Guddoomiyaha hey’adda SoDMA oo kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka socota xaafiiska ra’iisul wasaaraha

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo wehelinayo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Dr. Axmed cabdi adan ayaa Xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula qaatay Ku xigeenka Xoghayaha xaafiiska RW somaaliya Cabdirisaaq cali Ibraahim iyo madaxa Social pillar ka ee qorshaha isbadalka qaran “National Transformation Plan” oo maanta booqasho ku yimid hay’adda SoDMA.

kulanka ayaa looga hadlay qorshaha isbadalka qaranka oo uu daadihinayo xaafiska RW iyo doorka sodma ku leedahay si gaar ah Yaraynta Khatarta Musiibada ee qorshaha isbadalka qaran NTP iyo sida hay’adda SoDMA u qaadan laheed doorkeed muhiim ka ah, madaxda ka socotay xaafiiska RW ayaa warbixin ka siiyay madaxda hay’adda maaraynta musiibooyinka Qorshaha isbadalka qaranka kaasi oo looguurayo marka uu dhamaado qorshihii hormarinta qaranka 9aad.

     

Biyo xireenka Sabuun oo dib dayactir lagu sameyey

Dowadda Soomaaliya oo dib u dayactir ku sameysay biyo xireenka Sabuun ee deegaanada Hirshabeelle si ay uga faa’idaystaan dadka beeraleyda ah ee halkaasi ku dhaqan, mashruucaan ayaa qeyb ka ah mashaariic horumarineed oo ay DFS muddooyinkii danbe ka hirgalinaysay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Mashruucaan biyo xireenka ah ee Sabuun ayaa dhawaan waxaa daah furay DFS si ay uga faa’idaystaan dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan deegaannada uu maro wabiga Shabeelle si ay sare ugu qaadaan wax soo saarka beeraha,iyadoo ay dadka beeraleyda ah ay aad ula daala dhacayeen muddooyinkii danbe dhibaatooyinka ay sabab u ahaayeen fatahada biyaha wabiga.

Deegaannada u maro wabiga Shabeelle ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaadaha iyo daadadka roobka xilliyada ay da’ayaan Gu’ga iyo Deyrta,Cumar Abgaaloow oo ka mid ah  dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta qaranka xilli biyo xireenkaan laga sameyay deegaanka ay aad u wanaagsaneyd wax soo saarka beeraha,hal kudhigna ay u ahayd ama jiddo joog ama Jowhar,xilligaana u rajo fiican ka qabo in markale ay aad uga faa’idaystaan beeraleyda oo ay tabacadan beeraha,Cumar Abaalow oo ah agaasimaha waxaada wax soo saarka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in baahi wayen loo qabo dib u dayactirka biyo xireen si sare loogu qaado wax soo saarka beeraleyda loogana faa’idaysan doono dalagyo kala duwaan si biyihii loo deeqsiyo beerah.Muxuu kusoo kordhin doona wax soosaarka beeraha.

Wasiirka warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortaga wararka been abuurka ah

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo.

Tababarkan oo ay ka faa’iidaysteen ilaa 20 suxufiyiin iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha warbaahinta dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxaa iska kaashaday Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee Muqdisho.

Aqoon isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saarey sidii weriyeyaasha iyo madaxda warbaahinta loo bari lahaa xirfado sare oo tayo leh oo la xiriira ka hortaga been abuurka ah iyo in bulshada lagu jiheeyo tubta toosan ee wax dhista .

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Turkiga taageeridda tababarkan muhiimka ah.

“Waxaan ku jirnaa olole xooggan oo ku wajahan jiheynta bulshada iyo ka hortaga been abuurka, toddobaad ka hor waxaan qabanay shir weyn oo looga hadlay saameynta been abuurka iyo kicinta colaadaha, tababarkani waxa uu ka dhashay kulan aanu halkan kula yeelanay Safiirka, wuxuuna xoojinaya hagaajinta istaraatiijiyadda Warbaahinta iyo ka hortaga wararka khaldan ama been abuurka ah ee sida kul talogalka ah loo baahiyo. Waxaan uga mahad celinayaa safaaradda taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys

Wasiirka waxaa uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in waxa ay ka faa’iideen tababarkan ku dhaqmaan una gudbiyaan saaxiibadooda goobaha shaqada.

Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa tilmaamay in ujeedka aqoon isweydaarsigan safaaradda u taageertay uu yahay xoojinta iskaashiga labada dal, loona baahan yahay weriyeyaasha iyo warbaahinta inay door fiican ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa wadda dedaalo lagu xoojinayo wacyiga bulshada ee ka hortaga faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha sokeeye oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida dalka.

 

    

Taliyaha ciidanka Booliska oo kormeeray iskuulka agoonta Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaan maanta kormeer ku tegay dugsiga barbaarinta carruurta agoonta ciidanka booliska Soomaaliyeed oo Imtixaanka shahaadiga ah ee dusiga dhexe uu ka socdo.

Sidoo kale Taliyaha ayaa kormeeray qeybta farsamada gacanta oo gabdho iyo wiilal lagu baro farshaxanka iyo xarqaanka, si uu ugu dhiirigeliyo ardayda ka tirsan carruurta agoonta ciidanka booliska ee baraneysa farsamada gacanta.

Taliye Sulub Axmed Firin ayaa horay ugu balanqaaday carruurta agoonta ah in imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhexe xaruntooda loogu geyn doono.

Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay James Swan

Wasiirka wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo ku-simaha Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa magaalada Muqdisho ku yeeashay kulan looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka Khawaarijta, dhimista ciidamada ATMIS iyo dib u habeynta ammaanka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howlgaladda ciidamada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada ayaa dhanka kale tilmaamay muhiimada xiligan ay leedahay xoojinta taageerada UNSOM.

Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga go’antahay in ay dalkooda ka xoreeyaan kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway kula hadlayey magaalada Oslo ayaa ka warbixiyay xaaladaha siyaasadda, dagaalka Khawaarijta, arrimaha dastuurka iyo dib u dhiska dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Oslo kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Mudane Jonas Gahr Støre, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada da.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah u shir u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo ka furmay magaalada Oslo.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada ee Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka na la ah.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa   daahfuray kulan lagu soo bandhigayeey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay fatahaadihii iyo daadadkii El-Niño ee sannadkii hore.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan magaalada Kismaayo ee Jubbaland ay ku yeesheen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Jubaland.

8- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay dagaalka ka dhacay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud.

9- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalim Maxamuud ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada, kulankaas oo bilow u ah bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee Dastuurka KMG ee lagu sameynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowlad goboleedyada dalka.

10- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan magaalada Geneva  kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah Mudane Gilbert F. Houngbo.

11- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey Taliska Qeybta Guud ee Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.

12- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa meelmariyey qodobbo la xiriiray dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad oo dhanka Iskaashiga Siyaasadda ah oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norway.

13- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. Marwo Fardowsa Osmaan Cigaal ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabishay Safiirka Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ambassador, Pier Mario Dacco’ Coppi.

14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Jihaynta Nidaamka Maareynta Maaliyadda,Kheyraadka iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.

15- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Mudane Towfiiq Binu Fowsaan.

16- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxamaan  Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay laakiin hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

17- Wasiirka Isgaarsiinta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aaden Macalin Cali (Soomaali) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadajir ah magaalada Nairobi uga furay shirka xoojinta Mashruuca Iskuxirka Digitalka ee Bariga Afrika.

18- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Xuska Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa shir guddoomiyay shir ay yeesheen xubnaha guddiga oo looga hadlayey diyaargarowga xuska maalmaha qaran.

19- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee Waqooyiga Galgaduud.

20- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa helay meydad hor leh oo Khawaarijta Al Shabab looga dilay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

21- Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyeey 19 eedeysane oo loo heysto in ay baraha bulshada ku faafiyeen hadallo kicin bulsho ah iyo falal kaloo dhaqankeenna lid ku ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo sheegay in dowladdu ay ka go’antahay kor u qaadista tacliinta

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in ay dowladdu ka go’an tahay sare u qaadidda tacliinta dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaflad ay ka qalin beddelanayeen arday ka baxday Jaamacadaha Green Hope University iyo Kesmonds University oo ay bahwadaag yihiin ayaa intaa ku daray in ay dowladdu tayayn doonto waxbarshada, laguna baahin doono guud ahaan dalka.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa bahda waxbarashada kula dardaarmay  in ay caawiyaan waaliddiinta aanan awoodin waxbarashada carruurtooda, si ubadka Soomaaliyeed ay waxbarasho u helaan.

Taliyaha NISA oo gaaray degmada Maxaas

Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabbilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Maamulka demada Maxaasm mas’uuliin kala duwan iyo saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas.

Mas’uuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA  Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

35 ruux oo u dhintay dab qabsaday dhismo ku yaalla Kuwait

Ugu yaraan 35 qof oo isugu jiray shaqaale iyo dad kale ayaa ku dhintay dab ka kacay dhismo ku yaalla koonfurta degmada Mangaf ee Dalka Kuwait, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Shilka dabkaan oo saaka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan 15 kale oo u badan dad shaqaale ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee KUNA.

Tobaneeyo qof ayaa la soo badbaadiyay, laakiin nasiib darro waxaa jiray dhimasho badan oo ka dhalatay qiiq ka dhashay dabka,” ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan booliiska oo la hadlay TV-ga dowladda.

“Waxaan had iyo jeer ka dignaa in shaqaale badan lagu ciriiriyo hoyga guryaha, ayuu yidhi, isaga oo aan faahfaahin ka bixin nooca shaqaalaha ee ay ahaayeen dadkaasi iyo goobta ay ka shaqeeyaan.

Dhismaha uu dabku ka kacay ayaa ahaa mid ay ku noolaayeen shaqaale badan iyo qoysaskooda,waxaana socda baaritaanno ku aadan waxa dhaliyay dabka.

Wasiirka amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

Shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa aad loogu lafo guri doonaa qorshaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee shanta sano ee soo socota, sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay shacabka u hayso, ilaalinta xogta shakhsiga iyo amniga Qaranka.

Wasiirka Amniga ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka, dedaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen shaqada isla markaana ay sii laba jiraan.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in hay’addu ku tallaabsatay isbeddel iyo horumar lataaban karo oo ay ku dabooshay baahiyaha socdaal iyo adeegga baasaboor bixinta dalka.