Maamulka gobolka Banaadir iyo Duqa degmada Bollnäs ee dalka Sweden oo ka wada hadlay iskaashiga labada Magaalo

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’adaha Caalamiga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Maxamed Xasan Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Sweden ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Bollnäs Mudane Cabdullaahi Cadaan iyo Kuxigeenkiisa.

Kulanka ayaa loogu hadlay Arrimo ay ka mid yihiin; Iskaashiga Labada Magaalo ee Muqdisho iyo Bollnäs ee dhinacyada Qorsheynta Magaalada, helida Muqdisho Cagaaran si loogu hortago waxyeelada wasaqowga hawada iyo isbedelka cimillada, Maareynta Qashinka iyo Tababarida Xoogsatada Kalluumeysiga si loogu faa’ideysto kheyraadka iyo wax soo saarka dalka.

Kulanka joogtada ah ee Wasiirrada Caddaaladda labada heer oo ka furmay Baydhabo

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ka furmay kulanka joogtada ah ee wasiirada Caddaaladda labada heer iyo saaxiibada caalamka ee barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta.

Barnaamijka ayaa ujeedkiisu yahay si loo horumariyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad iyo Garsoor Madax-bannaan muhimadna u leh in ay shacabka Soomaaliyeed helaan Caddaalad hufan oo la isku halayn karo.

Wuxuuna barnaamijkani wax wayn ka tari doono ballaadhinta adeegga caddaaladda ee dalka oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay kulan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ku taageerayaan wax qabadka dowladda iyo qorshaha cirib-tirka khawaarijta.

Madaxweynaha oo munaasabadda mahadcelinta iyo soo dhoweynta ah ka hadlay ayaa la wadaagay guulaha laga soo hooyay xasilinta dalka, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha nolosha.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Norway ay Soomaaliya soo garab qabatay xilii xasaasi ah, wuxuuna xusay in ay gacan weyn ka geysatay arrinta deyn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway usoo jeediyay in dedaalladooda ku aaddan taageerada dowladda ay sii laba laabaan isagoo kula dardaarmay dib usoo kabashada dalkooda ay ka qayb qaataan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jira khawaarijta uu meel fiican marayo, isagoo ugu mahad celiyay shacabkii ka dhiidhiyay dhibaatada nabad-diidka, wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lasoo afjari doono kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo sheegay in la mideynayo tababarrada Ciidanka qalabka sida

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Norway oo gudoomiyey Oslo Forum

Oslo: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah maanta u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo maanta ka furmay magaalada Oslo.

Madashan oo la aasaasey sannadkii 2003, ayaa waxaa lagu casuumaa ama ka soo qeybgala hoggaamiyeyaasha caalamka, dhex-dhexaadiyeyaasha colaadaha, qeybaha isku haya khilaafaadka iyo khubaro kala duwan oo halkaasi ku dersa mashaakilaadka ka jira caalamka, isla markaana taageera wadahadal iyo in la abuuro hannaan nabadda lagu gaari karo.

Madashan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Hay’adda Wadatashiga ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

  

Eedeysanayaashi loo xirxiray falalka kicinta bulshada ee ay baraha bulshada ka wadeen oo maxkamad la horkeenayo

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale.

Xafiiska xeer-Ilaaliyha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Sharci ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir u gudbiyey Eed waafaqsan Qod. 71 X.H.C.S oo lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir sifayn ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.

Xafiisku waxa uu maxkamadda gobalka Banaadir ka codsaday inay soo mudeyso dhageysiga kiiskaas.

Hadaba xafiiska xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu degniin adag u dirayaa dadka Baraha Bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada.

Wasiirka Gaadiidka XFS oo Xafiiskeeda ku qaabbishay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. Marwo Fardowsa Osmaan Cigaal ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabishay Safiirka Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ambassador, Pier Mario Dacco’ Coppi.

Wasiir Fardowsa oo  kulanka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS.  iyo qaar kamid ah Agaasinka iyo lataliyeyaasha Wasaaradda ayaa Safiirka uga warbixisay Guulaha la taaban Karo ee Soomaaliya ka gaartay horumarinta dhinacyada Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Rayidka.

Wasiirka Duulista XFS iyo Safiirka Talyaaniga ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacayada Duullimaadka Rayidka, Horumarinta Technology-adda Gaadiidka iyo is-weydaarsiga khibradaha ee labada Dowladood.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddomiyay kulan muhiim ah oo lagu qabtay Nairobi

Nairobi- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maareynta Maaliyadda,Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibbada la ah  dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hay’ahada dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay Dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiirro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay munaasabadda daah-furka qiimeynta waxyeellada El-nino

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shir lagu soo bandhigayo warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay Fatahaadihii iyo Daadadkii El-Niño ee Sanadkii hore.

Shirkaan waxaa soo agaasintay DFS, waxaana ka qeybgalaya  Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Tamarta,Xanaanada Xoolaha, Qorsheynta, Wasiiru dowlayasha Waxbarashada, Beeraha, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Sidoo kale shirkaan waxaa qeyb ka ah Safiiro, wakiilo ka socda Qaramada Midoobey, Bankiga lacagta adduunka iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay madaxda iyo martida ka qeyb galaysa kulanka, isagoo faah-faahin buuxda ka bixiyay ujeedka war-bixinta la daah-furayo iyo sida El-nino u saameysay ilaha dhaqaale ee dalka, sida beeraha iyo xoolaha, una dhaawacday horumarka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA YEESHAY RA’IISUL WASAARAHA NORWAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre.

Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka mahad celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taas oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballanqaadey in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.