Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ugu ambabaxay dalka Norway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo dahfuray bilaabidda la tashiyada Dadweyne ee cutubyada 5-aad iyo 9-aad Dastuurka KMG

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim oo kulan fogaan arag ah la yeeshay wasiirada Dastuurka ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa daahfuray bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee hadda lagu sameeynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay wasiirada Dastuurka Galmudug,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Agaaasimaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dhammaan wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada doorkooda wanaagsan ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka iyo wadashaqaynta Wanaagsan ee kala dhaxaysa

Wasaaradda Caddaaldda iyo Arrimaha Dastuurka XFS. ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda la-tashiyada dastuurka ay u leedahay isagoo sheegay in bulshada ay leeyihiin dastuurka ayna muhiim tahay in laga qeyb galiyo, oo ay helaan fursad ay ku dhiibtaan aragtidooda.

Dhanka kale,Wasiirada Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah dowlada Federaalka ayaa dhankooda bogaadiyay doorka Wasaaradda iyo labada Guddi ee dastuurka ee ku aadan dhammaystirka dastuurka iyagoo sheegay in ay ka mahadcelinayaan daahfurka uu wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurku u sameeyay maanta latashiyada ballaadhan ee dhawaan bilaaban doona.

Wasiirada kasoo qeyb galay kulanka waxay isku raaceen dhammantood in latashiyada dadweynaha laga fuliyo goobo cusub oo aan horay loo gaarin si fursad u helaan bulshada ku dhaqan dhammaan magaalooyinkaas kala gadisan ee dalka ee an horay u helin fursadda ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka ayada oo ay dhawaan bilaabanayaan latashiyo ballaaran oo lagu dardar galinaayo dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Xasan Macallim oo kulanka soo xiray ayaa ku bogaadiyay wasiirada dastuurka in ay daadajiyaan la tashiyada dastuurka islamarkaana ay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha kadibna ay u soo gudbiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee heer federaal.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS iyo Ergeyga gaarka ah ee arrimaha xasilinta oo ka wada hadlay joojinta colaada ka taagan Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Mudane Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag iyo Ergeyga gaarka ah ee xasilinta iyo ilaalinta rayidka Madaxweynaha Cumar Xaashi ayaa ka wada hadlay xasilinta nabad gelyada iyo deganaanta guud ahaan dalka, gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha soo laa-laabtay ee ka taagan qaar kamid ah deegaanada Galmudug.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa isla qaatay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha ka soo cusboonaaday deegaano u dhaxeeya degmooyinka Caabdudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin katirsan Galmudug oo gaaray Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka howlaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe oo ay wehliyaan maamulka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saakay gaaray goobihii uu shalay ka dhacay dagaalkii lagu jabiyay Khawaarijta.

Masuuliyiinta ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee shalay fashiliyay dhagartii ay khawaarijtu la damacsaneyd shacabka degmada Ceeldheer, iyagoo ku amaanay sida naf hurnimada leh oo ay dalkooda iyo dadkooda uga difaacayaan cadowga Khawaarijta ah.

 

Qaramada Midoobay oo mar kale ku baaqday in la joojiyo waxyeelleynta dadka rayidka ee Gaza

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii walaac ka muujiyay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza, halkaas oo ay ku dhinteen 210 qof,ayna ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo kalena.

“Sawirrada dhimashada iyo burburka ee ka dhashay hawlgalkii milateri ee Israa’iil ee Gaza ayaa caddaynaya in maalin kasta oo dagaalkani uu sii socdo uu sii kordhayo argagaxa,” Martin Griffiths ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

“Maanta, xerada qoxootiga ee Nuseirat waa xudunta dhibaatada ee dadka rayidka ah,mana jiraan meel nabdoon oo ku taalla Gaza”ayuu yiri Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay.

Xafiiska warbaahinta ee Xamaas ayaa sheegay in ugu yaraan 210 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen in ka badan 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ba’an oo diyaaradaha Israa’iil ay la beegsadeen xerada qaxootiga ee Nuseyrat, deegaanada bariga Deir al-Balah iyo xerooyinka al-Bureij iyo al-Maghazi ee bartamaha Gaza.

Israa’iil ayaa  sheegtay inay badhtamaha Qaza ka soo furteen afar la hayste oo Israa’iili ah, ka dib hawlgal milateri oo dhulka iyo cirka ah.

Israa’iil ayaa sii waday weerarka naxariis darada ah ee ay ka waddo Gaza,inkastoo Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar lagu dalbanayo xabbad joojin degdeg ah.

In ka badan 36,700 oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza,halka lagu dhaawacay 83,500 oo kale mudada siddeeda bilood ah  ee uu socday dagaalka Xamaas iyo Israel.

Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo Colaad Sokeeye oo ka taagan qeybo kamid ah Galgaduud

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda  ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee waqooyiga Galgalduud, waxayna laamaha ammaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya  iyo Maamulka Galmudug fartay in laga hortago shaqaaqooyinka iyo xasaradaha soo cusboonaaday.

DOWLAD WAA MIDDA DADKEEDU MAHDIYO (WARBIXIN)

Kal fadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobe ayaa Soomaaliya loogu doortay xubinimo aan joogta aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waa markii labaad mudo 52 sano ah Soomaaliya ay kursigan hesho, waxaana arintan ay daliil u tahay soo kabashada ay Soomaaliya ka sameysay arrimaha diblumaasiyada, amaanka iyo siyaasadda.

Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada. Soomaaliya ayaa soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku laheyd fagaareyaasha caalamka.

Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaangooyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasiloonida iyo siyaasadda, sidaas awgeed Soomaaliya ayaa qeyb ku yeelan doonta go’aanada waaweyn ee adduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo amaanka caalamka.

Hambalyo Soomaaali oo dhan in Soomaaliya loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waa Golaha sharci ahaan ugu sarreeya caalamka oo dhan. Waa kursi Soomaaliya weligeed mar keliya soo maray, ayna ugu dambeysay horraantii toddobaatanaadkii. Waxay ka mid tahay guulaha ka marqaati kacaya in Dowladnimada Soomaliya ay sii xoogeysaneyso, ayna sii baaheyso saameynteeda caalamka ee togani.

Hambalyo Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda oo dhan oo uu garwadeen ka yahay Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Si gaar ah hambalyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qarammada Midoobay, Abuukar Cusmaan iyo Danjirayaasha hore u soo shaqeeyay haddana ku wehliy fadhiga oo uu ugu ugu horreeyo Danjiraha Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika, Danjire Warfaa.

Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa heer Federaal iyo heer Gobol, mas’uul kasta oo kalkaan ama kal hore gacan ka geystay dib u soo kabashada iyo horumarinta Dowladnimada Soomaaliya. Guushaan Soomaali u soo hoyatay waa imtixaan ay tahay in ay Dowladdu caddeyso mowqifkeeda qaddiyad kasta oo caalami ah oo la soo hordhigo Golaha Ammaanka. Waliba waa xilli shanta xubnood ee joogtada ah, lehna awoodda ishortaagga go’aanka Golaha, uu cilaaqaadkoodu marayo meel aad u hooseysa.

Waxaan hubaa haddii wadatashi ku saleysan xog ogaalnimo, aqoon iyo falanqeyn qoto dheer, lagu saleeyo in Soomaaliya codkeedu uu noqon doono mid kor u sii qaada maqaamka Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay Afrika iyo Caalamkaba.

Soomaaliya ayaa kursigan si rasmi ah ugu fadhiisan doonto 1-da Janaayo 2025-ka, muddo labo sano ah ayuu noqonayaa muddo xileedka kursigan, iyadoo ay Soomaaliya xubinta aan joogtada aheyn ee UNSC ugu dambeysay muddo 53 sano, xilligaasi oo aheyd 1971-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray  in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025-26ka, wuxuuna uu ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya in ay tahay guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana  xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah, isagoo sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaasi oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga. “Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

Haddaba Dadka falanqeeya arimaha caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan “Kursigaan waa in aan Saaxiibo Cusub ku kasbanaa, kuwii horana ku xajisannaa oo aysan naga lumin.

