Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Labada Heer ee Jamhuuriyadda oo maalinkii labaad Soconayo

Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Labada Heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalinkii labaad soconaya oo ajanduhu yahay aqoon-isweydaarsi ku saabsan Sharciyada Hantidhowr ee labada heer, si loogu gogol xaaro hannaan wadashaqeyneed oo uu sharicigu saldhig u yahay.

Avv. Cali Sheikh Aadan Yusuf (Cali Somali) oo ka kamid ah martida maalinka labaad ayaa ka jeediyey Shirka mowduuc ku saabsan Isbarbardhigga sooyaalka sharciyadii hore ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo sharciga cusub ee Xafiiska XHG-JFS Sharci Lr. 14 ee 2023.

Sidoo kale Xafiisyada Hantidhowrka DXDF ayaa soo jeediyey sharraxaad ku saabsan Sharciyada ay ku shaqeeyaan, waxaana la is waydaarsaday arrimo la xariira gaabiska Sharciyada iyo sidii loo hormarin lahaa.

Dood ka dhalatay joogitaanka Ciidamada ATMIS ee Soomaaliya (WARBIXIN)

Waxaan la soconay in Madaxweynaha Kenya, William Ruto, uu sheegay in Kooxda Al-shabaab  ay qabsan doonto guud ahaan dalka Soomaaliya haddii ay baxaan Ciidanka ATMIS ee haatan dalka ku sugan, wuxuuna intaasi raaciyay inuu arrintaasi Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh uu kala hadlay in Ciidanka ATMIS aysan ka bixin Soomaaliya, balse ay isku fahmi waayeen arrintaasi, ugu dambeyntiina Madaxweynaha Kenya ayaa ka dalbaday Mareykanka in uu soo fara-geliyo islamarkaaana uu hakiyo qorshaha bixitaanka Ciidanka ATMIS, sidaasi awgeed ayaa la sheegay inuu daba socdo wadahadalada ay khadka Teleefanka ay ku wada xiriireen Madaxeynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha arrimha dibadda ee Maraykanka.

Villa Soomaaloiya ayaa daabacday warbixin kooban oo ka hadleysa wadahadalkii labada Masuul, waxa uuna u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud  oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaasi oo dhawaan loo soo magacaabay Wakiil KMG ah.

Dhinaca Dowladda Maraykanka ayaa iyagana war ka soo saaray wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka waxa uuna u qornaa sidan:-  “Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Md.Dr.Xasan Seekh Maxamuud wax ku saabsan la dagaalanka Argagixisadda iyo hadafyadda Amni ee la wadaago. Waxay kaloo ka wada hadleen baahidda loo qabo in la dhimo xiisaddaha Gobolka, dhammaystirka Qorshayaasha howlgalka Midawga Afrika(ATMIS) ee Soomaaliya ka dib, iyo sii socoshadda UNSOM”. Sidaasi waxaa Bartiisa X ee loo yaqiin Twitter soo galiyey Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mathew Miller.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo tafaasiil dheer ka bixyay joogitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa Jimcihii sheegay in dowladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS.

Dood cusub ayaa ka dhalatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana looga hadlay siyaabo kala duwan. Haddaba maxa uu ka yiri La Taliyaha Amniga Xuseen Sheekh Cali ayaa oo ka hadlay, waxaana uuna yiri:- “ waxaa jiri doonaan ciidamo ka socda Waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya, qeybna ka noqonaya howlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Jannaayo 2025-ka”.

Farriin uu ku qoray bartiisa X  ayaa Xuseen Sheekh Cali uu ku sheegay in ilaa inta Itoobiya ay sii waddo ku xadgudubka gobannimada, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya aysan Soomaaliya u tixgelinayn waddan loo gaashaanbuuraysto horrumarinta nabadda iyo amniga gobolka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka KGS ayaa si adag uga soo horjeestay hadalkii La Taliyaha Amniga Qaranka Md.Xuseen Shiikh. Waan ognahay in maamulka KGS yahay mid Amni ahaan gacanta ugu jira Itoobiya sidee doontana ka yeesho nolosha shacabka KGS. “Ciidanka Itoobiya ee ku sugan KGS weligood ma weerarin saldhigyadda Alshabaab manaba ka qabsan dhul Alshabaab haystay tan iyo markii ay soo galeen Soomaaliya 16-sano ka hor”, sidaa waxaa qabaa Qoraa Ahmed W. Baj. “Haddii Wasiirkii Amniga Dowalad Goboleedka KGS sidaan u hadlaayo goormee ayaa Alshabaab laga xureeynaa KGS ayay tahay Su’aasha la is weydiin karo. In dagaalka Alshabaab ay qeyb ka noqoto KGS, waa iska Alif Macallin tiray haddiiba Wasiirkii Amniga ee Koonfur Galbeed u hadlaayo sidaan”, ayuu sii raaciyay Qoraaga.

