Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga Hakan Fidan oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Switzerland kaga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Al Adxa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka xoogga Dalka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Al Adxa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

6- Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, isagoo shacabka halkaasi deggan kula qaatey dabaaldegga maalmaha Ciidul Adxa.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho salaada Ciidul Adxa kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaladda Muqdisho.

8- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa kulan fogaan arag ah la yeelatey Jean Todt oo ah Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo

10- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegaya in DFS ay ay adeegyo caafimaad u fidisay xujeyda Soomaaliyeed ee dhowaan Xajka soo gutay.

11- Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga oo ah Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay hoggaanadda Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo kala hadley dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa socdaal nabad raadin ah ku tagey deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Galgaduud oo ay dhowaan ka dhaceen dagaal beeleedyo ay dad badan ku dhinteen.

14- Ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

15- Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Bay ayaa waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo badan ka tirsanaa Khawaarijta.

16- Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan qorshe magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo diyaaradeed.

17- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee SoDMA ayaa u dirtay gaadiid siday shixnado gargaar ah degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

18- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa daah-furay qorsho istiraatiiji ah oo loogu talagaley in Hay’addu ay ku dhaqanto dhaqanto 5-ta sano ah ee soo socota.

19- Afar ka mid ah horjoogayaashii Khawaarijta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

===DHAMMAAD====

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo iyo wacyi gelin ka wada degaanka Buulo Xaaji

Kismaayo- Taliyaha Ciidanka kumaandooska Danab ee Jubbaland, Carab Dheeg ayaa shacabka deegaanka Buulo-Xaaji ka ballan-qaaday in deegaanka aysan Khawaarij ku soo laaban doonin, isagoo bulshada ka dalbaday in ay dowladdooda la shaqeeyaan.

Taliye Dheeg oo la hadlayay shacabka ku dhaqan deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa bulshada kula dardaarmay in aysan wax xiriir ah la samayn khawaarijta la macaamilkoodana ay joojiyaan.

Taliyaha Ciidanka kumaandooska Danab ee Jubbaland ayaa bulshada faray in ay si wanaagsan la shaqeeyaan dowladda, wuxuuna sheegay in aysan ka laaban doonin Buulo Xaajo oo ay degi doonaan, wuxuuna ku celceliyay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan gacanta ku dhigay Tuulada Buulo Xaaji iyo deegaanno hoos taga, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlagallo lagu xaqiijinayo ammaanka kana billaabay olole wacyi gelin ah oo shacabka looga mayrayo fekerka gurracan ee khawaarijta iyo baqdinta ay ka qabeen gaca jugleynta kooxda argagixisada ah ee uu gabbalkeedu dhacay.

Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda oo Muqdisho ku yeeshay kulankoodii labaad

Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa maanta markale Muqdisho ku yeeshay kulankoodii labaad si ay u dardar geliyaan howlaha loo igmaday.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa waxaa qayb ka ahaa xubnaha guddiga heer wasiir, hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay heerka diyaar garowga iyo qaban qaabada.

Waxaa sidoo kale shirkan looga dooday  kaalinta hay’addaha kala duwan ee ku aaddan munaasabadaha maalmaha Xoriyadda iyo sidii guud ahaan dalka looga wada xusi lahaa si ka duwan sidii loo xusi jiray Sannadihii hore maadama sannadka laga xusayo deegaano badan oo laga Xorreeyey kooxaha Khawaarijta.

Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)

Markii la doortay ayuu Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in uu dagaal adag la gali doono Al-shabab oo uu jilcin doono ka hor inta aan laga fikirin in wadahadal lala galo, waana uu ka dhabeyay hadalkaasi, waayo muddo kooban ayaa lagala wareegay Kooxda Khawaarijta ah dhul baaxad iyo dhereba leh oo ay muddo ka badan 15 sano ka talinayeen, iyadoo laga dilay Horjoogayaal iyo Maleshiyaad u dagaalamay.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayey maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha iska soo dhiibaya Ciidanka dowladda, kuwaasi oo ka soo cararaya dhibta iyo halaagga ay dhallinyarada ku heyso kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab, bishan Juun oo kaliya ayaa waxaa gacanta dowladda isku soo dhiibay Horjooyayaal iyo Maleeshiyaad badan.

13-kii biahan Juun Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo ka mid ahaa khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deegaannada Koofur galbeed.

Cali Xasan Cali ayaa khawaarijta ka tirsanaa 12-sanno, isagoo ka soo qeyb-qaatay dagaalada ay kooxdu ku jirto halka Maxamed Cabdullaahi Cali uu isna kaga biiray argagixisada deegaanka 20-jirow wuxuuna u qaabilsanaa baada shacabka ku nool gobolka Baay.

