Wasiir Fiqi oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio dalka Maraykanka

USA- Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxa uu Wasiirku kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida Ohio, kuwaas oo boqolaal kamid ah ay soo buux dhaafiyeen goob lagu qabanayay xaflada soo dhaweynta Wasiirka.

Inta badan dadkii ka hadlay xafladda ayaa muujiyay baahida loo qabo isbadal ka hirgala dalka iyo in qurba joogtu ay u hamuun qabto dalkoodii oo nabad ah in ay dib ugu laabtaan.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo halka laga yimid, waxa uuna ka codsaday qurbajoogta Mareykanka in dalka ay yimaadaan isla markana qeyb ka noqdaan, siyaasadda iyo horumarka dalka ka socda.

Shirka degmooyinka gobolka Banaadir oo looga hadlay amniga iyo maalmaha xoriyadda

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa guddoomiyey shirka Degmooyinka Muqdisho, kaas oo looga hadlay howlaha horumarinta Caasimadda, gaar ahaan Amniga, Arrimaha Sharciga, Nadaafadda, Dakhliga, Dhismaha goobaha danta guud iyo u diyaar-garoowga munaasabadaha Xorriyada 26-ka Jun iyo 1-da Luuliyo.

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yabooh ,waxaa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta ka qeybgalay kulanka xoojinta wadashaqeynta ,iskaashiga maamulada degmooyinka iyo in si hufan loogu adeego bulshada.

    

Ciidamada Qaranka oo soo uruuriyay meydad hor leh oo Khawaarijtu uga carareen Ceeldheer

Ceeldheer: Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadigia Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa helay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerarta magaalada waaberigii sabtidii tagtay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda FS.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku  dhigay tiro maleeshiyaad intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib.

Ciidamada Dowladda ayaa ku hawlan aasidda meydadka la helay, waxaa sidookale ay sii wadaan hawlgalka uruurinta maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysa Waalidiinta Soomaaliyeed ee ay caruurtoodu qaldeen cadowga Khawaarijta ah in ay kala soo baxaan.

Dowladda waxaa ka go’an cirirbtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka si la mid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeena.

Dowladda FS oo soo dhaweeysay dib u bilaabista mashaariicdii ka socday Puntland

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga, iyo horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay laakiin hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland, taasoo dhiirigelinaysa dadaalka lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene. “Mashaariicdani waxay muhiim u yihiin kobcinta horumar waara iyo xaqiijinta mustaqbal adkeysi leh dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.”

Mashruuca Barwaaqo, oo ah mashruuc dhammaystiran oo ku saabsan maareynta biyaha iyo horumarinta kaabayaasha, iyo mashruuca SFSRP oo ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo nidaamyada cuntada ee dhammaan dowlad goboleedyada, iyadoo la xaqiijinayo sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista dhaqamada beeraha. Labada mashruuc ee Barwaaqo iyo SFSRP waxaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka; si kastaba ha ahaatee, dowlad goboleedka Puntland ayaa si iskeed ah uga hakisay fulintooda deegaanada hoos yimaada Maamulka Puntland.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaa ka go’an in aan la siyaasadayn hawlaha gargaarka iyo horumarinta ee dalka oo dhan. Waxaan ku dadaaleynaa in mashaariicdan lagu fuliyo si hufan oo caddaalad ah, iyadoo la gaarsiinayo kuwa u baahan iyada oo aan loo eegin aragtiyo siyaasadeed,” ayuu ku yiri Wasiir Beenebeene.

Mashruuca Barwaaqo waxaa daahfuray Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Janaayo 2023, waxaana xigay Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) bishii Juun 2023.

Wasiirka isgaarsiinta oo ka qaybgalay shirka iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.

Nairobi: Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta dowladda FS mudane Maxamed Aaden Macalin Cali (Soomaali) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadair ah magaalada Nairobi ugu furay shirka xoojinta Mashruuca iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.

Ujeedka Shirkaan oo ah in gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saabsan dhanka isku-xirka isgaarsiinta,horumarint ganacsiga, la-xaalidda masiibooyinka deegaanka iyo isdhexgalka dhaqaalaha.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa sharxay yoolalka iyo Muhiimadda uu leeyahay mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa isdhexgalka xiriirka ganacsiga, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Iskuxirka Internetka.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson   ayaa Bogaadisay heerka uu soo gaaray Mashruucaan marka loo eego Wadamada uu ka socdo, waxa ayna u Mahadcelisay Wasiirka Isgaarsiinta dadaalka uu ugu jiro ka miro dhalinta Mashruucaan.

Sidoo kale shirkaan waxaa ka qeybgalay Maareeyaha hay’adda Saybarka, Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka, madaxa mashruuca EA-RDIP iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa waxa ay wadaa dadaal looga faa’iideesanaayo baahinta internetka si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo hormarka dalka.

        

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay boqorka Norway

Oslo: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada ee Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway,Boqor Harald V.

Kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo boqor Harald ayaa looga hadlay calaaqaadka labada dal, isbadalka horumarineed ee Soomaaliya ka jira iyo iskaashiga labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa boqorka iyo dowladiisa Norway uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan Soomaaliya oo ku jirta marxalad ay ka soo kabanayso colaadihii soo maray.

Wasiir Biixi oo daah-furay shirka dib-u-habeynta maaliyadda ee dowladda Soomaaliya iyo IMF

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta maaliyadda ee dowladda Soomaaliya iyo hay’adda lacagta Adduunka ee IMF, kaasi oo lagu gorfeynayo Lix Bilood kadib hannaankii deyn cafinta waxa iska badalay dhaqaalaha Soomaaliya iyo halka la hiigsanayo Sadaxda Sanadood ee soo scoda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan hey’adaha Dowladda Soomaaliya ay u qabsoomeen qodobo la taaban karo oo ay ugu horeeyaan ,horumarinta ilaha dakhliga oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-goboleedyada dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ku amaanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Addunka sida hufan ee ay ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo Xafiiska xisaabiyaha guud.

    

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal sifeyn ah ka sameeyey Ruunirgood

Ruun-nirgood: Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hawlgal sifayn ah ka sameeyay degmada Ruunirgood iyo deegaannada hoostaga ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Hawlgalladaan sifaynta ah ayaa lagu baacsanayay maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay inay deegaannadaan si dhuumaalaysi ah ku soo galaan ayaga oo dhibaataynaya dadka shacabka ah.

Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haatan degmada Runirgood iyo deegaannada hoos taga ay yihiin kuwa nabad ah, isla markaana ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ay diyaar u yihiin inay si wadajir ah isaga difaacaan khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Lugta oo gaaray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha oo Kormeeray goobahii lagu jebiyay Khawaariijta iyo gudaha Magaalada ayaa Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deeganka ku ammaanay geesinimada iyo nafhurnimada ay sameyeen.

Geesiyaasha xoogga dalka ayaa dhawaan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud cashir ugu dhigay khawaarijta oo isku dayday in ay soo  weeraraan degaanka,halkaa oo looga dilay xubno badan oo katirsanaa khawaarijta.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeya geesiyaasha Xoogga Dalka guulaha ay ka gaareen dagaalka khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka cadowga looga sifeynayo deegaannada Jubbaland.

Ciidanka ayaa saaka si buuxda ula wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada halyeeyada Qaranka ee sida geesinnimada, dadaalka iyo daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaannada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelayso shacabkeeda, isaga oo intaas ku daray in goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah  deegaanadii kale ee laga xoreeyay Khawaarijta.