Marka hore waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa hanashada kursiga aan joogtada aheyd ee golaha Amaanka Qaramada midoobey. Si gaar ah, waxaa mahadcelin iyo bogaadin naga mudan Madaxa Ergada Soomaaliyeed ee joogta Qaramada Midoobey, Amb. Abukar Dahir Osman (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa”, sidaa waxaa yiri Masuul aad u falanqeeya arrimaha Caalamka.

Xubinimadaan waa howl culus oo u baahan in kaalinteeda lagu buuxiyo si masuuliyadi ku jirto. “Xaaladaha qasan ee hadda dunidu dhex maquuraneyso, iyo loolanka awoodaha dunida, kursigaan waxaa laga dhaxli karaa eedo heer gobol, heer qaarad, iyo heer caalami ah, kuwaasi oo sii kordhin kara cadowga Ummadda Soomaaliyeed, saameyn karana taageerada aan dalalka qaar ka helno”. “Bal qiyaas, marka dal miisaaniyaddeenu ku tiirsan tahey taageeradiisa dhaqaale ama amnigeena qeyb ka ah aan ka codeyno ama u codeyn weyno?”

Maxaad dowladda Soomaaliyeed kula talin laheyd?: inta badan falanqeeyayaasha waxay talo ahaan u soo jeedin sidan:-

1) In khubaro dublaamsiyadeed oo gaar ah lagu xoojiyo Ergada, waqtina la siiyo madaxda hadda Ergada joogta, kuwaasi oo wax badan qabtey, waxna kororsadey

2) In miisaaniyad ku filan loo qoondeeyo Ergada, tababaro joogta ahna la siiyo;

3)  In aan caadifan loo adeegsan kursigaan, lagana fogaado in go’aamo shaqsi lagu saleeyo soo jeedinada iyo codka kursigaan

4) In aan kursigaan uga faa’iideysanno dunida, kuna kasbanno saaxiibo iyo xariiro waxtar u leh Qarankeena

5) In go’aamada lagu gaarayo kursigaan ay noqdaan kuwo si fiican loo ruugey, lana jaan qaadi kara siyaasaddeena arimaha dibadda iyo danaheena dhul, dhaqan, dhaqaale iyo amni.

By. Ruush

 

Madaxweynaha Galmuduga oo guddi u magacaabay xal u raadinta colaadda ka jirta waqooyiga Galgaduud

-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega inta u dhaxeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale hay’adaha Amniga ee Maamulka Galmudug  faray in ay la shaqeeyaan xubnaha guddiga si xal waara looga gaaro colaada ka jirta deegaanada Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS oo guddoomiyay kulanka guddiga joogta oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ku qabsoomay Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulanka oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxa uu ajeedkiisu ahaa diyaarinta ajandayaasha guud ee kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Ugu horreyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday qaabka xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), shuruudaha qofka baarlamaankaas ka mid noqonaya looga baahan yahay, wadamada ururkaas ka mid ah wadan walba waxa looga baahan yahay iyo kaalinta uu ururka ku leeyahay oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha wadan walba sanadkii laga rabo inuu bixiyo iyo sidoo kale dhammaan shuruudaha ku gaadaaman in ay Soomaaliya si rasmi ah ururkan ula falgasho.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ansixiyay in la dardar geliyo shuruucdii hore ee qabyada aheyd iyaga oo dhan kale ajandeeyay dhamaan hindise sharciyeedyada cusub ee ay xukuumadda soo gudbisay.

     

Wasiirka shaqada XFS oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga

Geneva- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Geneva Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah Mudane Gilbert F. Houngbo.

Wasiirka ayaa ugu warbixiyey Agaasimaha Guud ee Ururka ILO guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Adduunka soo dhoweynta uu u fidiyey wafdiga saddex-geesoodka ah (Dowladda, Wakiilada Shaqaalaha iyo Loo Shaqeeyaha.