DOWLAD WAA MIDDA DADKEEDU MAHDIYO (WARBIXIN)

Kal fadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobe ayaa Soomaaliya loogu doortay xubinimo aan joogta aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waa markii labaad mudo 52 sano ah Soomaaliya ay kursigan hesho, waxaana arintan ay daliil u tahay soo kabashada ay Soomaaliya ka sameysay arrimaha diblumaasiyada, amaanka iyo siyaasadda.

Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada. Soomaaliya ayaa soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku laheyd fagaareyaasha caalamka.

Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaangooyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasiloonida iyo siyaasadda, sidaas awgeed Soomaaliya ayaa qeyb ku yeelan doonta go’aanada waaweyn ee adduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo amaanka caalamka.

Hambalyo Soomaaali oo dhan in Soomaaliya loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waa Golaha sharci ahaan ugu sarreeya caalamka oo dhan. Waa kursi Soomaaliya weligeed mar keliya soo maray, ayna ugu dambeysay horraantii toddobaatanaadkii. Waxay ka mid tahay guulaha ka marqaati kacaya in Dowladnimada Soomaliya ay sii xoogeysaneyso, ayna sii baaheyso saameynteeda caalamka ee togani.

Hambalyo Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda oo dhan oo uu garwadeen ka yahay Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Si gaar ah hambalyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qarammada Midoobay, Abuukar Cusmaan iyo Danjirayaasha hore u soo shaqeeyay haddana ku wehliy fadhiga oo uu ugu ugu horreeyo Danjiraha Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika, Danjire Warfaa.

Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa heer Federaal iyo heer Gobol, mas’uul kasta oo kalkaan ama kal hore gacan ka geystay dib u soo kabashada iyo horumarinta Dowladnimada Soomaaliya. Guushaan Soomaali u soo hoyatay waa imtixaan ay tahay in ay Dowladdu caddeyso mowqifkeeda qaddiyad kasta oo caalami ah oo la soo hordhigo Golaha Ammaanka. Waliba waa xilli shanta xubnood ee joogtada ah, lehna awoodda ishortaagga go’aanka Golaha, uu cilaaqaadkoodu marayo meel aad u hooseysa.

Waxaan hubaa haddii wadatashi ku saleysan xog ogaalnimo, aqoon iyo falanqeyn qoto dheer, lagu saleeyo in Soomaaliya codkeedu uu noqon doono mid kor u sii qaada maqaamka Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay Afrika iyo Caalamkaba.

Soomaaliya ayaa kursigan si rasmi ah ugu fadhiisan doonto 1-da Janaayo 2025-ka, muddo labo sano ah ayuu noqonayaa muddo xileedka kursigan, iyadoo ay Soomaaliya xubinta aan joogtada aheyn ee UNSC ugu dambeysay muddo 53 sano, xilligaasi oo aheyd 1971-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray  in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025-26ka, wuxuuna uu ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya in ay tahay guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana  xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah, isagoo sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaasi oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga. “Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

Haddaba Dadka falanqeeya arimaha caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan “Kursigaan waa in aan Saaxiibo Cusub ku kasbanaa, kuwii horana ku xajisannaa oo aysan naga lumin.

Marka hore waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa hanashada kursiga aan joogtada aheyd ee golaha Amaanka Qaramada midoobey. Si gaar ah, waxaa mahadcelin iyo bogaadin naga mudan Madaxa Ergada Soomaaliyeed ee joogta Qaramada Midoobey, Amb. Abukar Dahir Osman (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa”, sidaa waxaa yiri Masuul aad u falanqeeya arrimaha Caalamka.

Xubinimadaan waa howl culus oo u baahan in kaalinteeda lagu buuxiyo si masuuliyadi ku jirto. “Xaaladaha qasan ee hadda dunidu dhex maquuraneyso, iyo loolanka awoodaha dunida, kursigaan waxaa laga dhaxli karaa eedo heer gobol, heer qaarad, iyo heer caalami ah, kuwaasi oo sii kordhin kara cadowga Ummadda Soomaaliyeed, saameyn karana taageerada aan dalalka qaar ka helno”. “Bal qiyaas, marka dal miisaaniyaddeenu ku tiirsan tahey taageeradiisa dhaqaale ama amnigeena qeyb ka ah aan ka codeyno ama u codeyn weyno?”

Maxaad dowladda Soomaaliyeed kula talin laheyd?: inta badan falanqeeyayaasha waxay talo ahaan u soo jeedin sidan:-

1) In khubaro dublaamsiyadeed oo gaar ah lagu xoojiyo Ergada, waqtina la siiyo madaxda hadda Ergada joogta, kuwaasi oo wax badan qabtey, waxna kororsadey

2) In miisaaniyad ku filan loo qoondeeyo Ergada, tababaro joogta ahna la siiyo;

3)  In aan caadifan loo adeegsan kursigaan, lagana fogaado in go’aamo shaqsi lagu saleeyo soo jeedinada iyo codka kursigaan

4) In aan kursigaan uga faa’iideysanno dunida, kuna kasbanno saaxiibo iyo xariiro waxtar u leh Qarankeena

5) In go’aamada lagu gaarayo kursigaan ay noqdaan kuwo si fiican loo ruugey, lana jaan qaadi kara siyaasaddeena arimaha dibadda iyo danaheena dhul, dhaqan, dhaqaale iyo amni.

By. Ruush