Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labada Ra’iisul Wasaare, ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, ayaa dhankiisa ballanqaaday in dalkiisu uu gacan ka siin doono Soomaaliya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan.

Soomaaliya ayaa la tagtay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika qorsheyaal cad oo qeyb ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-soo kabashada dalkeenna, kuwaas oo ay gacan ka geysan doonto dowladda Kuuriyada Koonfureed

Wasaaradda waxbarashada XFS oo shaacisay xilliga la qaadayo Imtaxaanka Fasalka 12-aad ee dugsiyada

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS ayaa shaacisay xilliga u si rasmi ah u furmayo qorshaha lagu galayo Imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2023-2024,waxaana la gali doonaa 22-ka bisha June,2024.

Tiradda ardayda la filayo in ay ka qeyb-galaan Imtaxaanka qaranka ee dugsiyada sare ayey wasaaradda waxbarshada ku sheegtay in ay gaarayaan illaa 37200 oo arday ay u qorsheysay in ay u fariistaan Imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka sida u qorshahu yahay.

Imtaxaanka ayaa furmaya 22-ka bishaan June ee aan ku guda jirno sida ay u xaqiijisay warbaahinta qaranka wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada,hiddaha iyo tacliinta sare Nuura Mustaf Mukhtaar iyadoo hoosta ka xariiqday in sannadkaan ay wasaaradda waxbarshada isbadal ay ku sameysay habka loo qaadayo Imtaxaanka,lana adkeyay sharuucda qaadista Imtaxaanka,iyadoo intaas ku dartay in goobo horle markii ugu horeysay lagu qabanayo Imtaxaanka dowladda oo ay ka mid yihiin deegaanadda laga xoreyay Khawaajirta.

”Imtaxaanku wuxuu bilaabanayaa dabayaaqada bishaan June oo ku beeggan 22-keeda bisha lixaad ee sannadka 2024,sannadkaan waxaa ka qeyb -gali doona 37200 oo arday oo guud ahaan dalka oo dhan ah,wasaaradda waxaa masuuliyad ay ka saaran tahay in ay diyaariso Imtaxaanka oo ay ku gaarsiiso si nabad ah,goobihii Imtaxaanadka lagu galayo ee dalka oo dhan ah,gobolka Banaadir iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.”

 

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashigooda dhinaca duulista

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Talaadadii shalay qaabishay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Karin Johansson, iyadoo marka uu kulankaa soo dhammaaday ay Danjiraha Midowga Yurub booqasho ku soo gaartay xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee caasimadda Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Xasan oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyay Danjiraha Midowga Yurub , ayaa warbixin ka siiyay howlaha shaqo ee Hay’adda oo horumarradii u dambeeyay ay gacan ka gaysteen xaqiijinta bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya iyo gobolka.

“Horumaradii u dambeeyay ee qalabka iyo khibrada howlwadeennada waxay sare u qaaday kobaca dhaqaalaha dalka iyo bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya.” ayuu yiri Maareeye Axmed Macallin oo intaa ku daray xoojinta iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada Duulista Rayidka inay sidoo kale gacan ka gaysanayso sare u kac ku yimaada horumarka adeegga Duulista Soomaaliya.

Adeegga Duulista Rayidka Soomaaliya oo ku jira hannaan horumarin ah ayaa ka faa’iideysanaya khibrada iyo aqoon iswaydaarsiga uu la yeelanayo ururrada caalamiga ah iyo dalalka horumarka ka sameeyay adeegga Duulista , iyadoo Midowga Yurub uu Soomaaliya la leeyahay iskaashi khibrad wadaag iyo horumarinta xirfadaha howlwadeennada ka howlgalla Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maanta xukun ku ridday xubin ka tirsan khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah markii lagu helay in uu ka mid ahaa khawaarijta nabad-diidka.

Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Qalabka G/le, Maxamed Cabdi Muumin ayaa sheegay in eedeysane Karaama uu Khawaarijta u qaabbilsanaa uruurinta lacagaha shacri darrada ee ay nabad-diidku ka qaadan jireen qaar ka mid ganacsatada Muqdisho.

Maxamuud Maxamed Macalim oo khawaarijta ku biiray 2020-kii ayaa argagixisada siin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere, isagoo sidoo kale u gudbin jiray qiyaasta qiimaha hantida taalla goobtaasi ganacsi iyo taleefanka meheradda si loo handado loogana qaado lacag sharci darro ah.

Dhagar qabe Karaama ayaa gacanta hay’adaha amniga soo galay 29-kii January ee Sanadkan, iyadoo kiiskiisa uu soo maray marxalado kala duwan.

Duqa Muqdisho: Adduunka dhan ayay saameeyeen baraha bulshadu laakiin dowladaha waa weyn way xakameeyeen

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhibaatada ay baraha bulshadu ku hayaan Caalamka oo idil ay ka jirto balse ay dowladaha awoodda leh ay xakameeyaan.

“Adduunka dhan ayay saameeyeen baraha bulshadu laakiin dowladaha waaweyn way xakameeyeen, haddaan Soomaali nahay kuwii qurbaha joogay iyo kuwii dalka joogay waxa ay doonaan ayay iskaga hadleen”.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay shirka Saameynta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaaduhu ku leeyihiin nabadda iyo Xasiloonida ayaa intaa ku daray in dadkeennii qurbaha joogay iyo kii dalka joogay ay caadaysteen in ay ku hadlaan wixii ay doonaan, balse toosintooda ay mas’uuliyad ka saran tahay dowladda, isagoo u mahad celiyay ciidamada ammaanka oo door weyn ka qaatay xakamaynta dadka fidnada ka abuuraya baraha bulshada.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in damiirka aadmigu uu dhinto marka la waayo cid ka hadasho, cid diiddo ama ka hor timaadda xumaanta la faafinayo, wuxuuna rajo ka muujiyay fahamka haatan laga qaatay baahinta wararka been abuurka iyo waxyaabaha dhaacaya dhaqanka iyo caqiiddada.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo sheegay in labo sano oo ay maamulayaan adeegga Xajka aanu dhicin shirkad laaluush laga qaatay

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo kulan kula yeeshey magaalada Barakaysane ee Makah Almukaramah ee Sucuudi Carbiya, xubnaha guddiga adeegga Xajka ee (Bicisada) ayaa si weyn uga hadlay dadaalkii lagu bixiyay in isbedel lagu sameeyo addeegga Xajka mudadii labada sano oo ay maamulayeen, isagoo intaasi ku daray in aysan jirin shirkad laga qaaday wax laaluush ah.

Wuxuu sheegay wasiir  Roobow in uu jiro isbedel ka duwan kii sanadkii hore,Mosimka Xajka 1445HJ/2024 waxaa isbedel ku yimid addeegyada Xujeyda, deegaanada la dejiyay oo ku dhow Xaramka iyo qorshayaasha kale ee loo diyaariyay maalmaha lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka oo loo diyaariyay culimaa’udiin wacyigelin joogta ah u sameyn doonaan xujeyda si loo jiheeyo.

Mudane Mukhtaar Roobow Cali wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday  in weli ay jiraan dad ku howlan dacaayado been abuur ah, wuxuuna yiri”.

“.Runtii ilaahay waxaan uga mahadinaynaa laba sano aan maamulaynay adeegga Xajka sanadka 2aad  ma dhamaanine hada unbaa shaqadiisa kujirnaa, shirkadihiina way joogaan ma jirto shirkad wax laaluush ah laga qaatay,waxaa dhici jirtay Fiisooyinka (Bicisada) ee guddiga adeegga Xajka) oo suuqa lagu kala iibsan jiray, laba sano oo aan joognay ma dhicin intii tabar ah ayaan dadaalnay alxamdullilaah, kuwa been abuurka suuqyada la jooga keena cadeyn,waxaan uga mahadcelinayaa dhamaan xubnaha guddiga addeegga Xajka iyo shirkadaha oo wada jir u shaqeeynayay”.

“Nin culimu ah ayaa igu yiri dhowr iyo toban milyen oo lacag ah ayaa dhacday ama waxba ma ogide gacantadaa wax lagu cuney,waxaan ku iri, majirto, gacantayna anay igu taalaa oo waxba laguma dhici karo, arrintaasi ayaa dhacaysay iyadooo shaqadii lagu jiro marka waana imtixaanka, waana uga mahadcelinayaa dadkii shaqadaadasi kaalinteedi lahaa, sida guddiga bicisada iyo madaxda shirkadaha”. ayuu yiri wasiir Roobow.

Sababta ka dambeysa isbedelka ayuu ku tilmaamay wasiirku in ay qeyb ka tahay is fahamka dhanka shaqada ah oo dhexmaray laga bilaabo wasaaradda Awqaafta, guddigga Bicisada iyo shirkadaha daabulka xujeyda Soomaaliyeed oo meel uga soo wada jeestay sidii looga gaashaaman lahaa caqabad ku timaadda adeegyada xajka.

Madaxda wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo fulinaya waajibaadkii ay u igmadeen madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay in ay sameeyn qiimo jaban iyo adeegyo hufan,waxaana wasiir Mukhtaar Roobow uu sheegay in aan dhici doonin in sare loo qaado qarashaadka Xajka, in qiimo dhimis lagu sameeyo mooyee,wuxuuna ugu baaqay xujeyda Soomaaliyeed in ay muujiyaan samir iyo dulqaad inta lagu guda jiro gudashada acmaasha xajka.

Laga bilaabo Garoonka Diyaaradaha Madiinatul Xujaaj ee magaalada Jidah ee dalka sucuudiga, Magaalada Madiina almunawaraha siyaarada goobaha taariikhiga ah iyo Rowdada Masjidu nabawi waxaa lagu diyaariyay adeegyo loogu utalagalay xujeydo in loogu fududeeyo baahiyaha ay qabaan, iyadoo intaasi kadib loo gudbinayo magaalada Makah halkaasi oo ay ugu dambeyn iskugu diyaariyaan gudashada acmaasha Xajka.

Dadaaladii la sameeyey ayaa hor seeday in Dowladda Sucuudiga ay  ku amaanto Soomaaliya isbedelka iyo horumarka dhanka maamulka adeegyada xajka,si lamid ah dowladaha kale,waxaana sanadkan xujeydu ay deganyihiin meel aan ka fogayn xaramka, iyadoo laga guuray hoteeladii sanadkii hore loo degnaa taasi oo u sahlaysa in si fudud ay u gutaan cibaadada.

W/Q: Cali Cabdulqaadir Cali

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XFS oo gaaray Jowhar

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay madaxa hay’adda horumarinta Kuuriyada Koofureed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha hay’adda horumarinta Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug leh loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Madaxweynaha hay’adda KOICA ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan hindisayaasha uu Raii’sul Wasaaraha kala hadlay, gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee koonfur Afrika oo kulan laqaatay Culimda Soomaaliyeed ee dalkaasi

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee South Africa ayaa la kulamay Guddoonka sare ee hay’adda Al-bayaan ee ka jirta dalkan South africa.

Kulan sharafeedkan ey maamulka sare ee Al-bayaan u sameeyeen Safiirka ayaa looga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay sidii la isugu xiri lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka koonfur Africa iyo dawladdooda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay caqabadaha Jaaliyadda haysta iyo xallintooda, waxaana la isla qaatay sidii loo garab istaagi lahaa dowladda Soomaali.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka

Taliyaha ciidanka XDS Sarreeye Gaas, Ibraahim Sheekh Muxyaddiin oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Italy loona yaqaan Taallada geesiyaashii Ciidamada Talyaaniga.

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu Hogaaminayay Taliyaha Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamadda Military-ga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Intaa ka dib Taliyaha Ciidanka XDS Ibraahim Sheekh Muxuddiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga, Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii Dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.