Caalamka oo laga xusayo maalinta Qaxootiga Dunida ee 20-ka June

Dalalka caalamka ee hoostaga daladda Qaramada Midoobay ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 73-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii munaasabadda maalinta Qaxootiga Dunida oo ku began 20-ka June .

Si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootiga dunida oo dhan Qaramada Midoobay waxa ay sanad kasta qabataa munaasabado lagu weyneynayo maalinta Qaxootiga,iyadoo dalalka caalamka lagu baraarujiyo wax ka qabashada dadka ku barakacaya gudaha iyo xal u helidda kuwa magangalyo doonka ah ama tahriibaya.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in qiyaastii 120 milyan oo qof ama 1.5 boqolkiiba dadka adduunka ay yihiin kuwo laga soo barakiciyay guryahooda,iyadoo la eegayo duruufo badan oo ay ku jiraan dagalada sokeeye iyo raadinta nolol wanaagsan.

Sannadkii 1951-kii waa markii ugu horeysay ee Qaramada Midoobay ay dejisay Heshiiska Qaxootiga dunida si loo ilaaliyo xuquuqda dad gaaraya 2.1 milyan ,kuwaas oo ahaa qaxooti ka soo jeeday Yurub wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Adduunka.