Taliyaha Boliiska oo ka qeyb galay Xuska Sanad guurada 47-aad ee Ciidanka Boliiska Dalka Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa ka qeyb galay  Munaasabada Xuska Sanad guurada 47.aad ee Ciidanka Boliiska dalka aan walaalaha nahay Ee Jabuuti

Xaflada Sanadguurada 47.aad ee Ciidanka Boliiska Jabuuti oo Si heer sare ah loosoo Agaasimay ayaa Ka dhacdey Akadeemiyada Boliiska ee Idiris Faarax Caabane .ee Dalka Jabuuti.

 

 

   

Odayaasha dhaqanka Maamulka Jubbaland oo sheegay inay Tuutaha u xiranayaan Dagaalka Khawaarijta

Kismaayo:-Odayaasha iyo waxgaradka degaanada maamulka jubbaland ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka ee dagaalka kula jira khawaarijta.

“Hadaanu nahay Odayaasha Dhaqanka Jubbaland waanu garab taaganahay ciidamada dhiigga iyo dhuuxa ino huraya” mid kamida Odayaasha Dhaqanka Jubbaland.

Odayaasha ayaa tilmaamay in diyaar u yihiin in ay ku shahiidaan cadawga arxanka daran ayna ciidamada kala qeyb galayaan howlagallada ka socoda degaannada jubbaland.

“Waxaa iga go’aan inaan ku shahiido degmada Badhaadhe anigo garab jooga ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland lana dagaalamaya Khawaarijta”sidaa waxaa yiri Ugaas Cabdullaahi Siraad Cabdi.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ballaaran ka wada degeena dhowr ah oo katirsan maamulka jubbaland,iyadoo aat ciidanku la waregeen gooba ay cadawga mudda gacanta ku hayeen.

Dowladda Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay Soo gabo gabaynta Hawlaha Xafiiska UNSOM

Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas.

Kulan taariikhiga ah ayay shalay isku soo hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM,Wada xaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf – Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaaminayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka tacsiyeeyay geerida Hooyada dhashay Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid hooyada dhashay Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Allaha ha u naxriistee Hooyo Aamina Cali Yaasiin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle SWT uga baryay marxuumada Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, dhamaan ehelkeeda Iyo qaraabadeeda oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Xasan Cabdinuur uu samir Iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Guddiga haweenka ee BJFS oo kormeeray qaar kamdi ah wasaaradaha dowlad Goboleedka Jubbaland

Kismaayo:-Guddiga haweenka BJFS oo howlaha shaqa u jooga Magaalada kismaayo ayaa kormeer ku sameeyay Wasaaradaha Waxbarashada, Haweenka, Caddaaaladda iyo xarumaha ururada Haweenka dowlad goboleedka Jubbaland.

Ujeeddada kormeerka xildhibaanada ayaa ku saabsanaa sidii looga wada shaqayn lahaa dardar gelinta iyo casriyaynta arrimaha xuquuqda haweenka iyo awood siintooda, iyagoo xubnaha guddigu ay warbixinno gaar gaar ah ka dhagaysteen masuuliyiinta iyo shaqaalaha ay la kulmeen.

 

   

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur” Waxaa jira dad xannuusanaya marka ay arkaan guulaha ay gaareyso Dowladda Federaalka,”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay jiraan dad xannuunsanaya marka ay arkaan guulaha ay gaareyso Dowladda Federaalka, isagoo dhanka kale, tilmaamay in cadowga ku dul nool dalkan oo ay ajaaniib ugu badan yihiin in laga guuleysanayo.

” Waxay xannuunsanayaan marka ay arkaan in Soomaaliya deynta laga cafiyay, waxay xannuusanayaan magaalada Muqdisho oo lix bilood qarax ka dhicin marka ay arkaan, marka ay arkaan dad Soomaaliyeed oo dabaqyo iyo daaro dhaadheer ka taaganaayaa, laamiayada Muqdisho oo la dhisaayo marka ay arkaan waa xannuusanayaan, horumarka uu shacabka Soomaaliyeed gaarayo maxaa looga xannuusanayaa, maxaa loo jecel yahay in cadowga na qabsado, dadkaas Soomaali waa ay taqaanaa meel ay joogaanba, weyna ka dheragsan tahay, maanta furimaha dagaalka wiil iyo gabdhaa ku ciiday oo hooyooyinka, Aabayaashooda iyo ilmahooda ka fogaaday, marka ay maqlaan in goobtii ay difaaca ugu jireen nin Soomaaliyeed uu leeyahay dhulkii Al-shabaab ayaa qabsaday maxay dareemayaan, wiilashaas miyeyna wiilal Soomaaliyeed ahayn,” ayuu yiri wasiirka.

Ssidoo kale, wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in horay loo soconayo,islamarkaana la dhammeystirayo howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab.

” Hore ayaan u soconeynaa Al-shabaab ayaa dhammeystireynaa, dalkan ayaa doorasho toos ah ka qabaneynaa, dalkan ayaa dhaqaalihiisa kobcineynaa, sharafka ummadda Soomaaliyeed ayaa dib loo soo celinayaa argagixiso dambe ma rabno in nagula shaabadeeyo, wiil Soomaaliyeed oo dalkan ka safray oo dibadaha maraaya in il-gaar ah lagu eegayo, isagoo lagu tuhmaayo in dalkiisa argagixiso joogto ma rabno,”.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo gacan militari ka helaya saaxiibada caalaamka ayaa ku guuleystay in ay wiiqaan awooddii Al-sbabaab, waxayna hadda ku baacsanayaan deegaannada howdka ah oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda.

Ciidamada Xoogga dalka oo burburiyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta weerar ku qaaday goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaad Khawaarijta ah, weerarkaas ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa cagta mariyay goobihii gabaadka u ahaa cadowga, kadib markii heleen xogta Khawaarijta isku uruursaneysa aaggaas, waxaana halkaas lagu gaarsiiyey jab xoog leh, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 86-aad Guutada 77 Cabdinuur Yuusuf Qadaaye oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaas.

Sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha hoggaamineysa weerarkan ayaa tilmaamay in haraadiga naf la caariga ee ku dhuumaaleysanaya howdka  deegaanadda hoos tagga Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud uu midba maalin isa soo dhiibayo kadib marka ay u adkeysan waayaan nolosha hoy iyo har la’aanta ee ay ku jiraan khawaarijtu. Ciidamadda xoogga iyo kuwa deegaankuna ay maalinba maalinta ka dambeysa ay sii laba-laabayaan gulufka iyo beegsiga ay ku hayaan Khawaarijta.

   

Ololaha Hooyo u Hiili qaranka oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ahna guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo mudane xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa maanta Tiyaaterka qaranka uga qeybgalay “Ololaha Hooyo u hiili Qaranka”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maalmahan xoriyadda uu dalkeennu ku jiro ladagaalanka Khawaarijta, ayna jiraan damac shisheeye, waxaana uuna bogaadiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Cali Yuusuf Xoosh waxaa uu dhanka kale sheegay in hooyada Soomaaliyeed ay sharfantahay, isaga carabka ku dhuftay baahida loo qabo dhiirigelintooda iyo in ay furimaha tagaan.

     

Ra”iisul wasaare Xamse oo dhagax dhigay Dhismeyaal Dowladdeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka, Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka.

Xarumahan oo dhamaantood lagu dhisayo isku-tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda, kuwaas oo laga dhisayo waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhismayaashani ay qeyb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ugu jirto dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan.

   

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, waxbarashadu waa himillo weyn oo ay xukuumaddu u aragto mudnaan lamid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taas oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah ardayda, waxuuna kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.