Ra’iisul wasaare Xamse oo geesinimo ku abaalmariyey 3-dhallinyaro ah

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.

“Xukuumadda Danqaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteyseen bilad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Xukuumadda ayaa dhallinyaradan siisay fursad shaqo iyo abaalmarino, si loo qiro kaalintooda nafhurnimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Rwanda

Kigali: Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame, waxaana ay ka wada hadleen calaaqaadka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweyne Kagame oo dib loo doortay ayaa ugu hambalyeeyey horumarka uu dalkiisa ku hoggaamiyey.

   

 

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo daah-furay madasha isbaddalka dhaqaalaha dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda FS ayaa daah-furay madasha horumarka oo looga hadlayay dajinta qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha dalka ee deyn cafinta kadib.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay machadka Heritage oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa xaaladda dhaqaale ee dalka iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalkeenna.

Mundane Saalax ayaa madasha ka sheegay muhiimadda ay leedahay in dood noocan ah la yeesho iyo in Xukuumadda Dan Qaran ay ahmiyad wayn siisay horumarka dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS ayaa sheegay in dakhliga dalkeennu kor u kacay %56, oo ka dhigan in horumar wayn laga sameeyey dhinaca korodhka dakhliga iyo horumarka dhaqaalaha guud, waxa uu sidoo kale xusay in dalka deyntii laga cafiyay oo ka dhignayd guul wayn oo Soomaaliyeed.

    

Guddoomiyaha SODMA oo tababar u furay shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Jamaacadda Cilmiga Caafimaadka ee ku dhextaalla Isbitaalka Digfeer waxa uu tababar uga furay shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA.

Tababarkaan ayaa lagu baranayaa xirfadaha kala duwan ee gargaarka deg-degga ah, waxaana lagu dhisayaa kartida iyo aqoonta shaqaalaha SoDMA ee dhanka gurmadka deg-degga ah iyadoo ay iska kaashanayaan hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.

Wasiir Biixi Imaan Cige”In deyn nagala cafiyo kuma imaan Arji la qoray ee waxa ay ku timid shaqo adag oo dowladdu qabatay.”

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka wayb galay 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee 𝐇𝐞𝐫𝐢𝐭𝐚𝐠𝐞, madashaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray mowduuca cinwaan kiisu yahay “𝐃𝐚𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐨𝐛𝐚𝐜𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐲𝐧 𝐂𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛” halkaas oo uu Wasiirku ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay dhinacyo badan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa hadaljeedintiisii si gaar ah diiradda ugu saaray waddadii dheereyd ee loo soo maray hannaankii dayn cafin ee sida guusha ah ku soo gabagaboobay sanadkii la soo dhaafay ee 2023-ka.

Wasiirka Biixi ayaa si gaar ah u tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay ka miro-dhalinta qorshaha deyn cafinta iyadoo dalka ay ka jiraan duruufo badan oo ay ka midyihiin, la dagaalanka argagixisada, abaaraha, fatahaadaha iyo caabuqii Covid-19.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ka qayb galayaasha Madashaan horumarinta dhaqaalaha ka rajeeyay in ay soo saaraan qorshe wanaagsan oo ay dan ugu jirto dadka iyo dalka.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed “Garsoorka dalkeenna meeshii ugu fiicneyd ayuu marayaa.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay arrimaha garsoorka iyo cadaaladda dalka ayaa sheegay in hannaanka Garooska dalkeennu, meeshii ugu fiicneyd uu marayo, islamarkaana ay jiraan isbeddelo waa weyn oo la gaaray.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo la hadlayay arday Kuliyadda sharciga iyo qaanuunka ka barata jaamacadaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in Garsoorka dalka uu soo maray marxalado kala duwan oo loo noqon karo waqtigii Dowladnimada ka horeysay dadkeenuna ay ahaayeen xoolo dhaqato iyo Beeraley, xilligaas oo dadka Soomaaliyeed loogu garnaqi jiray geed hoostiisa, garsoorayaashuna ay ahaayeen culumadeenna iyo odayaasheenna.

