Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo daahfurtay qorsho loogu talalagalay in lagu dhaqmo 5-sano

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Sayid Mohamed ayaa daah furay qorsho istiraatiiji ah oo loogu talagalay in hey’addu ay ku dhaqanto mudada 5-ta sano ah ee soo socota.

Agaasimaha oo ka hadlay munaasabadda daah furka ayaa uga mahad celiyay dhammaan madaxda iyo qaybaha kala duwan ee hey’adda iyo bahwadaagta kale ee sida mugga leh uga qayb qaatay dhammeystirka iyo diyaarinta qorshahaan.

Agaasimaha Guud ayaa ku dhawaaqay in la dhaqan gelin doono istirastiijiyaddaan,isla markaana loo isticmaali doono hagidda dhammaan howlaha horumarinta iyo adeeg bixinta hey’adda si loola jaanqaado halbeegyada caalamiga ah ee dunida.

Diyaarinta istiraatiijiyadda ayaa qaadatay muddo ku dhaw 5 billood, mudadaas oo diyaarintu soo martay heerar kala duwan sida kulamo wadatashi ah kuwo talo gelin ah oo khuseeyay madaxda iyo qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay Hey’adda Socdaalka iyo JInsiyadaha.

Dowladda Soomaaliya oo ku howlan qorshe lagu dhisayo garoon diyaaradeed oo cusub

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan qorshe Magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo qabilsan duulimaadyada diyaaradaha ee imaanaya ama ka baxaya caasimadda dalka.

Maareeyaha oo manta ka qeybgalay kulanka todobadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in waqtiyada soo socsa magaalada Muqdhisho ay yeelan doonto garoon diyaradeed oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka.

Axmed Macalin Xasan ayaa xusay in dhismaha garoonka diyaaradaha oo laga hirgalin doono ceelmacaan uu fududeyn doonto in laga boxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha ee Aden Adde.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxa uu qiray in Sida ugu dhaqsiyaha badan lagu hirgalin doono dhismaha garoonka diyaaradaha,isagoo tilmaamay in la soo gabagabeeyay sahan socday muddo shan sano ah oo lagu ogaanaayey jawiga iyo badqabka garoonka ceelmacaan oo ah meel ku habboon adeegga diyaaradaha.

Qorshahaan wax ku oolka ah ee loo qaaday samatabixinta adeegyada bulshada ayaa waxaa hadda wada madaxda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo madaxweynahaJamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Duqeymaha Rafax oo kordhaya Iyo rajo la’aanta heshiiskii xabbad-joojinta ee Gaza

Ciidanka Israel oo ku hubeysan diyaaradaha qumaatiga u kaca ,kuwa aan duuliyaha laheyn iyo diyaaradaha dagaalka ayaa weerar ku qaadat Rafah, iyadoo dagaalyahanada Falastiiniyiinta ay la dagaalamayaan ciidamada lugta Israel oo ku guda jira dagaallo dhanka waddooyinka ah.

Ugu yaraan 14 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaza.

Kooxda Hezbollah ayaa soo bandhigtay diyaarad weyn oo aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ay ku bartilmaameedsatay saldhigyo milatari oo ku yaala waqooyiga Israel.

Waxaa jira cabsi laga qabo in isku dhacyada xudduudaha ay keenaan dagaal dhan walba ah,kadib markii ciidanka Israel ay fuliyeen duqeymo lagu hoobtay oo ka dhacay koonfurta Lubnaan .

Dhanka kale,Madaxweyne Biden oo ka jawaabaya su’aallo ay weydiiyeen saxaafiyiinta ayaa u sheegay in aanu filaynin in uu arko heshiis xabbad-joojin ah oo mustaqbalka dhow ka hanaqaada Gaza,isagoo intaa raaciyay in weli aysan lumin rajada laga qabo heshiis ay wada gaaraan Xamaas iyo Israel.

Ugu yaraan 37,232 qof ayaa la dilay, 85,037-na waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Talisyo cusub oo lagu kordhiyay Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray Talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka.

Talisyadaasi la magacaabay ayaa kala ah, Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, Taliska Tababarada CXDS, Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, isagoo xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

Wasiirka Awqaafta XFS oo kormeeray hannaanka loo daabulayo xujeysa Soomaaliyeed ee ku socda Mina

Wasiirka owqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa shalay  kormeeray adeegyada gawaarida ee loo diyaariyey in Maalmaha Xajka lagu daabulo xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Sacuudi Carabiya.

Basas gaaraya 230 ayaa loogu talagalay in lagu qaado 11,500 oo xaaji iyadoo 50 kii xaajiba uu qaadi doono hal Bus,sida uu ku waramay Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka Dr Khadar.

Dhinaca kale,iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta 8-aad ee Bisha Dulxij oo loo yaqaano (Yowmu Tarwiya) maalinta aroorka ayaa Malaayiin xujey ah oo adduunka iskaga kala yimid ay degayaan deegaanka Mina.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa qeybtii ugu horeysay ay xalay gelinkii dambe ilaa waaberigii saaka ay degeen goobihii loo diyaariyey.

Tirada xjeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa ah 11,500 xaaji iyadoo marka lagu daro xubnaha bicisada ay noqonayaan 11,715 oo intooda badan ay yihiin culimada iyo masuuliyiinta dowlada.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka oo kulan fogaan araga la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Waddooyinka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E Fardowsa Osman Egal oo uu wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Bashir Moallim Ali Hassan ayaa kullan miro dhal ah la qaaday Mudane Jean Todt, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka.

Labada dhinac ayaa kaa ka wada hadlay muhiimada iskashi iyo wada shaqeyn dhaw ay u leedahay ka miro dhalinta hawlaha hortabinta leh ee Wasaaraddu hormuudka ka tahay. Sidoo kale waxaa la isla qaatay muhiimada yareenta shilalka wadooyinka, iyo sal u dhigida shuruucda mabadgaliyada wadooyinka si loo dar-dargeliyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fardowsa Osman Egal ayaa uga mahadcelisay Ergeyga Gaarka, iyadoo hoosta ka xariiqday iskaadhiga dhaw ee ka dhaxeya Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobe

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga

Baay:- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo ka mid ahaa khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deegaannada Koofur galbeed.

Cali Xasan Cali ayaa khawaarijta ka tirsanaa 12-sanno, isagoo ka soo qeyb-qaatay dagaalada ay kooxdu ku jirto halka Maxamed Cabdullaahi Cali uu isna kaga biiray argagixisada deegaanka 20-jirow wuxuuna u qaabilsanaa baada shacabka ku nool gobolka Baay.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayey maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha iska soo dhiibaya khawaarijta.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir oo soo xiray Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad

Inka badan 35,307 Arday oo dhiganeysay fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ayaa si rasmi ah ugu soo xirmay Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka,kuwaas oo ka kala tirsana 656 School oo gobolka Banaadir ah,kusimaha Guddoomiyaha,ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa si wadajir ah u soo xiray qaadista imtaxanaadka fasalka 8-aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir.
Ardayda sannadkaan loo soo xiray Imtixaanka shahaadiga ah ayaa waxaa ay kala yihiin 19,766 Wiil iyo 15,541 Gabdhood sida u sheegay agaasimaha guud ee agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur isagoo intaas raaciyay in Ardayda loo soo xiray imtixaanka ay ka  mid yihiin arday Baahiyaha gaarka ah qaba,kuwaas oo si guud uga qeyb galay imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada,waana sanadkii 5-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir qaadayo imtixaankaan.
       

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo heshiis istiraatiiji ah la saxiixday dhigiisa hay’adda Qatar Charity

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu heshiis istiraatiiji ah kula saxiixday Guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity Xafiiskeda Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Macallin.

U jeedka heshiiskaan ayaa ah in laga wada shaqeeyo ka soo kabashada dhibaatooyinkii ka dhashay musiiboyinka,u adkaysiga aafooyinka, xoojinta gargaarka bini’aadamnimo, tayeenta awoodaha shaqaalaha hay’adda SoDMA iyo in laga tageero helista keydad gargaar oo ay hay’adda ka dhisanayso Dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah heshiiskaan in Qatar Charity iyo SoDMA ka saacido helitaanka agabka gurmadka deg-deg ah,qalabaynta xarunta qaran ee howlgallada,in wadajir la iskaga kaashado ka jawaabista Xaladaha ay sababeen Musiibooyinka,waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda, Agaasimayaal iyo Masuuliyiin kale.

    

Shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, ee ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.

Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka dhageystay warbixin ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka Qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024, kaas oo si xiriir ah sanadkii 10aad si isku mar ah looga qaadayo gobollada dalka, iyada oo sanadkaan imtixaanaadka u fariisan doonaan in ka badan 37,000 oo arday.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaya dhaqan gelinta sharciga xafiiska, kaas oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka.