Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo la kulmay Safiirro ka socda dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, ciribtirka khawaarijta, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladdu guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo hawllgada wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta iyo sidoo kale dedaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxaha Khawaariijta ah.

Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyagoo intaa ku daray inay dawladda Soomaaliya ka taageerayaan howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaariijta.

Safiirrada kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku tagay dalalka Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway uga qeybgaley Madasha Nabadda ee Oslo , halkaas oo uu hadal ka jeediyay. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha uu kulamo la yeeshay Boqorka iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway.

Sidoo kale Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu dalka Switzerland uga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn safarkiisa shaqo kusoo gabagabeeyay dalalka Turkiga iyo Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Jabuuti isagoo la kulmay madaxda labadaasi dal.

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo Karen Johanson.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, qorshaha marxaladda kala-guurka ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, tababarrada Ciidamada Daraawishta Booliiska, horumarinta sharciyada iyo qorshaha xasillinta goobaha laga xorreeyay Khawaarijta.

Labada dhinac waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta hawlaha qorsheysan iyo ka baaraandegga hawlaha hortebinta u leh amniga.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay Dalka China

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo u aaday dalka Shiinaha oo uu kaga qayb gali doono shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa iskaashiga Garsoorka Afrika iyo Shiinaha oo muhiimad wayn u yeelan doona labada dhinac inay yeeshaan wada shaqayn joogta ah, gaar ahaan horumarinta Garsoorka.

Inta uu dalka Shiinaha joogo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf ayaa kulan doceedyo waxaa uu la yeelan doona Masuuliyiinta dhigiisa ah ee ka qeybgalaya Shirka.

Caalamka oo laga xusayo maalinta Qaxootiga Dunida ee 20-ka June

Dalalka caalamka ee hoostaga daladda Qaramada Midoobay ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 73-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii munaasabadda maalinta Qaxootiga Dunida oo ku began 20-ka June .

Si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootiga dunida oo dhan Qaramada Midoobay waxa ay sanad kasta qabataa munaasabado lagu weyneynayo maalinta Qaxootiga,iyadoo dalalka caalamka lagu baraarujiyo wax ka qabashada dadka ku barakacaya gudaha iyo xal u helidda kuwa magangalyo doonka ah ama tahriibaya.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in qiyaastii 120 milyan oo qof ama 1.5 boqolkiiba dadka adduunka ay yihiin kuwo laga soo barakiciyay guryahooda,iyadoo la eegayo duruufo badan oo ay ku jiraan dagalada sokeeye iyo raadinta nolol wanaagsan.

Sannadkii 1951-kii waa markii ugu horeysay ee Qaramada Midoobay ay dejisay Heshiiska Qaxootiga dunida si loo ilaaliyo xuquuqda dad gaaraya 2.1 milyan ,kuwaas oo ahaa qaxooti ka soo jeeday Yurub wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Adduunka.

Ciidanka Daraawiishta K/galbeed oo hawlgalo ka sameeyey deegaano ka tirsan Gobolka Baay

Baay:-Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal looga ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyey Deegaano hoos yimaada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Inta uu socday howlgalka ciidanka ayaa burburiyey goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan khawaarijta kuwaas oo dhibaato ku hayey bulshada.

Howlgalkaan Waxaa Horkacayey Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Sandheere Xasan Aadan.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo dib u habayn maamul lagu samaynayo

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga muddane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta sheegay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda , isagoo faray dhammaan diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ka idlaaday ee dib xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay lagu kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa hadalkani maanta ka sheegay madal lagu kulmiyay diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ee loo igmaday uu ka idlaaday oo dib wasaaradda loogu soo celiyay markii ay muddo sideed sano ka soo shaqeeyeen Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada, safaaradahana looga baahanyahay inay hore-u-kac sameeyaan, isagoo cadeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada.

 

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

Jabuuti: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.

Wasaaradaha waxbarashada iyo amniga oo kulan la qaatay kormeerayaasha imtixaanka dugsiga sare

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wasiirka amniga gudaha mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir guddoomiyey kulan looga wadatashanayey u diyaar garowga Imtixaanka Dugsiyada Sare oo dhawaan laga qaban doonno dalka.

Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyey sida ugu habboon ee lagu xaqiijinayo amniga goobaha imtixaanka, isla markaana lagu kormeerayo habsami u socodka hawlaha kala duwan ee imtixaanka oo lagu qabanayo 136 goobood, iyada oo ay sanadkan geleyaan in ka badan 37,000 oo arday.

Labada wasiir ayaa kula dardaarmay saraakiisha Boliiska iyo kormeerayaasha waxbarshada in ay si hufan u gutaan mas’uuliyadda iyo waajibkooda shaqo, isla markaana hubiyaan in aysan dhicin àmni-darro, wax isdabamarin, qish iyo maamulxumo, isaga oo u rajeeyay ardayda imtixaanka geleysa guul iyo horumar.

Kulanka ayaa waxaa Wasiirrada ku weheliyey wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Marwo Nuurto Mustaf Mukhtaar, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Sulub Axmed Firin, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, xoghayaha joogtada wasaaradda Waxbarashada, ku-simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga, kormeerayaasha imtixaanka iyo marti sharaf kale.           

Guddiga Qaran ee xuska maalmaha xorriyadda oo kormeeraya goobaha qabanqaabadu ka socoto

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda FS Cali Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga Qaranka ee todobaadka xorriyadda oo ay wehliyaan xubnaha guddiga ayaa kormeeray goobo kala duwan oo ay ka socdaan diyaargarowga munaasabadaha todobaadka xorriyadda ee 26-ka June iyo 1da Luuliyo.

Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban-qaabada dabaaldegyada todobaadka xorriyadda waxaa kormeerka ku wehiyey guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ahna ku simaha duqa Muqdisho, wasiiru dowlaha wasaaradda hawlaha guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dowladda FS Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyagoo u kuurgalaya habsami u socodka u diyaar garowga maalmaha xorriyadda dalkeena.

Guddiga ayaa kormeeray goobaha kala ah Xeebta Liido oo ay kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed heeso ku saabsan Xorriyadda kusoo bandhigayeen iyo Beerta Nabadda oo ay kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka ay ka wadeen wacyigelin ku aadan u diyaar garowga todobaadka xorriyadda Soomaaliya.