Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo dambi ku weysay mas’uuliyiin ku eedeysnaa musuq maasuq

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan mas’uul ee maanta dembiga lagu waayay ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha WasaaraddaShaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad taabaneysa dhinacyo badan.

Ra’iisul Wadaaraha ayaa khudbaddiisa wuxuu kaga hadli doonaa qodobbo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dedaalka ay waddo dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

ISKA FOGEEY KHASHINKA SI AAD UGA BADBAADDO CUDURRADA HALISTA AH

Cadowga ugu daran adduunyada waa cudur waayo cudurku wuxuu sababaa caafimaad Darro, caafimaad daarana badanaa waxaay ka timaadaa nadaafad darro taasoo bulshadeenu inta badan aysan ku baraarugsaneyn haatan.

Waxaa la yiraahdaa wasaqda iyo qashinka inta ay kuu jiraan ayuu cudurkuna kuu jiraa, macnaha qashinku wuxuu dhaliyaa caafimaad darro marka dadku waa inay ka fogaadaan meelaha qashin qubka.

Nadaafadda waxaa lagu tilmaamaa inay tahay imaanka barkiisa, waxaadna arkeysaa markaad nadiif tahay waxaad isku qabtaa kalsooni badan sidoo kale marka gurigaa iyo deegaankaadu nadiif yahay waad ku farxeysaa.

Dabcan meel walba oo bulsho ku nooshay waxaa ka dhalanaya khashin aad u fara badan khasinkaas wuxuu u baahan yahay maareyn iyo agaasin gaar ah oo loogu sameeynayo meelo khasinka lagu shubo isla markaana ay jiraan gawaari ka sii qaadda meeshaas iyagoo geynayaa meel ka fog magaalada isla markaana lagu gubo halkaas iyadoo loo yeelayo shaqaale u gaar ah.

Dal walba dalka uu ka nadiifsan yahay isha caalamka way qabaneysaa oo way arkeysaa, xitaa degmadaadu haddey tahay degmo nadaafaddeedu sarreyso waa la amaanayaa wallaahi waa degmo aad u nadiif oo qurux badan baa la leeyahay.

Haddaba, guri walba iyo goob gasta oo ganacsi waxaa ku waajib ah inay khashinka iska fogeeyaan iyagoo aan muslimka kalena ku dhibeynin waxa ay iyaga iska soo fogeeyeen.

Wasaqda waxay marriin u tahay cudurrada kala duwan gaar ahaan cuncunka jirka ku dhaca oo kale.

Qof ahaan samee wixii kaaga aaddan nadaafadda deegaankaada jirkaada iyo gurigaaga intaas qof waliba haddii laga helo deegaanka oo dhan baa nadiif noqonaya.

Dowladda dhankeeda waxaa looga baahan yahay in deegaan walba ay u qorto dad u qaabilsan shaqadaas oo mushaari ah, lagulana xisaabtamo nadaafadda degmada.

Shaqaalaha noocaan ah way jiri jireen waagii hore oo waxaa la oran jiray isbisiini oo waayadaan dambe dadka ay u yaqaanaan malaamilleey sidoo kale waxaa jiray wax loo yaqaannay khasin qubka oo ahayd meel dhowrsan oo xiran halkaasoo guri walba iyo mehradkasta ay ku shubi jirtay khasinkeeda.

Dhanka kale, xilliyada roobka waxaa jira meelo biyo fadhiisi ah biyahaas oo muddo ka dib isu beddela wasaq ay ka dhashaan cudurrada waayo caruurtu way iska dhex gelayaan oo dhex dabaalanayaan ka dibna way ku xanuunsanayaan biyahaasna hadda in laga fikiro oo wax laga qabto ayay ku habboon tahay.

Sidoo kalena bulaacadaha iyo musqulaha dadka qaarkiis ay ku soo deeyaan xaafaddaha qaar waa in wax laga qabtaa oo lagula xisaabtamaa

Shacab iyo dowladba waxaa nagu waajib ah in aan ku dadaalno nadaafadda dalkeenna iyo bilic soo celitiisa.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

ISKA BIXI CANSHUURTA SI LOO DHAMEYSTIRO MASHAARIICDA QABYADA AH

Dal waxaa dhisa dadkiis, dal marka lagu leeyahay waa in la helaa dad dal xuduuda leh, calan, lacag, iyadoo intaasba ay jiraan ayaa haddana waxa uu ku taagan yahay dal waxaa ugu horreeya waa canshuur bixinta dadka iska leh dalka dowladna ma jiri karto haddeysan qaadeynin canshuur.

