Dowaladda oo baaq kasoo saartay colaadda sokeeye ee ka taagan qeybo ka mid ah Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya degaanka Laan dheer ee u dhexeeya Caabudwaaq iyo Xeraale oo waqooyiga Galgaduud.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo baaq ka soo saartay colaadda Galgaduud ayaa beelaha ay dirirta u dhexeyso ugu baaqday in ay si deg deg ah ku joojiyaan dirirta isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada hadalka.

Halkan ka aqriso baaqa ay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya:

Ciidanka xoogga dalka oo Bay ku dilay horjeege sare

Wasiirka Wasaaradda Amiga maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koofur galbeed ay dileen horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta iyo malleeshiyo uu watay.

Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay dilka horjoogahaasi iyo maleeshiyaadkiisa ayaa intaa ku daray in howlgal qorsheysan oo ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen degmada Ufurow ee gobolka Bay lagu dilay horjeegaha iyo malleeshiyaad uu watay oo gaaraya 5 xubnood.

Ciidanka oo haystay xogta khawaarijta ayaa ka soo baxay degmada Qansax dheere ee gobolka Bay, halkaasi oo saldhiyo ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

“Howlagalkaasi Ciidanka ayaa fuliyay howlgal qorshaysan ayuu ahaa degmada Qansax dheere ayayna kasoo bexeen waxayna degmada Ufurow ku dileen horjooge iyo malleeshiyaadkiisa, ayuu yiri wasiirka amniga KG”.

Duqa Muqdisho oo soo dhoweeyay guulaha is-daba joogga ah ee ay gaartay dowladda FS

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Madaxda Qaranka ugu mahad celiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan gudaha.

Guddoomiyaha oo ka qeyb galay kulan ballaaran oo uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo howl wadeennada Maamulka Gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar ku taageerayeen uguna mahad celinayeen Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud in  Soomaaliya ay xubin ka noqotay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulahaasi ay horseed u yihiin in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda si buuxda ugu istaagto.

Kulankan mahad celinta ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaasha Degmooyinka, Aggaasimayaal, iyo kumanaan kamid howl wadeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Diyaaradda Air Egypt oo duullimaad ka billaabaysa Muqdisho

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda duulista dalka Masar ayaa lagu shaaciyay in Diyaaradda Air Egypt ay Soomaaliya ka billaabeyso duullimaad ay todobaadkii 2 Maaalin ku imaaneyso Muqdisho.

Dowladda Masar ayaa bayaanka ku shaacisay in 11-July la billaabi doono duullimaadyada Soomaaliya, wuxuuna noqon doonaa Qaahira, Jabuuti, Muqdisho.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Masar, Cali Cabdi Awaare ayaa soo dhaweeyey Bayaanka ka soo baxay Xukuumadda Qaahira , wuxuuna sheegay in tallaabadan ay tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar.

IIMAANKA IYO WAXYAABAHA KOBCIYA

Kow: Quraanka, Aqri Quraanka, Baro macnihiisa, fahan Xikmadaha Alle SWT uu inoogu sheegayo, fuli wax kasta oo Alle ina farayo ee Quraanka ku xusan. Hubi in 24 saac aysan ku dhaafin adigoon Kutubka kala furin oo Quraanka aqrin

Labo Salaada: Tuko Shanta salaadood si joogta ah. Ilaali waqtiga Salaadaha. Baro Axkaamta Salaada

Saddex Xuska Alle: Bar carabkaaga Dikriga Alle, kuna celceli mar kasta kelmadahan; Subxaan Allaah, Alxamdulilaah, Allaahu Akbar, Laa ilaaha Illa Allaah, Laa Xawla walaa Quwata ilaa Billaah-hil Caliyil Cadiim

