horumariyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado shaqo oo waara.   

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Isxaaq Sheekh Cali Cabdullahi oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ninkaan oo 14 sano ka mid ahaa Khawaarijta ku dhuumaaleysata goballada Baay iyo Bakool ayaa saaxiibadiis kula taliyey inay isku soo dhiibaan dowladda.

Xubnno badan oo katirsanaa khawaarijta ayaa sidaan oo kale uga faa’iideystay cafiska dowladda oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga kuwaa oo helay nolol ka duwan tii ay ku jireen.

Shirka Xoojinta Iskaashiga dalalka EAC oo Muqdisho ka furmay

Shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa looga hadlayaa sidii soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika,waxaana daahfuri doono shirka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirro,xildhibaanada labada Aqal ee BJFS,safiirada wadamada caalamka,Madaxda Jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.

Soomaaliya ayaa Ururka Bulshada Bariga Afrika ku biirtay bishii march ee sanadkaan kana noqotay xubin buuxda.

‘Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amniga’ (WARBIXIN)

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii. Fikradda ah kaalinta Waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyeed iyo tan bulshaba-ba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed AUN Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay ka mid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbadallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad nuxuus u ah, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yareyd ee laga dhaxlay gumaysiga .

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (scoula media) oo ku yaallay muqdisho walina jira oo hada loo yaqaan Dugsiga Bartamaha Xamar, sidoo kale waxa jiray Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Warshadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaasi dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin jaamacad dalka oo dhan, sidaasi darteed ayey ardayda Soomaaliyeed dibadda waxbarasho ugu baqooli jireen, tusaale ahaan Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayey waxay gaarayeen 1.500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka, taasoo markii dambe laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada ama SYL oo markaas talada hayey. Balse xilligii Dowladdii Kacaanka aheyd ayaa aadugu dadaashay horumarinta Waxbarashada iyo kordhinta Dugsiyada Dalka.

Haddaba waxaa Gobolada Dalka Soomaaliya ka bilowday Maalintii Sabtyida aheyd oo ay taariikhdu ku aadaneyd 22-kii bishan Juun Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Ardeyda Dugsiyada Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee ee sanad dugsiyadeedka 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday, wuxuuna ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in Waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, Waxbarashadu waa himillo weyn oo ay Xukuumaddu u aragto mudnaan la mid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan Askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna intaasi ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taasi oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah Ardayda, isagoo kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.

Meelaha uu tilmaamay Ra’iisul-wasaaraha ayaa kala ah Degmooyinka Laascaanood oo ka tirsan Gobolka Sool iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud oo ay si hamsami ah uga socdaan howsha imtixaanaad Shahaadiga ah, taasoo laaga joogo muddo 33 sano ah kadib, iyadoo Masuuliyiinta qaadeysa Imtixaanaadka iyo waraaqaha Imtixaankaba lagu qaaday Diyaarado.

Haddaba Degmada Ceeldheer ayaa 33 Sanno ka dib ka mid noqotay goobaha lagu gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah. Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa maanta markii ugu horeysay  looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo markii laga xorreeyey Khawaarijta arxanka daran.

33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo Khawaarijta ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.

Waxaa Baraha Bulshada ku baaay muqaal qurux badan, kaasi oo ku saabsanaa Ardeydii ka qeybgalay Imtixaanka oo ay daabulkayaan Gawaarida Ciidanka booliska Soomaaliyeed sababo la xariira Roob aad u biyo dhigay qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Muqdisho, Roobkaasi xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho, kaasi oo saameyn ku yeeshay Ardayda sanadkaan galeysa Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna caawinaad u fidiyeen Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka ay ku galayaan iyaga oo adeegsanayo Gaadiidka ciidanka.

“Marwaliba waxaan hiil u nahay bulshada maanta waxaan daabulid u samaynay dhalinyarada ku jirta imtixaanka Dugsiga Sare”sidaa waxaa yiri Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin

Maalintii Seddexaad ayuu Muqdisho iyo gobolada dalka ka soconayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare, waxaana u rajeynaynaa inuu si nabdoon ugu dhammaado, ayna ku najaxaan Imixaanaadka ay juhdi badan u soo galeen.

Waxaa Alle mahadiis ah in Imtixaanka Qaran ee Fasalka 12aad uu ka socdo 13 Gobolka oo ka mid ah 18 Gobolka ee  Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxayna Kala yihiin sida hoos ku xusan.

Gobolada uu ka socdo Imtixaanka Qaran.

1.Jubada hoose

2.Jubada Dhexe

3.Gedo

4.Bay

5.Bokool

6.Hiiraan

7.Shabeelaha dhexe

8.Shabeelaha hoose

9.Banaadir

  1. Galgaduud

11.Mudug

  1. Sool (Laascaanood)

13.Togdheer (Buuhoodle)

Guul baan u rajayneynaa Ardayda Soomaaliyeed.

By. Ruush

Sacuudi Carabiya oo shaacisay tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay xajka sanadkaan

Illaa kun sadex boqol iyo koow qof (1,301) qof ayaa ku dhintay xajka sanadkaan ee Sacuudi Carabiya ,kadib markii la sheegay in badi dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwo aan heysan fasax,isla markaana masaafo dheer ku socday kulayl daran.

wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in heerkulka xajka ee sanadkaan uu gaaray 50C (122F) ,iyadoo qaar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen kuwo da’ ah oo xanuunsan

Wasiirka caafimaadka Fahad Al-Jalaajel ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii dadka looga wacyi galin lahaa qatarta kulaylka ,waxaana xarumaha caafimaadka ay sheegeen in ay daweeyeen ku dhawaad ​​nus malyuun xujey ah.

“Alle ha u dambi dhaafo, hana u naxariisto marxuumiintaasi, waxaanna tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen,” ayuu yiri wasiirka.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa dublamaasi Carab ah ayaa sheegtay in 658 Masaari ah ay dhinteen. Indonesia ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah ay naftooda ku waayeen, halka Hindiya ay sheegtay in ay dhinteen 98 qof.

Pakistan, Malaysia, Jordan, Iran, Senegal, Sudan iyo ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in dad ay ka dhinteen.

Sabtidii Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, ayaa shatiyadii ka xayuubiyay 16 shirkadood oo kuwa dalxiiska ah, wuxuuna maareeyayaashooda u gudbiyay maxkamad.

Jimcihii madaxda Dalka Jordan ayaa sheegay in ay xireen dhowr wakiil, kuwaas oo la tilmaamay in ay fududeeyeen socdaalka xujeyda Muslimiinta ah ee ku socday Maka.

Dhanka kale madaxweynaha Dalka Tunisia Kais Saied ayaa la sheegay un uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Diinta ee dalkaasi.

Qiyaastii 1.8 milyan oo qof ayaa ka qayb qaatay xajka sanadkan,waxaana Xajka ka hor, mas’uuliyiinta Sacuudiga ay sheegeen inay magaalada Maka ka soo saareen boqolaal kun oo xujey ah oo aan heysan fasaxa ama ogolaanshaha xajka sanadkaan.

“Qabyo Ninkeedaa Dhameystira’ (WARBIXIN) Qeybta 2-aad

Qeybtaan waxaan ku eegeynaa Dhinaca arrimaha dibadda:-
1.ku biirista Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

3. Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.
Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

4. Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.
“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.
Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, “Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.

5. Nuxurka Qodobada heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si degdega u ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamanka Federaalka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Nuxurka Qodobada Heshiiskaan oo aan wax faahfaahin laga bixin, iyadoo la sugayo in Dowlada Turkigu ansixiso dhankeeda. Heshiiskaan ayaa muddo sanado ah soo jiitamaaya, iyadoo Maamulkii hore ay ka hor istaageen Dowlada Mareykanka haatanse oggolaatay, waxaana la helayaa qodoboda heshiiska oo ay Saxaafadda Turkigu qortay, islamarkaana Saxaafadda loo dusiyay.

1.Inuu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.
2.Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
3.Waxay fasaxday Howgallada Cirka, Dhulka iyo Badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan Ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada Dal.

4.Qeyb ka mid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco Madax-bannaanida Dhuleed, Cirka iyo Xeebaha ee Soomaaliya ee Aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo Dalalka iyo kuwo hungureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida Burcad-badeedda, Argagixisada, Kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.
5.Waxa lagu heshiiyay in horumarinta Warshadaha Dhismaha maraakiibta iyo Dhismaha Dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo Dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta Aagagga amniga Soomaaliya.
6.Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.
7.Waxay caawisaa habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.
8.Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta Ciidamada Badda ee Soomaaliya sida Maraakiibta Dagaalka iyo Doonyaha hubeysan ee dheeraya.
Iyo tan 6-aad. Soomaaliya oo loo doortay xubinimo aan joogta aheyn ee Golaha Ammaanka ee QM.
Kal fadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobe ayaa Soomaaliya loogu doortay xubinimo aan joogta ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana markii labaad mudo 52 sano ah Soomaaliya ay kursigan hesho waxaana arintan ay daliil u tahay soo kabashada ay Soomaaliya ka sameysay arimaha diblumaasiyada, amaanka iyo siyaasada.

Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada. Soomaaliya ayaa soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka. Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaangooyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasiloonida iyo siyaasadda. Soomaaliya ayaa qeyb ku yeelan doonta go’aanada waaweyn ee aduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo amaanka caalamka.

Dowladda Ruushka ayaa ugu hambalyeysay Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in ay ugu hambalyeynayso Dowladda Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Zakharova oo wareysi gaar ah siisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda guushan iyo doorka Soomaaliya ay ka qaadan karto Golaha Ammaanka.
“Waa hawl aad u adag maadaama aan ku jirno marxalad taariikhi ah, balse, waxaan hubaa in dalkiinu gudan doono waajibaadka hor yaalla”. Afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gudan karto mas’uuliyaddan weyn, iyadoo u rajeysay horumar. Waxaa xusid mudan in kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobe loogu doortay Soomaaliya xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, waana markii labaad muddo 52-sano ah ay Soomaaliya kursigan hesho.

By: C/lahi Ruush

Maamulka Gobolka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay Roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay roobkii 24-saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in roobka uu khasaara kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo burbur waddooyinka qaar uu geystay.

Waxa uu intaa ku daray afhayeenku in Roobka ay ku dhinteen laba caruur ah,325 qoysana uu sameyn ku yeeshay,11-gurina uu burburiyay Roobka,sidoo kale waxa uu tilmaamay laba waddo uu kamid ah kuwa halbowlaha u ah isu socdoka dadweynaha in ay burbureen,maamulka Gobolka Banaadirna uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhisayo waddooyinkaasi.

Afhayeenka waxa uu sheegay in howlwadeennada gobolka Banaadir ay ku da’daaleen sidii waddooyinka biyaha looga dhuuqi lahaa islamarkaan la isugu furi lahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu shacabka uga digay sadaasha ah in uu da’o roob kale,isagoo shacabka dagan goobaha biya fariisiga ah iyo kuwa ku nool guryaha burbursan in ay ka feejignadaan sameynta uu Roobka u geysan karo.

Ciidanka xoogga ee ku sugan Ceeldheer ayaa gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tirsan Khawaarijta

Dhuusamareeb-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tirsan Khawaarijta, kaas oo doonayay inuu Doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg ee Gobolka Galgaduud.

Ninkaan Khawaarijka ah ayaa qabashadiisu waxay timid kadib markii xogtiisa ciidanku ay ka heleen bulshada ka agdhow xeebta Mareeeg, iyadoo lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ninkaan uu sheegay inuu u dhashay dalka Yemen, wuxuuna ka mid ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ku dhibaatoonaya deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan Galmudug.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa gaaray deegaanka Buulo Xaaji oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta

Wasiirka wasaaradsa Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hon Cali Yuusuf Cali oo safar shaqo ku jooga Jubbaland ayaa maanta booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta Shabaab, isaga oo la hadlay hey’adaha amniga, geesiyaasha xoogga dalka iyo bulshada deegaanka.

Booqashadan oo loogu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka,  waxaa mudane Cali Xoosh ku wehliyey Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland sida Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga.

     

Boliiska Soomaaliya oo caawinaad u fidiyeen Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka lagu galayo

Kadib Roob xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho kaas oo saameyn ku yeeshay ardayda sanadkaan galeysa Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay caawinaad u fidiyeen ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka ay ku galayaan iyaga oo adeegsanayo gaadiidka ciidanka.

“Marwaliba waxaan hiil u nahay bulshada maanta waxaan daabulid u samaynay dhalinyarada ku jirta imtixaanka Dugsiga Sare”sidaa waxaa yiri Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar muumin

Maalintii labaad ayuu Muqdisho iyo gobolada dalka ka soconayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare