Shirka Saameynta Wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha oo maalintii labaad galay

Shirka Saameynta Wararka been abuurka ah iyo kicinta colaaduhu ku leeyihiin nabadda iyo Xasiloonida ayaa maalintii labaad galay, kaas oo shalay ka furmay Muqdisho.

Maanta waxaa xoogga la saarayaa doodaha la xiriira sharciyada iyo xal u helidda aaladaha loo isticmaalo been abuurka iyo kicinta colaadaha sokeeye.

Kulanka waxaa hadallo ka jeedin doona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir , Saraakiisha ugu sarreeysa laamaha ammaanka ee Soomaaliya, qaar ka mid ah ms’uuliyiinta hay’adaha dowladda, Sharci yaqaanno iyo marti Sharaf kale.

Wasiirka Awqaafta XFS oo kulan la qaatay maamulka Xujeyda iyo Shirkadaha Xamlooyinka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa kulan la qaatay madaxda u adeegayso xujayda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku ammaanay madaxda shirkadaha xambaara xujayda iyo Guddiga madaxda ka ah u adeegida xujayda Soomaaliyeed,Muddada labada sannada ah oo sanad hadda lagu jiro shaqadiisa.

“Ilaahay subxaana watacaalaa ayaan ugu mahad celinayaa shaqadaan nagu imtaxaanay naguna asturay, intii aan joogay labadii sano lacagta Xajka inaan wax ka dhinno maahee waxba laguma darin taasna Allaah ayaa ku mahadsan”.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa mahdiyay sida ay u maamulayso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta arrimaha Xajka, ayaga oo sheegay in loo qabtay adeegyadii ay u baahnaayeen hadda.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo la kulantay safiirka Midowga Yurub

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Xil Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya danjire Karin Johansson, kulankan oo la xiriiray iskaashiga dhinacyada Gadiidka iyo Duulista oo ku dhisan horumarinta adeegga iyo khibrad wadaaga. Taa oo gacan ka gaysanaysa in howlwadeennada Waaaradda ay ka heli karaan Midowga Yurub , tababaro iyo khibrad wadaag, si loo siiwado hiigsigeenna in nidaamka Duulista Rayidka ee dalkeenna uu noqdo midka ugu horumarsan Afrika.

Wasiirka wasaaradda Fardowsa ayaa uga mahad celisay Safiirka Midawga Yurub Taageerada ay ku bixso Midawga Yurub Dawlad Dhiska Soomaliya sida Amniga iyo Gaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.

Soomaaliya oo kursi aan joogto ahayn ka helaysa golaha ammaanka ee QM

New York: Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan lagula tartami doonin kursiga wadamada Afrika.

Inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhacaya 6-da June ayaa la qorsheeyay in codbixinta la qaado.

Soomaaliya ayaa ah dalka matalaya Qaarada Afrika, mana jiro dal kale oo Afrika ka socda oo tartanka la galaya, waxaana ay noqon doontaa markii labaad oo Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, iyadoo ay ugu dambeysay 1971 ilaa 1972.

Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka heshay ururka Midowga Afrika oo ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS dnjire Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka.

Laga bilaabo 1-da Janaayo 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31-ka December 2026.

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laami ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo Guryeynta XFS Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laami ah oo ay iska kaashanayaan dhismaheeda Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, kaas oo dhererkeedu yahay 4.5 KM.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa umahad celiyay Wasaaradda Howlaha Guud ee Federaalka iyo dhinacyadii kale ee kasoo shaqeeyay hirgelinta mashariicdan.

Wasiir Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa sheegey in horumar la taaban karo laga gaaray dhismaha waddooyinka Kismaayo iyadoo wejiga labaad uu maanta billowday, wuxuuna reer Jubbaland u rajeeyay in ay ka faa’ideysan doonaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka Jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada koofureed iyo Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika waxa uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Mudane Xamsa waxa uu ka hadlay in Soomaaliya ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isla markaana Alle ugu deeqay kheyraad dabiici ah, isagoo Intaa raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Kuuriyada koofureed.

Wasiir Maareeye oo soo xiray Mashruuca Kobcinta Beeraha yar yar

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta soo xiray Mashruuca Kobcinta Beeraha yar yar.

Mashruucan waxaa maalgaliyay Dowlada Sweden waxaana fulintiisa iska kaashaday Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO iyo Hay’adda cunnada Qaramada Midoobay ee WFP, iyadoo ay ka faa’iideysteen qaar ka mid ah beeraleyda Soomaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku baaqay in loo midoobo ka hor tagga wararka been abuurka ah

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa wararka been abuurka ah ee sida qaldan loo baahiyo.

Wasiirka oo furay Shirka Saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida ee lagu qabtay Muqdishho ayaa intaa ku daray in Technologyadda casriga ah ee la haysto loo adeegsado dhanka wanaagsan oo lagula dagaallamo xumaanta.

