Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadah aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

    

Imtaxaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare oo lagu waddo in u ka furmo Laascaanood

Magaalada Laascaanood ayaa maalinta barri ah waxaa ka furmidoona Imtaxaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

Diyaarad ay la socdeen Saraakiil ka socotay wasaaradda waxbarashada DFS ayaa halkaas gaaray si ay u furaan Imtaxaanka 12-aad ee dugsiyada sare magaalada  Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool.

Imtixaanka ayaa lagu wadda in maalinka barri ah ay u fariistaan ardayda,iyadoo lagu qabanayo illaa Afar goobood oo ka kala tirsan magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle.

Masuuliyiinta maamulka SSC-Khaatumo ayaa garoonka diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyay, saraakiisha ka socotay wasaaradda Waxbarashada DFS oo Goobjoog ka ahaan doono imtixaanka.

Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Xubno ka Tirsan BFS oo Sheegay in lagu Dhibaateeyay Nairobi

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahdey xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale ay DFS si xooggan u beenineysaa wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin , waxaana xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laammaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.

Xigasho: SONNA

Madaxa Hay’adda SODMA oo la kulmay Madaxa Hey’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jaban

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa dalka Japan kula kulmay madax sare oo ka tirsan hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee dalkaasi (JICA).

Agaasimaha hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Japan qeybta Africa Momita Yasuki ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay mashaariicda ay hay’addooda ka waddo dalalka Afrika,gaar ahaan Soomaaliya,

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa madaxda hay’adda ka dalbaday in laga caawiyo dhisidda xarumaha gurmadka degdega ah ee maamul goboleedyada, kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha hay’adda maaraynta musiibooyinka.

 

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo Masaajid Cali Gaduud kula hadlay dadka deegaanka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa kulan dhiirigalin ah la qaatay shacabka ku dhaqan deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo laba sano kahor laga xireeyay kooxaha khawaarijta.

Afhayeenka oo la hadlay qeybaha bulshada ayaa kula dardaarmay in ay u howlgalaan la shaqeynta ciidanka dowladda iyo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha khawaarijta.

Sarkaalkaasi waxa uu ka codsaday dadka deegaanka in ay la yimaadaan dulqaad iyo iscafiyo,isla markaana ay ka qeybqaataan horumarinta adeegyada lagama maarmaaka u ah bulshada.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo ka hadlay qodobbo muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern .

Dhinacyadaasi ayaa ka hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay ciribtirka kooxaha khawaarijta iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Dankiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, mudane Joachim Waern ayaa ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ee ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka, isagoo balanqaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Israa’iil oo xoojisay weerarada waqooyiga, koonfurta iyo bartamaha Gaza

Taangiyada Israa’iil ayaa ku sii qulqulaya galbeedka Rafah ee koonfurta Gaza, iyagoo madaafiic ku garaacaya teendhooyinka ay degan yiiin dadka barakacay.

Ciidamada Israel ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay weeraro cirka ah oo dhimasho badan dhaliyay ka fuliyay Gaza,gaar ahaan guri ay ku sugnaayeen sideed qof oo dhaca xaafadda Zeitoun ee magaalada Gaza.

Qaramada Midoobay ayaa uga digaya shirkadaha hubka in ay Israel u gudbiyaan nuucyada hubka , iyaga oo jebinaya sharciga caalamiga ah ee Gaza.

Dagaalka Rafah ayaa sii xoogeysanaya iyadoo kala qeybsanaan siyaasadeed oo sii kordhaya ay ka muuqdaan xulufada taageera labada dhinac.

Xamaas ayaa la sheegayaa in ay walxaha qarxa ku weerareen Gaari noociisu yahay kuwa gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Israel.

Ugu yaraan 37,431 qof ayaa la dilay halka 85,653 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

 

Bangiga Adduunka oo soo saaray Warbixinta Sanadlaha ah ee Hurmarka Dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeybgalay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ayaa sanadkaan diirada lagu saaray wax ka qabashada dhibaatooyinkii iyo caqabadaha ay leedahay Isbeddelka cimilada oo Soomaaliya dhinacyo badan ka saamasay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediayy shirkaan lagu soo bandhigay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2024. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyadoo sidoo kalena guullo waa wayna ay ka samaysay arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Warbixintiisa 9-aad taasi oo lagu soo bandhigay sidoo kalena lagu gorfeeyay halista isbeddelka cimilada iyo sida ay Soomaaliya samayn dhinacyo kale duwan ah ugu yeelatay.
Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo ka dhashay xiisadaha Gobolka gaar ahaan Badda Cas, dagaalka Ukrian iyo cimilada kulalanaysa”,ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbixinta la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka uu soo bandhigay ayaa lagu xusay in korarka dakhliga gudaha uu kordhay sanadkaan boqolkiiba 3.7% halla Warbixintu odorastay in sanadka 2025 uu kordhayo boqolkiiba 3.9%. Sanadkii hore 2023 ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbxinta inuu boqolkii 3.1% korar ah uu sameeyay dakhliga halka 2022 uu gaaray boqolkiiba 2.4%. Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuucda kale ee muhiimka u ah Nidaamka Guud ee Maamulka Maaliyadda taasi oo keentay korar dakhliga gudaha.

Wakiilka Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ayaa ah mid sanadle ah oo lagu qiimayo heerka xaalada horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyo caqabadaha jira,sida loo dhaqangeliyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha kale ee muhiimla ah u ah Maaliyadda Guud.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo shir uga qayb galay dalka Japan

Himeji:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan howlo shaqo u joogay magalada Himeji ee dalka Japan iyaga oo ka qayb-galaya shir laba sanadle ah oo lagu magacaabo Madasha Caalamiga ah ee Fahamka Halista “Understanding Risk Global Forum“.

Gudoomiyaha ayaa Madasha ka jeediyay khudbadiisa oo uu kaga hadlay sooyaalka hay’adda SoDMA, guulaha ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, howlaha hortabinta u leh hay’adda iyo caqabadaha horyaalla hay’adda. Wafdiga ayaa sidoo kale ka qaybgalay shirar doceedyo iyo doodo looga hadlayay arimaha la xiriira maaraynta masiiboouyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn.

Ugu danbeeyntii, Guddoomiye Maxamuud ayaa u mahad celiyay Bankiga Adduunka oo abaabulka shirka iyo dowladda Japan oo martigalisay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Maraykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday, waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.