Canshuurtu macnaheedu maahan in ay baad tahay ee waa ajuuro uu kugu leeyahay dalkaada xaqna ay kugu tahay inaan iska bixiso, canshuurtu maahan wax laga qaado gibilka dadka ee waa mid laga qaado ganacsiga ama guryaha iwm.

Haddaadan aqoon canshuurta waxaa weeye lacag qidmo yar ah oo laga qaado sannad ka sannad bulshada sida shatiyada dukaamada, carwooyinka, bakhaarrada, hotteellada, garaashyada, guryaha dadweynaha noocyadooda kala duwan, gaadiidka dadweynaha nooc walba iwm.

Canshuuraha la qaado waxaa ugu muhimsan soomaaliya canshuurta dekadaha, iyo airoporka, maadaama canshuurta laga qaado ganacsatada iyo bulshada inteeda kale kuma filna dalka oo mar walba dalka wuxuu u baahan yahay kab laga helo dibadaha.

Haddaba, muwaadin haddii aad bixin waydo lacagta kugu waajibatay ee canshuurta sanadlaha ah maxaa dhici kara.

Sida aan wada ognahay dal kasta wuxuu leeyahay mushkilado u gaar ah inta aan la gaarin mashaariic horumarineed

Matalan haddii ay dhacaan fatahaadaha dowladdada waxaa looga baahan yahay gurmad deg deg ah, haddii uu hoos dhac dhaqaale dalka ku habsato waxaa loo baahan yahay in durba la kabo, intaasoo wasaaradood iyo hay’ado kala duwan waxaa la siiyaa mushaar bileed, iyadoo ay dheer tahay howlaha gaarka lagu socodsiiyo .

Sidoo kale, dalkaan wuxuu u baahan yahay ciidammo kala duwan oo dalka ka difaaca cadowga nuucyadiisa kala duwan iyagana waxaa la siiyaa mushaar bille ah

Intaas iyo in ka badan ayuu dal leeyahay waxaana lagu kala maareeyaa canshuurta yar ee adiga bixiso, marka muwaadin yaysan kugu adkaanin in aad bixiso canshuurta sanadka oo ah midda lagu kala socodsiiyo howlaha ay dowladdu waddo.

Canshuuraha kuwa diidaa waxaa lagu sifeyn karaa dal iyo dowlad diid aan mas’uul ahayn isagoo karaya in uu bixiyo canshuurta ku waajibtay haddii uu geliyo wax hagar ah kaasi maahan muwaadin sax ah ee waa cadow ka soo horjeeda horumarka dalka/

Haddaan kuu soo dhaweeyo isbitaallada iyo dhaqaatiirta mar waliba heeganka kuugu jirta waxay ku shaqeeyaan waa canshuurtaada, waxa daawada lagu keeno waa canshuurtaada, waxa dugsiyada lagu dhiso waa canshuurtaada waxa dalka lagu difaacayo sidoo kalena waa canshuurtaada.

Haddaba haddaad tahay muwaadin dhab ah waa in aad iska bixisaa canshuurta kugu waajibata adigoon ka meer meerin waa talo adiga iyo annagaba na’anfaceysa

Waxaana kaa rajeyneynaa in aad u qaadato sida ay tahay adigoo u daneynaya jaceyla dalkaaga iyo calankaada.

WQ: Osman Dhiblaawe

Shir ku saabsan saameynta faafinta wararka been abuurka oo ka furmay Muqdisho

Shirka Saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya masuuliyiin ka tirsan dowladda, saxafiyiin, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkaan oo goordhow furmaya waxaad si toos ah ugala socon doontaan Warbaahinta Qaranka

SoDMA oo tababar ku aaddan ka jawaabista xaaladaha degdegga ah kusoo gebagabaysay Muqdisho

-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa tababar kor loogu qaadayay aqoonta dhallinyarada iyo mutaddawiciinta Soomaliyeed ugu soo xirtay Muqdisho.

Tababarkan ayaa loogu tala galay in ay ka faa’iideystaan in ka badan 30 qof oo ka tirsan dhallinyarada iyo mutaddawiciinta ku nool Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saarayay aqoonta aasaasiga u ah fahamka u diyaar-garawga iyo ka jawaasibta musiibootinka deg degga ah erey cilimiyeedyada la xiriira arriamah maareynta musiibooyinka, fahamka hoggaaminta iyo maamulka arrimaha u diyaar garowga iyo ka jawaabsita deg degga ah.

