Xubno katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka ammaanka ee ka howlgalo Baydhabo

Xuseen Axmed Daahir iyo Xasan Cabdirashiid oo muddo dheer ka tirsanaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, ragaan ayaa sheegay in la qalday markii hore, balse hadda ay ka soo hareen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta.

Sidoo kale waxay sheegeen inay u dul-qaadan waayeen dhibaatooyinka duurka ku heysta Khawaarijta iyo baacsiga ay kala kulmaan ciidamada qaranka, iyagoo raggii kala tirsanaa argagixisada ugu baaqay inay dhibaatada ka dhaafaan shacabka Soomaaliyeed, iskuna soo dhiibaan dowladda.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed inay si cafiyaan oo ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshadda Soomaaliyeed ugu hambaleeyay bilashadda munaasabadda Ciidul Adxa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Adxaa awgeed.  dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibedda.

Ra’iisul wasaare Xamse oo hambalyo gaar ah la wadaagay geesiyadda ciidamadda qalabla sida ayaa sheegay in ciidan tan xigta uu ku han-weyn yahay in dhamman dalka oo idil laga ciribtiray khawaarijta, waxaana uu xusay kaalinta naf-hurnimada leh ee ciidamada geesiyada ah ee ku sugan furimaha dagaalka ee lagu eryanayo khawaarijta.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo dallacsiiyay ciidan Qur’aanka kariimka ah xifdiyay

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dhawaan qaatay tallaabo lagu dhiiragalinayo askarta ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee xifdisan qur’aanka kariim, waxaana uu tilmaaamay inay tahay wax mudan in lagu deydo.

Iyadoo horrey kaliya ciidanka loogu dallacsiin jiray shahaadada maadiga ah iyo shaqo wanaaga ayaa taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin waxa uu qaatay dhiiragelinta ciidanka xaafidul Qur’aanka ah isagoo dallacsiiya askarta ka tirsan ciidanka Boooliiska Soomaaliyeed ee xaafidul qur’aanka ah.

Taliyaha hoggaanka Kormeerka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ahna Ku simaha Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhagacaleen) ayaa dhiirigalin ugu tagay Ciidankan dhawaan uu dallacsiiyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.          

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Maad Dheere) oo ahaa Taliyihii Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo saraakiil kale oo ku shahiiday qarax miino oo khawaarijtu ugu maleegtay inta u dhaxeysa degmooyinka Awdiinle Iyo Berdaale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Gaashaanle Maad Dheere iyo saraakiishii kale ee qaraxaas ku shahiiday Alle uga baryay in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo, sidoo kale intii ku dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Wasiirks Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay kuxigeenka Ergeyga gaarka ah QM ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga, ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joogteyn lahaa wadashaqeynta labada dhinac, isla markaana la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga dalka, gaar ahaan midka Caasimadda.

Inta uu socday kulankaan waxaa lagu soo qaaday u diyaargarowga bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo marxaladaha kala guurka ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay Hoggaanada Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta kulan looga hadlayay dardar galinta howlgallada la qaatay hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha hoggaannada isagoo ku amray in la kordhiyo howlgallada cadowga looga xoreynayo dalka.

   

Wafdi ka socda Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay kuxigeenka Duqa magaalada Hague

he Hague:-Wafdi ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo safar shaqo ku jooga Magaalada The Hague (Denhaag) ee xarunta siyaasadda dalka Holland, ayaa waxa ay kulan la qaateen Kuxigeenka Duqa Magaaladaasi Mudane Nur Icar.

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’adaha Caalamiga Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Xasan Maxamed iyo Kuxigeenka Duqa Magaalada The Hague Mudane Nur Icar ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin; Xal-u-helida Bulaacadaha, Maareynta Qashinga, Iskaashiga Labada Magaalo ee dhinacyada Qorsheynta iyo kor u qaadida aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

   

Luzern(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah”, waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, waxa uuna la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka.

Luzern:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah”, waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, waxa uuna la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Rwanda uga qayb galay qalin jabinta Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska

Kigali:-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dalka Rwanda uga qeybgalay Xaflad ay ku qalinjabinayeen Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyed.

Saraakiishaan ayaa bartay hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo maaraynta, nabadda iyo xal u helidda Xasaradaha, waxana ay qateen shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda dalka Rwanda.

Tirada saraakiisha qalinjabisay ayaa dhan 34 sarkaal, waxana qeyb ka ahaa saraakiil ka kala socotay qaar kamid ah dalalka Africa.