” Garsooka Soomaaliya markaas tadawur iyo horumar iyo isbeddel ayuu runtii intaas sameynayay, isagoo daruufiihiisa kala duwan yihiin oo marba daruuftiisa ay ku xiran tahay meesha uu ka shaqeynayo, laga yaabee marka uu federaalka iyo gobolka Banaadir joogo iyo marka Hirshabeelle, Galmudug,Koonfur Galbeed, Jubbaland ama Puntland uu joogo wax xoogaa daruufahooda kala duwan yihiin,laakiin horumar fiican ayuu sameynayaa,isbeddelo waa weyna muddooyinkii ugu dambeeyay waa la sameeyay,”  ayuu yiri Garyaqaan Baashe.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in hay’adda Garsoorka ee dalka ay tahay hay’adda kaliya ee dadka ay qaadaneyso ku qiimeysa imtixaan iyo tartan furan oo qof dadaalkii ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay ahmiyadda ay leedahay in la helo hannaan Garsoor oo cadaallad ah, kaas oo bulshada Soomaaliyeed ay ku wada qanacsan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda oo dhawaan la baneeyay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhawaan la baneeyay.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxda ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta Wasaaradda, waxa ayna u mahadceliyeen shacabkii halkaasi deganaa garowshiyaha ay ka muujiyeen in ay baneeyaan xarunta Wasaaradda kadib markii loo soo baahday xarunta in dib-u-dhis lagu sameeyo isla markaana ay ku shaqeyso Wasaaradda.

Madasha Horumarinta Soomaaliya oo goordhow Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah waxaa ka furmay Madasha Horumarinta Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan wasiirro,xildhibaano iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo Dibadda.

Madashan oo sanadkaan looga hadlayo, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib, waxaana soo qaban qaabiyay Machadka Heritage.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan oo ka hadlay madasha ayaa ku  bogaadiyay Macahadka Heritage iyo Jaamacadda City dowrka weyn ay ku leeyihiin dowlad dhiska.

“Qaran jabkii waxaa ka dhaxalnay in Qarankii uu Qaaraamooway. Waxa aan ka dhaxalnay in aynu luminno mataaladdii iyo maamuuskii aynu lahayn.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Bixi Iimaan Cige

“Waxaa la soo jeedin doonaa 20 Cilmibaaris, hadafka laga leeyahay waa in la helo dadka aqoonta u leh dhaqaalaha in ay iswareystaan, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage, Mudane Mursal Saney.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed “Waa in aan ka faa’ideysannaa fursadaha, mas’uuliyiinta waxa ay abuuraan fursadaha, ka culimo ahaan aad ayaan u xiiseeneynaa waxyaabaha nagu soo biiraya”.

Waxaa Magaalada Accra ee dalka Ghana lagu soo gabo gabeeyay Shirka agaasimayaasha Furdooyinka Afrika ee AFCFTA.

Shirkan oo ahaa meertadii 8-aad ee agaasimayaasha Furdooyinka Afrika ayaa looga hadlay fududeynta Ganacsiga, wada shaqeynta Furdooyinka Afrika iyo hannaanka maareynta gaadiidka Transit-ka ku ah Furdooyinka Afrika.

Dhinaca Soomaaliya oo ku matalayay wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha Furdooyinka dalka ee Wasaaradda Maaliyadd Abuukar Sheekh Axmed Mursal iyo khubaro ka socday Kastomka dalkeenna ayaa madasha kulanka kusoo bandhigay aragtiyo tilmaan u ah horumarka iyo dib u habeynta Furdooyinka dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan la qaatay madaxa UNDP ee Somaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta la kulmay madaxa UNDP ee Somaaliya Mr. Lionel Laurens.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi laha wada shaqeynta ka dhexeysa SoDMA iyo UNDP iyo weliba sii amba qaadidda mashaariicda horumarineed ee ay labadda Hay’adood ka wada shaqeeyaan.