16-kii bishan Juun-naXuseen Axmed Daahir iyo Xasan Cabdirashiid oo muddo dheer ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, ragaan ayaa sheegay in la qalday markii hore, balse hadda ay ka soo hareen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta.

Sidoo kale waxay sheegeen inay u dul-qaadan waayeen dhibaatooyinka duurka ku heysta Khawaarijta iyo baacsiga ay kala kulmaan ciidamada qaranka, iyagoo raggii kala tirsanaa argagixisada ugu baaqay inay dhibaatada ka dhaafaan shacabka Soomaaliyeed, iskuna soo dhiibaan dowladda.

18-kii bishan Juun Afar ka mid ahaa horjoogayaashii Khawaarijta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.

Dhinaca kale, dadka ku dhaqan Tuulada Buulo Xaaji iyo Nawaaxigeeda ayaa helay adeegga Internet-ka oo ay horay ugu xannibeen khawaarijta, waxanay shacabku u mahad celiyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee fuliyay howlgalkaasi guuleystay, islamarkaana dib loo helay adeegyada bulshada ku dhaqan halkaasi.

Horjoogayasha isa soo dhiibay waxaa ugu weynaa Ninka lagu magacaabo Nuur deeq, Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xilligaasi Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan Aagga Wisil ee gobolka Mudug uu isku soo dhiibay mid ka mid ah Amiirada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa magaca Sarkaalka isa soo dhiibay ku sheegay Nuur Cabullaahi Maalinguur oo loo yaqaan Nuur Deeq, waxa uuna sheegay Wasiirku in Nuur Deeq uu ahaa Taliyaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Mudug, iyo inuu qaabilsanaa inuu Ganacsatada, Odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan gobolka Mudug uu usoo diro Telefoonno loogu hanjabo, waxaana uu isa soo dhiibay Bishii Agosto ee sanadkii tegay 2023-kii.

Nuur Deeq waxaa la shaaciyay inuu ku lug lahaa dilal loo geystay Marxuumiinta kala ah:-

  1. Cabdicasiis cabdullaahi qooje. Taliyihii qeybta 21-aad
  2. Maxamed Yasiin tumeey, Duqii hore ee magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntiland.
  3. Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Galmudug.
  4. Mukhtaar Cabdi aaden, Taliyihii danab ee qeybta Mudug.

“Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeeyey Khawaarijta joogta Gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug. Horjoogahaan oo watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug”..”

Dhallinyadara isa soo dhiibeysa waan soo dhaweynayaa, waayo waxay garteen dhibaatada iyaga lagu hayay, islamrkaana ay Ummadda Soomaaliyeed ku hayeen, waa ilaah mahadiis in dhibkaasi ka soo baxaan, Dadkooda wax la qeybsanadaa, waxaana loo diyaariyay xaruun lagu dhaqan celiyo, loona diyaariyo waxyaabo ay naftoodaiy Waalidiintooda ku anfacaan”, sidaasina waxaa yiri:- xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee soomaaliya, mar uu ka hadlaayay dhallinyarada tirade badan ee soo gacangalaya Ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Haddaba maxay ka dhigan tahay isu soo dhiibidda Maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed iyo xooggagga kale ee ku howlan dagaalka kooxda Argagixisada ah, kana soo baxsanaya kooxdii ay ka tirsanaayeen?, taasi oo ay caddeeyeen inay u dulqaadan waayeen silica iyo saxariirta halkaasi taalay, waxayna hoosta ka xariiqiin in soo baxsadakooda ay ku howlanaayeen muddo dheer, islamarkaana ay ka baqayeen in la ogaado, balse nasiib wanaag ay hadda u suurtogashay.

Madaxweyne Guudlaawe oo shacabka Hirshabeelle ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan la dagaallanka Khawaariijta

Warsheekh-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shacabka ku dhaqan Hirshabeelle ugu baaqay in ay kaalin mug leh ka qaataan wejiga labaad ee lagu cirib tirayo kooxaha khawaarijta.

Mudane Guudlaawe oo ka hadlayay kulan sanadeed duco ah oo lagu qabtay degaanka Ceeloow ee Shabeellada dhexe ayaa intaa raaciyay degaanno badan oo ka tirsan Warsheekh ay ka socdaan mashaariic badan oo ay ka mid yihiin xarumaha Caafimaadka, goobo waxbarasho iyo Ceelal.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kulanka ducada ah wuxuu booqday deegaanno dhowr ah oo hoos taga Warsheekh wuxuuna sheegay in ay dardar ku socdaan howlaha dib u xoreynta Hirshabeelle iyo wejiga labaad ee lagaallanka Khawaarijta, iyadoo taasina ay barbar socoto daadajinta nidaamka dowladnimada ama dhismaha golayaasha deegaanka.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dadka ku dhaqan degaannadaasi ka codsaday in ay ku garab siiyaan in wejiga labaad ee dib u xoreynta ay si weyn ugu qayb qaataan iyo in ay gacan ka geystaan dhismaha golayaasha deegaanka iyo amniga.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo shacabka ku boorriyay in laga qayb qaato la dagaallanka khawaarijta

Warsheekh- Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa shacabka ku dhaqan degaanka Ceeloow ee hoos taga degmada Warsheekh ku boorriyay in dowladda lagu garab istaago wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, kaas oo lagu wado inuu dhowaan ka billowdo qaybo dalka ka mid ah.

“Dalka waxaa ka socda dagaal Khawarijta looga xoreynayo, dadkaana waxay diyaar u yihiin in dowladda ay ku garab istaagaan dagaalka.”

Mudane Muungaab oo ka hadlayay kulan sanadeed duco ah oo lagu qabtay degaanka Ceeloow ayaa intaa ku daray in ay joogaan dhallinyaro fara badan oo hubeysan diraarna u ah in ay la dagaallamaan khawaarijta.

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla” Waxaan idin kaga mahadcelinayaa sida aad isaga difaacdeen Khawaarijta,”

Wafdi uu hoggaaminayo xildhibaan Cabdimaali Cabdalla oo ay ka mid yihiin saraakiil ciidan iyo odayaal dhaqan oo safar dhanka dhulka uga soo amba-baxay magaalada Muqdisho ayaa soo maray deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo dhowaan laga xoreeyay kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Xildhibaanka iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa soo maray deegaannada kala ah Caaddalin, Libigii-Roogada-lahaa, Qoyaale, Eegii Maxamed Samoow, Qurac-Barwaaqo, Garas-dheere iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaannadaas.

Xildhinaan Cabdimaalik Cabdalla ayaa shacabkii uu la kulmay ku dhiirageliyay sida geesinimada ah leh ee deegaannadooda uga difaacdeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo soo damaaciyay, wuxuuna balan qaaday inuu kala shaqeyn doono sidii deegaannadaas loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka u ah nolosha aadanaha.

” Waxaa idinkaga mahadcelinaa sida aad isaga difaaceen Khawaarijta hubka ugu badan ee aad maanta heystaanna Argagaxisada uga soo Furateen”, ayuu yiri xildhibaan Maalik Cabdalla.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaannada uu tegay xildhibaanka ayaa bogaadiyay safarkiisa indha-indheynta ah iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aadan in guud ahaan dalka laga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ee Khawaarijta ugu horeeyaan.

Ibraahim Sheekh Aaden oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka dowladdaka

Waajid: Ibraahim Sheekh Aadan oo magaca afgarashada Khaawaarijta dhexdeeda looga yaqaano yahay (Yowkoyow) ayaa isku soo dhiibay laamaha ammaanka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ibraahim oo muddo 16 sano ah la shaqaynayay Khawaarijta ayaa waqtigiisa inta u badan kusoo qaatey qaybta Jamhada ugu yeeran Khawaarijta.

Waxa uu ka warramay sababta ku kaliftay in uu Khawaarijta iskaga soo tago, waxa uuna sheegay in nolol liidata hadda ka jirto dhexdooda mid walba oo kamid ahna hamigiisu yahay sidii uu mar uga soo fakan lahaa.

Ibraahim ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa ay kuwada jireen safka Khawaarijta in ay iskaga soo baxaan kana daayaan dhibta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.

Horjoogayaal isu dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Kismaayo- Afar ka mid ahaa horjoogayaashii Khawaarijta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.

Dhinaca kale, dadka ku dhaqan Tuulada Buulo Xaaji iyo nawaaxigeeda ayaa helay adeegga Internet-ka oo ay horay ugu xannibeen khawaarijta, waxanay shacabku u mahad celiyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee fuliyay howlgalkaasi guuleystay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka “Dallacsiinta geesiyaasha Qaranka waxay niyad dhis u tahay Ciidanka.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin ayaa sheegay in dallacsiinta geesiyaasha Qaranka ay niyad dhis u tahay Ciidanka.

Taliyaha oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celinayay Madaxweynaha Qaranka oo dallacsiiyay xubno firfircoon oo ka mid ah guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo wacdaro ka dhigay dagaalka lagulala jira khawaarijta.

Munaasabaddan oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo  saraakiil ciidan ayaa sheegay in dallacsiinta xunbahan uu ku mahadsan yahay Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in sidan oo kale uu horay u dallacsiiyay madaxweynuhu qaar ka mid ah Ciidamada ku jira furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada.