Ceeldheer oo 33 Sanno ka dib maanta ka mid noqotay goobaha lagu gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah

Ceeldheer:-Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa maanta markii ugu horeysay  looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo markii laga xorreeyey Khawaarijta arxanka daran.

33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo Khawaarijta ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.

‘Qabyo Ninkeedaa Dhameystira’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya haya  Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii 2022-kii, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda, kuwaasi oo uu sheegay in ay ahaayeen qabyo uu markii uu xafiiska baneynaayay u yaalay, balse uu codsaday inuu qorshayaasha u degsan uu dhameystiro, waa tii uu halkudhiggiisu aha “ QABYO NINKIISAA DHSAMEYSTIRA”, waase lala fahmi waayay, balse hadda ayuu u soo jeestay inuu dhameystiro ‘Qabyadii’ uu markaasi sheegayay.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlaayay hadafka fog ee uu leeyahay ayaa yiri:- “ waxaan doonayaa inay Soomaaliya noqoto Wadan siyaasad ahaan deggan, nabad ah, barwaaqeysan, islamarkaana horumarsan, anigoo Shacab ahna aan si nabad ah ugu dhex noolaan karo, taasi waaye hadafkeeygu”, marka Madaxweynaha oo muddo 2- sano ah Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya fadhiya ayaa u suurtogalshay inuu ku dhaqaaqo arrimaha soo socda :- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La dagaalanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Halka dhinaca Siyaasadda arrimaha dibadda uu dhaqaajiyay:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM iyo tan 5-aad oo aheyd in Soomaaliya ay mar kale ka muuqato fagaarayaasha Caalamka.

Madaxweynaha iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaaraha Dalka muddada labada sanadood ah waxay ku guuleysteen inay wax ka qabtaan siyaasadda arrimaha Gudaha:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo laba sanad ah uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka, kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta, waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah ayaa waxaa lagu dilay in ka badan ( 4kun ) afar kun oo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo, Dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka Dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan, waxaana la filaa inay howshiisu dhammaato sanadka cusub ee 2024-ka.

la soco qeybta 2-aad.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo si Rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Dugsiyadda Sare

Ra”iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray imtixaanka dugsiyadda Sare ee Fasalka 12Aad oo saaka Ardaydu ku gelayso inta badan Gobolada dalka.

Ra’iisulwasaaraha Xamse ayaa xusay in doorkan horumar weyn laga gaadhay dhanka Horumarinta tiknoolajiyadda sidoo kale Ra”iisul wasaaraha ayaa xusay in Sannadka Imtixaan laga gelayo goobihii laga xorreeyey khawaarijta.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashadda ayaa xusay in sannadka tirada Ardayda Imtixaanka gelaysaa gaarayso 37038 Arday sidoo kale ay ka soo qayb galeen 736 Dugsi oo ku kala yaal gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadah aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Maraykanka

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

Qabyo Ninkeedaa Dhameystira’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya haya  Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii 2022-kii, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda, kuwaasi oo uu sheegay in ay ahaayeen qabyo uu markii uu xafiiska baneynaayay u yaalay, balse uu codsaday inuu qorshayaasha u degsan uu dhameystiro, waa tii uu halkudhiggiisu aha “ QABYO NINKIISAA DHSAMEYSTIRA”, waase lala fahmi waayay, balse hadda ayuu u soo jeestay inuu dhameystiro ‘Qabyadii’ uu markaasi sheegayay.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlaayay hadafka fog ee uu leeyahay ayaa yiri:- “ waxaan doonayaa inay Soomaaliya noqoto Wadan siyaasad ahaan deggan, nabad ah, barwaaqeysan, islamarkaana horumarsan, anigoo Shacab ahna aan si nabad ah ugu dhex noolaan karo, taasi waaye hadafkeeygu”, marka Madaxweynaha oo muddo 2- sano ah Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya fadhiya ayaa u suurtogalshay inuu ku dhaqaaqo arrimaha soo socda :- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La dagaalanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Halka dhinaca Siyaasadda arrimaha dibadda uu dhaqaajiyay:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM iyo tan 5-aad oo aheyd in Soomaaliya ay mar kale ka muuqato fagaarayaasha Caalamka.

Madaxweynaha iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaaraha Dalka muddada labada sanadood ah waxay ku guuleysteen inay wax ka qabtaan siyaasadda arrimaha Gudaha:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo laba sanad ah uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka, kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta, waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah ayaa waxaa lagu dilay in ka badan ( 4kun ) afar kun oo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo, Dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka Dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan, waxaana la filaa inay howshiisu dhammaato sanadka cusub ee 2024-ka.

la soco qeybta 2-aad.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo si Rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Dugsiyadda Sare

Ra”iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray imtixaanka dugsiyadda Sare ee Fasalka 12Aad oo saaka Ardaydu ku gelayso inta badan Gobolada dalka.

Ra’iisulwasaaraha Xamse ayaa xusay in doorkan horumar weyn laga gaadhay dhanka Horumarinta tiknoolajiyadda sidoo kale Ra”iisul wasaaraha ayaa xusay in Sannadka Imtixaan laga gelayo goobihii laga xorreeyey khawaarijta.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashadda ayaa xusay in sannadka tirada Ardayda Imtixaanka gelaysaa gaarayso 37038 Arday sidoo kale ay ka soo qayb galeen 736 Dugsi oo ku kala yaal gobolada dalka.

BEERASHADA CUDBIGA IYO BARIISKA AYAA DOOR WACAN KA QAADAN KARA DALKA

Dalka Soomaaliyeed waa dal hodon ku ah kheyraad badan uu Alle ku maneystay waa dal ku wanaagsan hirgalinta mashaariicyo horumarineed sidaTacbashada beeraha oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee dhibanaha u noqday raashinka warshadeysan oo aan taya ahaantooda la isku haleen karin.

Tacbashada beeraha dalka aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaheena sababtoo dal walba waxa uu ku tiirsan yahay Tacbashada beeraha oo wixii Ka soo baxa ayaa la warshadeeyaa islamarkaana ayaga oo la ka kontroolay tayadooda, tariikhdooda iyo dhadhankooda oo ay muhiim tahay in bulshada laga kontoroolo taasina waxa ay yareeneysaa xanuunada dilaaga ah sida Cancerka iyo wixii la mid ah.

Jaamacadaha dalka ku yaala ayaa bilaabay bixinta culuumta beeraha oo ah culuum muhiim u ah bulshadeena Soomaaliyeed jiritaankooda waxaana ay sidoo kale culuumta beeraha bulshada wax badan Ka badashay hab fikirkooda beeraha ayaga oo ku dabaqaayo barashada ay soo barteen culuumta beeraha taasina waxa laga dareemayaa guud ahaan dalka.

Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka waxaa aad ugu soo badanaayo dhalinyarada aqoon yahannada bartay kuna taqasusay cilmiga beeraha hirgalinta beero casri ah oo aan horay dalka looga aqoon ayaga oo sidoo kale dalka keenay dalagyo aan dalka Ka bixi jirin in ay dalka keenaan oo ay ku beeraan taasina waxa ay keentay in aqoonyahanadii ku taqasuusay beeraha ay dadka Soomaaliyeed ay jecleysiiyaan beeraha oo aad u soo badanaayo hirgalinta beero waa weyn.

Beerashada Bariiska oo inta badan lagu yaqaanay in uu Ka baxo Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan magaalada jowhar oo aad looga tacbado bariiska ayaa door weyn Ka qaato in sicir bararka uu yaraado magaaladaas taasina waxa ay keentay In magaalada muqdisho laga hirgaliyo in lagu beero bariis.

Mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada muqdisho( Jaamacadda Jzeera ) Ayaa bilaabay    tijaabo inay kusameyso Bariis loo yaqaano (“NERICA”) kaas oo ku bixi karo  biyo yar sida Galleyda iyo Massagada oo loogu beero dhul roobaadka.

Tijaabadan waxay horseed u noqon doontaa meel kasta oo Gallay iyo Masaggo lagu tacbo in bariiska NERICA lagu tacbi karo marka laga eego dhanka biya yarida.

Hirgalinta mashruuca tijaabada beerista bariiska ee magaalada muqdisho waxa ay kaalin buuxda ka qaadan doontaa  horumarinta isku filnaansho cunto ee Soomaaliya.

Sidoo kale Hirgalinta beerista bariiska waxa ay kaalin weyn Ka qaadan doonaan yareenta sicir barar xooggan ee yimaada, isbadal dhaqaale, isku filnaasho dhankasta ah iyo shaqo la’aanta xooggan ee dalka Ka jirto ee ay heesto dhalinyarada Soomaaliyeed in ay meesha Ka baxdo.

Ugu danbeyn dalka keena Soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay isku filnaasho dhaqaale taasina waxaa looga bixi karaa in lagu dhiirado in hirgalinta mashaariicyo waaweyn oo dhanka waxsoosaarka ah oo dalkeena dhaqaalihiisa wax weyn Ka badali karo dowladduna looga baahan yahay garab istaag iyo in ay Ka qeyb qaadato hirgalinta iyo kamiro dhalinta hormarinta dhaqaale ee dalka.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

DHOWRISTA WADDOOYINKA ISKU XIRA GOBOLLADA DALKA WAA MUHIIM

Waddada waa marinka keliya ee isku xira xaafaddo, magaalooyinka iyo marino muhiim ah oo layskaga kala goosha, taasoo dad iyo duunyaba lagama maarmaan u tahay la’aanteed.

Guri kasta marka uu qof doonayo in uu iibsado waxa ugu muhiimsan ee laga eego waa jidadka, haddii aanu booskaasi lahayn marin wanaagsan, lama iibsanayo ama qiimo fiican ma goynayo.

Haddaba, waddooyinka oo wanaagsanaado waxay bulshada iyo muumulkaba u sahashaa adeeg suuban oo isku xir xooggan leh, waxay sahashaa safarada loogu kala goosha dalka gudihiisa iyo debaddiisaba in si dhakhsi ah lagu gaaro hadba qofka meesha uu doonayo.

Dhanka kale, waxaa jirto burbur xooggan oo soo gaaray waddooyinka, kuwaasoo la burburay dowladdii dhexe ee Soomaaliya haba ugu badnaadaan kuwa aada gobolladda dalka, waddada dheer ee xiriiriso Xamar ilaa Hargeyso waa marinka ugu dheer dalka badankiisa burbur lixaad leh ayaa soo gaaray, in kastoo ay meelaha qaarkooda maamulladii dalka ka jiray ay meelo ka dhiseen, haddana baahi weyn ayaa ka jirto.

Xilliyadda roobabka ay curtaan, oo roob lagu diirsado da’o wuxuu galaaftaa waddooyin muhiim u ah bulshada, wuxuu burburiyaa buundooyin, wuxuu kala xiraa safarka meelo badan oo dalka ah.

Bulshada iyada ayaa isu xilqaami karto dib u dayactirka waddooyinka halbowlaha u ah mujtamaca, Soomaalida ayaa tiraahda “Far keliya fool ma dhakhdo” taasoo loola jeeda markii xoogga iyo maskaxda la biiriyo in ay waxqabad ka soo baxayso taasoo lagu dhisi karayo jidad badan oo muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya oo Kaashaneysa saaxiibadeed ayaa dhisay dhowr waddo oo caasimadda iyo gobollada ah, waana marino loo baahi qabay isticmaalkooda, welina dowladda waxay ku howlan tahay in ay hagaajiso jidadka dayacan ee guud ahaan dalk.

In la ilaaliyaa badqabka jidadka waxay u muhiim u tahay shacabka, waana in ay u istaagaan dhowritaankeeda, dowladdana mas’uuliyad weyn ayaa ka saaran wax ka qabadkeeda.

WQ: C/wali Daljir

BARAHA BULSHADA SIDAAN HA LOO DHAAMO

Cilmiga iyo teknoloji waxaa loogu talagalay in horumarka aadanaha looga faa’ideysto laguna gaaro meelo aan hore loo gaarin ee ma aha in uu horseedo xumaan iyo caqabado hor leh.

Baraha bulshada maanta caalamka waxay u yihiin goobo wax leysku weydaarado oo lagu soo bandhigo afkaar, aqoon, xog , maaweelo iyo waaya aragnimo laakiin sida aan u aragno ama uga faa’ideysano ayaa qaldan.

Maxamed Faarax Cali oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho wuxuu qabaa in Soomaalida gebi ahaanba laga xiro baraha bulshada wuxuuna daliil uga dhigay in aanay aheyn dad u bisll isticmaalkooda.

“Waxaan u naqaanaa goobo lagu falaado wixii la rabana la soo dhigo oo aan ka xadeysneyn been, caay iyo fisqi waana wax aan sax aheun “ ayuu yiri .

Wuxuu sheegay bedelkeeda in isticmaalkeeda ay tahay in looga faa’ideystto dhinaca baahinta aqoonta, teknolojiyada, sayniska iyo iska warqabka guud.

Waxa maanta ka dhacaya baraha bulshada Soomaalida oo muddo dheer sii socda waxaa laga dhaxli doonaa dhaqan dumis , aqoonta oo yaraata , jahliga iyo qabyaaladda oo sii bata iyo aflagaadada oo la caadeysto loona arko wax caadi ah .

Isku dirka ayaa ah caqabadda ugu weyn ee ka dhalata haatanna lagu arko baraha bulshada waana midda maanta taagan ee loo maaro la’yahay oo wax walba ay ka dhaqaaqi la’yihiin .

Baraha bulshada waxaa jira meelo daaqli laga sameeyn karo laakiin maaha in daqligaas lagu raadiyo si xun oo indho caddeys ah laakiin waa in aad noqotaa qof wax abuuri kara waxa uu abuurayana ay yihiin wax dadka faa’ido u leh oo wax soo kordhinaya.

“Ma aha in wax lagu raadiyobeen iyo aflagaado aan biyo la marin hadhowna la yiraahdo waxaan ku raadinayey dad I daawada” ayuu yir Cabiraxmaan Hurre oo ku nool magaalada Garoowe oo sheegay in mararka qaar waxyaabaha lagu daabaco baraha bulshada ay yihiin wax laga yaqyaqsoodo oo aan u qalmin in dadka loo soo bandhigo.

Axmed Maxamed Guure wuxuu qabaa in baraha bulshada ay qeyb ka yihiin hurinta colaadaha ee Soomaaliya faafinta qabyaaayaladana ay ugu horreeyeen.

Dhallinyaro badan oo aan hore wax badan uga aqoon qabyaayadda ayaa haatan ku ababay baraha bulshada oo ku bartay isticmaalka qabyaaladda cod dheerna ku leh reer hebel iyo reer hebel.

Sidoo kale varaha bulshada waxay qeyb ka yihiin marin habaabinta dadka waayo waxa lagu sheego intooda badan waa been iyo arrimo aan jirin oo lagu buunbuuniyo la isagana dabqaado bulshooyin aan isu jeedin oo la isku soo jeediyo  dhexdoodana colaad laga dhex dhaliyo.

Maanta caalamka waxaa uu marayaa cilmi iyo aqoon ahaan meel aad u sarreysa waxaana hogaaminaya baraha bulshada oo noqday meesha ugu fudud ee wax la isku gaarsiin karo waana tan keentay in caalamku haatan u soo guuro teknolojiyada cusub.

Somaalida waxaa maanta looga baahan yahay in ay eegaan dhinca wanaagsan ee ay teknolojoyadaa uga faa’ideysan karaan oo aanay noqon dad garan waayey dowgii ay u mari lahaayeen adeegsigeeda.

WQ : Mohamed Shiil

10-QODOB OO SHARCI AH KUNA SAABSAN SIDA LOO WERIYO WARARKA ARGAGIXISADA LA XIRIIRA

Hadafka Ururrada Argaxisada ayaa ah in ay abuuraan (Environment) bey’o ama xaalad cabsi ah, arggagixin, baqdin gelin ka weecisa qof ama bulsho in ay fikiraan ama aragtidooda cabiraan, taasi oo saameyn xun ku yeelata bulshada meeshana  ka saarta in ay ka jawaab celiyaan.

Ururada argagixisada waxa ay aad u door bidaan adeegsiga Warbaahinta , si ficilada ay sameynayaan u gaarto dhegaha dad badan si saameynta meesha ay joogaan ugu weynaato dunida oo idil.

“ Propaganda-da waa Oxygen-ka argagaxa”,  Waxa sidaas tiri, Ra’isul wasaarihii hore ee Britan, Margaret Thatcher (Iron Lady)  oo la dhihi jiray marwadii birta .

Waa in la’is waydiiyaa sawirada loo adeegsanayo warbaahinta ama wararka loo gudbinayo dad-weynaha in ay yihiin kuwa mudan in shacab la gaarsiiyo ama yihiin kuwa u adeegaya ururada argagixisada, waa inaad ogaataa in hubka uga weyn ee ururada argagixisada uu yahay ‘Propoganda’,   si looga fogaado arrimahan waxa ay Wakaalada Wararka u faafisa Waddanka aan saaxiibka dhaw nahay ee Turkiga, Anadolu Agency(AA) ka diyaarisay 10-qodob oo sharci ah kunasaabsan sida loo weriyo wararka argagixisada, waana sida soo socota:-

  1. Ha warin wararka deg-degga ee aadan xaqiiqdooda heyn (Xan ama hebel baa sheegay)

Xaqiiji warka, wariyaha lagama aqbalayo inuu qeexo/ sheego sida ay meesha wax uga dhaceen. Isku haley macluumaad uu bixiyey ama ay bixiyeen mas’uliyiin. Dhanka kale haddii aan la gaari Karin mas’uuliyiinta, bayaan saxafi uusan jirin, waa inaad ku noq-noqotaa xaqiijinta sheekada.

Ha isku haleyn baraha bulshada adiga oo daba socda dhacdo argagixiso, hana adeegsan macluumaad kasta adigoon helin bayaan saxafi(War-saxaafadeed) oo rasmi ah.

Dunida maanta, macluumaadka waxa uu u fidaa sida dab keyn qabsaday, diyaarinta warka weerar argagixiso oo ku salaysan ku tiri-ku teen(War Suuq) iyo mala’awaal waxa uu dhalinayaa khalad aan daawo lahayn.

Ha iloobin sida ay u adag tahay in la daaweeyo saameynta xun ee ka dhalata macluumaad aan la hubinin ama la xaqiijinin.  Ha u qaadan wax  fudud adigoo u dan leh ku hor mar wax u baahan hubin.

  1. Ha meel marin hadafka ururada argagixisada

Urarada argagixisada ujeedkooda waxa uu yahay in ay abuuraan cabsi iyo argagixin ay dad badan ku gaaraan iyaga oo u maraya ficilo xasaasi ah. Wararka iyo sawirada la faah-faahiyey ee la xiriirta dhacdada agagixiso waxa ay u adeegaysaa ujeedka ururada agagixisada, uma adeegayso xuriyadda macluumaadka.  Xadidaada wararka noocan ah in la baahiyo waa in lagu go’aamiyaa, looguna adeegaa danaha bulshada ama waxtar uu u leeyahay.

Ha sheegin sida weerarka argagixiso loo qorsheeyey, loo fuliyey ama waxa ka dhasha.

  1. Dad badan inaad gaarto walaacaaga yuusan noqon, loolan ha u gelin gaaristooda

Ha iloobin in urarada agagixisada ay door bidayaan in ficiladooda ay soo jiitaan dareenka warbaahinta si ay u gaaraan dad badan, sidaa daraadeed, marka la warinayo wararka agagixiso, ka tag dhamaan walaaca la xiriira tartan. Isku day in aad bulshada u sheegto war xaqiiqa ah oo aan jahwareer abuureynin.

  1. Ha isticmaalin sawirada dad dhintay ama dhaawaca

Waa xushmad daro adeegsiga sawirada noocaan ah, balse waxa aad isticmaali kartaa muuqaal guud oo meesha mashaqada ka dhacday ah oo aan bixinaynin argagax, waxaad isticmaalaysa falcelinta ay samaynayaan ciidamada amaanka iyo shaqaaalaha caafimaadka ee gurmadka bixinayaan taasi oo gudbinaysaa fariin wanaagsan oo muujinaysa in ciidanka amaanka iyo shaqaalaha caafimaadkuba ay gacanta ku hayaan xaaladda.

Xusuusnow haddii aad si kale u tabiso, taasi macnaheeda waa adiga oo ka caawisay in aad xoojisay saamaynta xun ee ay bulshada ku yeelanayso iyo dacaayadda ay doonayaan argagixisada.

  1. Ha isticmaalin eray bixinta urarada agagixisada

Jabhad, kuwa kacdoonka, kuwa u dhaq-dhaqaaqa naf hurnimada, iyo IWM ee ay la baxaan. Ka fogow in aad isticmaasho mansabka iyo sifooyinkooda taasi oo ka dhigi karta in aad  sharciyeyso ururadaa, tusaale ‘Taliye, Gudoomiye/ Madaxweyne, Xisbi/koox, madax ama hogaamiye.

Ha xoojinin isticmaalka magacyada ururada agagixisada, ha sheegin aqoonsigooda/ dhalasho iyo magacyada isku afgartaan haddii aysan u adeegaynin danta shacabka.

  1. Haku deg-degin in aad shaaca ka qaado aqoonsiga maydka

Ha shaacin aqoonsiga kuwa noloshooda ku waayey weerar agagixiso ilaa ay  mas’uuliyiinta ku wargeliyaan eheladooda !

Ha iloobin waxyeelada ka dhalan karta in shaqsiyaad ka ogaadaan warbaahinta geerida kuwii ay jeclaayeen, waxay dhalinaysaa dhibaato khatar ah.

  1. Ha daabicin ama werinin ‘War-saxaafadeedka’ Ururada argagixisada

Waa inaadan werin ama daabicin bayaan saxaafadeedka hogaamiyeyaashooda ama argagixasada, ha iloobin in bayaanada ay ka buuxaan xeerar.  Waraysi gaar ah hala yeelan argagixisada. Waraysiyada waxa ay u adeegayaan dacaayada ururka, wuxuuna siinayaa xubnaha ururka agagixisada sumcad weyn, sidoo kale sharci buu ka dhigayaa iyaga.

  1. Ka taxadir macluumaadka iyo sawirada baraha bulshada

ha iscticmaalin macluumaadka aad ka hesho baraha bulshada adigoon xaqiijin.

  1. Ka warqab fahamka hawl-galada urarada argagixiso !

Ururada argagixiso waxa ay door bidaan ( is-dilka, cunto ka soomida, qaraxyada ismiidaaminta.) si warbaahinta ay u daboosho. Marka aad werinayso arrimahan ee qaybta ka ah aragtida hawl-galada ururka argagixiso, ka fekar danta dadweynaha. Ha noqon agabkii Propogando-da ee lagu kuleylayn lahaa dhacdadaas.

  1. Ha sheegin u diyaar garowga hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada

Ciidamada amaanka way ku adkaanaysa haddii ay sidaa dhacdo, sidaa daraadeed hawl-galada military ama sirdoon ha werin !

Ha iloobin in ka hor dhicista ama sheegista hawl-galada diyaar-garowgooda tusaale in la baahiyo ama la daabaco in ay u adeegsan karaan ururada argagixiso, waxa ayna carqaladeynayaan ama dhaawacayaan dadaalada ciidamada amaanka.

Gunaanud:- Marka aan ka soo tagno tabankan qodob ee aan ka turjumay buug-yaraha Anadolu. Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa Shabaab iyo urur taabacsan Daacish kuwaa oo ah ururo argagixiso, waxaa haboon in warbaahinta dalka ay ku buraarugaan qaabka loo tabiya wararaka la xiriira argixisada ayna xil weyn iska saaraan maareyntooda iyagoo markasta u hiilinaya shacabka bal si dhaw isu xasuusi labadii dhacdo ee Zoobe ka dhacday, yey ku gumaadeen ?!

        Waxa tarjamay oo qoray:

Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra”