Guddiga arrimaha xabsiyada ee BJFS oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adaha UNSOM iyo UNDC

Guddiga arrimaha xabsiyadda ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyaddda federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adaha UNSOM iyo UNDC,waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ay wehliyaan xubnaha guddiga.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladaha xabsiga dhexe ee Xamar iyo sidii wax loogu qaban lahaa iyo sidoo kale horumarinta xabsiga.

Sidoo kale guddiga ayaa hay’dahan kala hadlay sidii xabsiyda dalka loogu dhameystiri lahaa adeegyada ay u baahanyihiin,waxyaabaha sida gaarka ah kulankan loogaga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sidii daryeel dhameystiran u heli lahaayeen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa Turkiga oo qadka taleefoonka ku wada hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waan waanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbanaannida, midnimada, iyo xudduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleema-saarka dhiggiisa Rwanda

Kigali, Ogostoo 11, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne Kagame, waxaa uuna ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Rwanda sida ay uga soo kabteen dagaalladii sokeeyee iyo qaran jabkii ku yimid dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Rwanda soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal .

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay Agaasimeyaal cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

   

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya mudane Mike Nithavrianakis, iyaga oo laga hadlay arrimo muhiim ah oo ay dooraahada ugu horreyso.

Inta uu kulanku socday, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa adkeeyey sida ay dowladda uga go’antahay hannaan doorasho oo ay dadku rabaan.

    

Xildhibaan Maxamed Cajiib oo loo doortay guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay doorashada guddoonka Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanadda ee Golaha Shacabka oo ka dhacday xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxa ay xubnaha guddiga si wadar ogol ah guddoomiyaha guddiga ugu doorteen Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib).

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanadda ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) oo doorashadiisa ka dib hadal kooban jeediyay ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga oo si wadajir ah ugu codeeyay iyo guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo marka hore u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa ,Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanadda ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu kula dardaarmay inuu dar dargeliyo shaqada guddiga,isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyeen guddoomiyaha cusub ee guddiga.

        

Madaxweynaha JFS iyo wafdi la socda ayaa gaaray dalka Rwanda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgelaya caleema-saarka Madaxweynaha Dalkaas Mudane Paul Kagame ayaa gaaray magaalada Kigali ee Caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda.

Madaxweynaha Dalka Rwanda Kagame oo soo xukumayay Rwanda tan iyo 2000 ayaa dhawaan mar kake loo doortay inuu hoggaamiyo dalka Rwanda oo lagu tiriyo mid kamid dalalka Afrika ee kobac dhaqaale iyo horumarka ballaaran sameeyay. Madax kala duwan ayaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan munaasabadda caleema-saarkiisa. 

Wasiir Maareeye ”Waxaan Qudaar iyo 10-kun oo Dollar soo gaarsiinay dadkii ku dhaawacmey weerarkii khawaarijta ee Liido”.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareey) oo kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay yalaan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta ee xeebta liido ayaa Xubnaha Guddiga gurmadka ku wareejiyay Qudaar iyo lacag gareyso 10-kun oo Dollar.

Deeqdaan waxaa wasiirka kala wareegay Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha mudane Xirsi Gaani iyo qeybaha kale ee guddiga, waxaana wasaaradda uga qeyb qadanaysaa deeqdaan gurmadka loo sameynaayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay weerarkii Xeebta Liido.

Wasiir Mareeyay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran u gurmashada dadka uu dhibku gaaray ay iska soo aruuriyeen deeqda isugu jirta Qudaarta iyo lacag.

Wasiir Maareeye ”Waxaan Qudaar iyo 10-kun oo Dollar soo gaarsiinay dadkii ku dhaawacmey weerarkii Xeebta Liido”.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareey) ayaa dhammaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeystaan khawaarijta arxanka daran ee xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka been sheegay Diinteenna Suubban ee Islaamka ah.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta Galmudug oo gaaray Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa gaaray Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isagoo halkaas u tegay xalinta shaqaaqo ka dhacday magaalada oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha iyo saraakiil ka socda xafiiska Xeer ilaalinta ayaa kormeeray suuqa Degmada Xarardheere oo shalay lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada degmada.

Guddiga horumarinta adeegga bulshada ee BJFS oo kulan su’aalo weydiin ah la qaatay guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka.

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa kulan su’aalo weydiin ah kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka dowladda oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta kale ee guddiga.

Kulanka oo ay shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa ugu horeyn guddoomiyaha guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxa uu xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha guddiga ,xaaladda shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo qorshayaasha guddiga u degsan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa mas’uuliyiinta guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda su’aalo ka weydiiyay shaqada guddiga iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda,waxaana xubnaha guddiga oo uu guddoomiyaha ugu horeeyo ka jawaabayeen su’aalaha uu guddiga weydiinayay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay mas’uuliyiinta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga.