Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo kormeeray goobaha ay Xujeyda Soomaaliyeed ka deggen yihiin Mina

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Dr Khadar Daahir ayaa caawa kormeerayay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed ka deggan yihiin Mina isagoo mid ka mid ah  xarumaha Caafimaadka ku booqday xujey lagu dabiibayo.

Xarumaha caafimaadka Xujeyda Soomaaliyeed oo dowladdu soo kordhisay sanadkaan ayaa shaqo muhiim ah u qabanayay maalmihii la soo dhaafay xujeyda oo qaarkood ay saameeyeen kuleyka daran ee ka jira goobaha Mashaacirta.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay xujeyda uu la kulmay oo uu ka warsanayay culeyskii ay dareemeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama gudashada waajibaadka xajka iyo kuleylka ka jira Mashaacirta ay culeys weyn ku ahayd dadka da’da ah iyo kuwa xanuunada qaba.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ugu howlaneed hubinta iyo la socodka xaaladda xujeyda Soomaaliyeed ee gudanaysa acmaasha Xajka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga

Ankara: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.

 

Maalintii 2-aad ee qaybinta Hilibka udixiyada ee ay taageerayso xarunta Boqor Salmaan oo Soomaaliya ka socda

Waxaa maalintii 2-aad waxaa si habsami leh uga socda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Howlaha qeybinta Hilibka udxiyada, iyadoo ay taasi ku timid dadaallo ay iska kaashadeen Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo iyo mu’asasada Al-Maxaasin Foundation.

Qorshahan bini’aadantinimo ayaa ujeedadiisu tahay in hilib la siiyo qoysaska tabaalaysan ee ku nool gobollada Banaadir, Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaad ​​53,280 qof.

Mashruucan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu taageerayo haqab-beelka cuntada iyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka ugu nugul bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan maalmaha Ciidda Carafo.

Dadkii ka faa’ideystay deeqdan waxbarasho ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay Hay’adda Boqor Salmaan ee Sacuudiga, taasoo qalbigooda ku abuurtay farxad iyo raynrayn.

Mu’asasada Al-Maxaasin ee horumarinta iyo waxbarashada iyo carunta gargaarka Boqor Salmaan waxay xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay sii wadida taageerada bini’aadantinimo iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, iyagoo raadinaya kor u qaadista iskaashiga iyo isuduwidda hey’addaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo hubiyo in gargaarka uu gaaro tirada ugu badan ee suurtagalka ah ee ka-faa’iideystayaasha. .

Iskaashigan midho dhalka ah ee u dhexeeya hay’adaha samofalka ayaa ka tarjumaysa sida ay Boqortooyada Sucuudigu u doonayso inay ka taageerto waddamada walaalaha ah iyo kuwa saaxiibka ah si ay u wajahaan caqabadaha bani’aadantinimo, iyo inay gargaar u fidiyaan cid kasta oo adduunka ugu baahan.

      

Ra’iisul wasaare Xamse oo maanta waqti la qaatay dadka ku ciidaya Daaru-salaam

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam, ayaa halkaas wakhti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taas oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, isaga oo ku dhiirigeliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladdu ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, isla markaana lagala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda horumarkiisa u istaagaan oo maalgashadaan, maadaama uu dalku yahay nabad, ayna jiraan fursado maalgasho oo horseedaya horumar dhaqaale iyo shaqo abuur, dalkana ka dhigaysa mid kobcaya”.

             

Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacday Gobolka Galgaduud

Ku dhowaad 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, howlgalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud,Sida uu warbaahinta qaranka u Sheegay Taliyaha ururka 86-aad guutada 77 Cabdinuur Yuusuf Qadaaye.

Sidoo kale howlgalka waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan, markii la weeraray Khawaarijta waxay qalanayeen Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool.

Ciidanka Qaranka oo la socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta ayaa ogaaday in maleeshiyaad laga soo abaabulay aagga deegaanka Cowsweyne ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen dhulka howdka ah ee lagu bartilmaameedsaday.

Meydadkii Khawaarijta ayaa maanta daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Danjire Jabriil oo kulan is xogwareysi la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdille oo uu wehliyo Xildhibaanka laga soo doorto Kaamakuuji ee deegaanka dadka Soomaalida degan yihiin Mudane Yuusuf Xasan ayaa Salaadda Ciidda ka dib waxa ay kulan gaar ah la qaateen dhallinta iyo waxgaradka deegaanka xaafadda Eastleigh (islii).

Danjire Jabriil oo ka hadlay kulankii Hambalyada iyo ducada ee ku beegnaa munaasabadda Ciidul Adxa ayaa ku booriyay dhallinta iyo waxgaradka degaanka inay ku da’daalaan isku duubnida iyo iskaashiga. Waxa uuna ugu hambalyeeyay horumarka balaaran ee uu deegaanka Eastleigh ku tilaabsaday.

Mu’asasada Almaxaasin oo Soomaaliya ka fulinaysa mashruuc hilibka Udxiyada masaakiinta lagu gaarsiinayo

Mu’asasada Al-Maxaasin ee horumarinta iyo waxbarashada oo kaashanaysa xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka Bini’aadantinimo ayaa ku dhawaaqday in la daahfuray mashruuca lagu qaybinayo hilibka udxiyada ee sanadkaan 1445 / 2024 ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mashruucan bini’aadantinimo ayaa ujeedadiisu tahay in lagu taageero qoysaska dhibaataysan inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidul Adxaa ee barakeysan, si kor loogu qaado qiyamka wadajirka bulshada iyo naxariista muslimiinta dhexdooda qoysaska u baahan, taas oo si togan uga tarjumaysa caafimaadkooda iyo badbaadadooda.

Mashruucan ayaa waxaa ka mid ah in hilib loo qaybiyo 53,280 qof ka-faa’iideystayaal ah oo ku kala nool deegaanada kala duwan ee ay dadka ku barakaceen iyo kuwa baahan ee Soomaaliya.

Hawsha ayaa si taxadar leh loo soo agaasimay si loo hubiyo in si cadaalad ah oo habsami leh loo gaarsiiyo gargaarka dadka u baahan.

Mashruucani waxa uu ka mid yahay mashaariicda hay’adda Boqor Salmaan ee gargaarka bini’aadantinimo ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la fulinayo mashaariic badan oo dhinacyo kala duwan ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada, kor u qaadista sugnaanta cuntada iyo buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul ee bulshada dhexdeeda.

      

 

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Ciidda kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxda iyo bulshada muslimiinta ah ee dalka Turkiga

Ankara;- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa salaadda Ciidda Carafo kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan inay si cafiyaan oo ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.

 

 

   

Madaxweynaha Galmudug oo Salaadda Ciidda la tukaday boqolaal Shacab ah

Dhuusamareeb:- Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Galmudug kula tukaday barxadda shiirkoole salaadda Ciiddul Adxaa, isagoo salaadda ka dib shacabka ku booriyay iney is cafiyaan sidoo kalana is taageeraan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbaddiisa salaadda ka dib ka hadlay dib u hishiisiinta iyo qasaaraha laga dhaxlo dagaallada qabiillada, isagoona bulshada ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasilinta degaannada maamulka Galmudug.

 

  

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo boqolaal Shacab ah salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbahaysig Islaamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul.