35,307 arday oo dhigata 656 iskuul ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Ku simaha Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen 35,307.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 (wiil) iyo 15,541 (Gabdhood) ,

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad.

    

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo guddoomiyay shirka Guddiga joogtada ah iyo kan Wakiiladda Jubbaland

Kismaayo: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ku dhex maray Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedka Jubaland,

waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Jubaland warbixin ka siiyay waxyaabihii labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in goluhu meelmariyay shuruuc muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha deyn cafinta, qaadista cuna qabateyntii hubka ee dalka saarneyd, ku biiristii Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha Wakiilada Jubaland shuruucda ay meel mariyeen, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta labada dhinac Iyo in ay arrimaha shuruucda iska kaashadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa balan qaaday wada shaqeynta Iyo taageerida golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta Iyo tayada howlwadeenada golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada.

 

 

    

Wasiir Roobow: Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma ahan

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo magaalada Makkah Almukaramah kula kulmay Ma’suuliyiinta shirkadaha adeegga Xajka iyo xubnaha guddigga Bicisada ee wasaaradda Awqaafta ayaa si weyn uga hadlay sidii loo gudan lahaa waajibaadka shaqo ee ka saaran u adeegista xujeyda Soomaaliyeed.

Wuxuu soo hadal qaaday adeeggi xajka ee sanadkii tagay 2023, isagoo sheegay in loo baahanyahay in casharo laga barto qaladaadkii dhacay sanadkii hore, wixii wanaagsanaa iyana la xoojiyo.

Wasiir Roobow ayaa ku adkeeyey madaxda shirkadaha iyo guddiga bicisada iyo si wada jir ah ay ugu dadaalaan sidii hufnaan loogu gudan lahaa waajibka saaran, isbedel dhab ahna la yimaadaan.

Dhanka Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa nasiib darro ku tilmaamay dad uu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo fashilin lahaa adeegga loo sameynayo xujeyda Soomaaliyeed.

“Waxaa nasiib darro ah in ay jiraan dad dhahaayo xajkaan fashilinaynaa,subxaana Allah, xajku waa rugni min arkaanul islaam ilaahay baa iska leh, xajka qofka dhahaayo waan fashilinaynaa ilaahay huu la dirirayaa, xagee buu ku dagaalamayaa baytulaahi Xaram, yuu fashilinayaa duyuufu raxmaan, war xageed u socotaa, war dantaada iyo waxay umaddu leedahay kala saar, dadka nuucaas ah ilaahay haka baqaano. Ayuu yiri wasiir Roobow.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha   Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wixii dhaliil iyo sixitaan ah diyaar u yihiin, balse wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in baraha bulshada lagu faafiyo dacaayadaha been abuurka ah.

Ugu dambeyn wuxuu guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliya ee jooga Xajka ay yihiin muraayad ka tarjumaysa dalkooda, isagaa intaasi ku daray in uu jiro isbedel ay kula jaanqaadi karaan dowladaha kale.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay geerida Farxiya Samaan

TACSI:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Farxiyo Maxamed Samaan oo ka mid aheyd shaqaalaha wasaaradda oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Marxuumad Farxiyo Samaan waxa ay muddo dheer ka mid aheyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, ayadoo horeyna usoo noqotay Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda.

Waxan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagteyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Xubnaha guddiga Maalmaha Xorriyadda oo kawada hadlay qorshaha u diyaar garowga todobaadka Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo xubnaha guddiga ayaa sii wada kulammada aan kala go’a lahayn ee diyaargarowga xuska maalmaha qaran iyada oo kulankan ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaargarowga todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan.

 

   

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyey Oslo

Oslo:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa wadahallo laba geesood ah la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway.

Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyay shir ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay Q.M iyo midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey shir gaar ah oo ay yesheen qabanqaabiyeyaasha shirka lagu soo bandhigayo warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay fatahaadii iyo daadadkii El-Niño ee sanadkii hore ku dhuftay dalka, kaas oo todobaadkan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa George Conway oo ah ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin ka kala socday Bangiga lacagta adduunka iyo Midowga Yurub.

Shirkaan ayaa looga hadlay qabanqaabada iyo ajandaha shirkaas iyo sidii uu u noqon lahaa mid guulaysta, sidoo kale waxaa la isla soo hadal qaaday xalaadaha bini’aadanimo ee dalka iyo sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa danyarta iyo barakacyaasha ku nool gudaha dalka.

 

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo loo doortay madaxa Ergada Afrika ee Nairobi

Nairobi- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee UNON, UNEP & UN-Habitat, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle  ayaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Wakiilada Joogtada ah ee dalalka Afrika (Africa Group) ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo howlwadeenada Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa hoggaamin doona qorshe howleedka wadamada ku bahoobay Africa Group, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay hoggaan u noqon doonto kooxda Africa.

Danjire Jabriil ayaa uga mahadceliyay dalalka Africa Group kalsoonida ay u muujiyeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka Safaraadda Soomaaliya, isagoo balan qaaday in uu si buuxda ula shaqeyn doono wakiillada dalalka Afrika.

   

Dowladda Ruushka oo ugu hambalyeysay Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in ay ugu hambalyeynayso Dowladda Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Zakharova oo wareysi gaar ah siisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda guushan iyo doorka Soomaaliya ay ka qaadan karto Golaha Ammaanka.

Afhayeenka ayaa Waxay intaas raacisay: “Waa hawl aad u adag maadaama aan ku jirno marxalad taariikhi ah, balse, waxaan hubaa in dalkiinu gudan doono waajibaadka hor yaalla”.

Afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gudan karto mas’uuliyaddan weyn, iyadoo u rajeysay horumar.

Waxaa xusid mudan in kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobe loogu doortay Soomaaliya xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, waana markii labaad muddo 52-sano ah ay Soomaaliya kursigan hesho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kismaayo kusoo xiray Shirka Guddiga jootada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG  Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Kismaayo ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah waxa ay uga hadlayeen ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Inta kulanka uu socday ayaa waxaa lagu ansixiyay laba qeybood oo kala ah ajendayaasha guud ee kalfadhiga shanaad iyo qeybta labaad oo ah  in hoos loo daadago islamarkaana loo wajaho sida ay ajendayaasha horutabinta u kala leeyihiin.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka hadlay in kalfadhiga shanaad lagu sii amba qaado islamarkaana  lagu dhameystiro  inta ka hartay ajendayaashii kalfadhigii afaraad ee xukuumadda soo gudbisay Iyo kuwo cusub oo ay kalfadhiga shanaad soo gudbisay kuwaas oo hada Golaha horyaala.

Shirka Guddiga Joogtada oo maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay isku raaceen in kalfadhiga shanaad xooga lagu saaro ajendayaasha muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyay maalmihii shirka uu socday dadaalkii Iyo howlkarnimadii ay muujiyeen, waxaa uuna dhanka kale u mahadceliyay madaxda Iyo shacabka Dowlad Goboleedka Jubaland soo dhoweyntii ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.