Khawaarijta oo Jab xooggan lagu gaarsiiyay Ceeldheer

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo la xiriirtay saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyey in Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay jab xooggan u geysteen Maleeshiyaadkii Khawaarijta Al-Shabaab oo iyagu dhowr jiho kasoo weeraray magaalada balse badankood Maleeshiyaadka halkaasi lagu dilay islamarkaana hada uu hawlgalka ka socdo duleedka magaalada.

Dowladda ayaa faah faahin ka bixin doonta marka uu soo gebageboobo hawlgalka oo weli socda insha Allah.

Sacuudi Carabiya oo shaacisay in dalkaasi ay gaareen 1.2 Milyan oo Xujey ah

Tawfiiq Al-Rabiah, Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaad ​​1.2 milyan oo xujey ah oo ka kala yimid dalal kala duwan oo caalamka ah ay xilligaan ku sugan yihiin dalkaasi.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa ku nuux-nuux sida madaxda sacuudiga ay uga go’an tahay u adeegidda dadka matrida ah ee xujieyda,isagoo ka mahadceliyay dadaalka loo galay imaanshaha xujeyda ee goobaha barakeysan sida labada masjid ee Maka iyo madiina.

Tawfiiq Al-Rabiah waxa uu xisay in xujeydu ay si fudud oo niyad sami ah u soo gudan karaan cibaadadooda iyagoo helaya daryeel iyo foojignaan heer sare ah ,isagoo dhanka kalana carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in loo hogaansamo shuruucda,awaamiirta iyo iskaashiga si ayuu yiri loo xaqiijiyo adeeg dhamaystiran oo loo qabto dhamaan xujeyda.

Si kor loogu qaado hufnaanta shaqaalaha ee nidaamka Xajka, Al-Rabiah wuxuu sharraxay in bilihii la soo dhaafay, in ka badan 120,000 shaqaale iyo hoggaamiyeyaasha kooxaha xujaajta ay qaateen tababar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qeybgalay daahfurka xarunta taliska qeybta guud ee Trafiko.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey taliska qeybta guud ee ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka (Traffic).

Munaasabaddaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan.

Wasiirka ayaa sheegay in dib-u-dhiska iyo horumarinta lagu sameeyey qeybta guud ee ciidanka Nabadgelyada waddooyinku ay kaalin weyn ka qaadan doonto adeegyada ay u baahan yihiin shacabka,gaar ahaan badqabka dadka iyo gawaarida ku safra waddooyinka.

Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay in shirarka guddiga joogtada ee golaha lagu qaban doono gudaha dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Sheekha Aadan madoobe ayaa xalay kulan gaar ah Magaalada Kismaayo kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyomas’uuliyiin kale.

Kulankaasi waxaa labada dhinac ay kaga wadahadleen qodobbo ay kamid ahaayeen,howlgalada ciidan ee ka socda Jubbooyinka,soo celinta amniga, dardargalinata ,wadashaqeynta maamulada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha BFS Sheekh Aadan Madoobe oo kulankaasi ka hadlay ayaa yiri“Waxaan go’aansanay in shirarka guddigga joogtada ee golaha lagu qabto gudaha dalka , halka markii hore lagu qaban jiray dibadda”.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka dowlad goboleed ahaan ay soo dhaweynayaan in shirka banbaxa ee Guddiga Joogtada ah lagu qabto magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha BFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shalay gaarat magaalada Kismaayo,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

R/Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhoweeyay xubinnimada soomaaliya ee golaha ammaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray  in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025-26ka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya in ay tahay guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamza ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka.

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay qodobbo khuseeyay arrimaha bulshada iyo iskaasgiga siyaasadda ee dibadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan todobaadle ah oo ay yeesheen ku meelmariyey qodobbo la xiriiray dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad oo dhanka Iskaashiga Siyaasadda ah oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norwey.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyaga  oo soo bandhigay warbixinno la xiriira halka uu marayo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta amniga dalka.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsanaa safarro shaqo oo ay ku tageen dalka dibeddiisa ka dhageystay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo soo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayey wada shaqeynta Booliska iyo Hey’addaha Cadaaladda

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa shir guddoomiyay kulan weyne ay  yeelanayaan Garsoorka, Xeer-Ilaalinta iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeyb gelaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud, Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan iyo Saciid Cali Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin.

Kulankaan waxaa looga hadlayaa wadashaqeynta dhinacyada, iskaashiga iyo sidii loo xoojin lahaa hanaanka wada shaqeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hey’addaha Cadaaladda.

  

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyey shirka golaha wasiirrada

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa meelmariyey dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad ee la xiriira Iskaashiga Siyaasadda oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norwey.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyaga oo soo bandhigay warbixinno la xiriira halka uu marayo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta amniga dalka.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno la xiriira safarro shaqo oo ay ku tageen dalka dibeddiisa ka dhageystay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo soo bandhigay guulihii ay xaqiijiyeen safarradooda.

    

Xoghayaha Jaamacadda Carabta oo soo dhoweeyey Safiirka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda JFS

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ku soo dhoweeyey Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare.

Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Ali Abdi Awaare si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Ali Abdi Awaare ayaa dhankiisa uga Mahad celiyay Ururka Jaamacadda Carabta kaalinta wax ku oolka ah ee uu Markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, sidoo kale danjiraha wuxuu tilmaamay muhiimada ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Carabta wuxuuna xaqiijiyay iney ka go’an tahay soo celinta kaalintii muuqatay ay soomaaliya ku laheyd Ururka Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Danjire awaare ka qeyb galay Danjiraha dalka Mauritania oo doorkaan ah Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.

    

Gaza:Israel oo dishay 32 ruux oo ku sugnaa goob iskuul ah

Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen,halka  tobannaan kalena uu soo gaaray dhaawacyo,kadib markii Israel ay  weerar xagga cirka ah ku qaadday iskuul ay maamulaan Qaramada Midoobay oo ku yiillay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Gaza,halkaas oo gabbaad u ahaa  dad barakacayaal ah.

Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalka ay bartilmaameedsadeen dugsi ay maamulaan hay’adda Qaramada Midoobay ee gargaarka dadka falastiin (UNRWA).

Afhayeenka Xafiiska Warbaahinta Dowladda Ismaaciil al-Thawabta ayaa sheegay in Isbitaalka Al Aqsa uu hadda marayo saddex laab awoodiisa caafimaad iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen dugsiga UNRWA.

In ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza ayaa la saadaaliyay in bartamaha bisha soo socota ay la kulmi karaan macluul heerkeedu sarreeya  haddii ay colaadda Gaza ay sii socoto,sidaa waxaa digniin ku bixiyay hay’adaha Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale,joojinta dagaalka Gaza oo si buuxda loo soo afjaro iyo ka bixitaanka ciidamada Israel ayaa lagama maarmaan u ah Xamaas inay ogolaato soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta, ayuu yiri hogaamiyahooda.

Madaxa difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in aan la joojin doonin dagaalka inta lagu jiro wadahadalada.

Ugu yaraan 36,586 qof ayaa la dilay halka 83,074 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.