Afar: Tawbada, Bini’aadanka waxaa ka dhaca dambiyo & qaladaad sababtoo ah ma nihn kuwa dhameystiran. Haddaba waa in aad mar kasta Alle dambi dhaaf weydiisataa, si dhab ahna ugu toobad keentaa. Kana fogaataa in aad dambi sameyso

Shan: Alle oo la talo saarto, Eebe waa naxariis badane, sidaa darteed waa in aad talo saarataa mar kasta, naxariistiisa aadan ka quusan. Mar kastana aad Kheyr ka rejayso

Lix: Ducada, Alle SWT oo aad barido waa mid ka mid ah siyaabaha loo xoojiyo Iimaanka. Alle waa ka jawaabaa duco kasta oo adoonkiisa ka timaada

Todoba: Cilmiga Diinta oo la barto, Guud ahaan Cilmigu waa nuur, waa fure. Diinta Islaamka oo aad barataa, Quraanka kariimka, Siirada Nabiga iyo Kutubta kale waxay qofka ka saarayaan Jahliga, waxay xoojinayaan qalbigiisa, waxayna ku hogaminayaan in uu kala fahmo xaqa iyo baadilka, iyo in aan la qaldi karin, wadada Allena laga leexin karin

Sideed: Soonka Sunada ah, Fadli badan ayaa ku sugan soonka sunada ah, qofki awooda in uu soomo Maalmaha Isniinta iyo Khamiista wuxuu ka helayaa faa’iidooyin badan. Rasuulka SCW waxa la waydiiyey Soonka Maalinta Isniinta wuxuu yidhi: waa Maalintii aan dhashay, waxyigana la igu soo dejiyey” “Nebigu SCW wuxuu ahaa mid sooma Isniinta & Khamiista.

Sagaal:Xusuusta Dhimashada iyo Aakhirada, Hadii qofku xusuusan yahay dhimashada iyo Aakhirada wuxuu ogaanayaa macnaha dhabta ah ee Aduunkan loo joogo, wuxuuna ku dedaalayaa raali ahaanshaha Alle iyo in uu u shaqeysto Daarta dambe ee lagu waarayo

Toban: Camal Wanaagsan, Ku dedaal in aad joogtayso sameynta camalo iyo ficilo wanaagsan, ilaa ay dabeecad kuu noqoto. Hal camal oo wanaagsan wuxuu kugu hogaamiyaa mid kale oo wanaagsan.

WD: Ibrahim Warsame

 

 

CABSIDA ALLE AYAA IF IYO AAKHIRABA LAGU BADBAADAA (QEYBTA 1-AAD)

Allaah ka cabsigu waa darajo aad u sareysa oo aanu gaari karin qofka ku dheehan xumaanta kana fog wanaaga, sidaa daraadeed, Ruuxa Muslimka ahi waa inuu laazimaa oo uu ku toosnaadaa inta uu kari karo wixii uu Alle sw faray, kana fogaada wuxuu ka reebay, Alle ka cabsiguna waa midaas ee ma ahan inaad waxaad rabto oo xumaan ah sameyso wixii Allah ku amrayna aad ka tagto hadana aad tiraahdo Alle ayan ka baqayaa.

Hadduu qofku ogaado sharafta taqwada iyo heerka ay gaarsiisan tahay waxa la gudboon inuu is weydiiyo, sidee ban ku gaari karaa darajada taqwada? Imaam Al-Qazali oo ah Imaamka tarbiyadda Quluubta.

Arrinkaasi waxa uga jawaabay oo uu yiri:  Waxa uu ku jiraa wanaaga Naftu inaad isu taagto una diiddo macsiyo kasta, kana ilaaliso waxaan faa’iido ugu jirin haddaad sidaa sameyso Allaah waad ka cabsatay, Ishaada, dhegtaada, carabkaaga, qalbigaaga, calooshaada, xubintaada taranka, iyo xubnahaaga kaleba waad dhawrtey waxaadna ku xakameysey taqwada alle.