Wuxuu mudane Daa’uud Aweys xusay in xilligan uu dalku marayo xaalad soo kabasho ah, sidaas daraaddeedna uusan u baahnayn in laga shaqeeyo kala daadinta Umadda Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo aaladaha casriga ah.

“Bulshadeenna ay colaaduhu ragaadiyeen waxay haatan ku jirtaa marxalad dib usoo kabasho ah iyo in loo abuuro jawi is-afgarad iyo kalsooni soo celin ah, sidaad ogtihiinna waqtigan casriga ah ee aynu ku nool nahay horumarka dhinaca Technologyadda halkii ugu sarreysay ayuu marayaa waxaana si sahlan noo saameeyay in si fudud loo faafiyo wararka been abuurka ah oo bulshada Qatar ku ah jiritaanka Umaddeenna, anshaxa, diinteenna xaniinka ahna wax u dhimaya”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay ka dowlad ahaan anay indhaha ka qabsan doonin faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo sababi kara iska horkeenka bulshada, hurinta colaadaha, baahinta anshax xumada IWM.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa socon doona muddo laba cisho ah, iyadoo looga doodi doona dhibaatooyinka ay sababaan wararka been abuurka ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Mas’uul ka tirsan maamulka Abiy Axmed oo la dilay iyo amniga Itoobiya oo faraha kasii baxaya

Alebes Adefrash oo ahaa madaxii degmada Efratana Gidem gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gurigiisa xilli habeen ah.

Maamulka degmadu ma sheegin cidda ka dambeysay dilka  mas’uulka, mana jirto sidoo kale cid loo soo qabtay.

Dilka Alebes ayaa ah dilkii ugu dambeeyay weerarro xiriir ah oo lala beegsaday mas’uuliyiinta gobolka Axmaarada.

May 01, 2024, gudoomiyaha degmada Lasta Getachew Melise iyo madaxa xafiiska caafimaadka Million Afewarqi ayaa lagu rasaaseeyay  meel u dhow Lalibala kadib shir ay ku yeesheen magaalada Waldiya, isla weerarkaas waxaa lagu dilay qof kale, waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Sannadkii hore, bishii July 2023, Cabdi Xuseen, oo ahaa madaxa amniga ee Waqooyiga Shewa ee magaalada Shewa Robit ayaa la toogtay mana jiro wax daba gal ah oo lagu sameeyay dilkiisa.

Dilka Cabdi Xuseen waxa ka horreeyay dilkii loo gaystay Kormeere Zewdu Tadele iyo ku xigeenkiisi Worku Shimelus, kuwaas oo la dilay iyaga oo ku guda jira kormeerka imtixaan ka socday bariga Gojam.

Horraantii April 2023, Girma Yeshitila, madaxii xisbiga xukuma Itoobiya  ee gobolka Amxaarada iyo shan qof oo kale ayaa lagu dilay Waqooyiga Shewa.

Dadka u dhuun duleela qalalaasaha ka socda Itoobiya ayaa maamulka Abiy Axmed ku eedeyay dilka qaar ka mid ah maamulkiisa, kuwaas oo laga shakiyay ama muujiyay sida ay uga xunyihiin xasuuqa ka socda qaar kamid ah gobollada dalkaas.

Arrinta shakiga abuurtay ayaa ah in aan wax baaris ah lagu sameynin dhammaan dilalkii qorsheysnaa ee looga takhalusay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobollada.

SoDMA oo tababar ku aaddan ka jawaabista xaaladaha degdegga ah kusoo gebagabaysay Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa tababar kor loogu qaadayay aqoonta dhallinyarada iyo mutaddawiciinta Soomaliyeed ugu soo xirtay Muqdisho.

Tababarkan ayaa loogu tala galay in ay ka faa’iideystaan in ka badan 30 qof oo ka tirsan dhallinyarada iyo mutaddawiciinta ku nool Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saarayay aqoonta aasaasiga u ah fahamka u diyaar-garawga iyo ka jawaasibta musiibootinka deg degga ah erey cilimiyeedyada la xiriira arriamah maareynta musiibooyinka, fahamka hoggaaminta iyo maamulka arrimaha u diyaar garowga iyo ka jawaabsita deg degga ah.

Tababarkan waxaa hay’adda ka caawiyay Hay’adda Horumarinta Mashaariicda ee Qaramada Midoobay (UNDP), hadafkiisana waxa uu yahay suurta galinta hannaan wada shaqaynayd ee ka dhexeeay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mutadawiciiinta ah ee ku nool Magaalda Muqdishu.

Maareeyaha Xarunta Qaran ee Howlgaladda Gurmadka Degdega ee Hay’adda SoDMA md. Xasan Ciise ayaa soo xiray tababarka uguna mahadceliyay la taliye sare Mukhtar Sheekh Xuseen oo isku soo dubariday qabashada tababarkaan ahna tabbabaraha, sidoo kalana kula dardaarmay dhallinyarada iyo mutadawiciinta Soomaliyeed, asigoo xusay in qaybo kale oo dhalinyarada ah horay loogu qabtay tababarkan lana sii wadi doono.