Howlgal ka dhacay Puntland oo lagu soo qabtay Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta

Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal lagu xoojinayo amniga magaalada ayaa soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Khawaarijta Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka guracan ee Khawaarijta, waxaana ku socda baaritaan.

Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ku soo baxday liiska dalalka sida wanaagsan ugu adeegay xujeydooda

Makkah- Ka dib markii dhawaan dowladda Sacuudigu shaacisay in Soomaaliya ay kaalinta 5-aad ka soo gashay dalalka sanadkaan sida wanaagsan ugu adeegay xujeydooda ayaa maanta waxaa xafiiska Arrimaha xajka dowladda Soomaaliya ee Magaalada Makkah ka qabsoomay shir arrintaas ku saabsan.

Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda bicisada dowladda Soomaaliya iyo Guddi wasaaradda xajka dowladda Sacuudiga ay u xilsaartay qiimeynta dalalka muteystay abaalmarinta, waxaana Soomaaliya si rasmi ah loogu wargaliyay inay musharax u tahay jaa’isadaan oo noqoneysa markii ugu horreeyey ee Soomaaliya soo gasho liiska musharixiinta.

Madaxa xafiiska Arrimaha Xajka dowladda Soomaaliya Dr Khadar Xaaji daahir ayaa faah faahiyey muhiimadda kulankaan, wuxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan howlaha adeegga Xajka, isagoo dhinaca kalena sheegay in  in qiimeynta oo labo mar la sameeyo ay Soomaaliya ku soo baxdey Liiska koobaad ee gaaban.

“ Waa arrin aad loogu farxo in aan soo galno liiska Wadamada ugu horeeya, taasi waxa ay ku timid dadaal aanu sameyney” ayuu yiri Khadar.

Guddiga ayaa si uu ugu kuur galo adeegyada dowladdu u qabatay xujeyda Soomaaliyeed, waxaa uu booqday Hotelada la dajiyay xujeyda, Isbitaalada loogu adeego xujeyda iyo xafiisyada hoos yimaada Xafiiska Arrimaha Xajka.

In Dowlada Soomaaliya ay safka hore ka gasho Qiimeynta Wadamada safka hore kaga jira wadamada sida wanaagsan u nidaamiyay xujeydooda ayaa ku soo beegmey, xilli wasaarada diinta iyo Awqaafta dowlada federaalka Soomaaliyeed ay waqti hore bilowdey abaabulka howlaha Xajka, taasi oo keentey in dowlada Sacuudiga ay ku amaanto.

 

            

Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyay dowladda Talyaaniga

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu hambalyeeyay madaxda iyo shacabka Talyaaniga maalintooda taariikhiga ah, isagoo uga mahad celiyey kaalinta ay Dowladda Talyaanigu ka qaadato dowlad dhiska Soomaaliya, islamarkaana ku booriyay in ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaanno, taliyaal ciidan, danjirayaal iyo marti sharaf kale.

    

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.

Kulankaan ayaa looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicdii ay Dowladda Qatar hay’adda u ballanqaadday, dhameestirka waxa ka dhiman, sidoo kale Safiirka ayaa Guddoomiyaha ku wargeliyey in ka dowlad ahaan hay’adda ay la fulin donaan mashaariic cusub oo hor leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin u adkaysiga aafooyinka, soo kabashada iyo xalalka waara.

Mashaariicdaan ayaa hay’adda SoDMA waxa ay ka saacidi doonaaan helista Gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta goobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barakacyaasha dib u dajina loogu loo sameeyo goobihii ay ka yimaadeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar garab istaaggeeda walaalnimo, waxaana intaas kadib kormeer ku tageen xarunta qaran ee ka digista halis-wadareedka hay’adda.

Ra’iisul Wasaare XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb geli doona shir madaxeed ka dhacaya magaalada Seoul ee dalkaasi, kaasoo u dhexeeya Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, shirkaa oo lagu wado in uu qabsoomaya 4 – 5 Juun.

Maareeyaha guud ee HDRS; “ Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay sameyso taariikh cusub.”

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu dalka ku dhowyahay inuu qaado tallaabo kale oo ah horumarinta dhinaca duulista, isagoo ka warbixinnayay socdaal ay caasimadda Muqdisho ku soo gaareen khuburo ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika ( EAC-CASSOA).

Saraakiisha ka socota EAC-CASSOA, ayaa ujeeddda socdaalka ay muddo ka badan toddobaad ku joogaan Muqdisho waxay la xiriirta sidii ay u sameyn lahaayeen qiimeyn iyo ukuur-gelida sida ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ugu diyaar garoobi lahayd inay marto kormeerka (AUDIT) Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka ee ICAO.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin ayaa sheegay haddii uu dalka ka gudbo kormeerka (ICAO Audit), inay noqonaysa guul muhiimka iyo taariikh horleh oo uu dalka ka sameeyay kormeerka ICAO oo nidaamka Duulista Rayidka Qaranka aan horey loo marin, wuxuu intaa ku daray in hadda khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika inay gacan ka geysan doonaan sidii ay u qiimeyn lahaayeen heerka kormeerka , waxyaabaha dhiman iyo arrimaha ay tahay in la horumariyo ka hor ICAO Audit.

“Haddii dalkeennu ku baaso kormeerka iyo qiimeynta ICAO, nidaamkeenna Duulista Rayidka wuxuu gaaraya heerka ugu sarreeya ee caalamiga ah , waxayna diyaaradaha ka diiwaangashay dalka awood u yeelanayaan inaysan sameyn karaan duulimaadyo caalami ah oo ay ku tagi karaan caalamka oo dhan.” ayuu ku daray Maareeyaha guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin oo tilmaamay isku duubnimada dhammaan laamaha Duulista Rayidka ee dalka inay fududeyn doonto natiijo wanaagsan oo laga gaaro kormeerka ICAO.

Ugu dambeyntii, Maareeyaha Guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin wuxuu sheegay in khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika ( EAC-CASSOA) baaritaannada iyo qiimeynta ay ka sameynayaan waaxyaha HDRS inay ka soo saari doonaan warbixin la xiriirta sida ay natiijo guul ah Soomaaliya uga gaari karto kormeerka ICAO ee dhinacyada bedqabka iyo amniga duulista.

 

Dowladda Soomaaliya oo wadda da’daallo dalka dib loogu soo celinayo dhallinyaro ku dhibteeysan Dalka Liibiyo

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatooyinka dhallinyarada u tahriibtay dalka Liibiya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii dalkooda loogu soo celin lahaa, iyadoo dhawaan dalka ku soo celin doonto 15 kamid ah kuwa ku dhibaateysan halkaasi.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya kula kulmay koox dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkooda hooyo ku soo laabtaan ka dib markii dhibaatooyin badan la kulmeen xilli ay doonayeen inay ka sii tahriibaan wadankaas.

Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhallinyaradaan in 15 ka mid ah ay diyaar yihiin Tikidhadooda iyo waraaqihii socdaalka ay ku noqon lahaayeen oo 11-ka bishan June ay ka degi doonaan magaalada Hargeysa, halka 25 kale oo iyaguna is diiwaan geliyeen inay ka degaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo soo dhamaystiri doono documents-ka socdaalka inta aysan bishan June dhammaan.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku booriyay dhallinyaradan go’aanka geesinimada leh qaatay, isagoo ugu baaqay dhallinyarada kale ee faraha badan ee Tripoli jooga inay sidaas oo kale sameeyaan.

Wasiirka ayaa la wadaagay dhallinyarada horumarka la tiigsanayo sanadaha soo socda iyo maalgashiga caalamiga ah oo sahlaya shaqo abuur xooggan.

 

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo la guddoonsiiyay abaalmarin Caalami ah

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta (Excellence in Banking Award) oo ay bixiyeen Global Somali Awards, oo fadhigoodu yahay Columbus, Ohio, ee waddanka Mareykanka.

Abaalmarinta “Global Somali Awards (GSA)”, waxay ka tarjumeysaa horumarka laga sameeyey dib-u-habeynta Bangiga Dhexe sanadihii lasoo dhaafay. Waxyaabaha guusha laga gaaray waxaa ka mid ah, hirgalinta nidaamka isku xirka bangiyada dalka (NPS), hirgalinta habka lambarka koontooyinka bangiyada ee caalamiga ah, ee loo yaqaan IBAN, nidaamka lacag bixinta deg dega ah ee loogu wanqalay ‘SOMQR’ iyo hirgalinta xeerar iyo shuruuc kale oo qeyb weyn ka qaatay dib-u-habaynta hannaanka maaliyadeed ee waddanka.

“Abaalmarinta GSA waxay ku timid dedaalka hagar la’aanta ee ah ee ay sameeyeen shaqaalaha, madaxda iyo Guddiga Maamulka Sare ee Bankiga Dhexe oo is kaashanaya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Bangiga Dhexe.

Sannadkii 2023 ayaa sidan oo kale Bankiga Dhexe ku guuleestay Abaalmarin heer Caalami ah, oo ay guddoonsiisay, hay’adda la yidhaahdo “Central Banking”, oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.