Sidaa awgeed, baabkanu waa mid dheer sharaxiisu, waxaana lagama maarmaan ah Ninkii doonaya inuu Allaah ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo ah seeskiisa, waana ( Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo caloosha) Haddii la ilaaliyo xubnahan waxa xaqiiqo ah in intooda kalena toosayaan, ruuxii intaa sameeya wuxuu gudanayaa taqwada iyo Allaah ka cabsiga dhammaantii. (Manhajka caabudayaasha ee Sheekh Qasaali/ 76-77.)

Hadalkan Sheekha Qasaali (R.C) waxa ka imaneysa su’aal kale oo oraneysa; sidaan xubnahaygan shanta ah uga dhawraa macsiyada “Danbiga”uguna hogaamiyaa daacada Allaah?.

Mawduuca dhuuxiisu waa halkan oo ah xubnahan qofka siduu u hoggaamin lahaa oo haddey hagaagaan uu qofka gaari karo liibaantiisa ifkan iyo aakhiraba, kuwaas oo ka kooban shantaasi xubnood, waana kuwaa xukuma xubnaha qofka intooda kale, waxaynu si kooban ugaga jawaabi doonnaa shan qodob oo Ruuxii raacaa uu kaga magan galayo xubnahan sharkooda, khayrkoodana helayo, cibaadadoodana gudanayo;-

1- Inuu qofku ilaahay jeclaado.

2- Inuu qofku qalbigiisa dareensiiyo inuu allaah daalacanayo kana xishoodo Alle xishood dhab ah.

3- Inuu ogaado ama is dareensiiyo dhibaatada ay leedahay macaasidu iyo danbigu.

4- Inuu barto iskuna dayo siduu qofku hawadiisa uga xoog badin lahaa, naftiisana uga guulaysan lahaa.

5- iyo inaad ogaatid meelaha shaydaanku inaga soo galayo, sidoo kalana ka digtoonaatid tashwiishkiisa.

  LA SOCO QEYBTA 2-AAD

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

TUBTA LOO MARO HORUMARKA IYO NABADDA

Soomaalidu waxay ku maahmaahda talo adigaa ku nool ee ayadu kuguma noola haddii talo wanaagsan la waayo wixii la qabtaahi waa talo xumo.

Waxaa muhiim ah in la helo talo laga baaraan degay oo dadka lagu hoggaamiyo, waxaan maqli jiray Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa

talada wanaagsan waxay ku dhex jirtaa shacabka dhexdiisa waxaana looga fadhiyaa ummadda waxgaradka ah, dhaqanka iyo siyaasiyiinta daacad ah.

marka la helo dhaqan iyo xukuumad hoggan adag leh waxaa la gaari karaa siyaasad deggan oo aan is qooraansi la heyn, sidoo kale waxaa loo baahan yahay goleyaal difaaca dalka iyo dowladda, daldaloollada siyaasadeed ee  laga soo geli karo qarankana ka owda.

Haddaba, bulshada dalka ku nool hannaanka geediga siyaasadeed waddooyin badan ayay u maraan mana ahan haddii aad fahmi weydo meesha loo socdo in aad buuq ummadda ku furto, waxaa habboon inaad  marka hore  hubsato xaaladda uu waddanku ku jiro.

Waddanka manta wuxuu ku jiraa dagaal looga soo horjeedo argagixisada gam ka dhigtay ummadda soomaaliyeed kuwaasoo doonaya in ay soomaalida ka tirtiraan adduunka iyaga iyo calankoodaba, cadawgaas guunka ah ayaa lala dirirayaa ee buuq kale uma baahna in dalkaan lagu furo.

Qof waliba waxaa looga baahan yahay inuu ka fiirsado waxa uu sameynayo asigoo raacya talo beereysa ama abuureeysa xasillooni iyo degenaan, nabad iyo wada jir, isagoo ka eegaya danta guud taasoo abuuri karta siyaasad deggan iyo jawi horumar leh oo uu dalkeennu u aayo.

Haddaba, looma baahna inaad la shakheyso ama aad gacan siiso cadowga dalka adigoo xagal daacinaya jihaadka lagula jiro qowleysatada aan arxanka laheyn ee waxaa loo baahan yahay in dalkaaga aad u reebto dhaxal wanaagsan oo maguuraan ah iyo aayatiin wanaagsan, ummadda soomaaliyeedeey waqtiga aad joogtaana yuusan idinku dhaafin talo xumo, waayo tala xumadu taran iyo tiigsimaad ma leh, dembi aakhiro iyo mid adduunka way kuu horseeddaa.

Talada wanaagsan waa tii lagu tanaado tubta loo marana way toosan tahee dadoow tii rabbi yaan la iloobin.

WQ: Abwaan C/salaam Gabayre  

SIFEYNTA KHAWAARIIJTU WAA CIBAADO

Khawaariij sideedaba waxaa la dhahaa burcad Diineed kuwaas oo si khaldan ugu fasira ugana dhaadhiciya dadka Diinta jacel balse aan aqoon badan u lahayn, si ay u gaaraan danahooda gurracan ee xukun raadiska ah iyadoo dadka intiisa kale la gaaleysiinaayo.

Khawaariijtu hadda kuma cusba Dunida oo horey bay u jireen waxeyna soo if baxeen dhimashadii Nabi Maxamad NNKH kadib balse Nabigu NNKH wuu sii sheegay wuxuuna yiri “haddii ay soo if-baxaan intaan noolahay waan dabagoyn doono, wuxuuna ku tilmaamay inay siddii leebka oo kale ugu dhex baxi doonaan Islaamnimada oo Quraanka iyo Axaadiista ay akhrinayaan uusan dhaafsiisneeyn Dhuuntooda ama Kalxantooda.

Khawaariijta, hal qof oo Saxaabadii Nabiga NNKH ama taabiciyiintii oo la yaqaan oo raacay ama raad ku leh ma jiro oo Diinta Sal iyo Raad toona kuma laha Khawaariijtu.

Khawaariijtu, meesha ay qabsadaan waxey dadka iyo duunyada joogaba ka dhigaan kuwo u adeega danahooda gurracan haddii kalena way Gaaleysiiyaan kadibna way laayaan ama way baabi’iyaan waxaa markhaati kuugu filan sidey ka yeeleen Ceelashii deegaannadii ay haysteen markay ay ka baxayeen waa kuwii qaarna Qarxiyay oo isku dumiyay qaarna Sumeeyay, sidoo kale waxa ay  sumeeyeen xoolihii noolaa oo ay kadibna bireen, waxaa marag ma doonto ah inta hal-door oo ay ku dileen Miyi iyo Magaalo intaba, sidoo kale waxaan kaa qarsooneyn sida ay magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya ay ugu geeystaan dilalka qorsheysan ee argagaxa leh iyo Qaraxyada geeystay khasaaro Naf iyo Maalba leh. Haddiiba dhibaatooyinkaas oo dhan laga dhaxlay walina soo taagan yihiin, waxaan  dhowranaa ma jiro oo aan ahayn in lagu Jihaado!!!

 

 

 

Haddaba Sifeynta Khawaariijtu Maxey uga Dhigan tahay Dalkeena Soomaaliya?

Haddii aan ka tixraacno halku dhiggii Madaxweynaha Dr. Xasan Sh/Maxamuud ee ahayd

“SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH” iyo sida uu hawlgalka u qeybiyay oo uu uga dhigay Wajiga Kowaad oo ka bilaabanaya Dowlad Goboleedyada kala ah Hirshabeelle iyo Gulmudug halkaas oo ay aad ugu xididdeysteen kana heli jireen dhaqaale xooggan taas oo ay u adeegsan jireen iska hor keenidda Qabaa’iillada walaalaha ah ee wada daggan iyo Diyaarinta Qaraxyo loo soo waarido caasimadda dalka ee Muqdisho,  iyo Wajiga Labaad oo laga bilaabi doono Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo xooggeeda ah iyo meelaha ay sida qarsoodida ah ay ugu nool yihiin ee dalka ka mid ah taas oo noqoneysa ciribtirka iyo soo afjaridda kooxaha Khawaariijta iyada oo ay barbar socdaan la dagaalkanka fikirkooda xag jirka ah iyo kan cuna qabateynka Maaliyadda oo wada jira.

Gunaanadkuna wuxuu noqon doonaa Dal Nabad ah, Dad Nabad ah iyo Siyaasad Xasilloon taas oo inoo horseedi doonta inuu dalka isku furmo oo meel kasta si nabad ah loo gaari karo oo ganacsiga iyo isku socodkuba si toos ah inoogu furmi doono.

Dhinaca kale haddiiba dalka guud ahaan laga sifeeyo Khawaariijta waxaa sahlanaaneysaa inaan helno Maalgashiyo Caalami ah oo dhinacyo kala duwan leh haddii ay tahay Warshado, Beero, Shidaal qodis iyo Mashaariicyo kala duwan taas oo sabab u noqon doonta inaan ka baxno Saboolnimada oo dhallintu wada helaan shaqo ku habboon oo Nolashooda kafeysa, Dalkuna noqdo meel loo soo shaqo tago haddii Alle idmo, kuna biirno dalalka Qaniga ah ee iyagu Deeqaha bixiya una gurmada sidii na loogu soo gurmaday.

Haddaba waxaa marag ma doonto ah in hawlgakan uu mideyn doono Soomaali meel kasta oo ay dunida ka joogaan kuna dhammaan doono Guul  lana xaqiijin doono Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah, illaahay idankiis!

WQ: DALKA EDITORIAL

 

HADDII LA HELO DERISEYN DEGMO IYO BOLIIS WADA SHAQEEYA WAX BADAN BAA AMNIGA ISKA BEDDELI DOONA.

Horta kaalay aan ku su’aale xamar waa imisa degmo, degma kastana waa imisa laamood, laan kastan waa imisa waaxood, waax kastana waa imisa fallar, fallarkiina waa imisa guri, guri kastan waa imisa nambarkiisu, saldhigguse ma qabtaa howsha looga baahan yahay, marka hore taas ayaa mudan in jawaab loo helo, intaas haddii la ogaado oo salka loo dhigo wax badan ayaa noo hagaagaya.

Qofka aan intaasi aqoon muxuu degmada iyo amnigeeda ka qaban karaa? Degmo walba saldhig baa ku yaalla waa sidee iska warqabkooda iyo isla shaqeyntooda, ciidanka saldhigga ku sugan ma ku roondeeyaa habeenkii iyo maalintiiba waddooyinka soo gala degmada, ma jiraa wax isku xir ah, ma helaan wax xuuraan ah, wax walba ma ka warqaan waaxda kale ee isgaarsiinta waa sidee, haddii meel wax ka dhacaan oo ka tirsan xaafadda sidee gurmad deg deg ah loo heli karaa dhiig bax hortiisa iyo ka dibba.

Meesha shaqooyinka iyo nidaamka looga baahan yahay dhab ahaantii waa taas oo awood iyo dadaal lagu daro

Degmo marka lagu leeyahay waa in laga helaa dhammaan wixii magaalo laga heli lahaa iyo dhammaan adeegga bulsho, waa inay isbitaalkeedi leedahay, waa inay iskuulaadkeeda leedahay, waa inay saldhiggii iyo suuqyadeeda leedahay waa inay xafiiska dowladda hoose iyo faracyada uu ka kooban yahay laga heli karaa, waa in bangiyada xawaaladaha laga heli karaa, waa in farmashiiyeyaal leedahay oo habeenkii heeganka soo jeedka taasi waa dhanka daryeelka bulshada, siiba ambalaasta waa inay ku hooydaan degmada, baabuurta boliiska ee loo yaqaanno 888 waa inay laamiyada iyo isgoosyada gaaf wareegaan, iyagoo baacsanaya tuugada iyo burcadda, gawaarida shabaqleyaasha sidoo kale waa inay ka mid noqdaan habeenkii heeganka degmada war amaan waa rabnaa jidkeedana ma heyno, meel kasta oo mugdi ah waa in lagu suraa nalalka loo yaqaanno sollarka iyo camera sisiida si dadku isaga  eegaan tuugta iyo wasaqda u dhuumaneysa,

Sidoo kale,  degmooyinka waa in laga ciribtiraa geedka loo yaqaanno cali garoobka ama geed yahuudka waa burcad u kaalmeys waa howlaha laga rabo degmooyinka qaarkood.

waa in aysan degmo, degmo kale waxba uga baahan ilaa wax dagmada ka awood badan ay yihiin maahee.

Matalan degmada waaberi aan ka soo qaadanno tusaale ahaan, degmadu waa afar laamood, laan kastana waxaa hoos taga waaxyaheeda wax kasta waxaa hoos taga fallarradeeda, fallar walbana waxaa hoos taga inta guri ee ku taalla oo wada nambareysan iyo guri walba inta qoys ee ku dhex nool waa intaas uun waxaa leysaga daba wareegayo ee la garan la’yahay si loo sugo, guddoomiyaha fallarku wuxuu ogaan karaa guri walba waxa ku soo kordhay caawa dhib iyo dheef waxa ay qabaan, taasi mala hayaa hadda.

Haddaba, Waa muhiim in degma kasta heshaa baalashii ay ku duuli lahayd ee daruuriga u ah, degmo waa intaan kuu soo sheegay oo kala ah dugsiyadii hoose/dhexe iyo sare, saldhigyadii boliiska, sidoo kale isbitaalladii,  MCH-yadii suuqyadii, ceelashii, dukaamadii iyo waxyaabo kaloo badan oo jiritaanka degmo in laga helaa ay daruuri tahay.

Intaas waxaan raacinayaa in yar oo muhiim ah degma kasta waxay leedahay waddooyin waxaa ka furan sida badan maqaayado, maqaayadaha qaarkood waxay biyaha wasaqda ah ku soo daadiyaan bartamaha laamiga gaar ahaan xilliyada habeenkii ah.

Teeda kale, waxaa meeshaas ka maqan kontoroolkii faya dhowrka waayo maaqayaddu ama baarka waa in ay ka shaqeeyaan dad nadiif ah oo dowladdu baartay caafimaadkooda heystana ruqsad ay kaga shaqeyn karaan Maqaayada iyo Baararka waa weyn, waxaad arkeysa sida badan kabalyeeri dharka uu wato aad ka dheehan karto nadaafaddarro, taasina waa xadgudub laga gelayo muwaadinka soo cunto doontay.

Haddaba, haddaan usoo noqdo abaabulka iyo isku xirka bulshada ku dhaqan degmada waa arrinta ugu muhiimsan jiritaanka degmada, dadku markay xaafad xaafad isku garanayaan way isaga dhawyihiin dadka kale ee ka yimid degmooyinka kale, waayo iyagaa iskugu yimaada galabtii biibitooyinka lagu qaxweeyo ee degmadu leedahay ugu yaraan way iswada bar garanayaan, way isla hasaawayaan, oo markii baaritaan yimaado xaafadda way isa sheegi karaan oo kan xafadda ayuu deggen yahay kanna xaafadda ma deggana ayay dhihi karaan

Marka abaabulka iyo wacyigelinta waa qeybta ugu muhiimsan degmada,

Dadka ku dhaqan degmada laamaheeda kala duwan waxaa wanaagsan in ay sameeyaan is dhex gal waxaana abaabuli kara maamul kasta oo degmo waxayna sameyn karaan tusaale ahaan koob ayaa loo dhigayaa oo ay ku tartamayaan iyadoo kubadda cagta iyo tan koleygaba lagu tartansiinayo halkaasna waxaad ka soo baxaya taageeroyaal badan oo kala taageerayaal xaafadaha ciyaaraya, taas keliya maahan oroddo ayaa loo qaban karaa, fan iyo suugaanta ayey ku tartami karaan iwm.

Haddaba, mahayaan degmooyinka gobolka banaadir howlahii laga sugayay ee bulshada ku dhaqani uga baahneyd? Waan soo kookoobay balse xaajadu intaasi way ka ballaaran tahay, oo waxaa ka mid ah oo mid walibana in gooni faallo looga bixiyo u baahan sida bullaacadaha degmada ku yaalla, biyo fadhiisiyada, leerarka laamiyada iyo lix mittirrada ee bulshada ka dhaxeeya, nadaafadda, ciidda fadhiisata laamiyada dhexdooda oo wax ka qabasho u baahan mar walba, waxaan mararka qaar isweydiiyaa aaway shaqaalihii nadaafadda ee dowladda hoose ee xilliyadaan dambe loo bixiyay malaamilleey, soo celinta bilicda degma walba iskeed isku qurxineyso, nadiifinta ceelasha biyaha, buufinta geedaha iyo rinjiyeynta jiingadaha guryaha iwm

waxaan ka hadleynaa waa hal degmo wixii looga baahnaa taas ayay la mid yihiin degmooyinka ku yaalla gobolka banaadir oo dhan.

Sugitaanka amniga degmada iskeed ayaa looga rabaa waa in uu jiraa tartan dhanka amniga degmada waa in dowladdu ku abaal marisaa degmo waliba degmadey ka amaan badan tahay dadkeeduna sidey rabaan ugu dhax mushaaxayaan iyo midda lama galaayga ah, meeshii dhib ka jiro waa in wixii ciidan ah oo dhan leysugu geeyaa si loo suuliyo amni xumida iyo munkaraadka ka jira Meesha.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

QARAHA DALKEENA WUU KA BAXAA INTAAN FAA’IIDANA WAA LAGA HELAA (QEYBTA 1-AAD)

Xab-xabka ama qaruhu dhadhan ahaan waa mid macaan, Waxa ku jirta oo keliya 49 kaalori, iyo faytamiino Sida Faytamiin A, B Iyo C, Waxa kale oo ku jira Macdano ay ka mid yihiin Potassium iyo Megnisuin.
Faytamiin C, wuxu ka hortaaga dhaawaca unugyada ee ay sababaan free radicals ku.
Carotenoids Waxa loo badalaa Faytamiin A oo u wanaagsan indhaha kana caawisa araga.
Lycopene, waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo badan, waxay ka hortagtaa falaadhaha cadceeda, kanserka, waxay u roon tahay caafimaadka wadnaha.

Faa’iidooyinka xab xabka waxaa ka mid ah:

1: Waxa uu ka hortaga faalliga : Xab-xabku waxa uu ka kooban yahay walxo ka hortaga waxyaabaha jidhka dibada kaga yimaado ee dhibta keeni kara.  Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ku jira waxa ka mid ah  (Antioxidant Lycopene) oo inta badan laga helo jiidhka cas ee xab-xabka iyo tamaandhada qaydhinka ah.
Qofka cuna cuntada ay ku badan tahay maadada Lycopene waxa uu ka badbaadaa in faalig ku dhaco 20%. Daraasad caafimaad ayaa iftiimisay dadka ay ku badan tahay Lycopene ay 55%  ay ku yar tahay fursadda uu ugu dhici karo waax-qallalka (faalliga), marka loo eego dadka aan maadadan jidhkooda ku jirin amma aan quudan cunto ay ku jirto.
“Maadada Lycopene waxa ay kor u qaada in dhiiggu si fiican u dhex socdo dhuumaha, waxaanay qofka ka ilaalisa in xaydhu daboosho dhuumaha dhiigga qaada,” ayuu yidhi Dr. Sam Christie oo ah khabiir nafaqada ku takhasusay.

2: Hargabka iyo Kansarka : Maadaama aynu sheegnay in xab-xabka ay ku jirto maadada Lycopene oo masuul ka ah carinta hab-dhiska difaaca, waxa ay u saamaxdaa qofka in aannu hargabku si fudud ugu dhicin xilliyada xagaaga amma qaboobuhu jiro.
Cilmi-baadhisyo tiro badan oo la sameeyey ayaa soo jeediyey in xab-xabku ka hortago unugyada kansarka dhaliya, maadaama maadadan awoodda badan ku jirto, taasoo meesha ka saarta waxyaabaha qalaad ee unugyada jidhka dibadda ka soo weerara sida Dr. Sam Christie caddeeyey.
Daraasad lagu tijaabiyey maadada Lycopene ayaa muujisay in kansarka naasaha ku dhaca ay ka hortagto. Waxa uu khudaarta kale kaga fiican yahay waxa uu muddo maalmo ah ku jiri kara tallaajadda, iyadoo aan madada faa’iidada caafimaadka u leh aanay hoos uga dhicin.

3: Xannuunada Muruqyada:

Haddii muruq xannuun amma muruq ku galo shaqo badan marka aad qabato ama aad jimicsato ama kombuyuutarkaaga aad in badan dul fadhido waxa khubarada caafimaadka dadka u soo jeediyaan in qofku jeex xab xab ah uu cuno. Xab-xabka waxa ku badan  macdanta botasiyamka (Potassium), taasoo qofka ka caawisa in ay degaan neerfaha iyo muruqyadu.
Waxa intaa dheer in botasiyamku ay jidhka ka caawiso inuu kaydsado macdanta Kalsiyamka (Calcium) oo faa’iidadeedu tahay in ay xoojiso lafaha iyo kala goysyada.
Sidoo kale, xab-xabku waxa uu ku jira maado la yidhaa Sitralayn (citrulline) oo fududaysa in dhiiggu gaadho muruqyada, waana  Amino aysiidh (Amino Acid).
“Xab-xabku waa biyaha ugu fiican ee unugyadu helaan. Waxa ay ka caawiyaan wareega iyo in jidhka oo dhan dhiiggu gaadho,” Dr. Christie.
Haddii qofka muquryadu istagaan amma ay dhaqaaqu ku yaradaan waxa hubaal ah in xab-xabku daawo u yahay sida cilmi-baadhista khubarada dhinaca nafaqada ku takhasustay caddaysay.

4 : Hurdo fiican : Haddii qofku hurdo la’aan ku dhacdo oo uu cabo xab-xab amma uu cuno waxa uu ka caawinayaa inuu hurdo heli karo, halka maadada Kolin sidoo kale ay qofka xasuustiisa wanajiso, maadaama maskaxdu degto, degenaanshahana ku shaqayso.
Waxa kale oo uu xab-xabku ka qaybqaata in qofka aan jidhkiisa miisaan fuulin, sababto ah aysiidha ku jirta ee Citrulline ayaa burburisa duxda, qofkana ka ilaalisa inuu noqdo mid buurni xad-dhaaf ah. Waxa kale oo maadadan oo ka sii kooban maado kale oo la yidhaa Arginine ay jidhka u fududaysaa in dhiiggu si fiican u qulqulo oo xubnaha si fiican u gaadho
Cilmi-badhayaal Jaamacada Texad ee A &M University ka tirsan, ayaa sheegay in xab-xabku kor u qaado taranka qofka iyo in dheecaanka jidhka ku jira si fiican u gaadho meelaha loogu talagalay.

WQ: Muxsin Maxamed Cabdulle