Tababarkan waxaa hay’adda ka caawiyay Hay’adda Horumarinta Mashaariicda ee Qaramada Midoobay (UNDP), hadafkiisana waxa uu yahay suurta galinta hannaan wada shaqaynayd ee ka dhexeeay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mutadawiciiinta ah ee ku nool Magaalda Muqdishu.

Maareeyaha Xarunta Qaran ee Howlgaladda Gurmadka Degdega ee Hay’adda SoDMA md. Xasan Ciise ayaa soo xiray tababarka uguna mahadceliyay la taliye sare Mukhtar Sheekh Xuseen oo isku soo dabariday qabashada tababarkaan ahna tabbabaraha, sidoo kalana kula dardaarmay dhallinyarada iyo mutadawiciinta Soomaliyeed, md xasan ayaa xusay in qaybo kale oo dhalinyarada ah horay  loogu qabtay tababarkan lana sii wadi doono.

Wasiirka arrimaha dibadda oo u safray New York

Wasiirka arrimaha dibadda iyo isaashiga caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah u kicitimay Magaalada New York, isaga oo hoggaaminaya Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalaya meertada 78aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka oo lagu wado inay qabsoonto 6 bishan June.

Laga bilaabo 1 Janaayo, 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31 December, 2026.

Musharraxnimada Soomaaliya ee kursiga furan ee Afrika ee xilligan u gaarka ah bariga Afrika, waxa ay ku hanan doontaa si aan tartan ku jirin, taasi oo la jaan-qaadaysa hannaanka kaltanka wareegga ee kooxda Afrika.

Soomaaliya, ayaa musharraxnimadeeda ku dhawaaqday sanadkii 2018, waxa ay si rasmi ah taageero uga heshay kulankii caadiga ahaa, meertadiisa 44aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo qabsoomay bishii Febraayo, 2024.

Soomaaliya, oo xubin ka ah Qaramada Midoobey tan iyo gobonnimadeedii sanadkii 1960, waxa ay hore xubin uga noqotay Golaha ammaanka oo muddo xileedkeedu ahaa 1971-1972, waxa ay kaalin lixaad leh ka qaadatay qaadaa-dhigidda iyo go’aan ka gaaridda arrimaha nabadda iyo amniga caalamiga.

     

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka oo la kulmay safiirka Talyaaniga

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Bashiir Macallin Cali Xassan ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Pier Mario Dacco’ Coppi, Agaasimaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca duulista rayidka ee labada dal, iskaashiga iyo horumarinta arrimaha Agaroonada diyaaradaha, gaadiidka dhulka, bad-qabka waddooyinka iyo duulista rayidka.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadaa dowladda FS ayaa wadda dib u habeyn ballaaran iyo casriyeeyn ay ku sameynayso nidaamka gadiidka dalka, iyadoo wasaaradu ay horumarineysa adeegyada ay u hayso shacabka

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka hawlaha guud oo Kismaayo gaaray

Kismaayo: Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo Kismaayo u yimid howlo shaqo oo muhiim ah.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee XFS waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xubno uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Jubbaland, Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano ka tirsan DFS, Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS ayaa Kismaayo u yimid sidii uu indho indhayn ugu samayn lahaa mashaariic muhiim ah oo kasocda degmada Kismaayo iyo dhagax dhigga mashaariic kale oo la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Kismaayo kuwaas oo bulshada muhiimad gaar ah uleh.

Xarunta gurmadka ee hay’adda maareynta musiibooyinka oo la hirgaliyey

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin, ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.

Xaruntaan oo baahi badan loo qabay hirgelinteeda, ayaa loo aas-aasay isku xirka howllgalada gurmadka deg-dega ah, ka jawaabidda xaaladaha adag ay la kulmaan bulshada, iyadoo dadka dhibaatooyinka la kulma ama arka ay soo wicikaraan Numbarka Gaaban ee xaruntaan 449.

Tan iyo burburkii dalka kadib waa markii ugu horresay oo qeybtaan la daahfuro si bulshada soomaaliyeed loogu adeego.

Munaasabadan sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, iyo Masuuliyiin kale ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, Sida Culimo, Rugta Ganacsiga, Dhaqaatir, Odayaal iyo Masuuliyiin kale.